Nuxurka khudbadda raโ€™isul wasaare Rooble ee ka hor jeediyay golaha shacabka+(SAWIRRO).

Date:

Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa khudbaddii maanta u jeediyay xildhibaanada golaha shacabka waxaa uu uga hadlay arrimo muhiim ah, waxaana kamid ahaa, sugidda amniga gaar ahaan xilliga doorashada, horumarinta caddaaladda, dhab u heshiisiinta, la dagaalanka musuq maasuqa, kobcinta dhaqaalaha, tayeynta adeegyada bulshada, la tacaalidda musiibooyinka Rabbaaniga ah sida; cudurka COVID-19, abaaraha iyo fatahaadaha.

Waxaa uu sidoo kale, sheegay in durba markii wasiirada cusub ay xilka la wareegeen la dejiyay qorshaha 100 maalin, iyadoo waxyaabaha hor tabinta u leh xukuumadda lagu soo koobay, affar tiir oo kala ah; tiirka siyaasadda loo dhan yahay oo ay ku wadajiraan wasaaradaha howshaas quseyso.

Tiirka horumarinta dhaqaalaha waxaa ku jira wasaaradaha iyo heyโ€™adaha wax soo saarka iyo horumarinta dhaqaalaha, tiirka amniga iyo caddaaladda waxaa ku uruursan wasaaradaha iyo heyโ€™adaha ay quseyso arrinta amniga, kan u dambeeyay ayaa ah, tiirka horumarinta adeegyada bulshada waxaa ku ku jira wasaaaradaha iyo heyโ€™adaha ay shaqadoodu tahay adeegyada bulshada.

Mudane Rooble, waxaa uu ka hadlay, dadaaladda xukuumadda ay ku bixisay taaba gelinta doorashooyin loo dhan yahay laguna wada qanacsan yahay, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin qabashada doorashada iyo qancinta tabashooyinka ay qabaan dhinacyada ku lugta leh doorashada dalka.

Raโ€™iisul wasaaraha waxaa uu sheegay in cidna laga aqbali doonin in ย amniga dalka ay Khalkhal geliso, isagoo xusay in xasiloonida ay tahay mid lagama maarmaan ah.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dowladda ku garab istaagaan sidii dalka horumarinkiisa looga shaqeyn lahaa.

Mudane Rooble, raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kordhinta dhakhliga gudaha oo la gaarsiiyay 12.6m oo doolar in bil walka laga soo xareeyo ilaha dhaqaalaha dalka, halka markii hore la soo xareyn jirey ugu badnaan 7 ilaa 8 milyan doolar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...