Home Blog Page 816

Xubno Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Duqeymo Ka Dhacay Gobolladda Jubooyinka

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Africom ayaa fuliyay Duqeymo Dhanka Cirka ah Saqdii Dhexe Ee Xalay kaasi oo lagu beegsaday horjooogayaal ka tirsan kooxda Al-shaabab  kuwaas oo ku sugnaa deegaannada jubboyinka

Duqeymaha ayaa la sheegayaa in si gaara looga fuliyay deegaannada kala ah Jilib, Jammaame  iyo caga-libaax  islamarkaana khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan kooxda nabad diidka ah, inkastoo aysan shaacin tirada saxda ah ee lagu dilay, sidookale saraakiisha ayaa sheegay in afar xubnood nolosha lagu qabtay sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dadaal ugu jiro sida ay uga sifeen lahaayeen kooxda Al-shabaab guud ahaan dalka Soomaaliyeed

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran  ee kumaandooska soomaaliya qeybta ka howlgasha gobolladda jubboyinka ee howlgalka Africom ayaa weeray fariisimo ay ku lahaayen kooxda A-shabaab  deegaanka Caanoole oo hoostagaBadhaadhe ee gobollka Jubbadda Hoose,halkaas oo ey ku shirayeen horjoogayaalka ka tirsan maleeshiyadka Al-shabaab  islamarkaana ay xoolo ay ka dheceen shacabka Soomaaliyeed sida ay inoo xaqiijiyeen saraakisha ciidan xoogga dalka.

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka ayaa duqeyn ka fulliyaya Deeganka jammame ee gobolka jubbada hoose ,halkaasi ay ku tabo baranayeen  dhallinyaro ey soo qaldeen  una tabo barayeen sidii ey u dhibaateen lahaayeen shacabka Soomaaliyeed halkaasi ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen

Ciidamada ayaa sidoo kale duqeeyay saldhig ay nabad diidka ku lahaayeen degmadda Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas ay ku sugnaayeen horjoogayaal sar sare oo ka tirsan Al-shabaab waxaana la burburiyay saldhigii ay Kooxda halkaasi ku lahayd.

Gaashanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaran in khasaaro xoogg leh soo gaaray maleeshiyaadka argagixisadda Al-shabaab goobaha ay duqeenta ka dhacday .

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa habeen iyo dharaar heegan ugu jiro ciribtir AL-shabaab si ay uga dulqaadan dhibka iyo dhagarta ay ku haayan shacab Soomaaliyeed

Wasaaradda Haweenka Galmudug & Haweenka Deegaannada Oo Kulmay

0

Haweenka doonaya ka mid noqoshada Baarlamaanka Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay ayaa ka doodayay si ay uga mid noqon daan Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo meel gabo-gabo ah maaya.

Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Galmudug oo xalay kulan wadatashi ah la qaadatay haweenka uu hamigoodu yahay in ay lagu daro Baarlamaanka cusub ee Maamulkaasi kuwaasi oo ka soo kala jeeda deegaannada maamul gobolleedka, ayaa diiradda lagu  saaray Arrimaha Siyaasadda iyo kamid noqoshada Golaha Wakiilada Galmudug.Naciimo Maxamed Catoosh oo sii haye ka ah Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Galmudug oo kulan labo maalmood ah furtay ayaa faah-faahin ka bixisay waxyaabihii looga hadlay oo ay kamid yihiin doorka haweenku ee arrimaha siyaasadda iyadoo lala kaashanayo qeybaha bulshada.

Doodaha haweenka ee kamid noqoshada Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa ah mid si saa’id loo hadal hayo haseyeeshee haweenka ayaa dadaal ugu jira in ay helaan matalaadda xagga maamulka dowlad Goballeedka Galmudug xilli haatan ay socoto soo xulista xubnaha baarlamaanka cusub si loo doorto dowlad goballeed loo dhanyahay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Oo La Kulmay Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Ben Cabdel Casiis

0

Wasiirka Arrimaha Dibada JFS ayaa Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kula kulmay Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan.

Wasiir Cawad ayaa Salaan uu ka siday Madaxweyne Farmaajo isagoo gaarsiiyay Boqorka Dalka Sacuudiga, waxaana uu sheegay in sacuudiga uu yahay saaxiib dhow oo xulufo la ah Soomaaliya.

Wasiir Cawad iyo boqorka dalka Sacuudiga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah waxaana ay labada dhinac isla garteen in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyo labada dowlad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas.

