Home Blog Page 784

Madaweyne Farmaajo oo Ra’iisul wasaaraha magacaaban horgeynaya Golaha Shacabka.

0

Mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulan ay ku yeeshaan xaruntooda KMG ah ee Villa Hargeysa.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & u codeynta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ka hor cod u qaadista kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu kulanka ka jeediyo khudbad dheer, isaga oo sidoo kale Golaha Shacabka ka codsan doona inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha.

Haddii maanta codka kalsoonida la siiyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa la filayaa in si deg deg ah uu usoo dhiso Golihiisa wasiirrada si loo fuliyo hannaanka doorasho oo ay ku heshiiyeen madaxda dalka.

Taliyaha AMISOM oo socdaal shaqo ku tagay Magaalada Jowhar.

0

Taliyaha Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Diomede Ndegeya, ayaa kormeer howleed ku tagey ciidamada AMISOM  qeybta 5-aad, ee ku sugan magaalada Jowhar, taas oo qeyb ka ah booqashadiisa isbarasho ee uu ku marayo dhammaan lixda qeybood ee AMISOM.

Ciidamada  Burundi  oo ka hoos shaqeeya AMISOM ayaa gacanta ku haya qaybta 5-aad oo xaruntoodu tahay magaalada Jowhar, halkaas oo xarun u ah  dowlad goboleedka Hirshabelle, oo qiyaastii 90-km u jirta Muqdisho.

Taliyaha ayaa madaxda ciidamada AMISOM kala hadlay dardargalinta waxqabadka ciidamadaasi iyo ka qeybqaadashada dadaalka loogu jiro soo celinta nabadda iyo ka hortagga kooxaha hubeysan ee argagixisada.

Turkiga oo cadaalad xumo ku tilmaamay shirkad Turkish ah oo Midowga Yurub cunaabateeyeen.

0

Turkiga ayaa talaadada maanta ah sheegay in cunaqabateynta Midowga Yurub saareen shirkad Turki ah oo lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay xayiraadda hubka ee dalka Libya ay tahay mid labo u jeeddo leh isla markaana cadaalad aheyn.

Shalay ayaa midowga Yurub waxaa ay xayireen dhaqaalaha shirkadda maraakiibta ee Avrasya, taas oo lagu eedeeyay in markab Cirkin ee shirakadaas uu ku lug lahaa isku dhacii dhex maray labada dal ee NATO ka wada tirsan Turkiga iyo France bishii June ee sanadkan.

Midowga Yurub waxaa uu ku eedeeyay shirkaddan in ay si dhuulaameysi ah hub ku gelisay Libya. Ankara ayaa dafirtay eedahaas waxayna ku doodaysaa in Markabka uusan sidin hub ee shixnadda saaran ah aheyd mid bani’aadanimo.

“Howlgalka Irini ee midowga Yurub wuxuu abaal mariyay Xaftar waxaana uu ciqaabayaa dowladda QM aqoonsan tahay ee Libya,” sidaa waxaa sheegay wasaaradda arrimaha dibadda.

Xukuumadda Ankara ayaa taageerta dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhida Tripoli. Iyadoo kooxda janaraalka fallaagada ah ee Khaliifa Xaftar ee la baxay ciidanka qaranka Libya ay taageeraan dalalka Imaaraadka, Masar iyo Russia.

Xayiraadda la saaray shirakaddan Turkiga ah ka sokow waxaa sidoo kale la cunaqabateeyay labo nin oo Libiyaan ah iyo shirkadood oo kala ah, Sigma Airlines oo laga leeyahay dalka Kazakhstan iyo Med Wave Shipping oo laga Jordan laga leeyahay.

Turkiga sidoo kale waxaa laga yaabaa in uu wajaho cunaqabateyn kale oo midowga Yurub uga timaada taas oo ku saleysan xiisadda ka taagan bariga badda Mediterranean oo lahaanshaheeda isku hayaan Giriiga iyo Qubrusta Turkiga raacsan.

Soomaaliya oo guddoomisay 41 sano ka dib Golaha loo dhan yahay ee QM.

0

Guddoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay, ahna danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay, kaas oo sanadkan madaxda caalamku badankood ay kaga qaybgalayaan Online-ka.

Shirka oo sanad kasta la qabto bisha September ayaa waxaa sanadkan xoogga lagu saaray saamaynta uu cudurka Corona ku yeeshay bini’aadamka oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay.

Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo jeediyey khudbadda rasmiga ah ee uu Soomaaliya ku matalayo isagoo Muqdisho ku sugan ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan.

Soomaaliya ayey guul diblomaasiyadeed oo caalami ah u tahay inay shir gudoomiso fadhiga loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay 41-sano ka dib, taas oo ah calaamad muujinaysa soo kabashada Soomaaliya iyo inay ku soo laabatay meeqaamkeedii sare ee ay ku lahayd hay’adaha waawayn ee dunidu ku kulanto.

