Home Blog Page 712

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO QAABILAY WAFDI KASOCDA BEESHA CAALAMKA “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocda beesha Caalamka.

Wafdiga waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, masuuliyiin kasocday Safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay dardar galinta howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga aqalka hoose iyo dhamaystirka howlha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay tahay in lagu garab istaago oo loo madaxbaneeyo shaqooyinka horyaala taas oo wax badan ka tari karta shaqooyinka socda.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro arimaha kasoo cusboonaday Dowlad Goboleedka Galmudug si ayna caqabad ugu noqon shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala Dowlad Goboleedkaas taas oo ay masuul ka yihiin sharciyadna u leeyahiin maamulka deegaanadaas masuuliyiinta Dowlada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Madaxweynaha Iyo maamulka Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayey Xaqiijinta Amniga Doorashooyinka waxay la qaateen Saraakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan iyo Taliska Ciidanka AMISOM Qeybta Degmada Baraawe.

Kulanka waxaa sido kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cali Saciid Fiqi Wasiirka Gaashandhiga Maamulka Gobolka, kan Degmada Baraawe.

Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo Muqdisho ka daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirro, khubaro, iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Istraatijiyaddan oo salka ku haysa aragtida ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaran ee NDP9 (2020-2024) ayaa ku salaysan yoolal ay ka mid yihiin; sare u qaadidda kaalinta ay biyuhu ku leeyihiin kobaca dhaqaale iyo badqabka bulshada Soomaliyeed, xoojinta hannaanka maaraynta isku dhafan ee khayraadka biyaha, sare u qaadidda u adkaysiga musiibooyinka, iyo xaqiijinta sinnaanta, kordhinta wax soo saarka, bixinta adeegyo wax ku ool ah.

Xafladda daahfurka ayaa waxaa lagu soo bandhigay guudmeerka Istraatiijiyadda Qaran iyo wadiiqooyinka ku xusan, iyadoo daaha laga rogay qaabka fulineed ee lagu taabba galinayo Istraatijiyaddan, oo ay qayb ka yihiin tiro mashaariic ah, oo mudnaan u leh horumarinta biya dalka.

Agaasimaha Waaxda cabirka iyo saadaasha biyaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS Mudane Axmed Maxamed Xasan ayaa faah faahiyay muhiimada ugu weyn ee loo dajiyay qorshaha istaraatiijada maamulka kheyraadka biyaha qaranka.

Wasiiradda wasaaraha tamarta iyo kheyradka biyaha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug Maxamed Axmed Kaarshe iyo Maxamed Xuseen oo ka hadlay xaflada ayaa ka sheekeyay Daruufaha biya la,aaneed ee ka jira deegaanada ay ka imaadeen.

Wasiirka wasaradda Beeraha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xasan Ciid ayaa ka sheegay xaflada daah-furka intaraajidaha maamulka kheyraadka biyaha sharcigaan in uu u adeegayo kor uqaadista wax soosaarka dalka.
Wasiirka wasaarada tamarta iyo kheyraadka biyaha XfS Mudane Xasan Cabdi Nuur oo daah furay xaflada ayaa sheegay shacabka soomaliyeed intabad in ay ku jiraan labo marxaladood masiiba ku ah shacabka sidda fatahaado iyo biyo la,aan.

Inta ay soctay xaflada waxaa lagu soo bandhigay Docment ka hadlayo masiibo bili,aadminimo ee ka dhalatay biyaha oo ku bata dhulka ay wabiyada maraan iyo biyo la,aan ka jirta dhul fog oo miyiga ah.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddoomiyaha Gobolka Nugaal

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 2da October 2021, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka

iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Garowe ka dhagax dhigtay xarunta Cusub oo Hooyada iyo dhalaanka “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Caafimaadka dawlad Gobaleedka Puntland ayaa galabta xaafada Halgan ee magaalada Garowe ka dhagax dhigtay xarun cusub oo hooyada iyo dhalaanka ah.