R/Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Kulamadii U Dambeeyay Ka wada Dhuusamareeb

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedeaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo ku aadan sidii loo dedejin lahaa xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, si loo dhameystiro tirada 69-ka ah ee Xildhibaanada ka dhiman Baarlamaanka Galmudug, kaddib markii Ahlusuna ay soo xulatay 20 Xildhibaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeday magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, isagoo ka dhageystay tabashooyin ay qabeen.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha kala hadlay dardar gelinta dhismaha Maamulka Galmudug iyo sidii loo dhameystiri lahaa soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale la kulmay Ugaaska Ugaas Xasan Ugaas Nuur iyo Madaxa Xukuumadda, waxaana uu kala hadlay sidii ay door weyn ugu yeelan lahaayeen dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Waxaa kaloo Ra’iisul Wasaaraha la kulmay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Galmudug, waxaana uu uga mahad celiyay dadaalka ay u galeen dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha oo muddo todobaad ku sugan Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu maanta dib ugu soo laabto Muqdisho, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada 69-ka ah ee Baarlamaanka Galmudug

shirka dib u eegista 2aad ee deyn cafinta oo ka furmay dalka Ethiopia

0

Shirka dib-u-eegista 2aad ee SMP4 oo ah hanaanka 4aad ee deyn cafinta Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia waxaana uu u dhexeeyaa Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha kala ah IMF & Bangiga Aduunka inta uu socdo waxaa dib u eegis lagu samey doonnaa Wixii Soomaaliya u qabsoomay sanadkii tagay ee 2019 iyo halka aan hiigsaneynno sannadkan 2020-ka.

Hay’adda Lacagta aduunka  IMF iyo Masuuliyinta Soomaaliya ayaa waxay kawadda hadlayan sidii loo dardargalin lahaa  hawlaha dhameystirka qeybta 2aad ee wajiga afaraad wada hadalka deny cafinta  (SMP4).

Soomaaliya  ay sii waday go’aankeedi ku adanaa horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey’adaha maaliyada waana talaabo taageertay in ay ka gudubto  shuruudaha horyaala Barnaamijka  dayn cafinta dalka.

Soomaaliyaa ayaa soo bandhigtay horumaarka ay ka sameysay sannadkii tagay ee 2019 guulihii ay ka qartay  dhinaca dhaqaalah  dalka iyo dardargalinta  dhinaca ganacsiga iyo hoos u daadajinta nidaamka maamulka maaliyada dalka.

