Home Blog Page 67

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo Xareynta Dakhliga Dowladda ee ka soo xarooda adeegga Baasaboorka.

Ujeeddada kulankan waxa ay ahayd xoojinta fahamka natiijooyinka qiimeynta, iftiiminta meelaha u baahan horumarinta, iyo dhiirrigelinta wada-shaqeyn joogto ah oo dhexmarta hay’adaha Dowladda, si loo hubiyo in dakhliga Dowladda loo maareeyo si waafaqsan sharciyada iyo habraacyada dakhliga.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, waxaana goob-joog ahaa Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud, Mudane Cabdijamal Ismaaciil Maxamed.

Agaasimaha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Feysal Maxamed Hashi, ayaa kulanka ka jeediyay hadal uu ku iftiimiyay muhiimadda ilaalinta dakhliga Dowladda, isla markaana Xafiiska Hantidhowrka Guud uga mahadceliyay doorka uu ka qaato hubinta iyo dabagalka dakhliga. Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay saraakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan looga hadlay natiijooyinka qiimeynta, iyadoo diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay in dakhliga Dowladda lagu qabto laguna shubo Khasnadda Mideysan ee Dowladda (TSA), si loo waafajiyo shuruucda iyo habraacyada maareynta maaliyadda dalka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay khataraha ka dhalan kara ku qabashada dakhli meel ka baxsan nidaamka rasmiga ah, waxaana lala wadaagay saraakiisha talo-soojeedinno lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta dakhliga Dowladda ee ka soo xarooda adeegyada Dowladda.

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad Senator Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, ayaa maanta guddoomiyey kalfadhiga 7-aad, kulabkiisa 14-aad, kaas oo agendihiisu ahaa Akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka iyo Dhegeysiga Warbixinta Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee xaaladaha abaaraha dalka.

Ugu horrayn, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Ibraahim Awgab Cismaan, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka hannaanka lacag-bixinta Qaranka.

Guddoomiyuhu wuxuu faah-faahin ka bixiya sida uu guddigu u soo qaabeeyay aragtiyihii iyo talooyinkii ay horay u jeediyeen Sanatarradu. Intaas ka dib, cod ayaa loo qaaday hindise-sharciyeedka, waxaana si aqlabiyad leh ku ansixiyay 28 Sanatar, iyadoo aysan jirin cid diidday ama ka aamusay.

Dhinaca, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Sanatarrada Aqalka Sare xaaladda abaaraha ka jira dalka. Guddoomiyuhu wuxuu xusay in abaaruhu saameyn ballaaran ku yeesheen nolosha bulshada, gaar ahaan deegaanada miyiga ah.

Guddoomiyaha wuxuu xusay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar bani’aadannimo, iyadoo intaas kadib, Sanatarrada qaar ay su’aalo kala duwan ka waydiiyeen xaaladda abaaraha, meelaha ugu daran iyo ka hay’ad ahaan waxa uga diyaarsan xaaladaha degdega ah.

” Joogitaankeyga maanta ku caadi ma ahan, dalkana xaalad caadi ah kuma jiro, waxaan rabaa runtii inaan idin sheego in xaaladda dalka uu ku jiro aad iyo aad ciriiri u tahay, dadkeynii dhibaato qabaan, cimiladii isbedeshay iyo xaalado badan oo jira dhibaato ku qabaan, dad ka badan afar milyan iyo toddobo boqol oo maraya xaalad Abaareed oo aad u adag,”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan la yeeshay Madaxa cusub ee Hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Jong Song.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee la xiriira arrimaha qaxootiga, barakacayaasha iyo horumarinta xalal waara. Waxaa si gaar ah looga wada hadlay xaaladda iyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha iyo qaxootiga, dardargelinta xalalka waara, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula tacaalayo barakaca.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka aqoonsi sharciyeed, ilaalinta xuquuqda barakacayaasha iyo qaxootiga, iyo fududeynta ka mid noqoshada bulshada ay ku dhex nool yihiin.

Labada dhinacba waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashi dhow oo lagu taageerayo mudnaanta qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, lana horumarinayo ilaalinta iyo helitaanka natiijooyin waara oo wax ku ool ah oo loogu adeegayo bulshooyinka barakacay iyo kuwa nugul ee dalka oo dhan.

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, aya magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Dawladda walaalaha ah ee Kuweyt, Mudane Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya.

Kulankan ayaa dhacay intii uu socday shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen tallaabada sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ku sheegtay inay aqoonsatay waxa loogu yeeray Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Waqooyi-galbeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowrista sharciga caalamiga ah. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuweyt ayaa muujiyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, isagoo garab istaagay dhammaan dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida iyo wadajirka dalka.

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

0

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen haweenka gobolka Banaadir.

Boqolaal haween oo ka careysan falka xadgudubka Israa’iil ee midnimada Soomaaliya ayaa muujiyay dareenkooda, iyagoo si cad u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku kacday, isla markaana adkeeyay in Soomaaliya aan marnaba la kala qaybin karin.

Qaar kamid ah haweenka ka qaybgalay dibadbaxa, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin dowladdooda, kana go’an tahay difaaca dalka, isla markaana aysan marnaba aqbalayn in lagu xadgudbo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mid kamid ah haweenka dibadbaxa ka hadlay, Caasho Cali Caasho, ayaa tiri: “Dib ugama laabanayno mowqifkeenna, Israa’iilna waan diidnay, diidmadana waan sii wadaynaa.”