Xaruntaan ayaa waxaa dhaqaalaha lagu dhisayo bixinaysa hay’adda Qadar Charity iyo hay’adda Tadaamun oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Dr- Jamac Farax Xasan Agaasimaha guud iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda ayaa ka qeybgalay waxaa sidoo kale joogay saraakiil ka socday hay’addaha Qadar Charity iyo Tadaamun.

Dr – Cabdirisaaq Xirsi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadkaga oo ka hadlay dhagax dhiga ayaa yiri:

“ Waxaan soo dhawaynayaa galabta inaan ka dhagax dhigno xaafada Halgan ee magaalada Garowe xarun cusub oo hooyada iyo dhalaanka ah taasoo qeyb ka noqonaysa dadaalka Wasaaradda wado, waxaa sidoo kale xaruntani noqon doontaa mid u adeegta bulshada xaafadaan cusub oo hadda dhismaysa”

“ Xaruntaan ayaa ka koobnaan doonta 7qol oo ay u dhamaystiranyihiin dhammaan adeegyada  xarunta qaban laheyd, waxaa sidoo kale xaruntaan loo soo rari doonaa mid kale oo kiro ku jirtay kana furnayd isla xaafada balse xooggaa ka durugsanayd meeshaan laga dhisayo.”

Abdifataax Adam oo ka socday hay’adda Qadar Charity oo ka hadlay dhagax dhiga ayaa sheegay:-

“ Mudane Wasiir waxaan ku faraxsanahay maanta inaan halkaan ka dhagax dhigno xaruntaan hooyada iyo dhalaanka ah ee laga dhisayo xaafada Halgan oo ku taala magaalada Garowe, xaruntaan ayaa qeyb ka ah xarumo Caafimaad oo aan Wasaaradda ka wada shaqeyn doono dhismahooda, aniga oo uga mahadcelinaya Wasaaradda wada shaqaynta xooggan ee naga dhaxaysa si gaara fududaynta shaqada iyo helitaanka dhulka.”

“Xaruntaan oo ka koobnaan doontaa ilaa 7 qol  sida uu Agaasimuhu sheegay oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee looga baahanyahay xarumaha noocaan oo kale ah waxaan rajaynayaa waqti aan dheerayn inaan u dabaaldagi doono  furitaankeeda.”

Wasiirka wasaaradda Dr- Jamac Farax Xasan oo gabagabadii ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan dhagax dhigo xarun cusub oo loogu talagalay hooyada iyo dhalaanka laga hirgalinayo xaafada Halgan oo sida horay loo sheegay bulshada ku nool baahi uqabeen xaruntaan oo kale, waxaana tani qayb ka tahay Dadaalka wasaaraddu ugu jirto balaarinta adeega caafimaad ee la siinayo dadka jilicsan sida hooyooyinka iyo dhalaanka Puntland.”

“Waxaan uga mahadcelinayaa hay’addaha aan iska kaashanayno dhismaha xaruntaan ee Qadar Charity iyo Tadaamun sida wanaagsan ee aan uga wada shaqayno Caafimaadka xaruntaani maaha tii ugu horraysay ee ay dhisayaan waxaa jira kuwa kale oo ay dhiseen iyo kuwa soo socda insha allah.”

Waxaan rabaa inaan dawladaha Hoose ee Magaalooyinka Puntland inaan ku booriyo inay  dhul laga dhiso xarumaha Caafimaadka uga qoondeeyaan dhulka ay bixinayaan xaruntaan dhulka laga dhisayo dad shacab ah ayaa laga iibiyay,saxna maahan in meel laga dhisayo xarun caafimaad la iibiyo. Magaalooyinku waa korayaan dadkuna waa badanayaan waxaana lama huraan in dhul loo diyaariyo danta guud haddii kale waxay sababi doontaa in la waayo meelo laga dhiso xarumaha Caafimaadka.”

Munaasabad lagu dhaariyay saraakiil ka tirsan ciidanka GorGor oo Muqdisho lagu qabtay

0

Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeyb- galay Munaasabad lagu dhaarinayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno iyo ururka 10 Aad ee Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee GOR GOR.

