Home Blog Page 818

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Galdogob gaaray+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal ku jooga Puntland ayaa maanta gaaray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Ujeeddada socdaalka ayaa qeyb ka ah kormeer uu Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sameynayaan deegaannada ay ka socdaan mashaariicda taageerraya qoysaska nugul iyo kuwa saameynta uu gaarsiiyay Ayaxa.

“Waxay ii tahay arrin muhiim ah imaatinkeyga Galdogob, socdaalkan wuxuu qeyb ka yahay socdaal aan ku soo marey deegaanno ka tirsan Puntland” ayuu yiri Wasiir Duraan oo dulleedka magaalada kula hadlay mas’uuliyiinta Degmada iyo qeybaha bulshada oo halkaa ku soo dhaweeyay.

“Waxaan kormeer iyo qiimeyn ku sameyn doonaa mashaariicda Baxnaano ee ka socda degmada oo lagu taageerayo Qoysaska nugul iyo kuwa uu Ayaxu saameynta u geystay.” ayuu ku daray isagoo u mahadceliyay mas’uuliyiinta degmada iyo qeybaha bulshada ee sida ballaaran u soo dhaweeyay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inuu kulamo la qaadanayo mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha bulshada, waxaa kalo uu xaqiijiyay inay tagi doonaan wafdiga uu hoggaaminayo goobaha muhiimka ah ee u adeegga bulshada.

Degmada Galdogob oo ah deegaan Xoolo-dhaqato iyo beeralay ay ku noolyihiin ayaa ka faa’iideysanaya barnaamijka Baxnaano, gaar ahaanna mashaariicda taageeraya bulshada nugul iyo qoysaska uu saameeyay Ayaxa.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxayna ka wada hadleen xal u helida fatahaadaha kusoo noq noqday gobolka Hiiraan.

Dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ay ka wado Gobolka Hiiraan gaar ahaan Mashruuca ka hortagga fatahaadaha iyo sidii loo xakamayn lahaa masiibadaas soo noqnoqotay, ayaa saldhig u ahaa kulanka dhex maray Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa Ugaaska uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda, wuxuuna dhinaca kale xusay in Wasaaradda ay ku howlantahay xal u helidda fatahaadaha iyo xakameynta Ayaxa.

“Ugaaska iyo xubno la socday ayaan ku soo dhaweynay Wasaaradda, runtii waan uga mahadcelinayaa Ugaaska sida uu noogu soo booqday xarunta Wasaaradda, waxaan warbixin ka siinay mashaariicda Wasaaradda Beeraha ee ka socda Hirshabeelle guud ahaan gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo ay ugu muhiimsantahay hakinta fatahaadaha soo noq noqday ee Gobolka, si gaar ah mashruuca ay isla fulin doonaan Wasaaradda Beeraha, Hirshabeelle iyo FAO oo ah xakameynta fatahaadaha oo ay maal gelineyso dowladda Talyaaniga, Ugaaskana aad ayuu u soo dhaweeyay, wuxuuna naga codsaday in mashaariicda ay si sax ah ku fulaan, lana soo afjari lahaa aafooyinka fatahaadaha” ayuu yiri Wasiirka Beeraha oo hadalkiisa ku daray in Ugaaska uu ka mahadceliyay dadaallada Wasaaradda Beeraha ay ugu jirto xakameynta fatahaadda webiga Shabeelle.

Shirkadda diyaaradaha Dalka Rwanda oo duulimaadyo toos ah ka bilaabeyso dalal ay Soomaaliya ka midtahay.

0

Baarlaaanka dalka Rwanda ayaa ansixiyay heshiis ay diyaarada Rwanda Air ugu duuleyso shan dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

Waaxda duulumaadka Rwanda ayaa sheegtay in qorshahan uu sare u qaadi doona shaqada shirkadda diyaarada oo uu habacsanaan ku keenay xanunka karoona.

Wadamada ay heshiiska la gashay dowladda Rwanda oo ay diyaaradeeda duulimaadka ka bilaabeyso ayaa kala ah Brazil, Democratic Republic of Congo, Namibia, Somalia iyo Tunisia.

