Home Blog Page 816

Doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta lagu wado in ay ka dhacdo Jowhar.

0

Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle oo maanta laga damreemayo Mashquul aad u badan ayaa lafilayaa in ay ka dhacdo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle iyo labadiisa ku xigeen.

Ilaa 6 Musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo ku xigeennadiisa ayaa Shalay Khudbaddo ka hor jeediyay Xildhibaanada waxaana si xowli ah u socda maanta Ololaha Doorashada Gudoonka oo ay u taaganyihiin.

  1. Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
  2. 2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle
  3. Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Si kastaba Ciidamada ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay amniga magaalada Jowhar, Waxaana laga dareemayaa Magaalada qaban qaabada doorashada guddoonka Baarlamaanka inkastoo Shacabku ay aad uga war sugayaan Natiijada Doorashada.

Ciidamada Ammaanka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa soo bandhigay Rag loo haysto Dil iyo Kufsi Magaaladaasi loogu geystay Gabadh yar+(SAWIRRO).

0

Taliska Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntland  ayaa  shaaciyay in gacanta lagu dhigay labo rag ah oo qirtay dilka Gabar Yar oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Naciimo Cabdi Maxamed oo 24-10 laga helay meydkeeda Xaafada Raf & Raaxo ee duleedka Magaalada Bosaaso.

War kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaano socday muddo oo ay ka qeyb qaateen Ciidamada booliska gobalka bari iyo laamaha kala duwan ee danbi baarista ay u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan ragii ka danbeeyay falkaas lagula kacay gabadha, kuwaas oo ku dhuumalesanayay Bariga Magaalada Boosaaso.

Labada Nin ee loo xiray kufsiga Gabadha Yar oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay qirteen inay kufsi u geysteen Gabadha, kaddibna ay Ceejo ku dileen, iyagoo u adeegsaday Cimaamad.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Gobolka Bari  ayaa sheegay in raggan qiray falka kufsiga iyo dilka Marxuumad Naciimo Cabdi Maxamed Maanta oo arbaco ah Maxkamadda Gobolka Bari  la soo taagi doono si ay Cadaalad u marsiiso.

Waxaa uu ugu baaqay Bulshada Gobolka Bari in cid kasta oo dhibaato u geysaneysa Shacabka ay Ciidamada kusoo wargeliyaan kalana Shaqeeyaan sidii looga hoortegi lahaa dhibaatada.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa dhankiisa u mahad celiyay Ciidamada & Bulshada Magaalada Boosaaso oo iska kaashada sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ragga kufsiiga & dilka u geystay Gabadha Yar oo 14 jirka aheyd.

Degaano ka tirsan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa Dhawaanahan kusoo badanay falalka kufsiga & dilka ah ee loo geysanayo Gabdhaha Yar yar, waxaana jira dad badan oo loo xiray falalkaas.

Wasiirka Haweenka JFS oo kulan la qaadatay Madaxa Qaramada Midoobay ee Arrimaha Haweenka+(SAWIRRO).

0

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mrs Xaniifa Maxamed Ibraahin oo xafiiskeeda ku qaabishay madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka Sadik Syed ayaa kala hadashay arrimo badan oo dhinaca Haweenka iyo Xuquulqul insaanka.

Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Mrs Xaniifa Maxamed ayaa dhankeeda Amaantay in Soomaaliya tallaabooyin u qaadday ka qeyb galka siyaasadda Haweenka, iyadoo ballan qaadday in ay sii wadi doonto taageerada ay siinayso hirgalinta Axdiga Haweenka Soomaaliyeed oo la jaal ah qaraarka Qarammada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1,325.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ee Arrimaha haweenka Sadik Syed ayaa wasaaradda haweenka ku ammaanay dadaallada ay wado, isagoona wasiirka cusub ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay.

 

Dowladda hoose ee Xamar oo howlo lagu furayay bulaacadaha ka fulisay waddooyinka caasimadda Dalka+(SAWIRRO).

0

Waaxda bulaacadaha dowladda hoose ee Xamar ayaa xalay howl lagu hagaajinayo goobaha biya mareenka ah (Bulaacad) ka fuliyay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho oo biyo ay dhigeen roobabkii ka da’ay caasimadda.

Dhallinyaro loo carbiyay ka shaqeynta arrimaha bulaacadaha ayaa bilaabay inay dib u furaan bulaacadaha xirmay si biyuhu ay uga baxaan waddooyinka oo aysan u fariisan xiiliyada roobka.

Si kasataba Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal xooggan ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa bilicda Caasimadda, islamarkaana biyaha looga saari lahaa waddooyinka magaalada oo isticmaalkooda ay adagtahay waqtigan uu dalku galay Xilli roobaadka Dayrta.

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo furmay ayaa looga hadlayaa Arrimo Badan oo muhiim ah.+(SAWIRRO)+(MUUQAAL)

0

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlayaa dardargelinta qorsheyaasha Xukuumadda  hortabinta u leh, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, kordhinta dhaqaalaha, dayn cafinta, horumarinta adeegyada bulshada, Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto qorshaha horumarinta qaranka ee 9-aad iyo natiijadii ka soo baxday shirarkii madaxda Qaranku ay ku yeesheen Samareeb iyo Muqdisho.

“Barnaamijka Xukuumadda ee aad qaybta ka tihiin wuxuu ahmiyadda koobaad siinayaa qabsoomidda doorashada dalka, maadaama waddanku uu galay xilli doorasho, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah aan u xaqiijinno qabsoomidda doorasho daah furan isla markaana aan habacsanaan ku keenin hawlaha dowladda”.

