Home Blog Page 782

Dab khasaare nafeed dhaliyay oo qabsaday isbitaal Turkiga ku yaala.

0

Ugu yaraan sideed qof ayaa dhimatay ka dib markii mashiinka neefsida dab ku qabsaday isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala magaalada Koofurta Turkiga ee Gaziantep, sida uu xaqiijiyay isbitaalku.

Qeybta mashaqada ka dhacday ayaa ah qolka la seexiyo dadka la il-daran xanuunka corona ee isbitaalka  jaamacadda Sanko, sida lagu sheegay bayan ka soo baxay jaamacadda.

Todobo kamid ah bukaanada jeefay isbitaalka ayaa goobta ku geeriyootay halka mid kale uu dhaawaciisa soo gaaray dartiis ku dhintay goor dambe, iyadoo dadka dhintay da’dooda u dhexeysay 65 ilaa 85 sano.

Qaraxa ka dib 14 bukaan oo xanuunka corona qaba ayaa loo wareejiyay isbitaal kale.

Waaxda dab damiska booliiska ayaa si deg deg ah goobta ku yimid, waxayna bilaabeen baaritaan ku aadan wixii dhacay.

Guud ahaan Turkiga 74 % sariiraha loogu talagalay dadka daryeelka gaarka ah u baahan ee xanuunka corona ayaa buuxa, sida laga soo xigtay xogta dowladda.

Jimcihii shalay, wasaaradda caafimaadka Turkiga waxay sheegyay in 26,410 oo kiisas cusub oo corona ah la diiwaan geliyay 24 saac ee la soo dhaafay, tirada guud ee cudurka corona ayaa gaaray 1.98 million tan iyo bishii Maarso.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo interlock ah oo isku xirta Furayaasha iyo suuqa Xararyaalle+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Maanta dhagax dhigay Waddo Interlock ah oo laga hirgelinayo Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Waddadaan oo oo dhirirkeedu yahay 960 Mitir ayaa waxay kasoo bilaabataa Jid-cadaha Furayaasha waxayna ku dhamaataa Suuqa Xararyaale ee Degmada Warta Nabadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney ilaashadaan nadaafadda waddooyinka uu maamulku dhiso si ay ugu dhiiradaan horumarinta caasimadda isagoo ballan qaaday iney sii wedi doonaan dhismaha waddooyinka iyo interlocks-ka.

Dhagax dhigga ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Gobolka,Guddoomiyaha degmada Warta nabadda,Afhayeenka Gobolka Banaadir,Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka iyo mas’uuliyiin kale.

Mareykanka oo meel mariyay tallaalkii labaad oo COVID-19 looga hor tagayo.

0

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay tallaalkii labaad oo ay soo saartay shirkadda Moderna, taas oo keeni doonta in cudurka COVID-19 laga tallaalo malaayiin Amerikaan ah.

Hey’adda cunada iyo dawada Mareykanka ee loo soo gaabiyo FDA ayaa todobaadkii hore meel marisay tallaalka ay soo saareen shirkadaha Pfizer iyo BioNTech kaas oo dadka lagu bilaabay in la siiyo.

Mareykanka wuxuu iibsan doonaa labo milyan oo kuuro oo tallaalka shirkadda Moderna ah in ka badan lix milyan oo ruux ayaa lagu mudi doonaa tallaalkan.

In ka badan 313,500 oo qof ayaa Mareykanka ugu geeriyootay xanuunka Corona halka ku dhowaad 17.5 milyan oo kiis laga diiwaan geliyay dalka Mareykanka.

Tallaalkan cusub oo ay soo saartay shirkadda Moderna isla markaana noqoneya kii labaad oo Mareykanku ogolaado ayaa la siin doonaa dadka da’dooda ka weyn tahay 18 sano jir.

Dadka ugu badan ee ka faa’idi doona ayaa ah kuwa miyiga ku nool maadaama uusan u baahneyn tallaalkan heer kul badan.

Tallaalka shirkadda Moderna wuxuu u baahan yahay heer kul gaaraya -20C halka kan kale oo ay soo saareen shirkadaha Pfizer iyo BioNTech uu u baahan yahay -75C.

Dowladda Soomaaliya oo Kenya uga digtay hubeynta jabhad xasillooni darro ka abuurta gudaha dalka.

0

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya si dhow ula socto abaabul Milateri oo dowladda Kenya ay ka waddo aagga Mandera, iyada oo hubeyneysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga digtay Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso

Howlgal lagu dilay Horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose.

0

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay dileen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5aad ee guutada DANAB  Carab Dheeg Axmed ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in howlgalkaas lagu dilay saddex Horjooge iyo 13 xubnood oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen lix xubnood.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay sheegay in Ciidanka ay bur-buriyeen xarumo Al-shabaab ay ku lahaayeen degmadaasi Jamaame ee gobolka Jubadda hoose howlgalkana uu ahaa mid qorsheeysan oo argagixisada looga sifeynayay gobolka.