Wararkii u dambeeyay bariga dhexe ka dib dilkii Soleimani

0

Baroor-diiqayaash ayaa buux dhaafiyay waddooyinka iyadoo Khamenei hormuud ka yahay
Boqolaal kun oo reer Iran ah ayaa caasimadda isugu soo baxay kuwaas oo ka baroor-diiqaya dhimashada Soleimani, sidoo kale guud ahaan magaalooyinak kale ee dalka waxa ka socon doona isku soo baxyadaas oo kale.
Hogaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa horkacaya salaada jazaanada iyo ducada loo sameynayo Jananka.
Jarmalka: Cunaqabateynta Ciraaq loogu goodiyay ma ahan mid xal ah
Wasiirka arrimaha dibada Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in cunaqabateynta la saarayo Ciraaq aysan aheyd mid hal ah ka dib hadalkiika soo baxay madaxweyne Donald Trump oo ahaa in cunaqabateyn adag saari doono Ciraaq haddii ciidankiisa laga soo saaro dalkaas.
“Ma u malaynayo in tani ay ka shaqeyn karto Ciraaq laakiin waa aragti,” ayuu u sheegay Radiyaha dowladda ee Deutschlandfunk.
Waxaa uu intaas ku daray in Jarmalka Britain iyo France ay ka wadahadleen arrinta nuclearka Iran iyo tallaabada Tehran dhowaan shaacisay ay waxyeeleyn karaan heshiiskii muhiimka ahaa ee 2015 laga galay barnaamijka Nuclearka.
Sadexda dal waxaa ay muujiyeen ahmiyadda ay leedahay in la dejiyo xiisadaha ka taagan dalalka Iran iyo Ciraaq la qaboojiyo isla markaana juhdiga la isugu geeyo la dagaalanka Daacish.
“Waxaan diyaar u nahay in aan sii wadno wadahadalka aan la yeelanayo dhamaan dhinacyada si dadaalada lagu dejinayo xiisadda loo mideeyo laguna dadaalo xasiloonida gobolka.” ayaa lagu xusay bayaan ka soo baxay sadexda wadan.
Sidoo kale, war laga heley xafiiska madaxweynaha dalka France Emmanuel Macron ayaa lagu sheegay in maalmaha soo socda kulan uu dhex mari doona madaxweynaha France iyo dhigiisa Iiran Hassan Ruuxaani.
Dilka Soleimani waxaa uu keeni karaa xasilooni daro gobolka ah: Turkey
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu (Mowluud Jaawish Oglu ) ayaa sheegay in dilka Janaraal Soleimani uu khatar amni ku yahay nabadda gobolka.
“Waxaan dalalka kale kala shaqeyn doonaa sidii loo dejin lahaa xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran,” ayuu Cavusoglu u sheegay warfidiyeenka.
Mareykanka iyo Israel waxay wajahayaan maalin madow: Gabadha Soleimani
Zeinab Soleimani, oo ah gabadha uu dhalay Soleimani waxaa dadki isugu yimid tacsida aabaheed oo lagu qabtay caasimadda Tehran u sheegtay in Mareykanka iyo Isreal ay wajahayaan maalin madow dhimashada aabaheed awgeed.
“Trump wareersanow, ha u malaynin wax walba ay dhamaadeen ka dib shahaadada aabahey, ” ayay ka tiri isku soo baxaas xilli si toos ah looga baahinayay telefishinka.
Taliyaha guutada Qudus waxaa uu doonayaa in Mareykanka uu ka saaro gobolka
Brigadier General Esmail Qaani, oo ah taliyaha cusub ee guutada Qudus waxaa uu doonayaa in ciidanka Mareykanka laga saaro guud ahaan bariga dhexe ka dib dilka taliyihii guutadaas Soleimani.
“”Waxaa balan qaadayaa in aan raaci doono waddadii shahiidka Soleimani… waxa keliya oo aan ugu magi doono waan in aan Amerika ka saarnaa gobolka,” ayuu u sheegay Radiyaha qaranka Janaraal Ismaaciil.
Congres waxaa uu u codeyn doonaa qaraar lagu xadidayo awooda Trump ee go’aaminta dagaal: Pelosi
Afhayeenka Aqalka Congress Nancy Pelosi ayaa sheegtay in golaha todobaadkan ka doodi doonaan isla markaana u codeyn doonaa qaar lagu koobayo awooda arrimaha dagaalka ee madaxweyne Trump gaar ahaan arrinta hadda taagan ee Iran.
“Qaraar kan lamid ah waxaa soo aqalka senatka u gudbiyay Senator Tim Kaine,” ayay Pelosi ku sheegtay bayaan ka soo baxay xafiiskeeda.

Trump oo Ciraaq ugu hanjabay cunaqabateyn ka dib go’aankii baarlamaanka
MadaxweyneTrump ayaa Ciraaq ugu goodiyay cunaqabateyn adag ka dib markii baarlamaanka dalkaas uu ansixiyay qaar lagu dalbanayo in ciidanka ajnabiga ah ay ka baxaan Ciraaq.
“Waxaa halkaas ku leenahay saldhig ciidan oo aan ku bixinay kharash aan caadi aheyn. Waxaa ku baxday dhismahiisa balaayiin doollar. Kama baxayno ilaa aad lacagteeni dib noo siisaan,” ayuu wariyeyaasha u sheegay Trump.
Trump ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka soo degay diyaaradda madaxtooyada, isagoo intaas ku daray haddii Ciraaq dalbadeen in ciidanka Mareykanka la baxaan dalka ay ku soo rogi doonaan cunaqabateyn lamid ah tan saaran Iran.

Shaqaalle loo tababaray la dagaalanka Ayaxa oo ka hawlgalayaa deegaanada Galmudug

0

Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Galmudug oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa deegaanno hoostaga Magaalada dhuusamareeb ka bilaabeen qorsho lagula dagaalamayo Ayaxa.
Ayaxa ayaa Dhibaata Xoggan ku hayo beero badan oo ku yaalla Gobolka Galgaduud,isaga oo xaalufiyey dalagyo kala duwan oo lagu beeray,sida an ka soo xiganay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Waxa sido kale Qorshahan lagula dagalaamyo Ayaxa Qeeb ka Qaadanayo Duqa dagmada Dhuusamareeb Macalin nuur cilmi waxana fulinayo Howshaasi Shaqaale sigaar ah loo Tabababary.
Ayaxa waxa uu sameyn xooggan ku yeshay Beeraleyda ku nool deegaano katirsan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya

Maareeyaha cusub ee golaha Murtida oo maanta xilka la wareegay.

