Dab khasaare nafeed dhaliyay oo qabsaday isbitaal Turkiga ku yaala.

Date:

Ugu yaraan sideed qof ayaa dhimatay ka dib markii mashiinka neefsida dab ku qabsaday isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala magaalada Koofurta Turkiga ee Gaziantep, sida uu xaqiijiyay isbitaalku.

Qeybta mashaqada ka dhacday ayaa ah qolka la seexiyo dadka la il-daran xanuunka corona ee isbitaalka  jaamacadda Sanko, sida lagu sheegay bayan ka soo baxay jaamacadda.

Todobo kamid ah bukaanada jeefay isbitaalka ayaa goobta ku geeriyootay halka mid kale uu dhaawaciisa soo gaaray dartiis ku dhintay goor dambe, iyadoo dadka dhintay da’dooda u dhexeysay 65 ilaa 85 sano.

Qaraxa ka dib 14 bukaan oo xanuunka corona qaba ayaa loo wareejiyay isbitaal kale.

Waaxda dab damiska booliiska ayaa si deg deg ah goobta ku yimid, waxayna bilaabeen baaritaan ku aadan wixii dhacay.

Guud ahaan Turkiga 74 % sariiraha loogu talagalay dadka daryeelka gaarka ah u baahan ee xanuunka corona ayaa buuxa, sida laga soo xigtay xogta dowladda.

Jimcihii shalay, wasaaradda caafimaadka Turkiga waxay sheegyay in 26,410 oo kiisas cusub oo corona ah la diiwaan geliyay 24 saac ee la soo dhaafay, tirada guud ee cudurka corona ayaa gaaray 1.98 million tan iyo bishii Maarso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...