Banbaxa Golaha Wasiirrada maanta furmay ee halku dhiggiisu yahay “Daah Furnaan iyo Doorashooyin”  ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in wasaaradaha oo dhan laga rabo barnaamijkooda in ay ka soo dhex saaraan qorshe howleedka 100 maalmood ee soo socda, taa soo lagula xisaabtami doono Wasaarad kasta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso wax walba oo keeni kara habacsanaan ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka, si taas looga hortagana golaha wasiirrada laga rabo  in si miisaan leh  u fuliyaan howlaha kaga aaddan doorashooyinka iyo waajibaadkooda  shaqo ee kale.

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo soconaya muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Golaha kula dardaarmay in ay hirgeliyaan qodobada saldhigga u ah barnaamijka Xukuumadda ee golaha shacabku ansixiyeen.

Halkan Ka DAAWO MUUQAALKA Warkan.

Horjooge iyo Toban Maleeshiyo oo la socotay oo ka wada tirsan kooxda Argagaxisada Alshabaab ayaa lagu dilay Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab ka fuliyeen degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelada hoose ayeey ku khaarajiyeen horjoogihii maleeshiyaadka al-shabaab u qaabilsanaa jubooyinka iyo toban maleeshiyaad ah oo lasocday.

Ciidanka kumaandooska ayaa lagu waramay in ay ka warhelern dhaqdhaqaaqa koox maleeshiyaad ah oo habeenimadii Sabtida soo gaaray hooy ku yiillay Sablaale,waxaana ciidamadaasi  ay howlgal qorsheeysan ka fuliyeen gurigii ay ku jireen kooxdaasi,iyagoo halkaasi Ku wada toogtay horjoogaha iyo tobankii maleeshiyaad ahaa ee lasocday.

Horjoogahaasi la dilay ayaa lagu magacaabaa (Mucaad dheere) kaasi oo Al-shabaab u qaabilsanaa jubooyinka ama gobolada jubooyinka sida uu kusoo waramayo  Wariyaha Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida Maxamed Cabdulaahi Cabdiraxmaan Shilaawe oo lasocday ciidanka howlglka ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka shabeelada hoose.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee lagu beegsanaayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab

Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta khudbadahooda jeedinaya.

0

Musharixiinta u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle iyo ku xigeenadiisa ayaa maanta jeedinaya khubadahooda rasmiga ah ee musharaxnimada, iyadoo haatanba ay socoto abaabulka kulanka Babaarlamaanka.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.

Marwo Canab Axmed Ciise oo hore u ahayd Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ah gabadha kali ah ee xilkaasi mar 2-aad u tartamaysa, iyadoo uu la loolamayo Mahad Xasan Cusmaan.

Doorashada Gudoonka Baarlamanka 2-aad ee Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in la doorto maalinta berri ah, iyadoo markaasi ka dib ay xigi doonto doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.

RW Rooble oo faray maamulka gobolka inuu degdeg wax uga qabto biyaha fadhiya waddooyinka caasimadda,+(SAWIRO)+(MUUQAAL).

0

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ugu yeeray guddoonka gobolka Banaadir ayaa faray in ay deg deg wax uga qabtaan biyaha roobabka ee xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska 3 ruux oo ku geeriyooday roobabkii xoogganaa ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho, isagoo maamulka gobolka Banaadir faray in ay caawiyaan barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee roobabku waxyeelleeyeen.

“Waxaan isugu kiin yeeray dardar gelinta howlaha aad u haysaan shacabka oo maalmahan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dhanka bilicda iyo fayo dhowrka Caasimadda. Sidoo kale waxaa la idin ka sugayaa in aad gurmad deg deg ah la gaartaan dadkeenna ay waxyeeleeyeen Roobabka ka da’ay Gobolka.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maamulka gobolka Banaadir ku boorriyay in dadka caasimadda la siiyo adeeg u dhigma canshuurta ay bixiyaan, isagoo yiri” Waxaan idinku boorrinayaa in dadka magaaladan jooga ee canshuurta bixiya ay dareemaan in canshuurtodii wax loogu qabtay”

Halkan ka DAAWO MUUQAALKA Warka.

Waddada xariirisa Isgoosyada 4-Darjiino iyo Towfiiq oo dib u dhis lagu sameynayo+Sawirro

0

Ku-simaha Guddoomiyha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Axmed Xasan Iiman iyo ku-xigeenka Howlaha Guuud ee Gobalka Banaadir Mudane Cumar Cali Cabdi iyo Guddoomiyha Degmada Yaaqshiid Muuse Geesay ayaa maanta waxa ay si wada jir ah u dhagax dhigeen Waddada xariirisa Isgoosyada 4 Darjiino iyo Towfiiq ee Degmada Yaaqshid, kaas oo laami lasarayo.

Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu maamulka Gobolka Banaadir ku doonayo in dib u dhis lagu sameeyo waddooyinka caasimadda, gaar ahaan kuwa bur bursan ee u baahan in dib u habeyn lagu sameeyo, si loo soo celiyo bilicdii ay lahayd Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhawaan ayay ahayd markii uu maamulka Gobolka Banaadir dhagax dhigay Waddada ka soo baxda Ex-shabeelle, si loogu sameeyo dib u dhis casri ah.

Golaha Shacabka oo ansixiyey sharciga Diiwaangalinta Iyo Aqoonsiga dadweynaha.+SAWIRRO, +MUUQAAL,

0

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 8-aad ku yeeshay xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa, waxaana ay ku ansixiyeen hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta Iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay ku sugnaayeen 143 mudane ayaa waxaa ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed, mana jirin xildhibanaad ka aamusay iyo mid diiday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay sidaas uu ansax ku yahay sharcigga Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.

Kulanka oo ay shir Guddoominayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sido kale waxaa Akhrinta 2-aad ay Xildhibaanaddu mariyeen Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka.

Halkan ka DAAWO MUUQAALKA.