Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Baakin casri ah, oo laga hirgeliyay xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Baakinkan cusub oo loogu talagalay gaadiidka isticmaalaya garoonka, ayaa waxa uu leeyahay goob dukaamaysi ah oo lagu magacaabay DARMAD Business Park, oo ah suuq ganacsi casri ah, kana kooban adeegyo dhammaystiran, oo ay ku jiraan bangiyo, xarumo ganacsi iyo adeegyo kale oo muhiim u ah rakaabka iyo bulshada caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa sheegay in hirgelinta baakinkan ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo si weyn hoos ugu dhigaysa saxmadda gaadiidka ee ka jirtay gudaha iyo nawaaxiga garoonka, islamarkaana kor u qaadaysa nidaamka, amniga iyo bilicda caasimadda. Waxa uu xusay in laga billaabo maanta si rasmi ah loo mamnuucay in gawaarida lagu dhex Baakimo gudaha garoonka, iyadoo keliya baakinkan cusub loo oggol yahay in loo adeegsado baahida gaadiid dhigashada.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu bogaadiyey doorka ay ka qaateen ganacsatada iyo maalgashadayaasha hirgelinta mashruucan, isagoo adkeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo dardargeliyo horumarka caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyeyaal, Ganacsato iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha dowladda, kuwaas oo dhammaantood ku tilmaamay baakinkan mid wax weyn ka tari doona hagaajinta adeegyada garoonka iyo fududeynta isu-socodka gaadiidka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa mar kale caddeeyey sida ay uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, casriyeynta adeegyada dadweynaha iyo yareynta saxmadda caasimadda, si Muqdisho ay u noqoto magaalo nidaamsan oo la jaanqaadda horumarka casriga ah ee ay u qalanto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...