Home Blog Page 711

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shir guddoomiyay kulanka amniga “SAWIRRO”

0

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga..

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talobixinaya Amniga magaalooyinka Puntland, gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe.

Hay’adda Istaatiitilada Qaranka Soomaaliya oo maanta Daahfurtay Sahanka Qoyska Soomaaliya

0

Daahfurkaan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socotay qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda iyo Maamul Goboleedyada ayaa lagu soo bandhigay hanaanka la doonayo in loo sameeyo Sahanka Dhaqaalaha Qoyska Soomaaliyeed kaas oo socon doono Mudo Afar bilood ah.

Sahankaan oo laga fulinayo Maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu sameyn doonaa in ka badan 7 kun oo qoysas Soomaali ah ayada oo la doonayo in la ogaado qoyska inta uu ku noolyahay dhaqaalaha ahaan si hal beeg guud loogu helo  celeliska ay ku noolyihiin qoysaska Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Istaatiitilada Qaranka Soomaaliyeed Sharmaake Maxamed Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyay daahfurkaan Maanta la sameeyay ” sahanka aan maanta daahfurnay waxuu qaadan doonaa hir galintiisu ilaa mudo Afar Bilood ah ujeedkiisuna waa in la ogaado dhaqaalaha dalka, sicir bararka iyo heerka saboolnimada ay gaarsiisan tahay waxaana laga sameyn doonaa 18-da Gobol ee Soomaaliya in ka badan 7-ba kun oo qoys ayaa lagu sameynayaa sahminta.

Agaasimayaasha Wasaaradaha Qorsheynta ee qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada Dalka ayaa sheegay inay kala shaqeynayaan hay’adda Istaatiitikada Qaranka qaabka loo sameynayo sahankaan.

Bahada hay’adda Istaatiitikada ee baaristaan sameyneysa ayaa sheegay in waqti dheer laga soo shaqeynayay sidii loo bilaabi lahaa sahankaan maanta la daahfurayo.

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay caleemasaarka Xukuumadda Cusub ee Dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo uu ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa, sidoo kale, waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qayb gashay Caleemasaarka oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dhigiisa Qatar oo si wada jir ah u shir guddoomiyay shir muhiim ah “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Dhigiisa Qatar ayaa wada jir u guddoomiyay kulan xubnaha Wasiirrada ah ee qeybta ka ah wefdiga Ra’iisul Wasaaruhu la yeesheen dhiggooda dalka Qatar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga Wasaaradaha labada dal, si loo xoojiyo xiriirka labada dal iyo iskaashi dhexmara Wasaaradaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Qatar.

Munaasabad looga hadlayay Istiraatiijiyada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

0

Munaasabadaan ayaa waxaa soo agaasimay Guddiga dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayaa diirada lagu saarayay qorsheynta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 30-ka sano ee Soo aadan, waxaana ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Wasiir ku xigeenno, Agaasimayaal, hay’addo Cilmi baaris iyo qeybaha kaladuwan ee Bulshada.

Inta uu socday daah furkaan ayaa lagu gorfeeyay Muhiimada ay leedahay in la dajiyo qorshaha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 30-ka sano ee Soo aadan si dalku uu u yeesho hiigsi iyo hormar dhaqaale oo dagsan.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka  Ali Ciise Cabdi ayaa sheegay in kulankaa  looga doodayay sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona dajin lahaa qorshe weyn oo dhaqaale ” sidii loo sameyn lahaa ummaduna u gaari laheyd himolooyinkooda kobcinta dhaqaalaha loona heli lahaa fikar mideysan oo lagu howl gali karo munaasabadahaan oo kale, waxaa looga hadlaa dariiqii la mari lahaa 5-ta sano ama sadexda Sano ee soo socota laakiin tani waa ay ka duwan tahay waxaa laga hadlayaa wadadii hormarka dhaqaalaha loo mari lahaa 30-ka sano ee Soo socota”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in diirada la saarayo sidii ilaha wax soo saarka dalka loo howl gallin lahaa si loo helo koboc dhaqaale ” ahmiyada iyo natiijada uu leeyahay kulankaan waan in diirada la saaro dhinaca wax soo saarka cuntada hadii ay noqon laheyd beeraha, kaluumeysiga ka faa’ideysiga khayraadka Dalka iyo sidii loola fal gali lahaa isbadalka Cimilada waxaana rajeyneynaa in lagu soo daro dowladnimada iyo dib u heshiisiinta”.

Wasiir Wasaaradda  Isgaarsiinta iyo technologyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdi Shiikh Axmed ayaa isna  sharaxay waxyaabihii laga wada hadlay intii shirku socday waxa uuna yiri ” manuusabadaan waxa ay aheyd in la sameeyo istiraatiijiyad fog iyo sidii 30-ka sano ee Soo socota dhaqaalaha Soomaaliya dib loogu soo kicin lahaa wax yaabaha laga hadlayo waxaa ka mid ah sidee uga faa’ideysanaa badaan weyn ee aan leenahay, xoolaha iyo khayraadkeena kale iyo sidii wadanka loogu raadin lahaa dhaqaale iyo maal gallin si aan ula jaan qaadno hormarka Dunida ay sameeneyso”.

Wasiiradda Haweenka Galmudug oo lagu qabtay kulan looga hadlay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% “SAWIRRO”

0

Waxaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay kulan ay soo Agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug kaas oo looga hadlay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%. Kulanka ayaa daah furtay Wasiiradda Haweenka Galmudug Marwo Ubax Xuseen Dhiblawe.

Kulanka waxaa kale oo ka qeybgalay qeybaha bulshada Magaalada Cadaado,iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta doorka daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ay ku leeyihiin ilaalinta qoonddada haweenka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

0

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey Magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqada leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay.

Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan Carruurta iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqada leh iyo hay’addaha kale ee Puntland in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gar-gaaro , ku gudbayana loo fududeeyo safarkooda.

Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Puntland, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaartay Doha

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar maanta ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani,

Ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Dowlad Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya oo geeriyootay

0

Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan bahda Waxbarashada ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare Khadra Bashiir Cali oo ku geeriyootay magaaladda Columbus, gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Waxay Alle uga baryeen  inuu naxariitiisa janno siiyo,iyagoo tacsida la wadaagay Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, qaraabadii Iyo bahda waxbarashada.

Alle ha u naxariistee, Wasiir Khadra bashiir Cali, waxay ahayd wasiirkii ugu horeeyay ee bilaabay imtixaanka Qaranka ee ay Qaado wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta sare ka dib burburkii ka dhacay dalka Soomaaliya.

Maamulka Degmada Hobyo oo faahfaahin ka bixiyay Horumarada hano qaaday ee ka jira Degmada Hobyo “SAWIRRO”

0

Guddoomiye ku xigeenka Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale ayaa maanta booqosho shaqo ku tagay Dekedda Kaluumaysiga Degmada Hobyo xilli ay ka socotay dejinta Badeecooyin kale duwan oo ay keensadeen Ganacsato kasoo jeeda deegaanada Galmudug

Maxamuud Cawaale ayaa Warbaahinta Qaranka kaga waramay booqashadiisa uu ku tagay Dekedda Kaluumaysiga ee dhawaan la daahfuray isagoona ku amaanay Ganacsatada Galmudug sida ay maalgashiga ugu samaynayaan Hobyo.

Dekedda Kaluumaysiga Hobyo ayaa ka qeyb ka ah Ilaha dhaqaale ee Galmudug, iyadoona dhismaha Dekedda uu geba gabo marayo.