Home Blog Page 711

Cabdiraxmaan Cali Diiriye Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Kormeeray Dhismayaal Cusub oo lagu kordhiyay Isbitalka guud ee Gobolkaasi+(SAWIRRO).

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) Oo La Hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Dadaalada Maamulka Gobalka Ee Ku Aadan Wax Ka Qabashada Baahiyada Adeegyada Caafimaad Ee Ay Bulshadu U Baahan Yihiin Xilli Maanta Uu Soo Kormeeray Qeybo Cusub Oo Lagu Kordhinayo Isbitaalka Guud Galmudug Ee Magaalada Galkacyo Halkaas Oo Ay Ka Socoto Qeybo Cusub Oo Dhawaan Dhismaheeda Laga Bilaabay Isbitaalkaasi

Cabdiraxmaan Isxal Gudoomiyaha Gobalka Ayaana Ugu Horeyn Ka Hadlay Qeybagaha Cusub Ee Isbitaalka Lagu Kordhinayo Isagoo Dhanka Kalana Ugu Baaqay Shacabka Gobolku In Ay Xoogga Saaraan Sidii Iyagu Ay Wax U Qabsan Lahaayeen

Dhinaca Kale Gudoomiyaha Gobalka Ayaa Ka Warbixiyay Dadaalada Ciidamada Amniga Ee La Xariira Sugida Iyo Adkeynta Amniga Gobalka Isagoona U Mahad Celiyay Ugu Horeyn Ciidamada Amniga Qaranka Ee Booliiska Nabad Sugida Iyo Ciidanka Xasilinta Xoogga Dalka Ee Ka Howl Gala Gobalka Mudug.

AMISOM oo bilowday Dayactirka Wado isku xertay Magaalada Dhoobley iyo Garoonka Diyaaradaha.

0

Dhismaha wadadan oo ah 5KM waxaa fulinaya qeybta labaad ee ciidanka Amisom kuwaas oo ka howlgala deegaanada maamul goboleedka jubbaland soomaaliya .

Taliyaha qeybta labaad ee Amisom jeneraal Paul Njema ayaa sheegay in shaqada la qabanayo ay tahay nadiifinta keymaha wadada dhinacyadeeda ah,dayactirka wadada iyo qeyb ka mid ah garoonka gaar ahaan dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan si ay sahal u noqoto in diyaaraduhu degaan dhib la,aan.

Paul Njema wuxuu kaloo sheegay in ay talaabadan qeyb weyn ka qaadan doonta dhaqdhaqaaqa badeecooyinka iyo ganacsiga degmada dhoobleey.

Gudoomiyaha magaalada dhoobleey Siyaad Maxamed Xasan ayaa sheegay in shaqada dayactirka ay gacan ka geysan doonto horumarka magaalada islamarkaana ay kordhin doonto duulimaadka garoonka dhoobleey.

Saameynta duufaantii GATI ee ku dhufatay xeebaha soomaaliya dabayaaqadii bishii November ayaa ka jirta wali qeybo ka mid Puntland.

0

Heyada UNOCHA ee qaramada ee qaramada midoobe waxa ay sheegtay in qiimeynta la sameeyay ay muujineyso in dad ka badan 120,000 oo qof ay saameysay duufaanta gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso,Xaafuun,isku shuban,Hurdiya iyo Gumbax.

42,000 ayaa guryahooda si ku meel gaar ah uga salkacay kadib markii ay biyo galeen halka kuwa kale duufaantu saqafka ka qaaday.

50% dadka sal kacay waxay u baahan yihiin gargaar deg deg ah oo isugu jira hooy,cunto iyo daryeel caafimaad.

Maamulka Puntland iyo heyadaha samafalka ayaa wada dadaal lagu taageerayo dadka duufaanta waxyeelada ugu badan gaarsiisay.

26 fasal oo ardayda ay wax ku baraneysay ayaa duufaanta ku burburay waxaana ay arintan saameysay ilaa 700 oo arday .

Waxaa Meel gabagabo ah maraya wajiga 1aad ee dhismaha wado isxilqaan lagu dhisayo ee magaalada Xuddur +(SAWIRRO).

0

Dhismaha wadadaan halbowlaha ah waxay ka mid tahay hormarada dalka ee isxilqaanka lagu dhisayo waxana gabagabo maraya wajiga 1 aad ee dib u dhiska wadada isku xirta xaafada buulow iyo magaalada oo xilli roobaadka aan lamarijirin, bulshada magaalada xuddur ayaa qofba awoodiisa barnaamijka uga qeybqaadanaya.

Cabdi Maxamed Xuseen waa darawal isxilqaanka ka qeyb qaadanaya waxan kula kulmay goobta shaqada ka socotay.

Qaar ka mid ah guddiga isxilqaan oo bulshada uga mahadceliyey kaalinta lixaadka leh oo ay ka qaateen dhismaha wadada ayaa dhabka kale fariin udirey jaaliyada ka soo jeeda koonfur galbeed iyo dowlada in ay garab ku siiyaan dhismo buundo lagu qiimeeyey $12,500 dolar oo wadada laga dhisayo.

Xuddur waxay ka mid tahay magaalooyinka shacabkeeda ay u istaageen barnaamijka isxilqaanka ah oo dalka lagu dhisayo.

Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka.

0

Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay galisay arrimaha doorashada iyo fulinta doorkii dowladda federaalka Soomaaliya kaga aaddanaa heshiiskii ay gaareen madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii Sibteembar, 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay dowlad goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee hirgelinta doorashooyinka.

“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan dowlad goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xukuumadda federaalka Soomaaliya ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibaarto dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi doorasho oo xasilloon.

Dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la kala diro Guddiga xiriirka ka hortaga Burcad Badeeda Soomaaliya.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa golaha amaanka qaramada midoobay ugudbisay qoraal ku saabsan in la kala diro guddiga xiriirka ka hortaga burcad badeed Soomaaliya kadib markii aan sedexdii sano la soo dhaafay aan dalka laga diwaan galinin kiis afduub ee xaabadaha dalka.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baale oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kala diro guddiga maadaama sedexdii sano ee la soo dhaafay in xeebaha dalka laga diwaan galin afduub iyo dhacdooyinka iyadoo sanadkii ugu dambeeyay aanan la araga isku day xattaa.

“Sedexdii sano ee la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya lagama diwaan galin kiis afduub Burcadeed taasi bedelkeeda dowladda Soomaaliya waxa ay urragtaa in laga maarmo Guddiga isla markaana loo baahanyahay in dib -u-eegis lagu sameeyo.

Sida qorshahu ahaa dhaqaalaha ku baxa guddiga waxaa ka mid ahaa in gudaha Soomaaliya laga dhiso xabsiyo iyo maxkamado lagu qaado dacwadaha dadka loo soo qabto kiisaska burcad badeeda hase ahaate waxa ay ka dhiseen dalalka Kenya Tanzania iyo siishilis waana sababta dowladda soomaaliya ay udooneyso in meesha la taaganyahay laga gudbo ayuu yiri Danjire abuukar Baale.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baale waxaa sidoo kale uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyo sidoo loo joojin lahaa kalluumeysiga sharci dara ah oo maraakiibta shisheeye ku hayaan gudaha dalka kuwa ku shuba wasaqda iyo sidii ay dowladda Soomaaliyeed awood ugu yeelan laheyd qaadista dacwadaha xeebadaha dalka ay uqaadi laheyd.

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay ka hortaga kalluumeysiga sharcidarada iyo maraakibta shisheeye ee wasaqda ku shubayo biyaha baddeyna iyo sidoo kale inay muujiso awooda qaadista dacwadaha ka dhasha dambiyada ka dhacda baddeyna gaar ahaa burcad badeeda iyo kuwa kale ee sharcidarada ah.

Danjire Abuukar Baale waxa uu sheegay in la joojiyay lacagtii lagu bixin jiray guddigaan sedexdii sano ee lasoo dhaafay isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay golaha amaanka qaramada midoobay ka sugeyso in lakala diro taa bedelkeedana laga shaqeeya dhismaha ciidamada illaalada xeebadaha dalka .

“Waxaan ku guuleysanay inaan xayirno dhaqaalihii lagu bixin jiray waxaana waa bedelkeeda dooneynaa inaan dib udhis ku sameyno ciidanka illaada xeebaha si aan awoodeyna kor ugu qaadno.

Ugu dambeyntii Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya abuukar Daahir Cismaan Baale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ula jeedada ugu horeysa ay tahay in masuuliyadda ilaallinta xeebaha Soomaaliya maadaama ay iyadu xaq uleedahay waajibna ay tahay in la helo ciidanka illaalada xeebadaha dalka.

hadalkaan ayaa yimid kadib markii uu wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan uu khudbad  ka jeediyay golaha amaanka qaramada midoobay oo looga hadlayay cusbooneysiinta hishiiska sanad kasto lagu cusbooneysiiyo howl-galka gudiiga .

 

Warsaxaafadeed ku saabsan doorashada guddoonka guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal.