Dhammaadka bishii June ee sanadkan ayaa Abuukar Balle uu ka mid noqday 21-da madaxweyne ku xigeen ee fadhiga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambaysay 1979-kii.

    

Dowladda Iran oo sheegtay in ay diyaar u tahay in Mareykanka Maxaabiis is dhaafsadaan.

0

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Maxamed Jawaad Zarif ayaa sheegay in Iran diyaar u tahay in ay maxaabiis is dhaafsadaan Mareykanka, xilli xiisadda labada dal u dhexeysa ay wali aad u sarreyso.

Hadalkan ayuu wasiirka ka sheegay kulan aaladda fogaan arag ah ku yeesheen golaha xiriiradda dibadda kaas oo ka dhacay isniintii magaalada New York.
Washington ayaa muddo dheer dalbanaysay in muwaadiniinta Mareykanka ee Iran u xiran la sii daayo kuwaas oo ay kamid yihiin Aabe iyo wiilkiisa oo heysta dhalashada Mareykanka oo lagu kala magacaabo Baquer iyo Siamak Namazi oo loo heysto arrimo siyaasadeed.

Tehran ayaa beenisay in dadka ku jira xabsiyadeed ay yihiin maxaabiis siyaasadeed waxay sheegtay in dadkan yihiin basaasiin u shaqeeya laamaha mukhaabaraadka Mareykanka.“Waxaa jira Iraniyiin ku jira jeelashada Mareykanka waxa lagu heystana maxaa wadankiina u khiyaami weyseen. Hadda waxaan diyaar u nahay in aan maxaabiis is dhaafsano, ayuu yiri Zarif.

Labada dal ayaa horey isku dhaafsaday maxaabiis iyadoo xiriirka labada dhinac uu sii xumaanayo tan iyo 2018 markaas oo Trump uu ka baxay heshiiskii nugliyeerka oo quwadaha reer galbeedka iyo Iran wada saxiixdeen sanaddii 2015.

Todobaadyadii u dambeeyay Washington waxay isku dayaysaa galaan gal ku aaddan sidii loo cusbooneysiin lahaa cunaqabateynta hubka ee Iran saaran taas oo wakhtigeeda ku eg tahay 18 bisha soo socota ee October.

Michael White oo ka tirsanaa ciidanka badda Mareykanka ayaa sanaddii 2018 laga soo daayay xabsi Iran ku yaalla taa bedelkeedna Mareykanku waxay sii daayeen seynisyahanka heysta dhalashada Mareykanka ee Majid Taheri.

December sanaddii 2018, Washington iyo Tehran ayaa ka wada shaqeeyay is dhaafsiga maxaabiis, Iran waxay sii deysay Xiyue Wang oo muddo saddex sano ah ku jirey xabsi ku yaalla dalka Iran isagoo lagu eedeeyay basaasnimo Mareykanku dhankooda waxay sii daayeen Massoud Soleimani oo Mareykanku ku eedeeyeen in uu ku xadgudbay cunaqabateynta saaran Iran.

Hoggaamiyeyaashada Dunida oo xusaya Sanad-guurada 75-aad ee Qaramada Midoobay.

0

Hoggaamiyeyaasha dunida ayaa aallada fogaan aragga kaga qeybgalay isniintii xuska 75- aad ee aas-aaska Qaramada Midoobe, iyadoo safmarka COVID-19, iyo dhaqaalaha liita ee caalamka ay kamid yihiin caqabadaha dunida hor yaalla iyo waxtarka isku duubnimada Ururka oo la unkay dagaalkii labaad ee dunida.

Malaayiin dad ah ayaa lagu qasbay in ay guriyahooda joogaan dhaqaaluhu wuu baaba’ay markii safmarka COVID-19 uu ku baahay caalamka horraantii sanadkan. Hadda dalalka qaar waxay dareemayaan hirkii labaad ee cudurka 193 dal uu xubnaha ka ah Ururkan waxay dareemayaan is aaminaad daro gaar ahaan Mareykanka iyo Shiinaha oo xafiltankooda sii ballaaranayo.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in munaasabadda ay ku soo aaday xilli uu dunida aafeeyay safmarka Corona gaar ahaan arrimaha dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka caalamka.

Madaxweynaha Shiinaha oo kulanka ka qeybgalay ayaa isniintii sheegay in dalna uusan awood u laheyn in danaha kuwa kale ku amar ku taagleeyo. “Dalna xaq uma lahan in arrimaha dunida uu shiikhiyo ama isaga uu maamul, ama isaga ka faa’ideysto horumarka dhammaan, kuwa xataa in qof wax yar wixii uu doonayay loo ogolaado ama hoggaamiyaha dunida. Keligii talisnimo waa ay dhammaatay.”ayuu yiri madaxweyne Xi.

