Home Blog Page 67

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan waxay ku beegsadeen guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku howlanaa diyaarinta qorsheyaal ay doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan dadka deegaanka.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta la bartilmaameedsaday, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirisay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

0

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Eedeeysanaha ayaana u dilay Marxuumka Kaliya Maxaad iisoo fiirisay Darteed, Xilli ay isaga horyimaadeen wado u dhow Masjidka Cali Boolaay ee degmadda Waabari, kadibna ku baxsaday Mooto Fekon, Balse Isla maalintaasi oo ku begneyd Labaatan iyo Sideedii Bishii Jun ee sanadkaan ayey degmadda Cabdicasiis kasoo qabteen Hay’addaha ammaanka.

Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobo iyo labaatankii Bishii july.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex- Dable Bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wado cusub

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii shacabka dib loogu celin lahaa canshuurta laga qaado, si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha, waxa uuna ballan qaaday fulinta dhismaha waddooyin kale oo laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho, kuwooda aan culeeska amni ka imaaneenin, si loo fududeeyo isku socodka bulshada, waxa uuna bulshada ugu baaqay in lala shaqeeyo hey’addaha amniga.

Munaasadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Md. Xasan Maxamed Jimcaale,, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka, Ganacsato, hay’addaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhagax dhigay mashruuc ceelal biyood looga hirgelinayo magaalada Xudur iyo deegaanada kale ee gobolka Bakool.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xuddur, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay ceel biyood lagu qodayo magaalada Xuddur, mashruucaas oo qeyb ka ah dadaallada horumarineed ee laga wado gobolka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ceelkan uu si gaar ah u hirgelinayo, uuna ugu talagalay in bulshada deegaanka ay si toos ah uga faa’iideystaan, isla markaana uu wax weyn ka tari doono baahida biyaha ee ka jirta magaalada Xuddur.

Qodista ceelka riiga ah ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta maalmaha soo socda, iyadoo la filayo inuu wax weyn ka beddelo nolol maalmeedka dadka deegaanka.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-Xxigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka

6- Golaha Wasiirrada ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo oo dhowaan ay dagaalo ka dhaceen.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabadda saxiixa iskaashi oo dhexmaray Hay’adda Save the Children iyo Shirkadda Hormuud.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabla Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo isugu jiray wasiiro Iyo xildhibaano ayaa booqday magaaladda Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

9- Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

10- Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo lagu soo gabagabeeyay shirweynaha dhismaha iyo ansixinta Dastuurka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii dambe ka socday magaaladaas.

11- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku tagay magaalada Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

12- Wasiirka Maaliyadda Biixi imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Masuuliyiinta Ururka Bangiyada Soomaaliyeed,isagoo kala hadlay arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

13- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay La-taliyaha La-dagaalanka Argagixisada ee Safaaradda Mareykanka, Bob Flannery.

14- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

15- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

16- Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuwaas oo lagu bilaabayo mashruuca dib u soo celinta Shirkaddii Diyaaradaha Soomaaliyeed (Soomaali Airlines) oo dhawaan ka hawlgali doona dalka .

17- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

18- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynihii shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed oo sanadkan lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya .

19- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa si’ rasmi ah u daahfuray dib-u-howlgelinta adeegga boostada dalka oo ku dhawaad 36 sanno hakad ku jiray.

20- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiim Ashkir ayaa la kulmay Ku-Xigeenka Madaxa Hey’adda Socdaalka Adduunka(IOM) , Marwo Ugochi Daniels,

21- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Yemen, Mudane Mustafa Axmed Nucmaan.

22- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal ayaa kulan la yeeshay Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye, oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

23- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa magaalada Laas Caanood kulan wadatashi ah kula yeeshay wax-garadka mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC.

24- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatey Dr Rukaya Maxamed, oo ah maamulaha Barnaamijka Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

25- .Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshaya Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Mudane Waleed bin Abdulkarim bin Mohamed El-Khereiji.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Valeh oglu Mustafayev.

27- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Baku kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Azerbaijan, Mudane Ali Asadov.

28- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macalin Cabdill ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels.

29- Bayaan kasoo baxay Bankiga dhexe ee Somaaliya ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay in macaamiisha koontooyin cusub furaneysa ama cusbooneysiisaneysa shuruud looga dhigayo inay heystaan kaarka aqoonsiga qaranka ee Hay’adda NIRA.

30- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa dalka Jarmalka kulan kula yeeshay Madaxweynaha Booliiska Federaalka Jarmalka ,Frank-Walter Steinmeier.

31- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

31- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta adeegyada bulshada ku gaaray magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

32- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal ayaa la kulmay ehellada dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali, isaga oo ka dhagaystay tabashadooda, ugana warbixiyay dadaalladii dowladda ay waddo ee ku aaddan sii deynta muwaadiniintaasi.

 

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo xoojinaya xiriirkooda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Jakarta ee dalka Indonesia kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada xubnaha ka ah ASEAN, iyadoo lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka ganacsiga, waxbarashada, iyo iskaashiga guud ee labada dhinac.

Wasiir Cabdisalaam ayaa Xoghayaha Guud la wadaagay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho joogitaan rasmi ah oo ay ku yeelato gudaha ururka, taas oo kor u qaadi karta xiriirka ganacsi, siyaasadeed iyo bulsho ee ay la leedahay wadamada Koonfur Bari Aasiya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee ASEAN, Dr. Kao Kim Hourn, ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay ASEAN. Waxa uu caddeeyay in ururku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ay mudan tahay in laga faa’iideysto.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso xiriirka caalamiga ah, gaar ahaan gobollada istaraatiijiga ah ee dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Jakarta dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Indonesia, Mudane Sugiono.

Labada Wasiirrada ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, beeraha, waxbarashada, iyo arrimaha badda.

Intii uu socday kulanka, ayaa la kala saxiixday heshiis muhiim ah oo labada dal ka dhaafaya shuruudaha dal-ku-galka ee baasaboorada diblomaasiyadeed iyo adeegga, taasoo loo arko tallaabo cusub oo dhanka is-fahamka iyo wada-shaqeynta ah.

Wasiir Cabdisalaan ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya kobcinta iskaashiga wax-ku-oolka ah halka Wasiir Sugiono uu dhankiisa xusay muhiimadda iskaashi dheeraad ah oo la sameeyo waddamada Koonfurta Caalamka, isaga oo ku bogaadiyay Soomaaliya ku biirista Urur Goboleedka EAC, taasoo fursad weyn u ah ganacsiga gobolka.

Indonesia waxa ay ballan qaaday taageero farsamo iyo tababbarro la xiriira kalluumaysiga, beeraha, warshadaynta, caafimaadka, iyo waxbarashada. Sidoo kale, waxaa lagu dhiirrigeliyay in Soomaaliya ka faa’iidaysato barnaamijyada deeqaha waxbarasho ee KNB, Darmasiswa, iyo TIAS.

Labada dal oo wadaaga qiyamka Islaamka, ayaa sidoo kale adkeeyay doorkooda dhexdhexaadnimo iyo taageerada nabadda caalamka Muslimka ah, iyaga oo wada-shaqeyn la leh Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

“Indonesia waxay diyaar u tahay inay noqoto saaxiib lagu kalsoonaan karo oo Soomaaliya ay garab ku hesho horumarka iyo danaha ay wadaagaan,” ayuu yiri Wasiir Sugiono.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa maanta magaalada Xuddur si rasmi ah uga daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Bakool.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka go’an in doorasho qof iyo cod ah laga hirgeliyo dhammaan gobollada dalka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta, ugana qeyb qaataan go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo. Waxaana goluhu ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaagga ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, haddana ay ka shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegyada.

Golaha Wasiirrada, ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran, cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho la’aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024.

 

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Laascaanood, ayaa ahayd mid muhiim ah oo ay kasoo qayb galeen marti sharaf kala duwan iyo qaybaha bulshada.

Shirkan taariikhiga ah ayaa si rasmi ah uu u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Kooshin), isagoo ku dhawaaqay in 417 ergo ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen dastuurka iyo magaca rasmiga a:

– Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo

– Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

– Caasimad: Magaalada Laascaanood

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u bogaadisay dadaallada nabadeed, midnimada bulshada, iyo habsami u socodka dhismaha dowlad goboleedyada si waafaqsan dastuurka dalka. Waxa ay sidoo kale dowladda ku dhiirrigelisay dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan nabadda, wadajirka iyo dowlad-dhiska.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay caddeyneysaa inay sii wadi doonto garab istaagga bulshada deegaannadaas si loo xaqiijiyo nabad waarta, maamul suuban iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka waxay sidoo kale ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay ku dhabar adaygaan ilaalinta midnimada dalka iyo hirgelinta nidaam dowladeed oo loo dhan yahay.