Munaasabadda Sidoo kale waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka XooggaDalka, Taliska Xarunta Tababarada Ciidanka ee Turkisom iyo Mas’uuliyiin ka socotay Safaaraadda Turkiga ee Soomaaliya ,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Kumaandooska GORGOR ay ka qeyb-qaateen Xorreynta Deegaanno ka tirsan Gobalada Dalka iyo Dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in looga baahanyahay in ay dhowraan sharafta Qaranka ay u dhaarteen .

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamay falalka ka dhacay Laascaanood

0

Wasiirka Caaladda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, oo ah in dad Soomaaliyeed laga musaafuriyo magaalo Soomaaliyeed, taasi oo uu ku sheegay inay tahay wax ku cusub dhaqankeena suuban, isla markaana aan ka turjumeyn dhaqanka Dowliga ah.

“Waxaa nasiib daro ah in si gaar ah loo bartilmaameedsado, dad gaar ah oo weliba si nadab ah ugu ganacsanayey magaalada, qaarkoodna hantidooda iyo guriyahooda laga soo dhex saarey”. ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Waxaan ugu baaqayaa maamulka Somaliland in ay joojiyaan falalka noocaan oo kale ah oo dhaqanka Islaamka, midka Dowliga ah iyo kan Soomaaliyeed midna aan ka tarjumeynin”.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale wax garadka, Culimada, aqoonyahanada, Isimada, Cuqaasha, hay’adaha u dhaq dhaqaa xuquuqda aadanaha iyo Shacabweynaha reer Laascaanood ugu baaqay in aysan ka aamusin raalina ka noqon falkaan foosha xun, dowrkoodana ka qaataan xalinta arinkaan.

 

RW Rooble oo baaq ka soo saaray xaaladda kacsan ee Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanno ka tirsan Galmudug.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka tacsiyadeynayaa dadka ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay.

Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada Galmudug , sidaas awgeed waa in laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.

Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta.

Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan .

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.

DHAMMAAD

Guddoomiye Cirro oo war ka soo saaray doorashadii 11-ka Senator ee G/Waqooyi

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dalka ee heer federaal ayaa soo saaray qoraal uu ku bogaadinayo hanaankii ay ku qabsoontay doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday magaalada Muqdisho, labadii maalmood ee Arbacada iyo Khamiistii la soo dhaafay.

Maalintii Arbacada ee 29-kii September ayaa teendhada Afisyooni lagu doortay lix xubnood, halka Khamiis 30-kii September la doortay shan xubnood, waxaana sidaas lagu soo gabagabeeyey doorashada 11-ka Senator ee Somaliland ku meteleysa Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro oo ka hadlay hanaankii ku qabsoontay doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa yiri, “Runtii doorarashooyinka Aqalka sare ee soo bilowday horaantii bisha Agoosto ayaa waxa ay soo martay duruufo adag oo isagu jirey qaar meel dhexaad ahaa iyo kuwo adkaa. Hadda oo ay doorashada Aqalka sare soo gaadhay heer gabogabo ah ayaan ugu baaqayaa in si dedgeg ah loo soo dhameystiro xubnaha sideedda ah ee hadhsan, si aan u gudagalno doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo runtii ka baaxad weyn Aqalka sare, islamarkaana ka hawl adag.”

Waxuu intaas ku sii daray, “Waxa loo baahanyahay in aad loo adkeeyo meelmarinta heshiisyadii la gaadhay iyada oo marwalba ay tahay in la xusuusnaado danta umadda Soomaaliyeed iyo wadajirkeeda inuu ku xiranyahay doorasho xalaal ah oo hufan.”

Wasaaradda Caafimaadka oo maanta la wareegtay Deeq Daawada COVID-19 oo ay Jaamacadda Carabra ugu deeqday Soomaaliya

0

Deeqdan oo ka kooban 11 ton oo isagu jirta daawada kahortagga COVID-19 iyo Agabka lala isticmaalo kahortagga cudurka.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Garoonka Aadan Cabdulle ayaa waxaa  ka qeyb galay, Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Siihaayaha Safiirka ahna Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo horey uga dalbatay deeqdan ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in daawadani la soo gaarsiiyay xilli dalku uu u baahnaa ugama mahadcelinayaan Jaamacadda Carabra.