Home Blog Page 819

Dowladda Hoose Ee Xudur Oo Olole Nadaafadeed Ka Sameysay Gudaha Suuqa Caanaha ‘Sawirro’

Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Xuddur, ayaa maanta olole nadaafadeed ka sameeyay suuqa caanaha lagu iibiyo ee magaalada, halkaas oo ay ka jirtay nadaafad xumo aad u daran, sid ay sheegeen saraakiisha degmada.

Xoghayaha Dowladda Hoose, C/fitaax Maxamed Boorow, ayaa sheegay in shaqada suuqa la joojiyay labo maalin taas oo loogu gol leeyahay in nadaafadda suuqa la hagaajiyo, maadaam ganacsatada suuqa ay shaqada u joojiyeen nadaafad darada halkaas ka jirta awgeed.

Ka sokow suuqa caanaha, waxaa kale oo ololaha nadaafadda laga sameyay qeybta dharka lagu tolo kuwaas oo shaqada u joojiyay ololaha halkaas ka socda.
Guddoomiyaha xafiiska Maaliyadda degmada Xuddur Aadan Cabdi Abaarey ayaa ganacsatada ku war geliyay in suuqa labo maalin xirnaan doono inta ololaha nadaafadeed uu ka soo idlaanayo.

Suuqa caanaha ee degmada Xuddur waxaa uu kamid yahay meelaha ugu mashquulka badan maalin kasta waxaa halkaas yimaada boqolaal shacab ah oo isugu jira kuwa caanaha keena iyo dadka iibsada.

R/Wasaare Kheyre Oo Gaaray Garowe Si Uu Uga Qeyb galo aaska R/wasaarihii Hore AU Marxuum Xasan Abshir (Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Gobaleedyada Soomaaliyeed ee Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxda kale ee la socotay.

Wafdiga uu horkacayo Xasan Cali Khayre ayaa waxa ay halkaasi kaga qeyb galayaan aaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa saaka ka kicitamay magaalada Dhuusamareeb oo uu ku sugnaa maalmihii u dambeeyay munaasabadda Aaska oo ka dhacaya Garowe waxaa ka qeyb galaya madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada oo dhan sida Madaxweynaha Jubbaland, Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed.

Imtixaanaadka Fasallada 8-aad Ee Ceel-Berde Oo La Soo Gabogabeeyay “DHAGEYSI, SAWIRRO”

Waxaa Si rasmi ah u soo Gabo gaboobay Imtixaanaadka heerka dugsiyada dhexe ee gaar ahaan ardayda ku dhaqan magaalada Ceel-Berde ee Gobalka Bakool.

Imtixaanka Heerka Dugsiyada Dhexe ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee XFS oo kaashaneysa Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Goballeedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo uu si isku xilli ah uu imtixaanku uga dhacay gobollada iyo magaalooyinka dalka oo dhan.

magaalada Ceel-Berde ayaa haatan waxa ay rajeynaysaa in ay ardayda u heli doonaan dhsimo dugsi sare oo Xarigga Ka Jartay wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ay arday haatan dhammeysay Dugsiga Dhexe ay heli doonaan Xarun Dugsi sare ee Ceel-Berde.

Burburkii Soomaaliya 1991-kii wuxuu saameyn xoog leh ku yeeshay xarumihii waxbarashada, balse dowladda Federaalka Soomaaliya oo Kaashaneysa Maamul Goballeedyada dalka ayaa juhdi ku bixisay sidii loo dhisi dugsiga sare ee Ceel-Berde si Ardayda fasalka 8-aad dhammeysatay sanadkan ay waxbarashada dugsiga sare ugu dhammeystaan.

Maxamed Sheekh Xuseen Xaaji Cumar oo ah Guddoomiyaha Waxbarashada Ceel-Berde ayaa khadka Telefoonka nooga waramay isagoo jooga Degmada Ceel-Barde goordhow.

DHAGEYSO WAREYSIGAN:-

 

Carruur Walaalo Yar Oo Ku Geeriyooday Dab Koronto Oo Qabsaday Guri Kuyaala Magaalada Boosaaso”Sawirro”

0

Dabkaan oo ka kacay guri ay deganaayeen qoys danyar ah oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari,ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho ah iyo burbur hantiyadeed.

Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dabka ay ku geeriyoodeen afar carruur ah oo saddex ka mid ah ay walaalo yihiin, iyo gurigii ay daganaayeen oo gebi ahaanba gubtay.

Gaadiidka dab-damiska oo ay kala leeyihiin dowladda Hoose ee degmada Boosaaso iyo Shirkadaha Isgaarsiinta Deegaannada Puntland ayaa markii dambe ku guulaystay in ay demiyaan dabka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Boosaaso oo goobta gaaray ayaa wado dadaallo lagu qiimeynayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay debka.

Ma cadda illaa hadda waxa sababay dabka waxeysa wararka qaar sheegayaan in debku uu ka dhashay koronto.

 

Cabdi Xaashi C/laahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Garowe Kaga Qeyb galay Aaska Madaxweynihii Hore Ee Puntland

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland mudane Saciid C/laahi Deni ayaa magaalada Garowe ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo gaaray halkaas si ay uga qeyb galaan aaska Qaran oo loo sameeyay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goballeedka Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi Oo Dhowaan  Ku geeriyooday Dalka Kenya.

Wafdiga oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.

Aaska marxuumka oo ka dhacay magaalada Garowe ayna ka qeyb galeen gebi ahaan madaxweyneyaasha Dowlad Goballeedyada iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo aas qaran loogu sameeyay meydka Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland oo Dhowaan ku geeriyooday dalka Kenya.

Wasaaradaha Shaqada Iyo Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Wadadlay Bad-Qabka Shaqaalaha Rayidka.

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta wada-hadallo ka yeeshay bad-qabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, iyadoo daba-gal lagu sameynayo sida ay hay’adaha Dowladda u dhaqangaliyeen fariimaha caafimaadka ee la xiriira ka hortagga caabuqa Covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xoojiyay si dhaqso ah inay ugu dhammeystirto xarumaha hay’adaha Dowladda agabka lagama maarmaanka u ah ka hortagga Coronavirus.

 

Imtixaanka Fasaladda 8-aad ee Gobalka Banaadir Oo Soo Gaba-gaboobay+Sawirro

0

Guddoomiye Ku xigeennada Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir Mudane Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshda Gobalka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalada 8-aad oo Afartii Maalin ee la soo dhaafay ka socday Gobolka Banaadir oo ay u fariisteen ku dhowaad 27,000 oo Arday, kaa soo ay maamulayeen maamulka Gobalka Banaadir.

Masuuliyiintaan ayaa maanta kormeer ku sameeyay goobaha ay imtixaanaadka ay ka socdeen iyagoo dhirigalinyay ardayda waxaana ay in tabadan ku dhiiri galiyeen inay xoogga saaraan waxbarashada.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ardayda nasiibka u yeeshay in imtixaanka ay si nabad ah ku dhameystaan iyadoo dalka uu wali xoogga saarayo xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19, sidoo kale Gobolka Banaadir waa ka go,antahay in kor loo qaado heerka waxbarashada gobolka .ayay ku dartay guddoomiye Basmo.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa 11-kii bisha furay Imtixaanka fasalada 8-deedaad Gobalka Banaadir iyagoo ay sanadkaan fadhiisteen in ka badan 27,000.

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Oo Guddoontay Agabka Waaxda Farsamada & Tababarrada “Sawirro”.

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay maanta kala wareegtay Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Jarmalka (GIZ) agab iyo qalab xafiiseed loogu talo galay Waaxda Farsamada Gacanta iyo Tababarrada ee Wasaaradda. Taageerradan ayaa door ku yaallanaysa dedaallada lagu horumarinayo xirfadaha iyo tababarada.

GIZ waxaa ay ka mid tahay hay’adaha caalamiga ah ee Iskaashiga wanaagsan la leh Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , iyadoo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Sadik Warfa uu dhowaan sheegay in diiradda la saarayo sidii lagu horumarin lahaa xirfadaha si loo dhimo shaqo la’aanta ay wajahaan dhallinyarada.

