Culima Awdiinka Ahlu sunna oo war ka soo saaray dagaalkii Guri Ceel  ka dhacay todobaadkii hore ”SAWIRRO”

Date:

Shirkan oo ay Guri Ceel ku yeesheen Culima Awdiinka Ahlu-sunna Waljameeca ayay kaga hadleen dhibaatadii ka dhalatey dagaalkii Guri Ceel  ka dhacay todobaadkii hore, iyadoo culumadu ay xoogga saareen sida dadka leh aqoonta diineed ay waajibka ugu tahay badbaadinta bulshada iyo in ay hor istaagaan wax kasta oo keenaya in dowladnimada lagu carqaladeeyo magacyo diimeed.

Shiikh  Siciid Shiikh Maxamed, Shiikh macalin Cabdi Diiriye, Shiikh Cabdikariin Maxamed Warsame, Macalin Cabdullaahi Maxamuud Xaaji iyo Macalin Ciise Cumar Shiikh Nuur  ayaa sheegay in Dagaalkii ka dhacay Guri Ceel uusan aheyn dagaal Caqiido balse uu ahaa duulaan Siyaasadeed, oo aan Diinta  wax anfac u lahayen.

Culumada kulankan ka qayb gashey ayaa ugu baaqay cid kasta oo ku howlan abaabulka rabshado hubeysan in ay Alle kaga cabsato oo ay u hoggaansanto madaxda deegaanka iyo dowladnimada dhisan iyadoo loo cuskanayo amarka Alle iyo kan suubaneheena Muxamed NKH.

Culumada kulankan isugu timid ayaa qayb ka ahaa dhamaantood xubnihii sarsare ee halgankii Ahlusunna ee Alshabaab looga xoreeyay gobolada dhexe kaasi oo bilaawday sanadii 2008, isla markaana aas aaska u noqday dhismaha maamul ka hana-qaada deegaanada nabdoon ee Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...