Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo howlo shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Ankara  ku soo dhaweyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u jooga Turkiga.

Wasiirka ayaa inta uu ku Suganyahay Turkiga kulamo la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka milatari ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiir Xasan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo xerooyinka ay dowladda Turkiga ku tababareeyso ciidamada Soomaaliyeed ee Gorgor iyo Haramcad.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha taageerada Millateri siiya Soomaaliya, waxuuna Turkigu Soomaaliya u tababaray kumanaan askari oo ka kala tirsan ciidamada militeriga iyo booliska gaarka ah ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dagaal adag kula jira kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...