Home Blog Page 792

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad beeleed ka taagneed Galgaduud.

0

Odayaal dhaqan oo joojin colaaddeed uga soo baxay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay heshiis horudhac ah dhex dhigaan maleeshiyo shalay ku dagaalantay deegaanka Xananbuure ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Qodobada heshiiska oo ah mid billow ah ayaa waxaa ka mid ah

1- in xabad joojin shuruud la’aan ah laga sameeyo deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle.

2- In maleeshiyaadka labada beel lakala qaado, kuna laabtaan barihii ay ka yimaadeen.

4- In Ciidamadda Xoogga dalka ay sugaan amniga deegaannadii lagu dagaalamay.

5- In la furo waddooyinka, lana soo celiyo xasiloonida deegaanka.

6- In la qabto kulan dib u heshiisiineed oo ballaaran, kaas oo lagu dhammaystirayo hawlaha harsan.

Ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka, Booliska Federaalka ee gobolkaas ka hawlgala iyo ciidanka nabad sugidda ayaa deegaannada lagu dagaalamay gaaray, waxaana ay ku guulaysteen inay colaadda joojiyaan, taas oo waxgaradka u suura galisay inay tallaabo u qaadaan dhinaca dib u heshiisiinta.

   

Wasiir Maareeye oo furay dood cilmiyeed dhanka dalxiiska ah+Sawirro.

0

Sii hayaha xilka Wasiirka wafaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta daah-furay dood cilmiyeed ku saabsan horumarinta Dalxiiska Dalka.

Sii hayaha Wasiirka  Warfaafinta XFS, Maxamed Cabdi Xayir ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in kulankan uu yahay mid hal maalin ah looguna tala-galay in looga dooda sidii loo horumarin lahaa dalka, isagoo intaa ku daray ka Wasaarad ahaan ay aad uga xunyihiin dhibaatada ay Argagixisada had iyo jeer u geestaan goobaha dalxiiska dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa sharciyo u sahlaya in maal-geliyayaashu ku dhiirradaan in Dalka ay yimaadaan, islmarkaana ay maalgashi ku sameeystaan goobaha Dalxiiska.

“Maanta dalxiis badan ayaa loo yimaadaa waana amaanayaa dhammaan goobaha dalxiiska dalka oo ay ugu horreeyaan kuwa Gobolka Banaadir, waxaannu ka shaqeyneynaa sidii dalxiiska dalka loo horumarin lahaa, annaga ka Wasaarad ahaan waxaan diyaar u nahay in aan idin caawinno idinku dhiiro-galino howlahiinna dalxiiska dalka’ ayuu yiri Wasiirku.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa  dhowaanahan wadday dedaallo lagu dardar gelinayo dib usoo nooleynta dalxiiska dalka oo meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-dii.

 

      

Boqol Salmaan “Sacuudi-carabiya waxey doonaysaa xal joogta ah oo caadil ah oo laga gaaro arrinta falastiin.

0

Boqorka Sacuudi-carabiya Salmaan bin Cabdilcasiis ayaa Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump u sheegay in waddamada Khaliijka ay doonayaan xal caadil ah oo kama danbays ah oo laga gaaro qadiyadda Falastiin,taasi oo ka soo billaabanaysa iyadoo  la tixraacayo hindisihii carabta ee 2002-dii.

Labadan mas’uul ayaa ku wada hadlay qadka taleefanka, kadib qorshihii Maraykanka uu gar-hayeenka ka ahaa ee Imaaraadka Carabtu ku noqotay dalkii 3-aad ee carbeed ee caadiyeeya xiriirla Israa’iil.

Boqor Salmaan wuxuu ku yiri Trump “Sacuudi-carabiya waxay doonaysaa xal joogta ah oo caadil ah oo laga gaaro arrinta falastiin, waxaana loo baahan yahay in Maraykanku taageero.

