Home Blog Page 68

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Baakin casri ah, oo laga hirgeliyay xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Baakinkan cusub oo loogu talagalay gaadiidka isticmaalaya garoonka, ayaa waxa uu leeyahay goob dukaamaysi ah oo lagu magacaabay DARMAD Business Park, oo ah suuq ganacsi casri ah, kana kooban adeegyo dhammaystiran, oo ay ku jiraan bangiyo, xarumo ganacsi iyo adeegyo kale oo muhiim u ah rakaabka iyo bulshada caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa sheegay in hirgelinta baakinkan ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo si weyn hoos ugu dhigaysa saxmadda gaadiidka ee ka jirtay gudaha iyo nawaaxiga garoonka, islamarkaana kor u qaadaysa nidaamka, amniga iyo bilicda caasimadda. Waxa uu xusay in laga billaabo maanta si rasmi ah loo mamnuucay in gawaarida lagu dhex Baakimo gudaha garoonka, iyadoo keliya baakinkan cusub loo oggol yahay in loo adeegsado baahida gaadiid dhigashada.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu bogaadiyey doorka ay ka qaateen ganacsatada iyo maalgashadayaasha hirgelinta mashruucan, isagoo adkeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo dardargeliyo horumarka caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyeyaal, Ganacsato iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha dowladda, kuwaas oo dhammaantood ku tilmaamay baakinkan mid wax weyn ka tari doona hagaajinta adeegyada garoonka iyo fududeynta isu-socodka gaadiidka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa mar kale caddeeyey sida ay uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, casriyeynta adeegyada dadweynaha iyo yareynta saxmadda caasimadda, si Muqdisho ay u noqoto magaalo nidaamsan oo la jaanqaadda horumarka casriga ah ee ay u qalanto.

 

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo ku aaddan khasaarihii soo gaaray Safaaradda Dawladda walaalaha nahay ee dalka Qatar taas oo ku taala caasimadda Jamhuuriyadda Ukraine, Kyiv,taas oo loo geystay duqayn.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaynaysaa mabda’a aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah ee ah in goobaha diblomaasiyadeed yihiin kuwo aan la taaban karin, iyadoo xoogga saaraysa waajibka saaran dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan dhismayaasha diblomaasiyadeed iyo shaqaalahooda, si waafaqsan Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.

Soomaaliya waxay muujinaysaa garab staaggeeda buuxa ee Dawladda Qatar iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, waxayna ku baaqaysaa in si buuxda loo dhowro shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, lana xaqiijiyo badbaadada dhammaan hay’adaha diblomaasiyadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku celinaysaa mowqifkeeda ku aaddan taageeridda nabadda, xasilloonida, iyo dhowrista sharciga caalamiga ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo xarigga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Baarkinkan cusub ayey si weyn ugu baahnaayeen Shacabka Soomaaliyeed iyo isticmaalayaasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,baarkinka ayaa sidoo kale wax weyn ku soo kordhinaya adeegyada ganacsi ee garoonka iyo bilicdiisa.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macallin oo ka hadlay furitaanka baarkinka cusub ayaa yiri“Baakinkaan casriga ah waa bilowga qurxinta iyo qaabeynta wajiga hore ee Garoonka Aadan Cadde.”

 

 

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

0

Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay madax-bannaanida iyo wadajira dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya.

Randhir Jaiswal oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu ku shaaciyey mowqifka Hindiya, isagoo sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Hindiya.

“Waxaan sii adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal.

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

0

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Boqolaal ka mid ah Shacabka magaalada Muqdisho Salaadda Jimcaha kula tukaday, Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu ka jeediyay Masjidka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay Dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo muhiim ah kasoo hoysay, halganka diblumaasiyadeed ee looga hortagayo damaca gurracan ee Israa’iil, isagaa oo uga baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si midnimo leh uga hortagaan halista faragelinta shisheeye iyo isku-dayga ah in dalkeenna laga sameeyo saldhigyo sharci-darro ah oo laga huriyo colaadaha gobolka.

Madaxweynaha waxaa wehliyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliya, isagoo diiradda saarey arrimaha dib u heshiisiinta iyo faragelinta ay Israel ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

2- Madaxweyhne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, isagoo u jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka , dagaalka lagu ciribtiraaya Khawaarijta iyo doorashooyinka golaha degaanka ee dhawaan ka qabsoomay Muqdisho.

3- Golaha wasiirada ayaa ansaxiyey labo Heshiis is-afgarad oo dhexeeya Soomaaliya Uganda oo dhinaca amniga ah, iyo mid u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Caraabiya oo dhinaca iskaashiga gaadiidka badda.

4- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud,iyadoo kulanka diirrada lagu saarey taageerada midnimada Soomaaliya.

5- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Sugiono,iyagoo ka wadahadlay muhiimada ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhul iyo midnimada qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ayaa shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadisay qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul leh u dhacday 25-kii Diseembar 2025-ka.

7- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, oo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababarka Ciidamada TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

8- Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel uu ku tagey magaalada Hargeysa, tallaabadaas oo ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya.

9- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Danjire Sam Thomas,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada amniga iyo la dagalaanka argagaxisada.

10- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal culus oo ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaan Khawaarijta.

11- Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay Degmada Jilib lagu dilay horjooge sare Eng Cabdullaahi Cismaan Maxamed Abuukar (Eng Ismaaciil), kaas oo kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa qaraxyada,amniga gudaha iyo hawlgalada dibedda.

12- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo u dabaaldagey munaasabadda xuska sannad-guuradii 62-aad.

13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa xarigga ka jaray mashruuca Casriyeynta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho iyo Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

14- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud ayaa magaalada Washington kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marco Rubio, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saarey muhimadda ilaalinta madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

15- Dhowr iyo labaatan dowladood oo soo saarey War Murtiyeed loo dhan yahay oo ay ku diidan yihiin faragelinta Israel ee madaxbanaanida Soomaaliya, iyagoo si buuxda u taageeray madaxbanaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa burburiyay warshad sameysa qaraxyada kooxda Khawaarijta oo ku taalley degmada Saakow.

17- Wasiirrada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Waqooyi Bari iyo Gobolka Awdal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si adag uga horyimid aqoonsi beenaadka Israel ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

18- Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga ,oo uu horkacayay Taliyaha Ciidamada Özel Hareket, iyadoo kulanka diirrada lagu saarey xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga ee u dhexeeya labada dal.

19- Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirasaaq Maxamed, ayaa si rasmi ah u daah furay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Toban (10) shirkadood ee ku guuleystay Tartanka Hal-Abuurka Furan ee Suuq-helidda Beeraleyda Soomaaliyeed 2025-ka ,oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

20- Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid aqoonsi beenaadkii ay Israa’iil ku aqoonsatay “Somaliland” oo qeyb ka ah dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya, isla markaana taageeray madax-banaanida ,midnimada dhuleed iyo xasiloonida Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

21- Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul-Qeyd, ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya.

22- Isu-soo-bax ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, laguna muujinayay diidmada faragelinta ay Israel ku hayso midnimada dalka, ayaa lagu qabtay Muqdisho.

23- Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka soo horjeeda faragelinta Israel ku sameysay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

24- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda abaaraha ee dalka oo si weyn saameeyay bulshada soomaaliyeed .

25- Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee qeybta 27aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

0

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Singapore, Mudane Dr. Vivian Balakrishnan.

labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo taageeridda mabaadi’da madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar ahaan Ciidamada Mareykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo lala beegsaday kooxo Khawaarij ah oo ku sugnaa degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkaas duqeynta ah waxaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyada Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen injineerro ku lug lahaa farsamaynta qaraxyada iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, howlgalka wadajirka ah ayaa lagu burburiyay warshad ay Khawaarijtu u adeegsan jireen soo saarista iyo diyaarinta noocyada qaraxyada ee lagu dhibaateeyo shacabka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ah in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada, si loo adkeeyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Howlgallada is-daba jooga ah ayaa muujinaya wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysa Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee ka go’an ciribtirka cadowga Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka Wargaadhi oo dhawaan jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxda khawaariijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo booqasho dhiirigelin ah ugu tegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan wargaadhi ayaa ku booriyay inay muujiyaan isku duubni, si ay cadowga wadajir uga guuleystaan.

Sidoo kale maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa Ciidamada Xoogga Dalka iyo xaq u dirirka deegaanka ku wareejiyay deeq xoolo nool ah, waxaana uu tilmaamay inay ka maamul ahaan garab taaganyihiin Ciidamada dagaalka kula jira Khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Janaraal Sahal ayaa ciidanka ku dhiirrigeliyay in ay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, isagoo bogaadiyay doorka ay kaga jiraan sugidda amniga iyo difaaca dalka. Wuxuu sidoo kale la wadaagay fariimo iyo dardaaran ku aaddan in la ilaaliyo anshaxa, midnimada iyo feejignaanta joogtada ah.

Booqashada Taliyaha ayaa qayb ka ah dadaallada ay hoggaanka sare ee ciidamada ugu jiraan kormeeridda furimaha hore si loo xoojiyo niyadda ciidanka iyo la socoshada xaaladda dhabta ah ee goobaha dagaalka.