Home Blog Page 705

Cabdi Xaashi C/laahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Garowe Kaga Qeyb galay Aaska Madaxweynihii Hore Ee Puntland

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland mudane Saciid C/laahi Deni ayaa magaalada Garowe ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo gaaray halkaas si ay uga qeyb galaan aaska Qaran oo loo sameeyay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goballeedka Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi Oo Dhowaan  Ku geeriyooday Dalka Kenya.

Wafdiga oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.

Aaska marxuumka oo ka dhacay magaalada Garowe ayna ka qeyb galeen gebi ahaan madaxweyneyaasha Dowlad Goballeedyada iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo aas qaran loogu sameeyay meydka Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland oo Dhowaan ku geeriyooday dalka Kenya.

Wasaaradaha Shaqada Iyo Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Wadadlay Bad-Qabka Shaqaalaha Rayidka.

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta wada-hadallo ka yeeshay bad-qabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, iyadoo daba-gal lagu sameynayo sida ay hay’adaha Dowladda u dhaqangaliyeen fariimaha caafimaadka ee la xiriira ka hortagga caabuqa Covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xoojiyay si dhaqso ah inay ugu dhammeystirto xarumaha hay’adaha Dowladda agabka lagama maarmaanka u ah ka hortagga Coronavirus.

 

Imtixaanka Fasaladda 8-aad ee Gobalka Banaadir Oo Soo Gaba-gaboobay+Sawirro

0

Guddoomiye Ku xigeennada Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir Mudane Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshda Gobalka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalada 8-aad oo Afartii Maalin ee la soo dhaafay ka socday Gobolka Banaadir oo ay u fariisteen ku dhowaad 27,000 oo Arday, kaa soo ay maamulayeen maamulka Gobalka Banaadir.

Masuuliyiintaan ayaa maanta kormeer ku sameeyay goobaha ay imtixaanaadka ay ka socdeen iyagoo dhirigalinyay ardayda waxaana ay in tabadan ku dhiiri galiyeen inay xoogga saaraan waxbarashada.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ardayda nasiibka u yeeshay in imtixaanka ay si nabad ah ku dhameystaan iyadoo dalka uu wali xoogga saarayo xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19, sidoo kale Gobolka Banaadir waa ka go,antahay in kor loo qaado heerka waxbarashada gobolka .ayay ku dartay guddoomiye Basmo.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa 11-kii bisha furay Imtixaanka fasalada 8-deedaad Gobalka Banaadir iyagoo ay sanadkaan fadhiisteen in ka badan 27,000.

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Oo Guddoontay Agabka Waaxda Farsamada & Tababarrada “Sawirro”.

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay maanta kala wareegtay Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Jarmalka (GIZ) agab iyo qalab xafiiseed loogu talo galay Waaxda Farsamada Gacanta iyo Tababarrada ee Wasaaradda. Taageerradan ayaa door ku yaallanaysa dedaallada lagu horumarinayo xirfadaha iyo tababarada.

GIZ waxaa ay ka mid tahay hay’adaha caalamiga ah ee Iskaashiga wanaagsan la leh Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , iyadoo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Sadik Warfa uu dhowaan sheegay in diiradda la saarayo sidii lagu horumarin lahaa xirfadaha si loo dhimo shaqo la’aanta ay wajahaan dhallinyarada.

Wasiirka Boostada Soomaaliya Oo Ka Qeybgalay Kulanka Guddiga Maamulka Hay’Adda Isgaarsiinta Qaranka

0

Wasiirka Boostada iyo isgaariista XFS mudane ENG Cabdi Canshuur Xasan ayaaa maanta ka qeybgalay Kulanka Guddiga Maamulka (Board) ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ).

Wasiirka Canshuur ayaa xubnaha Guddiga la wadaagay waxyaabaha ay Dowladdu ka fileyso kulankan oo ay ugu muhiimsan tahay dhaqan-gelinta go’aamadii ka soo baxay shirkii la qabtay la qabtay 15-kii Juun ee ay ka soo qeyb galeen shirkadaha Isgaarsiinta bixiya (MNOs), HIQ, Wasaaradda iyo Garyaqaanka Guud ee Qaranka, kuwaas oo ah in go’aamada ka soo baxaya HIQ la marsiiyo hannaanka uu sharcigu dhigayo sida kulankan oo kale, ka dib marka lagala soo tashto dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Sidoo kale wasiirka boostada ayaa shegay Xilligan Wasaaradda iyo xukuumadda guud ahaanba in ay ah ahmiyad gooni ah u leedahay bixinta rukhsadaha isgaarsiinta si shirkadaha looga dhigo kuwo ku shaqeeyo nidaam sharciyeed, kadibna ay u qaataan rukhsadaha kale ee khuseeya sida rukhsadda lacagaha taleefoonka lagu gudbiyo ee uu diyaariyey Bangiga Dhexe ee Dalka (MMT).

Bixinta rukhsadaha Isgaarsiinta waa halbeeg muhiim u ah qorshaha deyn-cafinta dalka, waxaana idinka filanaynaa in aad howshaan ku soo gabagabeyn doontaan waqti kooban.
Wasiir canshuur “Go’aamada ka soo baxa kulankiina waxa aad la soo wadaagi doontaan Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, taas oo ka dib kala tashan doonta Wasaaradda Maaliyadda arrimaha khuseeya qiimayaasha.

