Taliyaha Ciidanka xoogga oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Guri-Cel

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha Guutada 15-aad iyo Taliyaha qaybta 21-aad ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka reer Guri-Cel oo ay kawada hadleen howsha ciidanka qalabka sida ay kawadaan deegaanka iyo guulaha laga soo hooyay howlgalladii ugu dambeeyay ee dib gacanta dowlada loogu soo celiyay degmadan, taasi oo sida waxgaradku sheegay soo af jartay hubanti la’aantii amni ee bulshadu wajahayeen.

Janeraal Odawaa Taliyaha Xoogga ayaa reer Guri-Cel ku bogaadiyay shaqada adag ee ay la qabteen ciidanka qaranka iyo kuwa Galmudug mudadii uu socday dagaalkii Guri-Cel, isagoo tilmaamey in howshaasi qayb ka aheyd waajibaadka ciidanku u xil-saaranyahay ee isugu jirta ilaalinta xuduudaha iyo ka hortagida cadawga gudaha iyo kan dibada.

Waxgaradka reer guriceel ee la kulmay Taliyaha xoogga iyo saraakiisha kale ayaa goobta ku wareejiyay 10-neef oo geel ah, raashin iyo cabitaano ay ugu talagaleen dhiirigalinta ciidanka amniga.

Guddoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin ayaa balan qaaday in bulshada uu hoggaamiyo sii wadi doonto taageerida ciidanka.

Janeraal Cabdi Jaamac Maxamed (Cigaal) Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka xoogga dalka ayaa mahad celin kadib, adkeeyay in ay wali ku jiraan Ciidamadu heegan ay kaga jawaabi doonaan in la hubiyo kala dirida kooxda hubeysan ee laga saarey Guri-Cel.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...