Home Blog Page 772

Muwaadiniin Ka Soo Amba-Baxay Turkiga Oo Ku Soo Wajahan Hargeysa

0

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maanta waxaa saakay ka soo ambabaxay 94 qof oo muwaadiniin Soomaali ah oo dhammaan ku wajahan  magaalada Hargaysa.

Muwaadiniintan oo ay soo qaadday diyaaradda Daallo Airlines waxa ay in muddo ku xanibnaayeen dalkan Turki-ga sabab la xiriirta xayiraadda uu sababay COVID19.

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Danjire Jaamac C/laahi Ceydiid ayaa uga mahad celiyey dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay dib u soo guryo noqoshada muwaadiniintani.

“Waxaan uga mahadcelineynaa dhammaan dadkii ka qeyb-qaatay dib ucelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka turkiga ,Gaar ahaan waxaa uu uga mahadcilyay dowladda Turkiga oo muwaadiniintaan u ogolaatay inay dalkooda ku laabtaan”Ayuu yiri Danijre Ceydiid.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore dalkaasi turkiga uga soo daad gureysay muwaadiniin ku xanibnaa kuwaasi oo laba jeer laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Lafta-Gareen Oo Sheegay In Dhowaan La Furayo Goobaha Waxbarashada K/Galbeed

0

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) oo ku sugan degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxaa uu ka hadlay caqabadaha waxbarasho ee xilligan ka jira deegaanada  Koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in deegaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan degmada Xudur heerkeeda wax barasho ay aad u liidato.

Sidookale Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa uu sheegay in Bisha July ee soo socota dib loo furi doono Iskuulada ku yaalla deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira COVID-19, si loo bilaabo qaadista Imtixaanaadka Fasalka 8-aad.

Xaaladaha Xanuunka Covid-19 Ee Mareykanka Oo Sii Kordhay

0

Khuburada caafimaadka ayaa aaminsan in Coronavirus ay u dhiman doonaan 200,000  oo Amerikaan ah marka la gaaro bisha September ee sanadkan, sida uu sheegay Ashish Jha, oo ah madax Machadka caafimaadka ee Jaamaacadda Harvard ee  Global Health Institute, xilli kiisaska COVID-19  ee Mareykanku dhaaftay labo milyan.

Tirada dhimashada ee dalka Mareykanka ayaa maraysa in ka badan 113,000 ruux.

In ka badan  7.36 million  ruux ayaa guud ahaan caalamka laga xaqiijiyay in ay qabaan Coronavirus iyadoo dhimashada ay tahay  416,000, sida laga soo xigtay Jaamacada Johns Hopkins oo isku howsha in ay uruuriso xogaha la xiriira saf-marka COVID-19 ee caalamka

Saxafiyiin Tababar Loogu Qabtay Magaalada Gaalkacyo

0

Ugu yaraan 30 Wariye oo ka howlgala magaalada Gaalkacyo ayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug maanta waxa ay u furtay siminaar ku saabsan Fahamka Federaalka, kaas oo hal maalin socday.

Wasiirka Warfaafinta GalMudug, Axmed Shire Falagle, oo xiritaanka siminaarka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka loo qabtay tababarkan ay tahay sidii bahda saxaafadda u heli lahaayeen faham dhab ah oo ku aadan hanaanka federaalka oo dalku qaatay.

Sidoo kale, munaasabadda xiritaanka siminaarka waxaa ka qeyb galay wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Jaamac, Hadallo ay ka jeediyeen madasha waxa ay ku boorriyeen in saxafiyiinta ay noqdaan kuwa ka shaqeeya wanaagga iyo horumarka dalka guud ahaantiis.

Lafta-Gareen Oo Xudur Ku Booqday Ciidamadii Ku Dhaawacmay La Dagaalanka Argagaxisada ‘Sawirro’

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed mudane C/casiis Xasan Maxamed “lafta gareen” iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii 2-aad ku sugan Degmada Xuddur ee Gobalka Bakool ayaa maanta booqday askartii u dhaawacantay difaaca dalkooda, xilli ay weli ku jiraan Cisbitaalka Xuddur iyadoo uu madaxweynuhu uu gaarsiiyay deeq lacageed si loo dhiirigeliyo askarta si ay u difaacaan dalka.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sidoo kale bogaadiyay askarta inay yihiin laf dhabarka uu leeyahay dalka isla markaana haatan ay ciidamadqa xoogga dalka ay ku socoto daib habeyn xooggan hadii ay ahaan laheyd in la qalabeeyo iyo in xuquuqdooda loo dhammeystiro.

“Ciidamada Qalabka sida waxaan dooneynaa inaan dib u qalabeyn ku sameeyno maxaa yeelay dalkaan dadkii hanaan lahaa guud ahaan Amniga waa iyaga waxaana dhameystiri doonaan xuquuqaha ay leeyihiin inagoo uga mahadcelineyno sida ay ugutaan waajibaadka loo ekmaday”ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta –gareen).

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa waxa uu xariga ka jaray xaruun cusub ee laga hirgeliyey suuqa xoolaha ee degmada xuddur, sidoo kale isaga iyo wafdigiisa waxaa ay kormeer ku tageen dhismooyin kuyaala gudaha xarunta.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-Gareen) ayaa bogaadiyey hirgelinta mashaariicda hormarineed oo laga hirgalinayo degmada Xudur kuwaasi oo dhaxal gal u ah magaalada waxaana sidoo kale uu ugu baaqay hay’addaha ka howlgala inay wax ka qabtaan baahiyaha kale ee ka jira deegaanka.

