Halkaan ka Daawo Barnaamijka Qalin iyo Qoraal.
Dowlada Masar oo muwaadiniinteeda kala baxday gobolka Tigreega ee Itoobiya.
Dowladda Masar ayaa sheegtay inay ku guuleysatay inay kala soo baxday 9 qof oo ka mid ahaa muwaadiniinteeda kuna go’doonsanaa gobalka Tigreega ee ee ay ka socdaan dagaalada dalka Itoobiya,
Safaaradda Masar ee Itoobiya oo warbixin kaoo saartay arrintaan ayaa sheegtay in lagu guuleystay in muwaadiniin Masaari ah laga soo saaray magaalada Mekele ee xarunta u ah gobalka Tigreega.
Safaaradda ayaa intaas ku dartay in dadaalka looga soosaray muwaadiniintaan halkaas uu qaatay muddoo laba isbuuc ah, iyadoo ay gacan wayn ka geystayn Qaramada Midoobe, Laanqeyrta Cas iyo dowladda Itoobiya.
Safaaradda ayaa ugu baaqday muwadiiniinta kale ee jooga gudaha Itoobiya inay muujiyaan degganaan, xiriirna la lahaadaan maamulka safaaradda si loo caawiyo.
Dalka Mareykanka: kororka Covid 19 oo sababay in la soo rogo xayiraado hor leh.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Mudane Tim walz Ayaa caaway soo saaray amaro lagu xirayo goobbaha laga adeegto sida maqaaxiyaha,goobaha ciyaaraha & baararka.
Go’aanka Gudoomiayaha Gobolka yaa waxaa ka hadlay Somali badan oo isugu jirta siyaasiin,ganacsato & qaar ka mid ah shaqaalaha goobaha laga adeegto.
Tallaabadaan ayaa timid xilli tirade dadka Mareykanka ee u dhintay cudurka COVID-19 ay gaarayaan 250,000,sida uu ku soo waramay wakiilka war-baahinta qaranka ee dalka maraykanka Abdihakim Abdi Ismail,
Dhinaca kale,In ka badan rubuc milyan qof ayaa COVID-19 ugu geeriyootay Mareykanka, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins University oo aruurisa xogaha safmarka coronavirus.
Mareykanka ayaa laga diiwaan geliyay 250,029 oo ruux oo dhimasho ah, waana dalka ugu dhimashada badan caalamka, waxaana xiga dalka Brazil cudurka corona ugu geeriyoodeen 166,699 oo ruux, India oo ku jirta kaalinta sadexaad ayaa dhimshada waxay maraysaa 130,993 oo ruux halka Mexico 99,026 qof u dhinteen safmarka coronavirus.
Arbacadii, madaxweynaha la doortay Joe Biden waxaa uu ka dhigay, “ Ma heysano waxyaabo badan oo aan kaga hor tagno sida qalabka la isaga ilaaliyo tallaalka COVID-19.
Magaalada New York waxaa la xirey dugsiyada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.
Mareykanka arbacadii, waxaa laga diiwaan geliyay in ka badan 1,000 qof oo dhimasho ah iyo 150,000 oo kiisas cusub ah.
Magaalada Hargeysa Qaban qaabada Aaska AUN Cumar Carte Qaalib ay Ka Socota.
Magaalada Hargeysa, saaka waxa ka socota qaban qaabada aaska Allah u naxariistee, Cumar Carte Qaalib, oo shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaaladaas oo uu ku xanuunsanayay.
Axmed Saciid Cige, oo kamid ah dadkii ay soo wada shaqeeyeen ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya ahaana rug caddaa dhanka diplomaasiyadda ah ayaa sheegay in saaka lagu aasi doono quruubaha Baqiic ee magaalada Hargeysa.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo magacaabay xubnaha dowladda Federaalka uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha dowladda Federaalka uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Halkan ka akhriso

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacabay Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada Banaadiriga.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada Banaadiriga.
Halkan ka akhriso

