MADAXWEYNAHA PUNTALAND OO DALACSIIYAY CIIDAMADII KA SHAQEEYAY NABADGELYADA GOBOLKA MUDUG โ€œSAWIRROโ€

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinayo Ciidamadii iyo Masโ€™uuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuu dalacsiiyeyย  Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug isagoo sidoo kalena Abaalmarino guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo.

Gobolka Mudug ayaa waxaa ku yimi isbedel weyn oo dhinaca Amniga iyo Horumarka ah tan iyo markii Dowladdu ka fulisay howlgalo amniga lagu sugayo oo lagaga guuleystay argagixisadii dhibaatada ku haysay dadka Gobolka Mudug , guud ahaan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in Dowladd iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...