Wasiir Sabriye Oo Ka Codsaday Barlamaanka Ansixinta Sharciga Axsaabta

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Iyo Dib u Hishiisiinta ee Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday in golaha uu dedejiyo ansixinta sharcigan oo muhiim u ah doorashooyinka la filayo in ay dhowaan ka dhacaan dalka.

Wasiirka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay inay dib u-eegis ku saameeyeen nidaamkii dawaan galinta xisbiyada ku meel gaarka gaar ahaan nidaamka iyo sharuudaha laga raba xisbiyada sida diwaan galinta iyo sharciyo kale oo muhiim ah axsaabta.

“Waxaan ku sameeynay dib u-eegis dhammaan nidaamka xisbiyadii lagu diwaangeliyay si KMG ah si aan u hubino shuruudaha laga rabo xisbiyada hase ahaatee waxaan ka codsanayaa golaha in si deg-deg ah u ansixiyaan maadaama ay arrimaha doorashooyinka ay muhiim u yihiin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii May ee sanadkii 2019 Golaha Shacabka ee Barlamaanka horgeysay sharciga xisbiyada dalka. kaasi oo lagu sameeyay wax ka bedel iyo kaabis si loo hubiyo in ay buuxiyeen sharuudaha nidaamka xisbiyadda.

Barlamaankii 9-aad ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 27-Juun sanadkii 2016 ansixiyay sharciga xisbiyadda siyaasadda dalka kaasi oo haatan laf dhabar u ah Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 20120/2021

Wasaaradda Qorsheynta Hirshabeelle Oo Agab C/fimaad Ku Wareejisay Wasaaradda C/fimaadka Hirshabeelle

0
Agabka faraxalka waa Kahortagga coronavirus

Wasaaradda Qorsheynta dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle ku wareejisay agab caafimaad oo looga talo galay ka hortagga iyo xakameynta COVID-19.

Agabkan ayaa ka koobnaa agabka gacmo dhaqa, Istiraasho, af-daboolka (face maska) iyo joodariyaal loogu talo galay in la dhigo goobaha karantiilka ee dadka uu soorito cudurka Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Hirshabeelle Cismaaciil Maxamed Nuur ayaa sheegay in agabkan ay kaga faa’iideesan doonaan ka hortagga iyo xakameynta cudurka COVID-19.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle Muxudiin Mukhtaar Macalin ayaa Shaqaalaha c/fimaadka Hirshabeelle kula dardaarmay in ay bulshada ugu adeegaan agabka, lana kordhiyo wacyi gelinta cudurka COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 36 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 17 qof, mana jirto qof u geeriyooday cudurka.

Wasiir Fowsiyo Oo Ka hadashay Xaalado Soo Kordhay Covid-19

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 6-da kale ay yihiin haween.

13 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Somaliland, Koonfur Galbeed 10, Jubbaland 8, Gobalka Banaadir 4 iyo iyo Galmudug 1 qof.\

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,452 waxaa bogsootay guud ahaan 506 ruux. Halka 85 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

Marwo Sacdiyo Yuusuf Oo Ka Mid Noqotay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta codka aqlabiyad leh ku ansaxiyay xubin ka mid noqonaysa Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Marwo Sacdiyo oo ka mid noqotay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka

156 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye oo maanta laga bilaabo si rasmi ah kaga mid noqoneysa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye ayaa kaga mahadcelisay Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta u codeeyay in ay ka mid noqoto Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana ay balan qaaday inay u shaqayn doonto bulshadeeda si cadaalad ah.

“Waad ku mahadsantihiin in aad ii codeyseen, waxaan Alle ka baryayaa inaan noqdo qof guta shaqadiisa, Ummadda Soomaalyeed u wada noqda qof ay u simantahay, idinkuna shaqo badan ayaa idin taalo Alla waxaan idinkaga baryay in aad noqotaan kuwii ka soo baxa” ayay tiri marwo Sacdiyo Yuusuf.

Golaha Shacabka Oo Akhrinta 1-Aad Mariyay Hindisaha Dib U Eegista Sharciga Xisbiyada

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ee kalfadhiga 7aad kulankiisa 1aad ee Baarlamaanka ayaa ka dooday sharciga Axsaabta siyaasadda, waxaana kulanka shir guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Xildhibaannada Golaha ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda, iyadoo uu faah faahin dheeri ah ka bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabrdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ugu horeyn Xildhibaannada u jeediyay warbixin ku aadan howlaha horyaala Baarlamaanka, gaar ahaan kalfadhiga 7aad, waxaana uu sheegay in sharciga xisbiyada siyaasada uu dalka muhiim u yahay.

“Guddigana waxaan ka codsaneynaa si deg deg ah in aad uga soo shaqeysaan, waxyaabaha ugu muhiimsan oo hadda aan ognahay waxaa waaye, Axsaab siyaasadeed ayaa abuurantay”. Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Baarlamaanka ayaa horyaala sharciyo dhowr ah oo muhiim u ah geeddi socodka doorashooyinka dalka.