0

Munaasabadda uu xilka kula wareegay maareeyaha cusub ee golaha Murtida iyo Madadaalada C/qaadir Cabdi “Shube” oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” agaasimaha guudC/raxmaan Yuusuf Sh. “Al cadaala” iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.
Maareeyihii hore Maxamed Abuukar Axmed “Ma’da” oo goobtaasi ka hadlay kaddib markii uu xilka ku wareejiyay maareeyaha cusub ayaa sheegay in shaqada golaha laga soo bilaabay meel hoose haddana ay mareeyso meel gabagabo ah, isagoo ku dhiirrigeliyay maareeye Shube in uu howsha halkeeda ka sii wado.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa Maareeyaha cusub u rajeeyay in uu ku guuleysto xilka loo magacaabay, isagoo intaasi ku daray in wasaaraddu ay gacan ku siindoonto gudashada waajibaadkiisa.
“”Maareeyihii hore wax wanaagsan ayuu soo qabtay , maareeyaha cusub ee xilka la wareegayna waxaan u rajeeynayaa shaqo wacan maaddaama uu yahay qof waayo arag ah oo muddo badan soo shaqeeynayay” Sidaasi waxaa yiri wasiir Maareeye oo ka hadlay goobtii xilwareejinta.
Maareeyhaha cusub ayaa kadib markii uu xilka wareegay waxa uu booqday golaha Murtida iyo Madadaalada oo dhismihiisu haatan meel gabo gabo ah marayo, wuxuuna warbixin ka dhageeystay Injineerrada iyo howlwadeennada ka shaqeeynaya dhismaha golahaasi.
Golaha Murtida iyo Madadaalada, Maktabada Qaranka, Matxafka Qaranka iyo dhammaan goobihii taallooyinka taariikhiga ah ayaa lagu dhisay ololaha loogu magacdaray Isxilqaan oo ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland oo Dhaqaatiir u dirtey deegaanno ay ka dillaaceen Cudurro an la aqoonsan

0

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtey , deegaanka saaxdheer ee Koonfurta gobolka Sool, oo ay maalma ka hor uu ka dilaacey cudur aan weli la aqoonsan,kaas oo ay u dhinteen Saddex ruux.

Cudurka ayaa soo ritey dad badan,waxaana Wasaaradu sheegtay in Kooxo dhaqaatiir ah loo direy deegaankaas,kadib markii baaqyo kala duwan ay kasoo baxeen Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka saaxdheer

Dhaqaatiirtas  ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dadka bukaanada ah ee isbitaalka Saaxdheer jiifa si loogu qabto baahiyaha Caafimaad oo ay qabaan.

Dowladda Puntland aya Horay u shegtay in ay Dhaqatiir ay diri donaan deganadasi si loga jawabo Cabashada ka soyertay Daka Deganka.

Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

0

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa canbaarayn dusha looga tuuray weerarkii kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

“Weerarka fashilmay ee ururka argagixiso ee sii burburaya ee Al-Shabaab, kaasi oo lala maaganaa shaqaalaha iyo hantida difaaca, marna dib uma dhigi doonto dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa diidan nabadda iyo xasiloonida gobolka” Ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamada Kenya iyo taliska AFRICOM ee Mareykanka ku amaanayso sida fudud ee ay isaga caabiyeen weerarkaas, khasaaraha xooganna u gaarsiiyeen argagixisada Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxaay taageero buuxda u xaqiijinaysaa dadaallada socoda ee gobolka looga ciribtirayo argagixisada, waxayna sii wadi doontaa inay saaxiibada gobolka iyo caalamka kala shaqayso in nabad iyo baraare laga helo gobolka iyo dunidaba.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in war-saxaafadeedyo dhowr ah oo Al-Shabaab ay kasoo saartay dhacdadan ay yihiin kuwa lagu buun-buuninayo xaaladda amniga ee saldhigga. “Dhaqankan waa mid caadi u ah ururkaan argagixiso.” Sidaas waxaa yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Major General William Gayler.