Home Blog Page 817

How to Find a Date Web based

0

When you are buying date, it is imperative to grasp some significant tips before you find your perfect time frame. When you want to look for special someone in this world, there are lots of things you have to consider. The initial thing you need to do is find out what kind of online dating site matches your needs. Because the internet gives you a vast range of alternatives when it comes to dating sites, but you ought to choose a internet site that will make you meet new people that will complement the need but yet fit within your pocket.

Once you’ve identified the right kind of site, you need to do a background check. You need to know who all you’re internet dating and the type of relationship you are thinking about. There are many other factors you need to consider when you are trying to find someone special online. The best thing to legit mail order bride do is to look for other single profiles in other going out with websites. The more profiles you look up the better. It will give you an idea of how powerful a site is certainly and also who are ingesting there.

Dating is an important matter and it should be acknowledged in a serious way, so have a tendency try to find the very best date the wrong way. Before you get started, be sure that you’ve performed your home work and have viewed as all your options before you get into virtually any relationship. Perform a lot of research and look for dependable sites. Be sure you read almost all their terms and conditions carefully before you sign up. If you wish to be safe, make use of a paid dating service or a regular membership site. They are generally more reliable and also you won’t have got any amazed after you join.

Shir looga hadlayo Sharciga howlgabka Shaqaalaha Rayidka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Shir ku saabsanaa Sharciga Howlgalka Shaqaalaha Rayidka Dowlada oo ay wada yeesheen Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Maaliyadda ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Maanta waxa uu wada-tashi la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasi oo ku saabsanaa Sharciga Howlgabka Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo ay diyaarinayso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sharcigan oo hadda gabagabo maraya, ayaa wuxuu xaquuq siin doonaa Shaqaalaha Rayidka Dowladda ee Howlgabka noqda, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal galisay xaquuqda joogtada ah ee Shaqaalaha Dowladda, islamaraana hadda ay diiradda saaraysa, si dhaqso ah in Shaqaalaha Howlgabka ah  ay xaquuq heli doonaan.

Maamulka iyo Bulshada Degmada Buulo burte oo ka wada hadlay amniga iyo fatahaadda Webiga

0

Maamulka degmada Buulo burte ee gobolka Hiraan iyo Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha dhaqanka, hay’adaha sama falka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan  ayaa ka  hadlay go’doonka Magaalada saaran muddada dheer iyo sidii laga yeeli lahaa fatahaadda Webiga Shabeelle, ka dib kulan ay wada yesheen.
Kulanka ayaa waxaa si gaar ah Diiradda loogu saaray Waddooyinka soo gala Degmada oo xiran iyo sidii gargaar Bini’aaddamnimo loo geyn lahaa Dadka ku dhaqan degaannada ku teedsan Buulo-burte oo Dadka ku nool ay saameeyeen fatahaadda Webiga iyo Cudurka Corona virus.
Guddomiyaha Buulo-burte , Feysal Haajir Aaden ayaa u mahad celshayay hay’adaha ka howl-gala Degmada, maaddaama ay soo garab istaageen Bulshada halkaasi ku dhaqan xilli lagu jiro marxalad adag, wuxuuna soo dhoweeyay cid walba oo Dhiig jooji u samaynaysa Ummadda dhibaataysan.

Ra’iisul-wasaare Ku xigeenka Dalka oo maanta daahfury Imitaxaanaadka Dugsiyada sare

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daahfuray Imtixaanka dugsiyadda Sare ee dalka oo maanta ka bilowday dhammaan gobollada dalka Marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalk oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in uu guul u rajeynaayo Ardeyda maanta Imtixaanka u fadhiisatay, isagoo xusay in aad loo adkeeyay sanadkaan si uusan banaanka u bixin Imtixaanka.
Xarumaha Imtixanka lagu galayo ayaa la geeyay ciidamo booliis ah oo lagu talagay sugida amaanka xarumahaasi, waaxana sidoo kale jooga kormeerayaal lagu tala galay in ay ilaaliyaan Imtixanadka, kuwaasi oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada.
Wararka kale ee laga helayo Goobaha Waxbarashada ayaa sheegaya in Shamso Maxamed Xaashi oo ah Ardayad Umushay Xiligii imtixaamka ay u fariisan lahayd ayay Dowladda Soomaaliya Imtixaamka Dugsiga Sare ugu geysay Cusbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho.
Shamso iyada oo faraxsan ilmeheeduna u caafimaad qabo ayaa sariirta imtixaamka looga Qaaday.
Galmudugna, Wasirrka Waxbarshada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah furay imtixanka Qaranka Fasalka 4-aad ee dugsiga sare sanad dusiyeedka 2019-2020 oo maanta halkaa ka furmay, waxaana u fariistay in ka badan 2,500 oo arday deegaanada Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka socto qabanqabada so dhawaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegya in madaxweynuhu uu Dhuusamareeb u tegayo si uu uga qeyb galo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada-shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh” ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug oo ay ku suganyihiin Madaxda dowlad goboleedyada iyo Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre.

 

Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo wata banbaanooyinka gacanta oo la qabtay

0
Taliska Ciidanka nabad suggida Jubbaland ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen  ay gacanta kusoo dhigeen waxyaabaha qarxa iyo maleeshiyadii gacanta kula jirtay.

“Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miinooyin ah oo  maleeshiyada Al-Shabaab ay ku duugeen Xaafada Shaqaalaha gaar ahaan aagga suuqa sariiraha” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska.

Ciidanka nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay dhagar-qabayaal ka tirsan argagixisada Al-shabaab kuwaas oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdi Ibraahin iyo Abuukar Cabdi Yaxye oo maleeshiyada u qaabilsanaa isu gudbinta miinooyinka,dhigista iyo qarxintoodaba, waxeyna qirteen in ay gacanta kula jireen xilliga ay ciidamadu soo qabanayeen sida taliska NISA ee Jubbaland ay sheegeen.

“Sidoo kale ciidanka Nabad Sugida hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen dhagar qabayaasha kala ah Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba waxaana ay qirayaan ragani in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka NISA ee Jubbaland.

Wasiir Goodax oo guul u rajeeyay ardayda u fadhiisaneysa imtixaanka shahaadiga

0

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ardayda maanta u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ee Qaranka u rajeeyay guul iyo natiijo ay ku farxaan.
“Annigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca waalidiinta Soomaaliyeed,waxaan dhammaan ubaxa Soomaaliyeed ee imtixaanka Qaranka u fadhiisaneysa u rajeynaa guul iyo natiijo ay ku farxaan”ayuu yiri wasiir Goodax.
Wasiirka waxbarashada XFS ayaa ardayda ku tilmaamay rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ardaydu ay ku dadaalaan tacliinta si dalku uu u noqdo mid horumar weyn gaara.
Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa maanta looga fadhiisanayaa imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo ay sannadkii lixaad ay qaadeyso dowladda Soomaaliya.

 

Marxaladda Kalaguurka Iyo Kaalinta Baarlamaanka Oo Maanta Looga Dooday Barnaamijka Kulanka Todobaadka.

0

Xubno ka tirsan 2-da Gole iyo siyaasiyiin kale oo ka qeyb galay barnaamijka kulan Todobaadka Oo uu baahiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa looga dooday marxalada kalaguurka iyo kaalinta Barlamaanka uu ka qaadan karo qabsoomidda doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan dalka.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Amiga Senator Maxamed Amiin Sheekh, Xildhibaan Cabdi Cali Xasan iyo Siyaasi C/raxmaan Diinaari oo Xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Kulanka doodda oo u  dhacay si saraaxad leh,waxaa Xildhibaannadii iyo siyaasiyiin kale ee ka qeybgalay ay isla qireen in lagu jiro xaaladda adag,sidaa daraadeedna loo baahan yahay In xubnaha 2-dole aysan caqabad ku noqon nidaamka doorashooyinka la filayo.

Xubnahaasi waxa ay intaa ku dareen in ay lagama maarmaan tahay in tixgalin iyo door muhiim ah la siiyo siyaasiyiinta iyo ururada bulshada,si looga miro dhaliyo natiijada laga filan karo doorashooyinka soo socda.

Mas’uuliyiintaan waxa ay soo jeediyeen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay la yimaadaan talo wadaag ah,isla markana laga heshiiyo waqtiga suurtagalka ah ee la qabanaayo doorashooyinka.

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Oo Booqasho Ku Tagay Xeraale

0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa gaaray magaalada Xeraale ee Gobalka Galgaduud, halkaa oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Guddoomiya ku-xigeenka ayaa markii uu gaaray Xeraale waxa sii diiran ugu soo dhaweeyay qeybaha bulshada, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan socdaalka uu ku tegay Xeraale iyo sawiradiisa.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Maamulka deegaanka, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada, isagoo warbxino ku saabsan xaaladda amni iyo baahiyaha ay qabaan ka dhageystay, una balan qaaday in wax badan laga qaban doono arrimaha ay soo gudbiyeen.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh.Ca/raxmaan ayaa hadal uu ka jeediyay kulan ay yeesheen xildhibaannada golaha shacabka waxa uu ka sheegay in aysan ka warqabin booqashada uu Mahad ku tagay magaalada Dhuusamareeb isagoo la socday wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Oo Xalisay Caqabado Soo Food-saaray Jaaliyadda Soomaaliyeed

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa cabasho ka muujisay isbedello lagu sameeyay khidmadda lacagaha adeegga Ciqaamada dal ku joogga ee dalka Suudaan oo lacago lagu kordhiyay taasi oo ay saameyn xooggan ku yeelatay guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed.

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xalinta cabashooyinka ay soo jeedisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan kadib markii ay arrintaasi Safaaraddu kala hadashay mas”uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda Suudaan.

”Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Suudaan waxaan ugu bishaareyneeynaa in Safaaraddu ay ku guuleysatey in ay xal KMG u heshay Arrimihii beriyahaan taagnaa ee laxariirey lacagaha lagu kordhiyay iqaamada dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga,”. ayuu yiri Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Dhanka kale Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq oo uu ku wehliyo u qeybsanaha arrimaha Ganacsiga Yuusuf Axmed Jeego ayaa dhowaan la kulmay maareeyaha guud ee hay’adda duulista hawada ee Suudaan mudane Ibraahim Adalaan Ibraahim ayaa ka wadahadlay adkeynta iskaashiga, is dhaafsiga khibrad iyo booqashada labada dal ee Soomaaliya iyo Suudan.

Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa ka codsaday in ay tababaro siiyaan saraakiil ka socota hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.