Xukuumadda oo fududeynaysa qabsoomidda Shirka Doorashooyinka ee Garoowe

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka eeย  ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale