Halkan ka DAAWO Muuqaalka Warka.
Farriinta maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta kuwa gaysta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta
Munaasabadda sannadkaan ee Maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta Kuwa gaysta dambiyada Ka dhanka ah Saxafiyiinta, adduunku, oo ay warbaahintu ka mid tahay, wuxuu wajahayaa caqabad cusub: oo ah COVID-19.
Cudurka safmareenka ah si gaar ah u muujiyay arrimo cusub oo halis ku ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta, xataa iyadoo ay korodhay tirada weerarrada lagu hayo badqabkooda jir ahaaneed. Waxaa dhacay ugu yaraan 21 weerar oo lagu qaaday saxafiyiin wararka ka soo tebinayay dibadbaxyo barkii hore ee sannadka 2020 – taasoo la eg tirada weerarradaasi oo kale ee dhacay sannadkii 2017 oo idil. Waxaa sidoo kale jiray xakamayn dheeraad ah oo lagu sameeyay shaqada saxafiyiinta, oo ay ka mid yihiin in lagu handado maxkamadayn, soo qabasho, xabsi, in loo diido inay gaaraan goobihii ay shaqada saxafinimo ka qaban lahaayeen iyo in baaritaan lagu sameyn waayo lana maxkamadayn waayo kuwa gaysta dambiyada iyaga ka dhanka ah.
Marka saxafiyiinta la bartilmaameedsado, bulshada oo dhan ayaa dhibku soo gaari doonaa. Haddii aynaan saxafiyiinta ilaalin, waxaa carqalad ba’an ku imaan doonta awoodda aan u leenahay inaan xog-ogaal ahaano iyo inaan qaadano go’aanno caddaymo ku salaysan. Marka ay saxafiyiintu shaqadooda si badqab ah u gudan karin, waxaan waayaynaa arrin muhiim ah oo naga difaacda cudurka safmareenka ah ee warxuma tashiilka ama wararka qaldan iyo xogta been abuurka ah ee ku faaftay shabakadda internetka.
Wararka iyo falanqaynta xaqiiqada ku salaysan waxay ku tiirsan yihiin ilaalinta iyo badqabka saxafiyiinta qabanaya shaqada soo tebinta wararka, eek u qotonta mabda’a asaasiga ah ee: “saxafinnimo aan cabsi iyo eex lahayn”.
Iyadoo uu adduunku la dagaallamayo cudurka safmareenka ah ee COVID-19, waxaan ku celinayaa baaqaygii aan ku baaqay saxaafad xor ah oo kaalinteeda lagama maarmaanka ah ka caari karta nabad, cadaalad, horumar la joogtayn karo iyo xuquuqul insaan.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo dhagax dhigey dib-u-dhiska dhisamaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta,+SAWIRO+MUUQAAL.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo dhagax dhigey dib-u-dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa tilmaamay in ay go’an tahay xukuumadda dhismaha xarumihii hay’adaha dowladda ee ku burburay dagaallada.
Mudane Mahdi ayaa sheegay in labada wasaaradood ay muhiimad weyn u leeyihiin dalka, una mahad celiyey cid walba oo gacan ka geysanaysa dib-u-dhiskooda.
“Dib-u-dhiska dhiska xarunta Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta, Awqaafta waxay ka tarjumaysaa muhiimadda ay u leeyihiin dalkaan, gaar ahaan arrimaha caddaaladda iyo Diinta oo Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siineyso”.
Dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta oo ku burburay dagaalladii dalka soo maray ayaa lagu dhisayaa barmaanijka Isxilqaan ee ay hormuudka u yihiin Shaqaalaha dowladda.

Halkan ka DAAWO muuqaalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa tababar u furay Garsoorayaal iyo Tababarayaaal ka socda Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada,+(SAWIRRO) (MUUQAAL).
