Home Blog Page 696

Duqa Caasimadda oo Kulan la qaatay Madaxda Dugsiyada Gobolka Banaadir

0

Guddfoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Kulan Kula Qaatay Madaxda Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar ayaa Madaxa Dugsiyada Gobolka Banaadir kala hadlay tayeenta Waxbashada, dar-dargalinta, Hormarinta Waxabarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo baaq u diray beelaha walaalaha ah oo ku dagaalamay qeybo kamid ah Gobalka Hiiraan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay Madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas.

Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo tababar u furtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo faah faahiyay Tababar loo furey qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradaha Maamulkaas.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  Tababar Aqoon kororsi ah u furtay 35qof oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha Maamulkaas iyo Ururuda Bulshada.

Tababarkaan oo socon doono muddo labo cesho ah ayaa waxaa bixinaya khuburo ka socdo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta iyo Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saari doono la tacaalidda iyo ka jawaabidda xaaladaha dabiiciga ah, sida Daadadka,Duufaannada, Guryaha dumay, Dab-kacay iyo wixii la mid ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Mudane Diini Cabdinuur Maxamed oo la hadlay Radimuqdisho ayaa sheegay in sidoo kale la hirgelin doono Xarunta gurmadka deg-deg dowlad Goboleedk Koonfur Galbeed, isla markaana lagu xiri doono xarunta Gurmadka deg-dega ah ee heer Federaal.Waxa uu sheegay in sidoo kale la ballaarin doono xarumaha la tacaalidda Musiibooyinka dabiiciga ah, lana gaarsiin doono dhammaan Magaalooyinka Koofur Galbeed, tababarkaan uu yahay mid arrintaas lagu xoojinayo.

Ugu dambeyntii Agaasime Diini Cabdinuur Maxamed ayaa ku baaqay in muhiimad gaar ah la siiyo Barnaamijyada noocaan oo kale, isagoona u sheegay in deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka mid yihiin meelaha ay inta badan ku soo laab-laabtaan Abaaraha, Fatahaadaha, Ayaxa iyo wixii la mid ah.

Kulan looga hadlayay isku xirka adeeg bixinta oo lagu qabtay Boosaaso “SAWIRRO”

0

Kulan looga hadlayey isku xirka adeeg bixinta heer degmo oo ay soo qaban qaabisay dowladda Hoose ee degmada Boosaaso oo kaashaynaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dimuqradiyadda maamulka Puntland iyo UNICEF/JPLG ayaa maanta ku qabsoomay hoolka dowladda hoose ee magaalada Boosaaso.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka magaalada Boosaaso, ku xigeenka gobolka bari, saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha gudaha  Maamulka Puntland, isuduwayaasha Wasaaradda ee heer gobol iyo madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawlgala magaalada Bosaaso.

Kulanka ayaa lagu lafa guray waxyaabihii uga qabsoomay magaalada Boosaaso iyo qorshayaasha u baahan in la dhamaystiro.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo faray Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda CQS inay baaritaan ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahliil “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.

Suxufiyiinta ka howlgala Baydhabo oo loo furay tababar

0

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa tababar ku saabsan tabinta wararka doorashooyinka uga furay magaalada Baydhabo qaar ka mid ah Suxufiyiinta ka howlgala Baydhabo

Ku dhawaad 30 Wariye oo ka howlgala Maamulka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta tababar uga furmay magaalada Baydhabo ayaa socon doono muddo Seddax maalin ah, kaasi oo ku saabsan sida loo tabiyo wararka doorashooyinka iyo qoondada Haweenka.

Tababarkan waxaa iska kaashanaya Xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ee (SOWEJA).

Furitaanka tababarka waxaa ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed,  Mudane Ilyaas Cali iyo Madaxa Xafiiska Kooxda Xiriirka Istaraatiijiyadda iyo Arrimaha Bulshada ee UNSOM Mudane Ari Gaitanis, kuwaasi oo carrabka ku adkeeyey faa’iidada tababarrada noocaan ah ay u leeyihiin Suxuyiinta Soomaaliyeed.

Qaramada Midoobay waxa ay aaminsantahay in weriyeyaal leh tayo iyo Xirfad ay muhiim u yihiin tabinta doorashada Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Ololaha Wacyigelinta Bulshada ee xakamaynta iyo ka hortagga COVID-19 ka bilowday Qardho “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Olole wacyi-gelineed oo ku saabsan ka hortaga iyo xakamaynta caabuqa COVID-19 ka bilawday degmada Qardho, kaas oo socon-doona mudo todobaadyo ah,waxaana diiradda lagu sarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada Qardho ee ka hortaga caabuqa Covid-19, kaas oo saamayntiisa ay sare u kacday guud ahaan Puntland bilihii la soo dhaafayna galaaftay nolosha dad badan.

Ololahaan waxaa fulinaya Wasaaradda caafimaadka Puntland oo gacan ka helaysa Hay’adda badbaada catruurta ee Save the Children, waxaana qorshahu yahay mid lagu baraarujinayo si bulshada looga wacyigeliyo khatarta xanuunkaa uu leeyahay.

