Home Blog Page 712

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shir looga hadlayay xal u helida biyo fariisadka iskuulka Xamar-jadiid+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka deegaanka laanta Xaawo Taako ee degmada Howlwadaag.

Kulanka ayaa yimid kaddib cabasho ka timid ganacsatada iyo dadka deegaanka oo la xiriirtay in xal loo helo biyaha fariista iskuulka Xamar jadiid ee degmada Howlwadaag.

Guddoomiyaha gobolka ayaa ganacsatada ka dhageystay warbixino la xiriira dhibaatada lagu qabo biyo fariisadka,waxaana lagu ballamay in kulamo kale leyskugu yimaad si wax looga qabto arrintaan.

Kulanka waxa Goobjoog ka ahaa Guddomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka iyo Guddoomiyaha Degmada HawlWadaag.

Shir looga hadlayo shaqo la’aanta oo Muqdisho ka furmaya.

0

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa magaalada Muqdisho ku qabaneysa taariikhdu markey tahay 6 iyo 7 bishaan December shirkii ugu horreeyay ee shaqada (NEC 2020).

Madasha ayaa isku keeni doonta dhammaan dhinacyada ay quseyso oo ay ugu horreeyaan ganacsatada,hay’adaha caalamiga ah,dowlad goboleedyada iyo qeybaha bulshada.

Muddada labada maalin ah oo shirku socdo ayaa lagu falanqeyn doonaa wax ka qabashada shaqo la’aanta, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadan doonto dowrkeeda hoggaamineed ee wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyarada.

Go’aankii golaha wasiirrada Puntland oo maanta lagu wado inuu dhaqan galo.

0

Waxaa maanta lagu wadaa inuu dhaqan galo go’aankii khamiistii kasoo baxay golaha wasiirrada maamul goboleedka Puntland, kaas oo shirkadaha isgaarsiinta lagu siiyay amar ah in hal doollar ama ka yar aan la isugu diri Karin adeegyada Sahal iyo E-dahab.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarrif ahaan u qaataan Lacagta Shiling Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilin-ka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid, taas oo sicir-barar keentay.

War shalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu adkeeyay shirkadaha in ay u hoggaansamaan awaamiirtii kasoo baxday shirkii golaha wasiirrada.

Halkaan hoose ka akhriso 

Horjoogihii guud ee argagixisada Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan oo gacanta lagu dhigay.

0

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Howgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha Degmada Walaweyn ee Gobolka shabellaha Hoose waxa ay ku soo qabteen Madaxii guud ee Dilalka qorsheysan ee Al-shabaab.

Ciidanka Sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa u dhacay guriga Horjoogahaan oo Lagu Magacabo Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida  ayaa sheegay in Howlgalkaan laga fuliyay gudaha Degmada Walaweyn ee gobolka shabellaha Hoose lagu soo qabtay Madaxii Guud ee Dilalka Qorsheysan ee argagixisada Al-shabaab.

Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta Horjogahaan laga warhaaye isla markaana degmada Walaweyn uu soo gaaray Habeen ka hor.

 

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo tayeyneysa adeegyada isbitaalka Cadaado+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa iyadoo ka duuleysa baahiyaha caafimaad ee ka jira magaalada Cadaado waxey isbitaalka guud ee Cadaado keentay dhaqtar u dhashay dalka Masar oo ku takhasusay qaliimada guud.

Dhaqtarka Ayaa waxaa Garoonka diyaarayaha magaalada Cadaado Kusoo dhaweeyay Shaqaalaha isbitaalka Guud ee magaalada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka caafimaadka Galmudug Cabdi wali Cismaan Jaamac Ayaa sheegay in isbitaaka cadaado uu noqon doono isbitaal tusaale unoqda isbitaallada deegaannada Galmudug,isagoo xusay in wasaaradu ay tayeyneyso goobaha caafimaad ee Galmudug si bulshadu ay u helaan adeegyada ay uga baahdaan.

Dr Cabdiraxman Maxamud oo ah dhaqtar ku takhasususay qaliimada guud  ayaa sheegay inuu waqti badan Joogi doono magaalada Cadaado shaqo badana ka qaban doon arrimaha caafimaadka.

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo ugu baaqay shacabka Magaalada Beledweyne in ay xasiloonida ka shaqeeyaan.

0

Wasiirka Wasarradda Arrimaha Gudaha Fedaraalka Iyo Dib-u -Heshiisinta General Mukhtaar Xussen Afrax ayaa shir Jaraaid u qabtay Ugu Mahadceliyey shacabka Magaalada Baladweyne, sida qiimaha leh ay uso dhaweeyen isaga iyo wafdigiisa, uguna baaqay in nabad galyada iyo Xasiloonida la wada ilaaliyo.

wax kasto oo tabasha ah lagu dhameeyo miiska wada hadalka, isaga oo cadeeyey in uusan Gobolka ka laaban doonin iyada oo aan xal waara Laga gaarin tabashooyinka taagan.

Saraakiil ciidan oo ka socda Sudan iyo Ethiopia oo ka wada hadlay amaanka xuduuda labada dal.

0

Gudi ciidan oo wadajir ah kaas oo ay leeyihiin Sudan iyo itoobiya ayaa ka wada hadlay arimo la xiriira amaanka xuduuda labada dal iyo iskaashiga nabadgalyada.

Saxaafada itoobiya ayaa sheegtay  in taliyaha ururka  sadaxaad ee ciidanka itoobiya gaashaanle Solomon Afere,  uu tilmaamay in Sudan iyo itoobiya ay leeyihiin xiriir wanaagsan iyo iskaashi dhanka amaanka xuduuda ah.

