Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay xiriirka Shiinaha iyo Carabta

Date:

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qayb galay kalfadhigii 9-aad oo ku saabsan dood-wadaag xoogga lagu saarayay xariirka Shiinaha iyo waddamada Carabta, kaasoo si fogaan arag ah ay aalada Zoom-ka uga qayb galeen madaxdii lagu casuumay.

Dood-wadaagan oo ay  si wada jir ah u soo abaabuleen Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Shiinaha iyo Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax kala duwan oo ka kala socotay Dowlaha Carabta iyo Shiinaha.

Danjire Cawaale Cali Kullane ooJamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya  Shiinaha oo halkaas qudbad ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay taariikhda xaadaradda shiinaha iyo halkii ay soo martay, isagoo tusaale usoo qaatay bad-mareenkii waynaa ee Shiinaha Zheng He ee safar dhanka badda ah ku gaaray Soomaaliya bilowgii qarnigii 15-aad,  kaasoo si diiran Soomaaliya looga soo dhaweeyay.

Sidokale Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa sheegay in is dhexgalka xadaaraha Carabta iyo Shiinaha ay tahay mid muhiim u ah in dalalkaas ay yeeshaan xariir ganacsi oo dhexdooda ah, sidaa darteenna loo baahan yahay in shucuubta dalalkan la baro dhaqamada iyo xadaaraha si isfahan dhan walba ah loo helo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...