Tababarkan oo wajigiisa saddexaad la siinayo Macalimiinta Garsoorka Dalka ayaa waxaa ka qayb galaya Garsoorayaal heer Federaal heer, Dowlad Goboleed iyo kale Xeer ilaaliyeyaal ka kala yimid dhammaan Dowlad Goboleedyadda iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waaxana Furay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
Tababarkaan oo muddo 10 maalin ah socon doono ayaa waxaa lagu baranaya casharo ku saabsan hanaanka dhageysiga dacwadda Maxkamaddaha, Qaadida Qiraalka iyo maamulka waxaa bixinaayey Macalimiin ku sugan Dalka Dibaddiisa iyaddo la adeegsanaayey Aaladda Fogaan Arragga ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka mudane Baashe Yuusuf Ahmed oo tababarka Furay ayaa sheegay in ujeedka tababarkaani uu yahay siddii loo horumarin lahaa Garsoorka Dalka iyaddoo la gaarsiinayo heer isku filnaansho ah.
Garyaqaan Baashe Yuusuf Ahmed Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Dalka ayaa kula dardaarmay Garsoorayaashii tababarka ka qaybgaliyey inay ka faa’idaystaan casharadda si ay ugu mid noqdaan macalimiinta Garsoorka Dalka.





Muuqaalka Warkan Halkan ka DAAWO.
Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Garoowe kula kulmay Madaxwayne ku-xigeenka Puntland.
Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya S/gaas. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula kulmay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Kulankaan ayay labada dhinac uga wada hadleen sugidda amniga goobaha ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Puntland .
Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta qaybaha Booliiska ee dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
“Waxaan ka wada hadalnay taliya Booliiska Somaaliya S/gaas. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar sugidda amniga goobaha ay doorashada ka dhacayso iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Booliiska dalka” ayuu yiri Axmed Karaash madaxwayne ku xigeenka Puntland
Dhanka kale taliye Xijaar) ayaa maanta kormeeray xarumaha qaar kamid ah goobaha ay ka dhici doonto doorashada xubnaha golaha Shacabka BFS ee ka imaanaya Puntland.
Taliyaha Booliiska waxaa komeerkiisa ku wehliyay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowlad goboleedka Puntland Sareeyo guuto. Ceydiid Axmed Nuur, iyo sarakiil ka tirsan ciidanka Punland.
Sidoo kale wuxuu kormeer ku tagay qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Booliiska Puntland ay ku shaqeyaan, isla markaana saraakiisha maamulka ku amaanay sida wanaagsan ay habeen iyo maalinba shacbiga ugu adeegayaan.
Kormeerkaan ayaa ujeedkiisu ahaa la socadka tayada ciidanka Booliiska iyo sidii loo xoojin lahaa amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, maadaama Garoowe ay ka mid tahay meelaha lagu qabanayo doorashada xildhibaanada ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha Shacbiga oo maanta yeelanaya kulan muhiim ah.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa maanta ku yeelanaya Xaruntooda Villa Hargaysa ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in la dardargalin doono kulamada golaha, maadaama waqti xileedka xildhibaannada uu muddo kooban ka harsan yahay.
Ajandaha kulanka maanta ee Xildhibaanada ayaa ah Akhrinta saddexaad ee Hindise sharciyeedka Hay’ada diiwaangalinta iyo bixinta aqoonsiyadda iyo akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.
Xoghayaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay Xildhibaanada u diray farriimo ku aadan inuu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda furmi doono.
Isdiiwaan galinta Musharaxiinta Gudoonka Hirshabelle oo maanta Jowhar ka socoto iyo Aragtida shacabka Jowhar.
Iyadoo dhawaan la shaaciyay Jadwalka Doorashada Gudoonka Baarlamaanka ayaa maanta lagu wado in ay ka bilaabayto magaalada Jowhar ee caasimada maamul Goboleedka Hirshaebelle is-diiwaangalinta musharixiinta u taagan qabashada xilka gudoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle.
Guddiga qabanqaabada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa horay u shaaciyay in 4ta bishan November la qaban doono doorashada Gudoomiyaha, Balse maanta iyo maalmaha ina soo aaday laga shaqeyn doono qabashada Araajida iyo hadal jeedinta musharixiinta.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa mashquul aad u balaaran oo ku aadan arrinta isdiiwaangalinta Gudoomiya Baarlamaanka Hirshabelle iyo ku xigeenadiisa Waxaa jira musharixiin badan oo isu soo taagay qabashada xilalkan.