Hindisahii nabadda ee 2002 ayaa caadiyaynta xiriirka Israa’iil ku xirayay shuruudaha kala ah, in la helo dal madaxbannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin iyo in Israa’iil ka  baxdo dhulkii carbeed oo ay ku qabsatay dagaalkii 1967.

Sacuudi- Arabiya waa Ubucda Islaamka, waxaana ku yaalla goobaha ugu xurmada badan Muslimiinta, walina ma aqoonsan jiritaanka dalnimo ee israa’iil.

Dowladda UK oo Soomaaliya ugu deeqday Gaadiid Ciidan+Sawirro.

0

Dowladda Ingiriiska ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid Ciidan oo loogu tala galay qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga Dalka.

Sii hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) ayaa Boqortooyada Ingiriiska ugu mahad-celiyay taageerada Ciidan ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qaybta 60-aad oo lagu wareejiyay qaar ka mid ah Gawaari Dagaal noocyadooda kala duwan oo qayb ka ah dib-u-dhiska ciidamdda xoogga Dalka Soomaaliyeed.’ayuu yiri Wasiirku.

Mudane Ammar dambe ayaa Dowladda UK iyo Shacabkeeduba ugu mahad celiyay sida ay uga soo jawaabtay codsiga Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay kala qeybqaatato dib u dhiska Ciidamada qalabka sida.

            

Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka “Sanadkan si xooggan ayaanu ula dirirnay Musuq maasuqa.

0

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladdu ay sanadkan xoojisay la dagaallanka musuq-maasuq, taas oo kor u qaadday sumacada Dalka.

Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay kulan uu la qaatay bahda caddaaladda ayaa sheegay in hay’addaha caddaaladda iyo garsoorku ay yihiin kuwa la rabo inay ku dedaalaan sinnaanta, si loo dabar gooyo musuq-maasuqa aafeeyay Soomaaliya.

Dr. Sulaymaan Maxamed ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in Soomaaliya sanad kasta ay kaalinta koowaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan Adduunka, xeer-ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan  ay sameeyeen bahda Caddaaladda la dagaalankii ugu xoogga badnaa ee dhinaca musaqa ah.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir xukunno kala duwan ku ridday qaar ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuq iyo ku takrifal awoodeed.

Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Baladweyne.

0

Wabiga Shabeelle ee dhex mara magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku fatahay xaafadaha magaalada, taas oo mar kale dadka ku qasabtay inay guryahooda ka baxaan.

Xaafadaha hawlwadaag, iyo Buundawayn ayey biyaha Webiga oo ka imaanaya karkaarrada gudaha magaalada ay soo gaareen xalay ilaa saaka, waxaana sidoo kale dadka deggan xaafadaha Kooshin iyo dhagax jabis ay wal wal ka qabaan inay biyuhu soo gaaraan, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka  ee SONNA.

Xaaladdan cusub wali kama hadlin maamulka degmada iyo gudiga ka hortagga fatahaadda oo dhawrkii billood ee ugu dambeeyey hawlo carro-tuur ah ka waday tuulooyinka waqooyiga Baladweyne ee heli-kaliyo iyo Qooqane.

Dhawrkii sano ee ugu dambaysay waxaa magaalada Baladweyne kusoo noq noqonayay fatahaadda wabiga, taas oo hoos u dhigtay dhaqaalaha bulshada iyo wax soo saarkii beeraha.

Wasaaradda waxbarashada oo ku dhawaaqday natiijada imtixaanka dugsiyada sare.

