MADAXWEYNE CALI GUUDLAAWE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRU DOWLIHII WARFAAFINTA HIRSHABEELLE

Date:

INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi u diray eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo Shacbiga  Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle sidoo kalana ahaa Mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle Marxuum Maxamed Axmed Faarax Kolombo oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowlad Goboleedka iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...