Ugu danbeeyn Wasiirka Boostada iyo isgaariista XFS mudane ING Cabdi Canshuur Xasan ayaa kula dardaarmay Guddiga iyo Maamulka Hay’addaba inay dadajiyaan hawlaha horyaalla si loo dhammeystiro nidaaminta suuqa isgaarsiinta Soomaaliya oo ahmiyad u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed intaba.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Oo Qalabka Ka Hortago Covid-19 Gaarsiisay Magaalada Cadaado+Sawirro

0

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortaga iyo xakameynta cudurka Covid-19 gaarsiisay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Agabkaan oo ka koobnaa guud ahaan qalabka nadaafada sida maaska afka lagu xerto,gacmo gashi,dareeraha gacmaha lagu dhaqdo,joodariyaal iyo kuwa kale oo muhiim ah daryeelka dadka uu soo rito xanuumka Covid19 ayaa waxaa loogu talagalay bulshada ku nool degmada Cadaado iyo deegaannada ku agdhow.

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa waxaa ay agabkaan ka heshay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa xafiiska midowga Yururb ee Soomaaliya.

Masuuliyiinta maamulka degmada Cadaado oo la wareegay qalabka ayaa ka warbixiyay baahida ay u qabeen maadaama ay ka mid tahay meelaha uu sida xooggan usaameeyay cudurka Karoona Feyrsuka.

“Waa mid ka mid baahiyaha aan qabnay inaan helno agabkaan maxaa yeelay waayahaan waxaa sii kordhayay tirada dadka uu soo ridanayo cudurka, mana aheyn waxa aan awoodno ka maamul ahaan ayuu yiri Madaxa Caafimaadka degmada Cadaado Dr. Cabdi Xasan Cali oo la hadlay warbaahinta.

C/laaahi C/raxmaan Xuseen oo ah Guddoomiyaha Degmada Cadaado ee Gobalka Galguduug ayaa uga mahadceliyay Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowladda Dhexe iyo tan Gamudug doorka ay ka qaadanayaan la dagaalanka cudurka iyo xakameynta sida uu bulshada usaameeyay.

 

 

Diyaarad U-Rarneyd Amison Oo Ku Gubatay Baladweyne+Sawirro

0

Diyaarad ka diiwaan gashan dalka Kenya ayaa maanta ku gubatay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ayaa waxaana laga badbaadiyay sadax ruux oo saarnaa in kasta oo dhaawacyo ay soo gaareen.
Diyaaradda oo ka soo duushay dalka Jabuuti ayaa u siday raashin ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Amisom,taasi oo ay ugu tala galeen dadkii ay saameynta ku yeesheen daadadkii Beledweyne waxaana gabi ahaanba ku gubtay diyaaradda raashinkaas.
Sababta dhalisay dabka diyaaradda ka kacay ayaa lagu sheegay in diyaaraddu markii ay soo caga dhigatay mid ka mid ah taayirada uu u baxay taas oo keentay in ay ka baxdo dhabaha diyaaraduhu ku ordaan isla markaana dab qabsaday sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Col Isaaq Cali Cabdulle taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Ka Hadlay Roobabkii Xalay Iyo Saameeynta Magaalada

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in Roobabkii ka da’ay caasimadda Dalka ee Muqdisho habeenkii xalay ahaa uu saameyn ballaaran ku yeeshay bilicda iyo muuqaalka magaalada, isagoo xusay in ay biyo fariisteen qaar ka mid ah Waddooyinka waa-weyn ee magaalada.

Duqa Muqdisho oo maanta Saxaafadda la hadlayay ayaa balan qaaday in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda ay si deg deg ah howl lagu dardargelinayo horumarinta Nadaafada iyo bilic soo celinta magaalada la bilaabayo, isagoo la dardaarmay dhammaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan in ay kaalin weyn ka qataan Nadaafada iyo bilicda Caasimadda.

Duqa Caasimadda mudane Cumar Filish ayaa sheegay in ay socdaan qorshooyin lagu dardargelinayo Horumarinta Caasimadda, islamarkaana Maamulka Gobalka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta caasimada, dhinacyada amniga, Nabada, Nadaafada, bilic soo celinta Caasimadda iyo wacyigelin bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Soo saaray War saxaafadeed Lagu Taageerayo Shirkii Wadatashiga Maamul Goboleedyada.

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ku taageerayo go’aanadii ka soo baxay Shirkii Madaxda Maamul Goballeedyada dalka isagoo ku tilmaamay Guul horudhac u ah heshiis wadajir ah oo Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ah.

Sidoo kale wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Maamulka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug oo kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Hoos ka aqriso Warsaxaafadeedka oo dhameystiran.

Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Oo La Kulmay Xisbiyada Loo Diiwaangeliyay Si KMG Ah. ”Sawirro”.

0

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan kula qaatay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diwaangashan gudaha magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo u jeedadiisa ahayd is xog wareysi u dhaxeeyo labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii xisbiyada hadda jira ay u qaadan lahaayeen Shahaadada rasmiga ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa furtay kulanka iyadoo ku dheeratay hawlaha Guddiga ee ku aaddan Xisbiyada sida KMG u diiwaangashan, Guddoomiye Xaliima ayaa sheegtay in dadaal geliyeen sidii lagu heli lahaa Sharciga xisbiyada iyo shuruucda kale ee doorashada.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka ayaa ka codsatay in Xisbiyadu ay muujiyaan midnimo iyo wadajir si dalka uu uga baxo nidaamka doorashooyinka dedban, iyadoo sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in ay qabsoonto doorasho qof iyo cod oo la mid ah tii ka dhacday dalka muddo haatan laga joogo 50-sanadood.

Ugu dambeyntii Xisbiyada ka soo qayb galay kulanka ayaa su’aalo waydiiyay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.