Home Blog Page 821

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay aflagaadadii lagula kacay Suubanaheena CSW.

0

MUQDISHO, Oktoobar 29, 2020: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.

Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Mas’uuliyiinta Maamulka cusub ee Gaalkacyo.

0

Sama-reeb (SONNA)-Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xafiiskiisa maantay ku qaabilay Duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sh Xasan iyo ku xigeenkiisa, ayadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaan ka bixiyey aragtida Galmudugta cusub ee degmooyinka Galmudug iyo waajibaadka horyaalla maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo, ayadoo dhanka kale guddoomiye C/raxmaan uu ballanqaaday inuu ku shaqayn doono tilmaamaha iyo siyaasaadka Galmudug, kana shaqayn doono horumarka iyo danaha dadka reer Gaalkacyood.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku booriyay Maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo inay bulshada ugu adeegaan si cadaalad ah.

 

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gaaray Cadaado.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Maxamed Xasan “Xijaar” iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa dhawaanahaan waday u kuurgelidda, qiimeynta xaaladaha amniga iyo kormeerka xarumaha boolisa Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sareeyo Gaas Cabdi Maxamed Xasan “Xijaar” ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin madaaxtooyada Cadaado iyo Saldhiga booliska magaalada Cadaado halkaasi oo uu dalacsiin ciidan uu ka sameeyay taliyaha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Xasan ayaa maalmaha uu joogo magaalada Cadaado waxa uu kormeer ku tagi donaa goobaha ciidanka magaalada Cadaado iyo deegannada hoosyimaada.

  

Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Ganacsiga oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

0

Munaasabadan oo ay xilka kula wareegayeen Wasirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda mudane Cali Maxamed Bagadi ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahad Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirkii hore ee Ganacsiga Eng Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirudaha Wasaaradda ganacsiga oo markale dib xilkan loogu magacaabay , shaqaalaha Wasaaradda, Ganacsato iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Soomaaliya Eng, Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomaday Wasaaradda mudada uu joogay, oo ay ka mid ahayd hirgelinta sharciyo muhiim u ah ganacsiga iyo heshiis caalami ah, isagoo ganacsatada ku booriyay inay la shaqeeyaan madaxda cusub ee Wasaaradda,

Wasirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Somaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii sare loogu qaadi lahaa koboca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku booriyay ganacsatada Soomaaliyeed sida ay markasta uga shaqeeyaan kobaca dhaqaalaha dalka iyo garab istaaga dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa la guddoonsiiyay Shahaado sharaf oo ay u garteen shaqaalaha Wasaaradda, waxaana sidoo kale abaalmarino la guddoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeenada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda Ganacsiga.

  

Dibad-bax ka dhan ah aflagaadadii hoggaamiyaha Faransiiska uu u geystay nabi Muxammad (NNKH) oo ka dhacay Gaalkacyo.

0

Isu soo bax looga soo horjeeday aflagaadadii madaxweynaha Faransiisku uu ugeys nabigeenna Muxammad (NNKH) ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Bannaan baxayaasha oo isugu jiray arday,ganacsato, culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qeyblinayay erayo ka dhan ah Faransiiska.

Qaar kamid ah culimada oo la hadlay bulshada ayaa uga mahadceliyay shacabka sida ay u muujiyeen dareenkooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin difaacidda diinta Islaamka iyo nabigeenna naxariis iyo nabad gelyo korkiisa Allaha yeelee,waxeyna tilmaameen in aflagaadada loo geysto aysan waxba ka dhibeyn nabigeenna Muxammad.

Isu soo baxa ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo wuxuuna jawaab u yahay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Faransiiska oo ahaa in sawir gacmeedyada nabiga loo ekeysiiyay ay sii wadi doonaan, kaddib markii macalin dhiga iskuul uu ardaydiisa u sawiray, sawir uu uga been abuurtay nabigeenna, arrintaas oo Faransiisku uu dhibaato xooggan uu kala kulmay kaddib markii badeecadihiisa laga joojiyay waddamo badan.

  

Munaasabad lagu soo dhaweynaayey dib u magacaabista wasiir Beyle oo lagu qabtay Muqdisho.

0

Munaasabad lagu soo dhaweynayay dib u magacaabidda Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo qeybaha ururada bulshada.

Wasiirka Maaliyadda ukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka mid ah wasiirrada dib loogu magacaabay, kaddib markii golaha shacabku uu kalsoonida kala laabtay xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kheyriye Maxamed Cali, Diiriye Geelle Cali iyo Xuseen Nuur  oo ka mid ahaa qaban qaabiyeyaasha munaasabadda ayaa madaxda Qaranka uga mahadcelisay fursadda ay markale siiyeen wasiir Beyle ,iyagoo xusay in uu dalka shaqo wanaagsan u soo qabtay muddadii uu xilka hayay,waxayna halkaasi markale ugu hambalyeeyeen mas’uuliyadda loo igmaday.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka u kala wareejiyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha, iyo Amniga ee XF Soomaaliya.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Amniga.

Eng. Rooble ayaa ku ammaanay Wasiirradii hore ee xilka wareejiyey howlkarnimadii ay muujiyeen mudadii ay xafiiska joogeen, isagoo tilmaamay in labadani wasaarradood ay kamid yihiin lafdhabarka dowladda, loogana fadhiyo wasiirrada cusub ee xilalka la wareegay waajibaadkooda in ay u gutaan si caddaalad ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada xilka la wareegay in dalkooda ay ugu shaqeeya si daacaad ah, maadaama wasaaradaha ay la wareegeen muhiim u yihiin dowladnimada, gaar ahaan Amniga, Federaaleynta iyo dib-u-heshiisiinta.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub Gen. Mukhtaar Xasan Afrax, halka Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Isloow xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub Mudane Xasan Xundumeey Jimcaale.

Hey’adda UNICEF oo war kasoo saartay shaqaale maanta lagu dilay Muqdisho.

0

Hey’adda UNICEF ee Qaramada midoobe ayaa cambaareysay weerar lagu dilay labo ka mid ah shaqaalaha talaalka cudurka dabeysha kaasi oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa UNICEF ee Soomaaliya Jesper Moller ayaa lagu sheegay in UNICEF ay argaxgaxday falka lagu dilay labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha talaalka kuwaasi oo shaqo ku jiray.

“Shaqaalahan geesiyiinta waxay naftooda halis u galiyeen in adeega caafimaadka oo ay aadka ugu baahanyihiin gaarsiiyaan caruurta nugul ayaa lagu yiri qoraalka.

UNICEF waxay tacsi u dirtay qoyska iyo ehelka ay ka baxeen shaqaalaha gargaarka ee la dilay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in UNICEF ay si xoog leh u canbaareyneyso weerarka fuleynimada leh ee lagu dilay shaqaalaha waxayna ka codsatay dowlada soomaaliya baarintaan buuxa.

Weerarada ka dhanka  ah  shaqaalaha gargaarka waxay xad gudub ku yihiin sharciyada caalamiga.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo soo xiray shirka mashaariicda deegaannada maamulkaasi+Sawirro

0

Ku-simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka  Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa maanta shir usoo xiray degmooyinka iyo gobolada puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee jplg.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka  puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa boggaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka iyo gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee dowladdaha hoose ee law-7 si uu hirgalo qorshaha maamul daadejinta.

Shirkaan oo maalmo socday waxaa ka qeyb-galay maayarada degmooyinka, isu-duweyaasha, guddoomiyeyaasha gobolada puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee jplg, machadka dowladdaha hoose ee puntland, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta puntland oo shirka soo diyaarisay iyo wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka.