Hoggaamiyaha kooxdii qarxisay masaajidka Daarul-Faaruuq oo xukun adag lagu riday

Date:

Hoggaamiyaha maleeshiyadii weerarkii qaraxa ahaa kusoo qaaday Masaajidka Darauf Faaruuq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota oo la yiraahdo Emily Haris ayaa lagu xukumay 53 sanadood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ku rajo weynaa in Emily Haris, oo magaciisa afgarashada uu ahaa Micheal Haris in lagu xukumo xabsi daa’in, maadama uu hoggaaminayay kooxda weerarka ku soo qaaday masaajidka Daarul Faaruuq.

“Waa Illahey Mahadi in maanta la xukumay raggii ku soo duulay oo qarxiyay Masaajidka Daarul-Faaruuq, waa guul u soo hoyatay Muslimiinta Minnesota” ayuu yiri Imaam Maxamed Maxamuud Maxamed Carab oo ah Mamaulaha Masaajidka.

Andres Folk oo ah ku-simaha xeer-ilaaliyaha maxkamadda heer Federaal ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in dhammaan dadkii ay wareysteen ay isku raaceen xanuunka iyo niyad jabka weerarkan oo ahaa mid “islaam naceyk ahaa”.

Garsooraha maxakamadda Federaalka Donovan Frank oo ku dhawaaqay xukunka Haris oo 50 -jir ah ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid argagixiso ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo hoggaamiyehaasha Muslimiinta Minnesota ayaa soo dhaweeyay xukunkii shalay oo baritaankiisu socday sadex sano iyo bar.

Masaajidkaa Daarul Faaruuq ayaa la weeraray bishii August ee sanadkii 2017.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Shacabka iyo Dowladda Pakistan,kadib qarax lala beegsaday masaajid ku yaalla Islamabad

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si qoto dheer ula wadaagaysaa...

NISA oo burburisay xarumihii khawaarijta ee gobolka jubbaada dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Duqa Muqdisho oo horkacayay olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay Xeebta Liido

Muqdisho, Febraayo 06, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...