Golaha Amniga oo ansaxiyay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u fadhi doona Liibiya.

Date:

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe ayaa ansixiyay soo jeedintii  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe  António Guterres ee aheyd in Nickolay Mladenov noqdo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Liibiya.

Nikolay Mladenov  ayaa bedeli doona Gassaan Salaama  oo ka tegay xilkaas bishii March ee la soo dhaafay, culeys dartiis.

Bayaan ay soo saareen xubnaha Golaha Amniga ayaa lagu sheegay inay  muhiim tahay in la helo hannaan lagu kalsoonaan karo si Liibiya looga hirgeliyo xabbad joojin dhab ah.

Golaha ayaa ku baaqay mar kale in dhammaan dagaalyahanada ajaanibta ah ee jooga dalkaas inay dhaqsi uga baxaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Beledxaawo oo sheegay in dowladda ay ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya

-Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Beledxaawo Cabdifataax...

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb

-Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa...

Wasiir Al-cadaala: Ethiopia waxay hub sharci-darro ah ka dajisay Kismaayo

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo...

Guddoomiyaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo oo safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho

-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo Mudane Jaamac...