Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo furay shirka wadatashiga caafimaadka xoolaha+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa Muqdisho ka furay shirka wadatashiga istraatiijiyadda caafimaadka xoolaha .

Shirka wadatashiga istraatiijiyadda caafimaadka xoolaha oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa Soomaaliya iyo Hey’adda FAO ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socday maamul goboleedyada iyo xeel dheerayaal ku xeel dheer caafimaadka xoolaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka furay ayaa xusay in istiraatiijiyadan ay muhiim u tahay sidii loo horumarin lahaa caafimaadka xoolaha, taas oo Soomaaliyana ku hogaamineysa inay tartan u gasho suuqayada caalamiga ah ee ganacsiga xoolaha oo kamid ah Ilaha dhaqaale ee dalka.

“Sharaf weyn ayey inootahay in aad nagala soo qeyb gashaan shirkaan wadatashiga ee loo ga hadlayo sidii loo hourmarin lahaa caafimaadka xoolaha iyo caafimaadka dadka intaba, sidoo kale tani waxa ay muhiim u tahay in Soomaaliya ay galaangal ku yeelato suuqyada caalamka, islamarkaana ay Soomaaliya tartan lagasho wadamada dhoofiya hilibka iyo xoolaha” ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen .

Waa markii labaad oo ay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha qabato shirka wadatashiga istaraatiijiyadda Caafimaadka xoolaha, taas oo xooga saareysa caafimaadka xoolaha oo dalkeena uu hodan ku yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...