Mareykanka oo cambaareeyay afduub arday loo geystay oo ka dhacay dalka Nigeria.

Date:

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa cambaareysay afduubka in ka badan 300(Saddex boqol) oo arday oo laga afduubtay iskuul ku yaal  waqooyi galbeed ee dalka Nigeria.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: Mareykanku wuxuu si adag u cambaareynayaa afduubkii loo geystay arday joogtay iskuul ay wax ku baranayeen.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dowladda Maraykanku baaritaan ku samayn doonto sheegashada Boko Xaaraam.

Hoggaamiyaha kooxda xagjirka ah ee Boko Xaaraam Abubakar Al-Shikwi ayaa ku sheegay muuqaal uu soo duubay talaadadii inay afduubteen boqolaal arday ah.

kooxda Boko Xaaraam ayaa 2014-kii afduubatay 276 gabdhood oo ku sugnaa iskuul-ki ay wax ka baranaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...