Shiinaha ayaa hadda isku arka hoggaamiyaha duni go’aannada la wada leeyahay ka dib markii Madaxweyne Trump uu ka baxay iskaashiga caalamka sida heshiiska cimilada, heshiiskii Iran sidoo kale uu joojiyay xubinimada Mareykanka guddiga sare ee xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay iyo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Madaxweyne Trump ayaa ku jirey liiska madaxda khubadaha ugu horreeya jeedin doona laakiin bedelkiisa waxaa hoolka shirka ee Qaramada Midoobay ka hadashay sii hayaha xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobe  Cherith Norman Chalet.

Waxay sheegtay in hey’addan ay waxyaabo badan oo la soo maray ay tijaabo ugu filan tahay sidaa darteedna ay jiraan arrimo laga walaacsan yahay. “Qaramada Midoobay muddo dheer ayay ka caga jiidaysay is bedel micno leh lagu sameeyo ka dib markii ay lumisay daah furnaanta ayna u nuglaatay agendiyaasha keligii taliyaha iyo digtaatooriyadda. ayay tiri Cherith Norman Chale.

Maqanaanshaha Madaxweyne Trump ayaa shaki badan abuurtay, dadka waxay is weydiinayaan tani ma arrin si ula kac loo sameeyay baa mise, Qaramada Midoobay ayaan kamid aheyn wax-yaabaha mudnaanta u leh Mareykanka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres ayaa sheegay in safmarka COVID-19 uu caalamka kala daadiyay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay u baahan tahay in isbedel lagu sameeyo.”Gole masiirka ummad ka badan todobo bilyan uu gacanta ugu jira in ay ka koobnaadaan shan dal ma caddaalad baa?,” ayuu yiri madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Mareykanka tirada dhimashada oo ku dhow 200,000 oo ruux.

0

Tirada dhimashada safmarka COVID-19 ee Mareykanka ayaa mareysa ku dhowaad 200,000 taas oo ka dhigan iyo shantii qof ee feyraska cororna caalamka ugu geeriyoota uu mid kamid ah yahay qof Amerikaan, waxayna su’aal gelisay sida Madaxweyne Trump ula tacaalay safmarka xilli markii labaad u ololeynayo xafiiska.

Sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins University, Mareykanka waxaa laga diiwaan geliyay ugu yaraan 199,818 qof in ay u dhinteen, iyadoo kiisaska COVID-19 ee dalkaas gaarayso in ka badan 6.8 million, waana dalka ugu badan caalamka kiisaska Corona. In ka badan 70% dadka u dhintay da’dooda waxay ka weyn tahay 65 sano.

Cel celis ahaa todobaadkii Mareykanka waxaa ugu dhintay safmarka ku dhowaad 800 oo ruux, sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters, waxayna intaas ku dartay in tirada dhimashada 5% korortay toodbaadkii hore.

Machadka caafimaadka Jaamacadda Washington ayaa saadaalisay in tirada dhimashada gaari doono 378,000 oo ruux dhammaadka sanadkan 2020, iyadoo maalin kasta geeriyoon doonaan 3,000 ilaa bartamaha bisha December. Dadka dhaliila maamulka Trump waxay sheegeen in xogaha feyraska ay tilmaan u tahay sida maamulka ugu guul dareystay in uu wax ka qabto safmarka.

“Karti xumada iyo beenta Donald Trump ayaa sabab u ah in aan aragno lixdii bilood ee la soo dhaafay in Mareykanka ay ka dhintan dadkii ugu badnaa taariikhda, sidaa waxaa isniintii sheegay musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden.

Gobolada ugu dhimashada badan waxaa kamid ah, gobolada koofureed ee Mareykanka Texas iyo Florida waxana ku soo xigay California. Isniintii, Trump waxaa uu qirey in dalka uu xaalad xun ku jiray.

Trump ayaa ka dambeeyay Joe Biden ra’yi uruurin la sameeyay inkastoo aad isugu dhow yihiin haddana Madaxweyne Trump waxaa caqabad ku ah sida uu u maareeyay safmarka COVID-19 iyo dhaqaale burbruka wadanka ku qabsaday ayaa laga yaabaa in codad badan ku waayo doorashada 3 bisha November.

Falastiin oo xir xirtay siyaasiyiin ay ku eedysay inay qeyb ka ahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraadka.

0

Xoogagga amniga Falastiin ayaa xirey tiro kamid ah taageeriyaasha siyaasiga Falastiiniga ah ee dibad joog ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay Imaaraadka kala shaqeeyeen heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee dhowaan la saxiixay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdaas.

