Jaamacadda Carabta oo doorashooyinka Soomaaliya u ballan-qaaday taageero maaliyadeed

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku tilmaamay shirkii Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira intii u dhexeysay 9-10 September mid miro dhal ah, iyadoo looga dooday ajandaha ah in dhaqaale lagu taageero doorashooyinka Soomaaliya, Arrinta Falastiin, xaaladihii ugu dambeeyay wadamada Suuriya, Yemen, Liibiya iyo Lubnaan, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono inay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ee walaalaha ah ay ugu fadhido Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha jira.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn sanadihii la soo dhaafay, balse ay weli u baahan tahay taageerada walaalaheeda Carbeed si loo horumariyo, dibna loogu dhiso hey’adaha dowladda, loona sii wado hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh ee ku suntan kor u qaadista qiyamka dimuqraadiyadda, xukunka oo si nabadgelyo ah la iskugu xil-wareejiyo iyo qabashada doorashooyin (iyadoo doorashada Aqalka sare ay bilaabatay , waxaa xigi doona doorashada Golaha Shacabka, kadibna doorashada Madaxweynaha) , iyo sidoo kale taageeridda hey’adaha dawladda, dib-u-dhiska dalka, deyn cafinta, iyo maalgelinta qeybaha muhiimka ah sida xoolaha, beeraha iyo kaluumaysiga.

Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada.

Markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, Soomaaliya waxa ay bixin doontaa lacagta ugu badan ee doorashooyinka baarlamaaniga iyo tan madaxweynaha, iyadoo dalalka reer galbeedka ay bixiyeen 7.7 milyan oo doolar oo ay soo marsiiyeen Qaramada Midoobey, halka lacagta laga uruurin doono musharrixiinta lagu qiyaasay 8.2 milyan oo doollar, taas oo ka dhigaysa Soomaaliya inay bixiso lacagta ugu badan ee miisaaniyadda guud ee loo qoondeeyay doorashooyinka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal labo dhinacle ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...