Bahda caafimaadka ayaa bilaabay wacyi-gelino ka kooban baahinta fariimo ka baxaya Telefishinada, idaacadaha iyo baraha bulshada, kuwaas oo dadka lagu barayo noocyada xanuunkaan, ahmiyadda qaadashadaa talaalka COVID-19 iyo sidoo kale booqasho lagu tagayo goobaha ay bulshada isugu timaado sidda iskuulada, suuqyada iyo xaafadahaba.

Barnaamijkaan waciyigelinta COVID-19 waxa shalay lagu tegay dugsigga sare Sheekh Cismaan Cumar Shabeel iyo iskuulka hoose/dhexe ee Xaaji Cismaan Xorgoble waxaana ugu horayn ardayda la hadlay agaasimaha cusbitaalka Guud ee Qardho Dr Jaamac Ildab iyo bahda caafimaadka ee ka shaqaynaya ololahaan wacyi-gelineed, iyaga oo la wadaaggay taariikhda xanuunkaan, Calaamadihiisa, saamayntiisa, sidda looga hortagi karo, muhiimada qaadashadda talaalka COVID-19, joogtaynta af-xirka (Facemask), fara-dhaqashada, joojinta salaanta gacan-qaadka iyo ilaalinta kala-durugsanaanta.

Maamulayaasha iskuulada iyo qaar ka mid ah bulshada ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka oo fulinaysa barnaamijkaan, waxayna balan-qaadeen in ay ka qayb-qaadan wacyi-gelinta bulshada, iyana ku dhaqmi doonaan fariimaha caafimaad ee la soo gaarsiiyay.

Kooxahan ayaa sidoo kale lug ku tagay xaafadaha magaalada, iyaga oo guri guri u gaaracay si dadka loo fahan-siiyo sidda ugu fudud ee xanuunka COVID-19 looga hortagi karo faafidiisa, loona xakamayn karo, waxana sidoo kale xoojinayeen ololaha wacyi-gelinta iyaga oo adeegsanaya cod-baahiye gawaari ku xiran.

Wasiirka Duulista Hawada oo shati shaqo siiyay Shirkad Soomaaliyeed oo diyaarad keensatay

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta Shatiga Shaqada Siiyey  Diyaarad Cusub oo ay keensatay Shirkadda Royal Air oo daah furtay Diyaarad cusub oo Dulimaadyo ka bilaabi doonto Dalka.

Diyaaradda oo buuxisay Shuuruudaha laga rabo Diyaaradaha Duulimaadyada ka samaynaya Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ayaa qaadatay shatiga shaqada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay in ujeedka shatiyada loo siinayo shirkadaha duulimaadyada uu yahay sidi shacabka  Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Adeegyo Duulimaad oo tayadiisu sarayso.

RW Rooble oo shaqada ka joojiyey Fahad Yaasiin Agaasime cusub-na u magacaabay NISA 

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilka Agaasimaha hey’adaas ugu magacaabay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe). 

Bashiir Goobe ayaa sidoo kale mar soo noqday Taliyaha NISA, sanadihii 2013 illaa 2014-kii, xilligaas oo dalka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ku cad war-saxaafadeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Fahad Yaasiin ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah uu xilka ku wareejiyo Taliyaha cusub Bashiir Goobe.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa lagu cadeeyey in qoraalkii uu Agaasime Fahad ka soo saaray kiiska Ikraan Tahliil uu muujinayo inuu ka madax-adeegay amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa inuu warbixin buuxda ugu soo gudbiyo muddo 48-saac gudahood ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo khudbad ku saabsan tamarta ka jeediyay Machad TAIHE +Sawirro

0

Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa qudbad ku saabsan tamarta ka jeediyay machad TAIHE ee Shiinaha.

Danjiraha ayaa qudbaddan ka jeediyay dood-cilmiyeed oo soo abaabulay mahadka Taihe ee Shiinaha ayaa waxaa cinwaankeedu ahaa “Mas’uuliyadda iyo Fursadaha – Xoogga Teknolojiyadda ee kordhinta waxa ka dhasha Kaarboonka iyo isku dheelitirka Kaarboonka”

Doodaas oo ay kasoo qayb galeen madax ka socotay wasaaradda arrimaha dibadda ee shiinaha oo ka mid ahaa Kaaliyihii hore ee Arrimaha Dibadda Shiinaha Danjire Wu Hailong, sidoo kalena waxaa goobjoog ahaa Danjiraha Indonesia ee Shiinaha.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa soo bandhigay awoodda weyn ee tamarta nadiifka ah ee Soomaaliya leedahay wuxuuna xoojiyay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo xakameynta kuleylka adduunka heshiiskii lagu gaaray Paris ee ahaa 1.5 iyo 2.0 darajo boqolkiiba.

Mahadka Taihe ayaa ka mid ah macaahidda ugu muhiimsan ee aruuriya Cilmi-baarista isagoo caalamkana usoo bandhiga natiijooyinka laga helo cilmi baarista si aduunka nolol caafimaad ah ugu noolaado.