Dhanka kale shacabka ku nool magaalada Jowhar ayaa si weyn u soo dhaweeyay jadwalkadoorashada waxayna ugu baaqeen gudiga in doorasha gudoonka baarlamaanka Hirshabelle waqtigaada ay kudhacdo waxayna xildhibaadan cusub ka codsadeen in ay u dooraan shaqsiyaad samata bixinkara Hirshabelle.
Hoos ka (DAAWO) Aragtida Shacabka.
Maamulka gobolka Banaadir oo u kuur galaya saameynta ka dhalatay roobkii xalay ka da’ay Caasimadda, Muuqaalka Warkan Halkan hoose Ka (DAAWO).
Roobka gu’ga oo xalay ka curtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo aan heysan hoy ay ka galaan roobka.
Waddooyinka Janaraal Daa’uud iyo Soddonka ayaa kamid ah meelaha uu saameeyay roobka,gaar ahaan isgoyska fagax iyo Wadada Danwadaagta ee Degmada Wadajir ayay gabi ahaanba biyuhu fadhiirteen, taas oo sababtay in gaadiidku isaga gudbi waayaan labada dhinac ee wadooyinkaasi.
Qaar kamid ah gaadiidleyda ka xeeya moota bajaajta iyo caasiyada ayaa sheegay in xilliyada roobabka ay dhibaato xooggan soo wajahdo inkastoo ay xuseen in waddooyinka qaar la hagaajiyay.
Sidoo kale dadka ku nool kaamamka barakacayaasha ayaa wajahaya xaalad adag maaddaama ay ku noolyihiin guryo ka sameysan cooshado oo aan gaabaad uga noqo Karin roobabka xooggan.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa booqday Goobaha ugu saameynta badanaa roobka waxayna sheegeen in ay wadaan dadaallo lagu yareynayo saameynta ka dhalatay roobka ka da’ay caasimadda, Waxuuna ugu baaqay Bulshada wax haysta in la caawiyo dadka uu saameeyay Roobka.
Wasiirka Shaqada XFS oo Guddoomiyey Kulan looga hadlayay Qorshe Howleedka Wasaaradda+Sawirro.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta guddoomiyey kullan muhiim ah oo is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedyada Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii u horreyay tan iyo markii uu xilka la wareegay taariikhda 27 bishii October,2020.
Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta Qorshe howleedyada Waaxyaha Wasaaradda ee sannadkan iyo qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka hirgalay,iyadoo diiradda la saaray sidii loo dardargelin lahaa arrimaha dhimman.
Wasiir Duraan, ayaa ku ammaanay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, wuxuuna faray in si dhaqso leh loo gudo-galo diyaarinta qorshe howleedka Wasaaradda muddada sagaashka cisho ah ee soo socota.
Wasiirka ayaa tilmaamay arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta dadaallada shaqo abuurka , xirfadaha,horumarinta bulshada, la-dagaallanka saboolnimada,bad qabka goobaha Shaqada iyo Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo hagaajinta xiriirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad-gobolleedyada dalka, wasaaradaha la dhigga ah ee caalamka, ururrada Shaqaalaha,hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa dibedda.
“Wasaaradan waxay mas’uul uga tahay Bulshada Soomaaliyeed arrimaha loogu baahida badan yahay ee Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, si taas aan uga dhabeyno waa in ilaa iyo maalinta u dambeysa dadaal galinnaa sidii is beddello muuqda iyo horumarinta howlaha Wasaaradda ay horey u heysay Bulshada aan ugu usoo bandhigi lahayn,taasna waxaan ku gaareynaa wada-jir iyo in la laba-laabo fulinta howlahaas.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.
Kullankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda , Cabdi Axmed Qasim ,Wasiir kuxigeenka,Marwo Sahro Xaaji Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