0
Guddiga Hireglinta Doorashooyinka Heer Federaal ee 2020/21 isaga oo ka duulaya waajibaadkii ay u igmadeen Golaha Watashiga Qaranka ee heshiiska siyaasadeed ku gaaray magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020;
Kaddib markii uu muddo bil ah siiyay tababarka, dajinta habraacyada muhiimka u ah shaqada Guddiga iyo isla jaan qaadka xubnaha gudiga ee Muqdisho ku sugan;
Kaddib markii uu qiimeyay mas’uuliyadda culus ee ka saaran in dalkan ay ka dhacdo doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah, lagana fogaado dib u dhac dheeri ah oo ku yimaadda jadwalka doorashada ee ku xusnaa heshiiskii siyaasadeed ee ay wada gaareen Madaxda Dawladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ah Dowladda Federaalka;
Waxa uu Guddigu guda galay qabanqaabada doorashada Guddoonka Gudddiga. Sidaas darteed waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 05/12/2020 ku qabsoomay Hotel Decale doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga.
Waxaa soo xaadiray 20 xubnood oo ka mid ah 25 xubnood ee Guddigu ka kooban yahay, waxaana xilka Guddoomiyaha isu soo taagay Dr. Libaan Abuukar Cismaan iyo Mudane Maxamed Xasan Maxamed, halka Guddoomiye Kuxigeenka ay isu soo taageen Mudane Yusuf Maxamed Kheyr iyo Qareen Mowliid Mataan Salaad.
Codku waxa uu u dhacay sidan soo socota;
Wareegii koowaad ee doorashada waxaa Mudane Maxamed Xassan Maxamed uu helay 17 cod, halka Dr. Liibaan Abuukar Cismaan uu helay 3 cod. Intaas kaddib waxaa la bilaabatay doorashada Guddoomiye Kuxigeenka, balse intii aan codeyntu bilaaban ayaa waxaa tanaasulay Mudane Yusuf Maxamed Kheyr , Sidaas darteed sida Xeer Hoosaadka Guddiga uu dhigayo, waxaa xubnihii Guddigu si gacan taag ah wada jir ugu ansixiyeen in Mowliid Mataan Salaad oo ahaa musharixii labaad uu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.
Gunaanadkii, Guddigu waxa uu u ballan qaadayaa ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan daneeyeyaasha arrimaha doorshooyinka in waajibka qaran ee saaran uu u gudan doono si hufan, daah furan oo caddaalad ah., wuxuuna Guddigu ka codsanayaa dhinacyada oo dhan in ay garab ku siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla Doorasho Xor ah Waa Xalka Dalka.
                                                 DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyey kullan looga diyaar garoobayo madasha Soomaaliya iyo Saaxiibadda Caamalka+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shir guddoomiyay kullan ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka soomaaliya iyo khubaro kala duwan oo looga hadlayay u diyaar garowga Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamka (Somali Partnership Forum).

Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamka (Somali Partnership Forum) ayaa toddobaadkan lagu qabanayaa magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliiska ee ka Howlgala Magaalada Dhusamareb ayaa ku guulaystay inay Gacanta ku dhigaan Waxyaabaha Qarxa.

0

Ciidammada Boliiska ee ka Howlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay Gacanta ku dhigaan Waxyaabaha Qarxa oo lagu qariyey Meel aan sidaasi uga fogayn Saldhigga Booliiska Magaalada,

Taliyaha Boliiska Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo ka warbixinayay sida ay ugu suuragashay soo qabashada Waxyaabahan qarxa, ayaa waxa uu xusay in ay Ciidammadu wadaan Baaritaan lagu ogaanayo Dadkii ka dambeeyey Falkan.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa Bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada si looga hortago Wax waliba oo Amniga ka hor imaanaya sidoo kalana Booliisku u sii Xoojin doono Amniga Caasimadda.

Dhawaan ayaa sidan oo kale Bartamaha Magaalada Xili Habeen ah laga qabtay Dhagarqabe doonayey inuu Fal Argagixiso ka fuliyo Goob Dadka Shacaka ah ku sugnaayeen waxaana Gacanta ku haya Baaritaanana ku samaynaya Ciidamada Amaanka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta oo kulan la qaatay xubno ka socday Jaamacadaha Dalka.

0
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Eng.Cabdulaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) ayaa maanta kullan isbarasho iyo is xogwareysi kula yeeshay xubno ka socday ururka midowga jaamacadaha Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa xubnaha ka Socday jaamacadaha kula dardaarmay inay laban laabaan dadaalkooda si loo helo jaamacaddo tayeysan.
Wasiirka ayaa u ballan qaaday in uu xilweyn iska saari doono tayeynta jaamacadaha wuxuu kaloo wasiirku soo hadal qaaday kormeerkii iyo hubintii dhawaan ay guddiga Tacliinta Sare ku sameeyeen jaamacadaha.
Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan la shaacin doono natiijada ka soo baxday kormeerka uu guddiga ku Sameyay jaamacaddaha.
Waxaa kullanka Goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ,Wasiiru dowlaha waxbarashada, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Tacliinta Sare.