Siyaasiga Mohammed Dahlan ayaa ku nool dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii laga musaafuriyay dhulka Isreal gumeysato ee daanta Galbeed 2011-kii, arrintaas oo timid markii si weyn isku khilaafeen Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo xisbigiisa Fatax oo Dahlaan xubin ka ahaa.

Dalalka khaliijka carabta ayaa dhowaan waxay heshiis la galeen qaarkood Isreal waxayna taasi abuurtay in Dahlan lagu eedeeyo in uu arrintaas door ku leeyahay.
Kooxda Dahlan ayaa dalalka Carabta ku dhaleeceysay xiriirka ay la yeesheen Isreal ka hor inta aan xal loo helin mushkuladda falastiin, hase yeeshee ma uusan inkirin doorkiisa ku aadan arrintan socota.

Isniintii, laamaha amniga Falastiin ayaa xeray todobo kamid ah taageeriyaasha kooxda Maxamed Dahlan, sida uu sheegay afhayeenka kooxdaas Imad Muxsin waxaa uu intaas ku daray in xariga dadkan ay siyaasad ku lug leedahay.

War qoraal ah, oo ka soo baxay laamaha ammaanka Falastiin ayaa lagu sheegay in Xalabi laga soo xirey xaafadda magaalada Nablus oo u dhow daanta galbeed waxaana lagu sheegay bayaanka in talaabadan ay qeyb ka tahay soo celinta amarka iyo kala dambeynta degaanka.

Qoraalka laguma xusin magaca dadka kale oo la soo xirey, wasaaradda arrimaha gudaha Falastiina ayaa sidoo kale ka gaabsaday in ay ka hadasho arrintan.
Madaxii hore ee ciidanka amniga jiidda Gaza, Dahlan ayaa muddo dheer ahaa ninka la aaminsanaa in uu bedeli doono Maxamuud Cabbaas ayaa xiriir weyn oo saaxiibtinimo ah la yeeshay Imaaraadka tan iyo intii uu musaafuris ahaan ugu noolaa wadankaas.

Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xiriri diplomaasiyadeed la saxiixday Isreal todobaadkii hore xaflad uu martigeliyay madaxweyne Trump.Heshiiska wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo dhex mara dalalka Carabta iyo Isreal muddo ka badan 20 sano, Falastiiniyiinta ayaa heshiiskaas ku tilmaamay khiyaano lagu sameeyay qadiyadda Falastiin.

Axmed Madoobe oo Baarlamaanka ugu baaqay in ay Ra’iisul wasaaraha cusub ansixiyaan.

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa baaq u jeediyay Xildhibaannada laga soo doorto degaannada Jubbaland.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay kulan uu la qaatay xildhinaada Labada Aqal ee Baarlamaank ku Matala Jubbaland ayaa ugu baaqay  inay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha dhawaan la magacaabay iyo sidoo kale heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay jiraan howlo badan oo la doonayo in la dar-dar galiyo, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha dhawaan la magacaabay iyo heshiis kii doorashooyinka ee dhawaan muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay madaxda dowlada dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada.Jubbaland.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay kulan uu la qaatay Xildhinaada Labada Aqal ee Baarlamaank ku Matala Jubbaland ayaa ugu baaqay Xildhibaanada in ay Ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha dhawaan la magacaabay iyo sidoo kale heshiis kii doorashooyinka ee dhawaan muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay jiraan howlo badan oo la doonayo in la dar-dar galiyo, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha dhawaan la magacaabay iyo heshiis kii doorashooyinka ee dhawaan muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay madaxda dowlada dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada.

Khasaare ka dhashay dhismo seddex dabaq ah oo ku burburay dalka Hindiya.

0

Dhismo 3-dabaq ah oo ku yiillay duleedka magaalada Mombaay ayaasubaxnimadii saaka burburay, halkaasi oo ay ku dhinteen llaa 8-ruux, sida laga soo xigtay warar ka soo baxay gudaha dalkaasi.

Burburka dhismahaasi ayaa yimid xilli ay dad badan oo deganaa halkaasi ay ahaayeen kuwo hurda,waxaana warku intaa ku daray in dad gaaraya 20-25-ruux ay ku xayiran yihiin dhismaha burburay hootiisa.

Shaqaale kuwa gargaarka deg degga ah iyo koox badbaadiyaal ah ayaa gaaray dhismahaasi burburay oo ku yaalla magaalada Bhiwandi  oo 40-km  u jira Magaalada Mombaay.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan 13 qof ayaa dhimatay ka dib markii dhismo shan dabaq ah uu ku dumey Mahad, oo ah magaalo warshadeed165-km ka xigta Mumbai.