 

Ra’iisul wasaaraha XFS “Shacabka Soomaaliyeed waa in ay u midoobaan la dagaalanka Cadowga”.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii  iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid ka fog naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummaddaha Islaamka, isla markaana muhiim ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ummadda Soomaaliyeed iyo dowladuba ay diyaar u yihiin sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga Muslimiinta.

Wasiirka arimaha dibadda JFS oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii argagaxisada ee ka dhacay magaaladaasi.

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda JFS Mudane Maxamed Cabdirisaaq waxuu caawa booqday dadkii  ku dhaawacmay qaraxii argagaxisada ee galabta ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.

Waxaan leennahay Allaha u booga dhayo inta dhaawaca ah, intii dhimatayna naxariista janno ha helaan ayuu yiri wasiirka .

Wasiirka ayaa shaqaalaha caafimaadka ka wareystay xaalada bukaanka isagoo sidoo kale wareystay qaar ka mid ah dhaawacyada.

Qaramada midoobe oo canbaareysay weerakii argagaxisada ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

Xafiiska qaramada midoobe ee soomaaliya UNSOM ayaa si aad ah u canbaareeyay weerarka isqarxinta fuleynimada ah oo argagaxisadu ay ka geysteen garoonka kubadda cagta ee magaalada gaalakacyo.

Qaramada midoobe waxay tacsi u dirtay ehelkii iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii ku dhintay weerarkaas waxayna soo kabasho dhaqso badan u rajeysay kuwa ku dhaawacmay.

UNSOM waxay ku baaqday in cadaalada la keeno oo arxan laawa yaasha ka danbeeyay agaasinka weerarkaasi

Qaramada midoobe iyo itoobiya oo ka wada hadlay xaalada qaxootiga ku sugan gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya

0

Wafdi ka socda heyada qaxootiga qaramada midoobe ee UNHCR ayaa gaaray magaalada Adisababa si ay dowlada itoobiya ugu booriyaan badbaadinta dadka qaxootiga ah gaar ahaan kuwa ku sugan xeryaha ku yaala gobalka Tigray ee dagaaladu ka jiraan.

Wasiiru dowlaha nabadda itoobiya Frealem Shibabaw, oo wafdiga qaabishay ayaa sheegtay in itoobiya ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta badqabka qaxootiga islamarkaana la qaaday talaabooyin lagu ilaalinayo dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin kuwo xeryaha qaxootiga ku jira mudadii uu socday howlgalka gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya.

Waxay tilmaantay in dadkii xeryaha ka cararay cabsi darteed mudadii uu socday dagaalka tigray ay hada ku laabteen meelihii ay ka yimaadeen.

Waxay sidoo kale sheegtay in itoobiya ay diyaar u tahay soo celinta qaxootiga Sudan jooga hadii ay iyagu doonaan.

Waxaa maalmahan jiray walaac xoogan oo heyadaha samafalka ay ka muujinayeen dadka qaxootiga ah ee ku nool waqooyiga itoobiya .

Waxaa jira eedo dowlada itoobiya loo jeediyay oo ahaa in qasab lagu celiyay qaxooti  Eritrea ka yimi oo ku sugnaa gobalka tigreega

Dowlada itoobiya ayaa beenisay eedaasi waxayna sheegtay in qaxootiga ay iskood xeryaha uga baxeen iyaga oo dagaalka ka baqaya.

Gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya waxaa ku yaala 33 xero oo dadka qaxootiga ay daganyihiin waxayna badankood ka yimaadeen dalka Eritrea.

Itoobiya oo ka hadashay askar reer Sudan ah oo lagu laayay xadka kala qeybiya Sudan iyo Itoobiya

0

Ra’isulwasaaraha itoobiya abiy ahmed ayaa sheegay in dowladiisu ay si dhow ula socoto dhacdo ka dhacday xuduuda itoobiya iyo Sudan

Qoraal uu dhigay bartiisa Twiterka ayuu ku sheegay in arintaasi ay geysteen maleeshiyo deegaanka ah .

Abiy waxa uu tilmaamay in arintan aanay jabin doonin xiriirka u dhaxeeya labada dal kuwaas oo mar kasta wada hadal ku xaliya arimahooda.

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo war qoraal ah oo ka soo baxay xukumada Sudan lagu canbaareeyay weerarka oo dowlada Sudan  sheegtay in ay geysteen ciidanka itoobiya iyo maleeshiyo wehelisay .

Ra’isulwasaaraha Sudan ayaa sheegay in fiidkii talaadada ee la soo dhaafay weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidanka Sudan  oo ka soo laabtay shaqo ilaalin xuduuda ah kuwaas oo marayay halka lagu magacaabo Jabal Abutiour oo ku talaala gudaha dalka Sudan .