Solomon waxa uu sheegay in labada dal ay sii wadi doonaan amaanka iyo nabada aaga xuduuda.

Taliyaha ururka sagaalaad ee ciidanka Sudan gaashaanle sare Mohammed Adem,  aya sheegay in labada dhinac ay sanado ka wada shaqeynayeen amaanka labada dal ee dhanka xuduuda ayna sii wadi doonaan.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo qaxooti badan o ka cararay sagaalka waqooyiga itoobiya ay gareen bariga dalka Sudan.

FAO oo digtay ayax hor leh oo soomaaliya ku wajahan gaar ahaan gobalada koonfurta iyo bartamaha.

0

Heyada qaramada midoobe cunada iyo beeraha qaabilsan FAO ayaa ka digeysa ayax hor leh oo ku wajahan bartamaha soomaaliya oo horay ayaxu saameyn lixaad leh ugu hayay.

Dhasha ayaxa ee koronkorada ayaa laga bilaabo isbuucan is uruursan doonta waxayna aad uu sii kordheysa inta bishaan December ka dhiman ilaa bisha Janaayo ee sanadka 2021 sida FAO ay tilmaantay.

Laga bilaabo bartamaha December ayax dhalaan ah oo xoog badan kaas oo ka yimi dhanka koonfur bari itoobiya ayaa la saadaalinayaa in uu ku dago gobolada koonfurta soomaaliya .

Qeybo ka mid ah gobalada waqooyi bari soomaaliya waxaa iminka ku sugan ayaxa waaweyn oo bilaabay in uu ugxaan dhigo taas oo saameyn kale yeelan karta.

Puntland iyo Galmudug ayaa ka mid ah meelaha ugu daran soomaaliya ee uu ayaxu aafeeyay

Boosniya: Askar ka tirsanaa Ciidamada Serbia oo lagu Xukumay Dambiyo Dagaal.

0

laba askari oo horay uga tirsanaa ciidamadii Serbiya ayaa shalay lagu xukumay min sided sano oo xarig ah ,ka dib markii lagu soo eedeeyay in ay dambiyo dagaal ay ka geysteen magaalada bariga Foca sanadkii 1992,halkaas oo lagu xasuuqay dad muslimiin ah oo u dhashay Bosniya.

Maxkamad ku taal Bosnia iyo Herzegovina ayaa xukuntay in Radovan Paprica iyo Slavko Ognjenovic, oo ka mid ahaa  ciidamadii Seerbiya intii lagu guda jiray dagaalkii Bosnia ee sanadihii 1992-1995, ay fuliyeen dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada.

Bayaanka maxkamada ayaa lagu sheegay in Paprica iyo Ognjenovic ay kaqeyb qaateen weeraro qorshaysan oo lagu qaaday dadka rayidka ah ee Bosniya, isla markaana ay galeen dambiyo xadgudub ah sida galmo iyo xasuuq.

Ku dhowaad 3-kun oo rayid ah ayaa lagu dilay magaalada Foca iyo agagaarkeeda,iyadoo sidoo kale la gubay  guryo iyo masaajidyo.

Tartan orod ah oo lagu xusayay maalinka dadka naafada oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo+(SAWIRRO).

0

Munaasabadaan Oo Ay Soo Agaasintay Wasaarada Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug Isla Markaana Qeyb Ka Ah Munaasabadaha Lagu Maamusayay Maalinta Naafada Aduunka Oo Ku Beegan 3da Bisha Decembar Ayaa Xalay Lagu Qabtay Magaalada Galkacyo Ee Xarunta Gobalka Mudug Iyadoo Ay Ka Qeyb Galeen Munaasabada Masuuliyiin Ka Tirsan Galmudug Xubno Ka Socday Ururada Naafada Gobalka Mudug Ee Galmudug Iyo Xubno Matalayay Ururada Haweenka Iyo Dhalinyarada Gobalka Mudug

Munaasabada Oo Lagu Dhiiri Galinayay Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba Sidoo Kalana Abaal Marino Biladeed Iyo Mid Lacageed Lagu Gudoonsiiyay Qaar Ka Mida Naafada Gobalka Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Caruurta Maqalka Naafada Ka Ah Oo Loo Qabtay Tartamo Dhiiri Galin Ah Ayaa Waxaa Ugu Horeyn Ka Hadlay Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale Oo Sheegay In Maamulka Dagmada Galkacyo Ay Si Gaara Ah U Ogaan Doonaan Xaalada Ay Ku Sugan Yihiin Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba Ee Ku Nool Dagmada Galkacyo.

Drs Yurub Cabdul Qaadir Sheekh Cali Isku Duwaha Wasaarada Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug Ee Gobalka Mudug Ayaa Iyana Sheegtay In Ujeedka Munaasabadaan Ay Uqabteen Ay Tahay Sidii Laysugu Baraarujin Lahaa Ka Warqabista Dadka Qaba Baahiyaha Gaar Ah Loona Garab Istaagi Lahaa.

Munaasabada Oo Intii Ay Socatay Ay Ka Hadleen Culuma Udin Waxgarad Ganacsato Iyo Xubno Matalayay Ururada Haweenka Iyo Dhalinyarada Gobalka Mudug Kuwaa Dhamaantood Sheegay In Doorkooda Ka Qaadan Doonaan Dhiiri Galinta Iyo Garab Istaaga Walaalaha Baahiyaha Gaarka Ah Qaba Ayaa Waxaa Gunaanadkii Ka Hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Galmudug Cumar Cabdi Maxamed Guure Oo Balan Qaaday In Muddo Lix Bilood Ah Uu Bixin Doono Kirada Iskuulka Wax Lagu Baro Dadka Maqalka Naafada Ka Ah.