Home Blog Page 783

Wasaaradda C/fimaadka Hirshabeelle Oo Ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Covid-19

0

Wasiirka Wasaaradda Caafmaadka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle mudane Cabdi Macalin Maxamed  oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaasi ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeey ee cudurka Covid 19 ee laga diiwaan geliyay deegaanada Hirshabeelle waxaa uuna sheegay in guud ahaan Hirshabeelle laga helay 6ruux tan iyo markii cudurku uu soo gaaray dalka.

Wasiirka Caafimaadka  ayaa Bulshada ku nool  Hirshabeelle ugu baaqay in ay qaataan talooyinka wasaaradda Caafmaadka Dowlada Soomaaliya iyo tan Hirshabeelle si looga hortago faafida Cudurkan dunida dhibaatada ba’an ku haya ee Coronavirus.

Dhanka kale Wasiirka caafimaadka Cabdi Macalin Maxamed ayaa  sheegay inay diyaariyeen goobo dadka lagu karantiilo  oo qofka isaga shakiya ama uu ku dhaco Covid19 uu tagi karo si baaris loogu sameeyo.

Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kamid ahaa dadkii u dhintay xanuunka Karoona fayris.

Guddiga Qaran Ee Ka Hortagga Cudurka Dilaaga Ah Oo Agab Xakameynta  Ku Wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta.

0

Agabkaan maanta ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  guddiga qaran ee wacyigelinta ka hortagga xanuunka Covid-19 ayaa waxaa uu isugu jiray maaskarooyinka  afka iyo sanka lagu xirto iyo kuwa kale oo loogu talagalay in dadka lagu gaarsiiyo farriimaha ku saabsan halista uu leeyahay cudurka karoona fayris.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaran ee wacyigelinta Xanuunka COVID-19 ayaa sheegay in qalabkaan ay ugu talagaleen in looga hortago xanuunka,waxaana Taliska Ciidanka Asluubta uu kula taliyay in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in agabkaan ay guddigu ugu talagaleen in ay kaga jawaabaan baahiyaha Ciidanka Asluubta,isagoo u rejeeyay Taliska in ay ku dadaalaan sidii loo ilaali lahaa badqabka maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  ayaa tilmaamay in qalabkaan uu kaalin weyn ka qaadanayo ilaalinta xaaladda caafimaad ee maxaabiista,isagoo uga mahadceliyay agabkaan ay gaarsiiyeen guddiga Qaran ee Ka hortagga xanuunka.

Talaabadaan ayaa  qeyb ka ah qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku xakameyneyso xanuunka Coronavirus,iyadoo guddiga Qaran ee ka hortagga xanuunka Coronavirus qalab kan la mid ah ka qeybiyeen goobo kale oo muhiim ah, si loo ilaaliyo badqabka Caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Maxkamada Ciidanka Oo Xukunno Dil & Xabsi Ku Ridday 4-Eedeeysane Oo Lala Xiriirinayo Dilkii Taliyihii Ciidanka Gorgor.

0

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska maxkamadeynta 4 qof oo loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa’ida Ex-Naasahablood 2, 19-kii October 2019.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur  ayaaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socday,  halka labada kale lagu xukumay min 5 sano oo xabi ciidan ah.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida  ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan.

Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya Oo Dib Ugu Celinaysa Dadka Ku Xayiran Kenya.

0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinaysa dalka Soomaaliya.

Dadka la celinayo waxaa qasab ah in ay haystan Baasaboorka ama degganaanshaha Soomaaliya , isla markaana aysan qabin cudurka COVID-19 sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda.

Safaaradda ayaa maalmihii la soo dhaafay  diiwana gelisay dadka ku xaniban dalka Kenya,  iyadoo weli diyaar u ah in ay sii diiwaan gelliso dadka weli dhiman.

Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines ayaa qaadi doonta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Kenya, waxaana ay dadku Tikit-yada jaran karaan ugu dambeyn 17-ka Bishaan May.

Kaalinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ee ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa noqonaya fududeynta sidii diyaaradaha dib-u-celinaya muwaadiniinta loogu oggolaan lahaa in ay ka duulaan dalka Kenya, kana degaan dalka Soomaaliya, sida ay safaaraddu sheegtay.

Kheyre: “Hadii Aan Xal Waara Loo Helin Daadadka Iyo Maamulka Biyaha Lama Gaarayo Horumarka”

0

R/Wasaaraha Jamh.mudane Xasan Cali Kheyre oo guddoomiyay kulan looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto.

Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda hadda jirta iyo talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa.

R/Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda oo dhexda ka dabaaleyna dhibaatada ka dhalatay Karoona ay hadana ay wajeheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle ee karkaarrada jabdaday, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweynaa saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan.

R/Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa inta daadaka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.

Waxaa sidoo kale la bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabeellee, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga.

Dowladda Oo Qorsheyneysa in La Hir-geliyo Xarumo Dheeraad Ah Ee Baarista COVID19 “SAWIRRO”

0

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6.

Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19

Dowladda Federaalka Oo Shixnad Gar Gaar Ka Guddoontay UNHCR Iyo WHO+Sawirro

0

Diyaaraddaan ayaa sidday shixnad gargaar ah oo ka koobneyd 22.5 tan oo ah agabka fatahaaddaha sida teendhooyin,maro kaneeco, maacuun Iyo kuwa kale oo muhiim u ah dadka ka barakacay goobaha ay ku dhufteen fatahaadaha ,daadadkii ka dhashay roobabkii ma hiigaanka ahaa ee ka da,ay deegaanno ka tirsan gobolada dalka iyo hal-tan oo ah qalabka looga hortago cudurka safmareenka ah ee karoona Fetus,Waxaana Dowladda Soomaaliya ay agabkaan ka heshay Hay,adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNCHR iyo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka gargaarka Iyo maareynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay hay,addaha kasoo jawaabay gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaddaha Iyo daadadkii ka dhashay roobabkii da,ay kuwaasi oo waxyeelo ugeysay dadka danyarta ah .

“Waxaan uga mahadcelineynaa Haya’ddaha kasoo jawaabay baaqeynaa ee ahaa in loo gargaaro dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay fatahaaddii wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyo sidoo kale roobabkii mahiigaanka ahaa ka da’ay qeybo ka mid ah gobolada dalka kuwaasi oo waxyeelo u geystay dadka danyarta..ayuu yiri wasiirka Gargaar Xamsa Saciid xamsa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda gargaarka iyo Maareeynta masiibooyinka xukumadda federaalka soomaaliya Cabdirishiid Maxamuud Xasan ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ka akdhaw fatahaadda Iyo inay illaaliyaan nadaafadda iyagoo raacaya fariimaha Caafimaadka ee cudurka covid -19.

“Dadka soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan meelaha wabiga uu fatahaadda uu kawada iyo sidoo kale inay illaaliyaan nadaafada iyagoo qaadanayo fariimaha wacyigalinta uga imaanaya bahada caafimaadka ee looga hortagayo cudurk karoona ee saameyn ku haayda dalka “Sidaas waxaa yiri wasiir Cabdirishiid Maxamuud xasan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineyso sidii loo samata bixin lahaa dadkii ay saameeyn roobaabki mahiigaan ahaa ee ka da,ay qaar ka mid ah gobolada dalka iyo fatahaaddihii wabiyada shabeele iyo jubba ay ku dhufteen  daagaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolada dalka.

Warfaafinta Oo Qalabka Kahortagga Covid-19 Ku Wareejisay Ciidanka Booliska

0

Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Wacyigalinta Qaran ee COVID-19 Maxamed C/di Xayir ayaa qalabka kahortagga cudurka dillaaga ee Covid-19 ku wareejiyay Taliska  ciidanka Booliska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaliya  Jeneraal C/di Xasan Maxamed Xijaar oo guddoomay qalabkaan oo isugu jiray mid afka iyo sanka lagu daboosho iyo galoofiska gacmaha ayaa u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geeysatay dadaalka lagu keenay qalabkaan loo gaashaanto Coronavirus.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisaka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Qaran ee COVID-19 ayaa sheegay qalabkaan in loogu  talagay ciidanka booliska ee shaqada ku jira har iyo habeen si ay uga hortagaan cudurka in la qaadsiiyo ama ay dad qaadsiiyaan.

Danab Oo Weerartay Meel Ay Ku Shirayeen Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada Danab ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay weerareen deegaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee Gobalka J/ dhexe halkaasoo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha CXD ayaa intaas ku daray in xiliga ay weerarka qaadayeen uu deegaanka Carabow shir uga socday saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab , ayna weerarka qaadeen markii ay xogtaasi heleen.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandooska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdi maalik Maalin ayaa sheegay in ciidanka ay khasaare culus gaarsiiyeen goobtii uu shirku uga socday maleeshiyada Al-shabaab.

G/lle Maalin ayaa xusay in ay dileen 3-sarkaal oo mid ka mid ah uu magaciisa lagu sheegay Abuu Ayman oo lagu soo waramayo inuu ka soo jeedo dalka Maali.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada horjooge ee kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan, isagoo xusay in sidoo kale ay dileen maleeshiyaad fara badan oo goobtaas ilaalo ka ahaa.

Beeraleeyda Xudur Oo Dalagii Ay Filayeen Baaba’ay

0

Beeraleyda Degmada Xuddur ee Gobalka Bakool ayaa markale dalagooda ku baaba’ay roobab daadad watay oo nawaaxiga magaalada Xudur ka da’ay.

Daadadkaan oo marwalba sanado barwaaqo tahay aafeeya beeraha degmada Xudur gaar ahaan beeraha khudaarta ayaa waxa ay ka yimaadaan roobabka ku da’a  dhulka taaga ah oo illaa 50-km waqooyi ka xiga magaalada.

Roobka Gu’ga oo daadad la socdeen ayaa si weyn u saameeyey khudaar xilligii jiilaalka la beerey oo bisha ramadaan loogu talo galay in ay soo go’do iyo geedo waa weyn, waxaa ba jira dad sanadkii deyrta ee la soo dhaafey ay khudaartii ay filayeen uu daadku baabi’iyay.

Guddoomiye  Ku xigeenka degmada Xudur Mustaf Aadan oo ka hadlay ayaa sheegay inuu jiro qorshe ay u dejiyeen si looga baaqsado saameynta daadadka qorshahaasi oo ah mid uu maamulku dejiyay.

Waxa jira toogag waa weyn oo biyo keena magaalada Xudur xilliga uu roob ku da’o meelo ka baxsan magaalada hase ahaatee ma muuqato qorshe biyo xireen loogu sameeyo daadadkaan soo noq-noqday.