Arintan ayaa balaarineysa duulimaadka Rwanda Air waxayna ka dhigeysaa 52 dal .

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo laba Mashruuc muhiim ah kala wareegtay Hay’adda FAO+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa Hay’adda Qaramada Midoobay uqaabilsan Beeraha iyo cuntada ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano FAO kala wareegtay maamulka Mashruucyada FSNAU iyo SWALIM oo ka shaqeeya Arrimaha waraabka iyo sugnaanta cuntada.

Agaasimayaasha iyo Qubarada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan ay ku falanqeeyay guusha ay Wasaaraddu ka gaartay lasoo wareegidda ay FAO kala soo wareegtay labada mashruuc ee  kala ah FSNAU iyo SWALIM oo ka shaqeeya Arrimaha Waraabka iyo sugnaanta cuntada, kuwaas oo muhiim u ah dalka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukumudda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in 20 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda beeraha ay ka howl galeen labada mashruuc, kuwaasoo noqonaya kuwa sida tooska ah ula wareegi doona shaqooyinka ay qaban jireen Hay’adahaas oo ay horey u maamuli jirtay FAO.

“Waxaan maanta yeelanay shir ay ka soo qeybgaleen quburada Wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee qaabilsan arrimaha Waraabka iyo badbaadada cuntada, shirkaas oo looga gol lahaa  in la iska xogwareesto geegdi socodka la soo wareegidda Hay’adaha FSNAU iyo SWALIM oo muddo dheer ay gacanta ku haysay Hay’adda FAO, taasoo lasoo wareegiddeeda ay Wasaaraddu ku howlaneyd muddo labo sano ah, haatana ay la soo wareegtay” ayuu yiri Wasiirka Beeraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Galmudug oo dhagax dhigay xarunta Dhallinyarada Hobyo+(SAWIRRO).

0

Munaasabadaan lagu dhagax dhigayay Xarunta hanuuninta iyo Horumarinta Dhallinyarada ee Degmada Hobyo ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka Degmada iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Galmudug.

Guddoomiyaha Degmada Hobyo Cabdulaahi Axmed Cali Faad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Cumar Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Xaruntaan ay muhiimad u leedahay Dhallinyarada ku nool Hobyo.

Dhallinyarada ku nool Degmada  Hobyo iyo Deegaannada hoos yimaada ayaa baahi weyn u qabay  in lahelo xarun dhallinyaradu ku kulmaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo+(SAWIRRO).

0

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka Arimaha dibadda Demeke Mekonnen ayaa gaaray dalka Congo DR halkaas oo uu kula kulmay madaxda dalkaasi

Demeke Mekonnen ayaa qasriga Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha DRC Félix Tshisekedi oo uu guddoonsiiyay fariin uu ka siday Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Demeke wuxuu sheegay in howlgalka ka soconaya waqooyiga Itoobiya uu yahay soo celinta sharciga iyo kala danbeynta dalka u degsan.

Wuxuu tilmaamay in dowladda uu ka dhamaaday xamilkii ama dulqaadkii kaddib markii 4-tii November PLF ay weerareen Taliska waqooyi ee ciidanka Itoobiya kaas oo ku yaala Gobalka Tigreega.

Mr Demeke Mekonnen waxaa kaloo uu sheegay in dhawaan la soo afjari doono howlgalka ka dhanka ah Ismaamulka Tigreega.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalka Itoobiya ay taageero kaga raadsaneyso wadamada Afrika, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo badan oo caalami ah, kuwaas oo ah in wada hadal lagu xaliyo dagaalka Itoobiya .

Demeke Mekonnen ayaa horay booaday wadamada Kenya, Rwanda iyo Uganda.

Dowlada Itoobiya oo Madaxa WHO ku eedeysay in uu La shaqeeyo TPLF.

0

Taliyaha ciidanka Itoobiya General Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay madaxa heyada WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus in uu xiriir la leeyahay oo uu la shaqeeyo kooxda TPLF oo dowlada Itoobiya dagaal kula jirta.

