Home Blog Page 781

Ciidanka Xoogga oo heshiis dhex dhigay beelo ku dagaalamay Mudug

0

Mudug:-(SNTV)-Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka General C/Casiis C/laahi Cabdi “Qooje” ayaa  sheegay in lagu guulestay heshiis hordhac ah oo  la  dhax dhigay beelo  ku dagaalamay deegaanka Laas-Gacameey oo 15-Km u jira Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Taliyaha  ayaa sheegay in ay si buuxda ugu guuleysteen in la xaliyo Coladii ka taagneyd degaanka Laas-Gacameey, islamarkaana go’aan lagu gaaray in ciddii  heshiiska baal marta tilaabo laga qaadi doono.

Kulanka heshiisiinta oo socday muddo Lix cisho ,isla markaana ay ka qeybgaleen Odayaasha dhaqanka iyo madaxda Taliska Qaybta 21-aad ee  Ciidanka Xoogga Dalka ,waxaa lagu  go’aamiyay  in laga gudbo muranadii jiray ku waasi oo ragaadinaya nabada iyo horumarka degaanka  iyo howlgalada Ciidamadu ay ku doonaayeen  in ay ku wajahaan deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan Gobolka Mudug.

Guddoomiyayaasha labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay.

Muqdisho:-(SNTV)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi  oo ay wehliyaan safarkooda xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay Dalka.

Waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore Ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Wadanka Turkiga ayaa diyaarada gaar ah kasoo qaaday Dalkaasi ,iyada oo ay weli hakad ku jiraan duulimaadyadii caadiga ahaa ee dunida inteeda kale sababo la xiriira Cudurka safmareenka ee CoronaVirus.

Xuska 15-Ka May Oo Lagu Qabtay, Jowhar & Meelo Kale Oo Dalka Ah. “Sawirro”

0

Munaaasabad lagu maamuusayay sannad-guurada 77-aad ee aas-aaskii Ururka (SYL) ee horseeday xornimada dalka iyo 13-kii dhallinyaro ee galay taariikhda Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/Dhexe.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada gobalka Sh/Dhexe ayaa lagu bogaadiyay kaalinta dhalinyarada looga baahan yahay in ay ka qaataan horumarinta dalka iyo dhammeystirka Dowladnimada.

Dadkii Madasha ka hadlay ayaa ka sheekeeyay doorka ay Dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka dalka siiba xilliga adag ee uu marayo dalka.

15-ka may waa maalin si weyn loogu dabaal-dego waana xus u gaar ah dhallinyarada Soomaaliyeed waxaana munaasabado lagu maamuusayo maanta oo kale ee 15-ka May lagu qabtaa gudaha dalka.

Xuska 15-May oo maanta si yaabo kala duwan loogu xusay magaalooyin kala duwan oo ay caasimadda ka mid tahay ayaa waxaa ka soo wareegatay 77-sano xilligaasi oo ku beegan waqtigii la aas-aasay ururkii SyL sanadkii 1943-dii, SYL oo ka koobnaa 13 dhalinyaro oo loogu magacdaray Halganka Gumeysi la dirirka Dalka.

Dalka Soomaaliya ayaa Soo maray waqtiyo aad u adag kahor inta uu san xornimada si halgan ah kaga qaadan dalalkii gumeysan jiray ee sida Talyaaniga ee Koonfurta iyo Engiriiska oo Gumeystay shanta gobal ee waqooyi Galbeed.

Kahor SYL waxaa ay shacabka Soomaaliyeed wajaheen waqtiyo aad u adag oo ay dagaalo kala hortageen gumeysi mideysan oo ka soo horjeeday jiritaanka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed kuwaasoo qaarkood damacsanaa in gebi ahaanba la tirtiro qowmiyad ahaan, waxaana halgankaasi gumeysi diidka ahaa ka hortagay oo dagaalo naf- hurnimo ah kala hortagay shacabka Soomaaliyeed, Shaqsiyaadka naf iyo maalba ku waayay si ay Soomaaliya u hesho xornimo ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasan Barsane iyo Geesiyaal badan oo maanta ay maanka ku hayaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay adduunka ka joogto.

Degmada Warta Nabadda Oo Xalay U Gudubtay Wareegga 3-aad Ee Tartanka Cilimiyeedka “Sawirro”

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 23-aad oo ah wareegga 2-aad kulankiisa 8-aad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Xamarweyne Vs Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamarweyne Vs Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac intii uu tartanka socday.

Xamarweyne

Tartameyaasha Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Warta Nabadda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamarweyne ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Xamarweyne, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Su’aalo dheeraad ah ayaa lagu daray, maadaama tartamayaasha labada dhinac ay bar bardhac noqdeen, waxaana afar su’aal oo lagu daray ay Xamarweyne la yimaadeen labo dhibcood, halka Tartamayaasha degmada Warta Nabadda ay saxeen dhankooda isla markaana ay ka faa’iideysteen su’aal kale oo ay iska qaldeen dhanka Xamarweyne, sidaasna waxa ay ku heleen afar dhibcood, taasi oo wadarta guud ka dhigtay 14, halka Xamarweyne ay heleen 12 dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga sideed dhamaadka ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 24-aad ee tartanka, waxaa foodda is dari doona degmooyinka Dharkeynley Vs Boondheere oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir.

Akhriso Isku Aadka Wareegga Sideed Dhammadka Ee Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga sideed dhamaadka tartanka ee Warbaahinta Qaranka.

 

 

Reer Garbahaareey Oo Ka Cabanaya Biyo La’aan Baahsan+Sawirro

0

Muddooyinkii u danbeeyay waxaa biyo la’aan baahsan soo wajahay degmada Garbahaareey ee xarunta Gobalka Gedo  ka dib markii ceelka kaliyaha oo ay biyaha ka heli jiraan uu halaabay waxaana ay sababtay in gabi ahaanba la la waayo biyihii macaanka iyadoo uusan jirin ceel kale oo biyaha macaan ay ka heli karaan dadka kunool Garbahaareey.