0

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka dawliga ah ee laga qaaday ardada dugsiyada sare dhammaysay sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka.
Tirada guud ee ardada imtixaanka oo ka dhcay 114-xarun gahay oo ahayd 33,727 ayaa waxaa gudbay 25,177 gudubtay , waxaana haray 8,550-arday

waa kuwan 10-ka arday ee ugu sarraysa ardada imtixaanka ku baasay

1-Sayid-cumar C/raxmaan Colaad Cali oo ka baxay dugsiga jaabir binu Xayaan kuna baasay 92.43%
2- Cabdullaahi Ciise Siyaad oo ka baxay dugsiga Axmed Gureey, kuna baasay 92%
3-Sahra Cabdullaahi Abuukar oo ka baxday dugsiga Mucasar science kuna baastay 91.93%
4- Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar oo ka baxday dugsiga Mujamac Yaaqshiid kuna baasay 91.86%
5-Cabdinuur Xuseen Maxamed oo ka baxay dugsiga Maxamuud Xarbi kuna baasay 91.836%
6-Fardoawsa Maxamed Maxamuud oo ka baxday dugsiga waaberi Gaalkacyo kuna baastay 90.43%
7-Fawdsa Daahir Cali oo ka baxday dugsiga Al-anwaar sare kuna baastay 90.43%
8-Cabdifitaax Cabdulaadir Axmed oo ka baxay dugsiga Ablaal Guriceel kuna baasay 90.29%
9-Safiyo Maxamed Nuur Maxamed oo ka baxday dugsiga Baidoa kuna baastay PS 90.14%
10-Faadumo Axmed Cali oo ka baxday Imaamushaafici kuna baastay 90.14%

HALKAN KA AQRISO MACLUUMAADKA OO DHAMMAYSTIRAN

Ciidanka XDS oo dhaq-dhaqaaq ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Mudug+Sawirro.

0

Qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Shacabka ku dhaqan Tuulada Shabeelloow ee Gobolka Mudug ayaa dhaq-dhaq Ciidan ka wada degaanka Dhagaxleey oo  qiyaastii 20 km ujirta Degmada Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah Dadka degaanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidanka xoogga Dalka ee kumaandooska Danab oo kaashanayo Dadka degaanka  ay dedaal ballaaran ugu jiraan sidii ay Argagixisadu ugala wareegi lahaayeen goobaha ay kaga sugan yahiin Gobolka Mudug.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale soo sheegaya in Kooxda nabad-diidku ay halkaasi isaga carareen, ka dib markii ay ka war heleen in ay ku soo wajahan yahiin Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Dadka Shacabka oo iskaashanaya.

  

Suudaan oo soo rogtay xaalad deg-deg ah Fatahaadda darteed(Sawirro)

0

Golaha Difaaca iyo Amniga Suudaan ayaa dalkaasi ku soo rogay xaalad degdeg ah oo socon doona mudd 3 bilood ah.

Xaaladaan ayaa ka danbaysay kadib markii dalkaasi ay ku dhufteen daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo fatahaad uu sameeyay wabiga Nay lee mara dhowr gobol oo dalkaasi ka mid ah.

Bayaankaan ayaa intaasi raaciyay in Suudaan waqti xaadirkaan ay tahay dal ay ka jirto Masiibo ka dhalatay dabeecadda, waxaana la sameeyay gole sare oo la tacaala xaaladaha adag ee ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha dalkaasi ka dhacay.

Dhanka kale wasiiradda Shaqada iyo horumarinta bulshada Suudaan Lena Al Sheikh ayaa sheegtay, in inta badan gobollada dalkaasi ay gaartey masiibada ka dhalatay daadadka oo saameyn ku yeelatay dad gaaraya Nus milyan qof waxaana ku burburay boqol kun oo guri.

     

Maamulka Gobolka Hiiraan oo kormeeray goobaha laga dhisay Biyo xireennada Webiga Shabeelle “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyadda, Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maaddeey iyo Duq Magaalada Baladweyne ayaa kormeer ku tagay goobaha Biya xireennada laga sameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo maaliyadda, Abuukar Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in guddiga u xilsaaran fatahaadda Beladweyne ay wax badan oo muuqda ka qebteen goobaha ay ka sameeyeen Biya xireenada.

Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maadeey ayaa sheegay in maamulkooda uu gacan ka geysanayo sidii guud ahaan loo ballaarin lahaa Biyo xireennada laga dhisay duleedka Beladweyne, si looga hortago in Webiga Sbabeelle uu fatahaad sameeyo.