General Berhanu Jula Waxa uu tilmaamay in madaxa WHO uu sameeyay wax kasta oo uu ku taageeri karo TPLF oo aanu waxbo reeban. Wuxuu sheegay in uu ka shaqeeyay sidii ay hub ku heli la haayeen.

WHO wali kala jawaabin eedo culus ee loo jeediyay hogaamiyaheeda, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka hor xilka WHO wuxuu ahaa wasiirka caafimaadka Itoobiya waqtigii ay TPLF talada dalka heysay.

Xuska Munaasabadda nadaafada waarta iyo halista isbedelka cilimadda gaar ahaan dadka barakacayaasha oo lagu qabtay magaalada Xudur ee gobolka Bakool+(SAWIRRO).

0

Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha dowlad goboleedka soomaaliya oo kaashanaysa hay’adaha feydhowrka ka shaqeeya ee ka howgala magaalada xuddur waxay qabatay Xuska Munaasabadda nadaafada waarta iyo halista isbedelka cilimadda oo loogu gonleeyahay in layareeyo xanuunada ka dhasha nadaafadarida, waxana ka soo qeyb galay maamulka gobolka, maamulka degmada, hay’adaha feydhowrka ka shaqeeya iyo bulshada inteeda kale.

Isuduwaha Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha dowlad goboleedka Konfurgalbeed ee gobolka bakool Cabdulaahi Nuur Maxamed ayaa sharaxay ujeedada ka dambeysa in maalin loo asteeyo musqulaha.

Qaar ka mid ah dadka ka soo qeybgalay ayaa ka hadlay baahiyaha ay uqabaan in ay helaan musqulo iyo biyo ku filan.

Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Xuddur Mustaf Aadan iyo Guddoomiye kuxugeenka amniga iyo dhaqaalaha gobolka bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur oo bulshada ku dardaarmay in ay nadaafada ilaaliyaan ayaa dhanka kale hay’adaha faray in kaamamka ay degan yihiin barakacayaasha ay si dhow ula socdaan xaaladeeda nadaafadeed.

Intaa ka dib wasaarada tamarta ayaa saabuun uqeybisey barakacayaasha ku sugan kaamka dhiil ee Magaalada xuddur.

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo xalinta Khilaafaadka+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Xalinta  Khilaafaadka.

R’iisul wasaare Rooble oo howl-geliyey guddiyada doorashooyinka heer Federaal ee maamulka iyo Xalinta Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xubnaha guddiyada kula dar daarmay inay si daacad ah ugu adeegaan bulshada isla markaana waajibaadka loo ekmday.

Xuska Maalinta Musqulaha Aduunka oo ku beegan 19 November ayaa Sanadkan Halku Dhig u ah “Nadaafad Waarta iyo Isbadalka Cimilada”.

0

Maanta waxaa dunida laga xusayaa maalinka musqulaha aduunka oo qaramada midoobe xusto sanad kasta 19 November.

Muhiimada maalinkan ayaa ah in dadka iyo dowladaha lagu baraarujiyo muhiimada nadaafada iyo sidii loo helo lahaa deegaan badqaba.

Sanadkan waxaa hal ku dhig looga dhigay nadaafad waarta iyo isbadalka cimilada

Qaramada midoobe waxay sheegtay in 40% dadka aduunka aanay heysan adeega faraxalka,saabuun iyo biyo ku filan oo guriga ugu jira .

297,000 oo ah caruur ka yar shan sano ayaa sanad kasta u dhinta sida ay qaramada midoobe sheegtay shuban iyo cudarada la xiriira nadaafad darada iyo in ay cabaan biyo aan nadiif ahayn oo wasaqeysan.

Dalkeena soomaaliya waxaa heyada UNICEF ay sheegtay in 900 oo caruur ah kuwaas oo ka yar shan sano ay u dhinteen shuban iyo cudurada ka dhasha biyaha aan nadiifka ahayn sadaxdii sano ee ugu danbeysay