Wasiirka Boostada Soomaaliya Oo Ka Qeybgalay Kulanka Guddiga Maamulka Hay’Adda Isgaarsiinta Qaranka

0

Wasiirka Boostada iyo isgaariista XFS mudane ENG Cabdi Canshuur Xasan ayaaa maanta ka qeybgalay Kulanka Guddiga Maamulka (Board) ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ).

Wasiirka Canshuur ayaa xubnaha Guddiga la wadaagay waxyaabaha ay Dowladdu ka fileyso kulankan oo ay ugu muhiimsan tahay dhaqan-gelinta go’aamadii ka soo baxay shirkii la qabtay la qabtay 15-kii Juun ee ay ka soo qeyb galeen shirkadaha Isgaarsiinta bixiya (MNOs), HIQ, Wasaaradda iyo Garyaqaanka Guud ee Qaranka, kuwaas oo ah in go’aamada ka soo baxaya HIQ la marsiiyo hannaanka uu sharcigu dhigayo sida kulankan oo kale, ka dib marka lagala soo tashto dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Sidoo kale wasiirka boostada ayaa shegay Xilligan Wasaaradda iyo xukuumadda guud ahaanba in ay ah ahmiyad gooni ah u leedahay bixinta rukhsadaha isgaarsiinta si shirkadaha looga dhigo kuwo ku shaqeeyo nidaam sharciyeed, kadibna ay u qaataan rukhsadaha kale ee khuseeya sida rukhsadda lacagaha taleefoonka lagu gudbiyo ee uu diyaariyey Bangiga Dhexe ee Dalka (MMT).

Bixinta rukhsadaha Isgaarsiinta waa halbeeg muhiim u ah qorshaha deyn-cafinta dalka, waxaana idinka filanaynaa in aad howshaan ku soo gabagabeyn doontaan waqti kooban.
Wasiir canshuur “Go’aamada ka soo baxa kulankiina waxa aad la soo wadaagi doontaan Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, taas oo ka dib kala tashan doonta Wasaaradda Maaliyadda arrimaha khuseeya qiimayaasha.

Ugu danbeeyn Wasiirka Boostada iyo isgaariista XFS mudane ING Cabdi Canshuur Xasan ayaa kula dardaarmay Guddiga iyo Maamulka Hay’addaba inay dadajiyaan hawlaha horyaalla si loo dhammeystiro nidaaminta suuqa isgaarsiinta Soomaaliya oo ahmiyad u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed intaba.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Oo Qalabka Ka Hortago Covid-19 Gaarsiisay Magaalada Cadaado+Sawirro

0

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortaga iyo xakameynta cudurka Covid-19 gaarsiisay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Agabkaan oo ka koobnaa guud ahaan qalabka nadaafada sida maaska afka lagu xerto,gacmo gashi,dareeraha gacmaha lagu dhaqdo,joodariyaal iyo kuwa kale oo muhiim ah daryeelka dadka uu soo rito xanuumka Covid19 ayaa waxaa loogu talagalay bulshada ku nool degmada Cadaado iyo deegaannada ku agdhow.

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa waxaa ay agabkaan ka heshay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa xafiiska midowga Yururb ee Soomaaliya.

Masuuliyiinta maamulka degmada Cadaado oo la wareegay qalabka ayaa ka warbixiyay baahida ay u qabeen maadaama ay ka mid tahay meelaha uu sida xooggan usaameeyay cudurka Karoona Feyrsuka.

“Waa mid ka mid baahiyaha aan qabnay inaan helno agabkaan maxaa yeelay waayahaan waxaa sii kordhayay tirada dadka uu soo ridanayo cudurka, mana aheyn waxa aan awoodno ka maamul ahaan ayuu yiri Madaxa Caafimaadka degmada Cadaado Dr. Cabdi Xasan Cali oo la hadlay warbaahinta.

C/laaahi C/raxmaan Xuseen oo ah Guddoomiyaha Degmada Cadaado ee Gobalka Galguduug ayaa uga mahadceliyay Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowladda Dhexe iyo tan Gamudug doorka ay ka qaadanayaan la dagaalanka cudurka iyo xakameynta sida uu bulshada usaameeyay.