“Dhulka Soomaaliyeed kalama go’i karo, dadka Soomaaliyeedna lama kala qeybin karo, isu soo baxaana waxaa uu qeyb ka yahay bannaanbaxyada looga soo horjeedo faragelinta Isrll ku sameysay madax bannaanida dalkeenna.” Guddoomiye Jawaahir Baarqab

“YHD-da dhiigii reer Falastiin ayaa gacmahooda ka qoyan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana uga mahadcelineynaa dadaallada uu dalka ku difaacayo.” Guddoomiyaha Ururka Haweenka degmada Kaaraan Suldaano Axmed

“Midnimada iyo Madax-bannaanida dalka ma aha mid laga gor-gortami karo, Haweenka Soomaaliyeedna waxay codkooda si xooggan ugu muujinayaan in gobol ka mid ah Soomaaliya ayaan la aqoonsan karin.” Agaasimaha horumarinta Haweenka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee XFS Sacdiyo Maxamed Nuur

Dibadbaxyada ka dhanka ah Israa’iil ayaa sii kordhaya, iyadoo sidoo kale ay isa soo tarayaan cambaareynta ay jeedinayaan dowlado iyo ururro caalami ah, kuwaas oo si cad u sheegay in madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah, isla markaana falka ay Israa’iil ku kacday uu yahay mid baalmarsan qawaaniinta caalamiga ah.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty., inta uu socdey shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Intii lagu guda-jiray kulankani, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeeray (Somaliland) ee gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya, iyagoo si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda dhowrista sharciga caalamiga, iyagoo muujiyey taageeradooda dhammaan dadaallada lagu dhowrayo midnimada qaran iyo xasilloonida dalka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

0

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay fiirinayaan go’aanka Dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ee xadgudubka Israa’iil ku sameysay Qaranimada Soomaaliya.

“Soomaaliya maanta waxay fiirinaysaa Go’aanka Wadamada Urur Iskaashiga Islaamka, Midnimada Qaran ee dhammaan dowladaha Islaaamka waa mid lama taabtaan ah.” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Falastiin Faarsiin Ajaabikiyaan ayaa tilmaamay in Dowladda Falastiin si buuxda u garab taagan tahay midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan xadgudubka ay ku kacay Israa’iil.

“Dowladda Falastiin waxay si buuxda u taageersantahay Midnimada Qaran ee Soomaaliya, waxayna kasoo horjeedaa xadgudubyada ay ku kacday Israa’iil ee ka dhanka ah Midnimada Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Islaamka.”

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada iyo xaaladda ka taagan Soomaaliya.

Ururka (OIC), ayaa si gaar ah kaga hadlay duulaanka gardarada ah ee Israa’iil ku soo qaaday madax bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna iyagoo isku duuban si cad u diideen xadgudubka Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka ay siisay Somaliland.

Xoghayaha Guud ee OIC Xuseen Ibraahim Daaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay samaysay Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga gobolka, isagoo xaqiijiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga gudbi Karin.

Sidoo kale, Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo shirkooda ku soo qaaday arrinta Falastaan iyo dhibta ka taagan marinka GAZA ee Israa’iil sababta u tahay, waxayna isla garteen in guda galo wejiga labaad ee xabad joojinya iyo in ciidmaada Israa’iil ka baxaan deegaannada Falastiin si shacabka dib guryahooda uga soo noqonayo loo xaqiijiyo nabad galyadooda.

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

0

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, G/le Dhexe Liibaan Yuusuf Gare, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Guutada Lixaad, kuwaas oo muddo tababar uga socday Taliska Guutada 6-aad duleedka degmada Baraawe Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidankan ayaa noqonaya qeyb ka mid ah geesiyaasha dagaalka kula jira kooxda Khawaarijta ah oo muddo dheer dhibaateynayey shacabka. Taliyaha ayaa kula dardaarmay in wixii la baray lagu muujiyo fagaarayaasha dagaalka.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada ciidamada si ay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee ka saaran difaaca dalka.

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka amni-darrada iyo curyaaminta dhaqaalaha shacabka.

Dhagar qabe Maxamuud Shariif Xuseen ayaa kooxda khawaarijta u qaabilsanaa saddex shaqo oo khatar ah kuwaas oo kala ahaa inuu waddooyinka ku aasi jiray miinooyinka lagu waxyeeleeyo gadiidka Ciidanka Ammaanka iyo kuwa dadweynaha.

Sidoo kale dhagarqabaha ayaa khawaarijta u qaabilsanaa inuu u gudbiyo xogtada ganacsatada gobolka Gedo si khawaarijta u dhacdo ganacsaada hantidooda wuxuu sidoo kale u qaabilsanaa gudbinta saadka khawaarijta.

Dhagarqabahan ayaa waxa gacantiisa ku maqan sida uu qirtay Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska degmada Baardheere kaas oo uu ku dilay qarax miino isagoo dhagarqabuhu qirtay in ay qaraxan wada fuliyeen dhagarqabe kale oo lagu magacaabo Aadan Dheere.