Maamulka degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa isku dayaya inay wax ka qabtaan xaaladaan soo wajahday bulshada iyagoo kaashanaya saraakiisha ciidanka xoogga eek u sugan demada.

“Waxaan ku jira sidii aan wax uga qaban laheyn xaaladaan culus ee soo wajahday bulshada degmada taasi oo ah cilada ku timid ceelka sidaan ku xalin laheyn inagoo kaashaneynaa ciidanka xooga “Ayuu yir Guddoomiyaha degmada garbahaareey Xasan Sheikh Cilmi Jaamac.

Guddomiyaha degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka gedo Xasan Sheikh  Cilmi Jaamac ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya iyo dadka ka soo jeeda gobolka gedo in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda biyo la’aan ee heysata bulshada ku dhaqan degmadaan iyagoo haatan isticmaala biyo dhanaan taasi oo ay ka dhalin karaan cudurada faafa “ayuu ku daray guddoomiyaha degmada Garbahaareey.

Gobalka Banaadir Oo Howlo Buufin Ah Ka Sameeysay Suuq-Bacaad +Sawirro

0

Waaxda Caafimaadka ee Dowladda hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah ka sameeysay suuq-bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Caasimada iyo qeybo kale oo ka mid ah gobolka banaadir.

Gaadiidka Dowladda Hoosee ayaa biyo ay ku jiraan daawo loogu talagalay in disho  jeermiska faafin kara cudurka indhahu aanan qabin ee karoona Feyruska waxaa ay ku buufiyeen suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada muqdisho ee Suuq -bacaad  si looga hortago cudurkan ka sii faafaya dalka ee Covid-19 iyagoo sidoo kale hore usoo fuufiyay qeybo badan ka  mid ah caasimada.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa  kormeer ugu tagay howlaha buufiska ee ka socday  suuqa bacaad  waxaana uu bogaadiyay howlasha ay wadaan shaqaalaha caafimaadka ee dowladda hoose

“Haddii aan sidaan ku sii wadno waan hubaa inaan ka miro dhalineyo dadaalkeyna ee aan ku xakameyneyno cudurkaan qatarta ah ee Karoona Feyruska waxaana loo baahanyahay in guud ahaan Caasimada la gaarsiiyo howshaan “ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) waxaa ku wehlinayay qaar ka mid guddoomiye ku xigeenka gobolka iyo agaasimayaal ka tirsan gobolk

Akhriso: Nuxurka Ku Jira Khudbadda Madaxweynaha JFS Ee Xuska 15 May 77-Guuradii Ka Soo Wareegatay Aas-Aaskii Syl+Sawirro

0

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas-aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kaas dhallinyarada ahaa oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida.

“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.”

Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed.

“SYL kuma muteysan maamuuskaas kaliya in ay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadeen heeryada gumeystaha, una horseedeen gobanimo buuxda, balse waxa ay ku muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay ka soo gudbiyaan halganka dheeraa ee gobanimo-doonka”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladihii adkaa ee ay dhaxashay Dowladda uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahayd hannaankii dhaqaale ee aadka u hooseeyey, daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalkeenna, xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa soo bandhigay guulaha taariikhiga ah ee Dowladdu ay ku wajahday caqabadahaas iyo ifafaalaha maanta muuqda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo waddaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta dalkeenna iyo dadkeenna.

Reer Buulo-burde Oo Dhir Beeris Uga Qeyb Galay Dabaaldagga Munaasabadda 15-Ka Bisha May

0

Ururka dhalinyarada dagmada buulo-burte Gobalka hiiraan oo kaashanayo  maamulka dagmada ayaa waxa ay sameeyeen in ay dhir ay ku beeran  qeybo ka mid ah wadooyinka Magaalada taasi oo lagu xusayo maalinta dhalinyarada ee 15-ka may.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isagu soo baxeen qiimaha maalintaan maadaama ay la dhigi Karin munaasabado waa weyn oo dhalinyaradu isugu yimaadaan iyagoo laga cabsi qabo cudurka caalamka dhibaatada ku haayo ee Covid-19.

“maanta waa maalin mudan in guud ahaan shacabka iyo dhalinyarada ay isi soo bax saameeyeen si ay u xasuustaan taariiqdii 13 dhalinyaro ee SYl oo ku leeyihiin dalka iyo halgalkii loo soo maray xurnimada aan ku naalooneyno iyo qaranka aan heysano sidaas ayaana isugu soo baxnay iyada uu dalka kala xiranyahay”Sidaas waxaa yiri qaar ka mid dhalinyarad oo warbaahinta la hadlay.

Dhalinyaradaan ayaa sidoo kale ku boorriyay in laga wado qeyb-qaato ololaha wacyigalinta  Cudurka sarfmareenka ah ee Karoona Feyrus waxaana ay bulshada ugu baaqeen in la qaato fariimaha bahda caafimaadka .

15 May1943 –oo laga joogo 77-sano maanta oo kale ayay ku beegantahay aas-aaska  ururka dhalinyarada SYL ee kalinta weyn ka qaatay xoriyada dalka.

R/Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

0

R/Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

R/Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

R/Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka iyo kahor tagga Feyruska Karoona iyo gurmadka Fatahaadaha.

“Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa munaasabadda 77 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaan uga mahad celinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed dowrka wax ku oolka ah oo ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa milkiilayaasha dalka dowrkooda ku aaddan la dagaallanka Covid19 iyo la tacaalidda fatahaadaha.”, ayuu raaciyay Ra’iisul wasaaruhu.

Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 77 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas.