Home Blog Page 661

Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta lagu wado in uu Garowe kula kulmo Madaxda Puntland.

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wefdi uu hoggaaminayo ,ayaa manta la filayaa in magaalada Garowe ay kulan kula yeeshaan Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee maamulkaasi.

Kulamada manta ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yhiin xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo dardargalinta howlaha la xiriira nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay.

Ra’iisul wasaaraha  oo ay la socdeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda federaalka ah,waxaa shalay ay gaareen magaalada Garowe,halkaasi oo loogu sameeyay xaflad soo dhoweyn ah.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane  Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa socdaalkaan oo kale horey ugu tagay magaalada Beydhabo oo xarun u ah maamulka Koofur Galbeed.

Golaha shacabka oo ka doodaya ajendeyaal muhiim ah.

0

Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta in kulan ay ku yeeshaan xaruntooda KMG-ka ah ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah:

1 – Akhrinta  koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2021-ka.

2 –Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.

Muddo xileedka xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban waxaana horyaal ajendayaal muhiim ah iyo miisaaniyadda sannadka 2021-ka.

Guddoomiyaha guddiga gaadiidka gobolka Banaadir oo kormeerey dhismaha waddada Hobyo iyo Gaalkacyo+(SAWIRRO).

0

Mas’uuliyiin ka tirsan guddga gaadiidka gobolka Banaadir, isla markaana qeyb ka ah dadka ku howlan dhismaha waddada Hobyo iyo Gaalkacyo ayaa kormeerey, sida ay shaqada ugu socoto halkaas.

Wefdiga waxaa horkacaya, guddoomiyaha guddiga Cabdulaahi Cali Salaad, waxayna dadka dhismaha gacanta ku haya ku wareejiyeen gaari loogu talagalay in dhismaha waddada loo adeegsado.

Guddiga gacanta ku haya dhismaha waddada ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta uga timid gobolka Banaadir, sida uu sheegay Cumar Salaad Cilmi oo guddigaas u qaabilsan hanti dhowrka.

Guddoomiyaha guddiga gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa dowladda federaalka iyo tan Galmudug ugu baaqay in ay gacan ka geystaan dhismaha waddada muhiimka ah ee xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Wefdiga ayaa sidoo kale tagi doona degmada Hobyo si ay u qiimeeyaan tayada waddada inta la dhisay.

Ra”iisul Wasaaraha XFS oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe+(SAWIRRO).

0

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliye Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladd Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada , Saraakiisha Ciidamada iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Garoowe ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdiga RW Rooble ayaa loo gudbiyay Aqalka madaxtooyada Puntland halkaasi oo ay kulamadooda kowaad kula qaadan doonaan Madaxda Puntland waxaana lagu wadaa in Ra’iisul wasaarahu joogi doono maalmahan soosocda.

Shaqaale gargaar oo lagu dilay gobolka Tigree- Ethiopia.

0

Affar shaqaale gargaar ah ayaa lagu dilay bishii hore gobolka dagaalada ka socdaan ee Tigree ee waqooyiga Ethiopia, sida ay sheegeen hey’adaha gargaarka.

Sadex kamid ah ilaalada hey’adda DRC ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda iyadoo Guddiga Badbaadada Caalamiga ah ee IRC sheegay in mid kamid ah shaqaalahooda lagu dilay gobolka Tigree.

Warar badan lagama hayo sida uu dilaas u dhacay, maadaama degaanka aysan ka jirin isgaarsiin isla markaana ay adag tahay in la helo xaqiiqada.

Hey’adda DRC ayaa sheegtay in ay aad ugu xun tahay dhimashada shaqaalaha dhanka amniga u qaabilsanaa.

Sidoo kale hey’adda IRC ayaa sheegtay in qofka shaqaalaha ee hey’adda laga dilay oo ku sugnaa xero qaxooti oo ku taala magaalada Shire, 19 bishii hore, labo maalin ka hor inta aan dowladdu la wareegin magaaladaas.

Tan iyo affarta bishii hore, gobolka Tigree waxaa ku dagaalamaya ciidanka dowladda iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega ee TPLF.

Inkastoo, dowladda la wareegtay maamulka gobolka Tigree, haddana waxaa halkaas ka socda dagaalo, iyadoo madaxda TPLF sheegeen in ay sii wadayaan dagaalka kaga soo hor jeeda xukuumadda Abiy Axmed.

Kumanaan qof oo shacab ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen dagaalka halka ku dhowaad 50,000 oo rayid ah u qaxeen dalka dariska ah ee Suudaan.

Dowladda Ethiopia ayaa 28 bishii November la wareegtay xarunta gobolka Tigree ee Mekelle.

Ololaha 16 maalin ee ka hor tagga tacadiyada haweenka oo Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay+(SAWIRRO).

0

Barnaamijkan oo gunaanad u ahaa wacyigalino xiriir ah oo mudo 16-maalmood ah ka socdey degaanada Galmudug, diiradana lagu saarey ka hortagga tacadiyadda ka dhanka ah haweenka ayaa lagu qabtey magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madasha Wasaaraddaha, haweenka iyo xuquuqda Aadanaha, shaqada iyo shaqaalaha, Owqaafta iyo Arimaha diinta iyo Bulshada rayad.

Sanad walba maalmaha u dhexeya 25-ka November ilaa 10-ka Dec, waxaa Dunida oo dhan laga xusaa maalmaha loo dhaqdhaqaaqo ka hortagga dhibaatooyinka loo gaysto haweenka Waxaana maalmahaasi degaanada Galmudug lagu qaadaa dhigey sida loo wajahi karo in ka hortag laga sameeyo dhibaatooyinka loo geysto haweenka Galmudug.

Abdijamaal Xasan Magan Madaxa Hey’adda IRC oo gacanta ku heysa xarumaha qaabila Haweenka la Kulmay tacadiyada ayaa ka waramey howsha ay qabtaan iyo sida ay u maareeyaan dhibaatooyinka Haweenku wajahaan inta badan.

Wasiirka Haweenka Galmudug Marwo Ubax Xuseen Dhiblaaawe, oo si qoto dheer u faah faahisey dadaalaada wasaarad ahaan ay wadaan ayaa muujisey in 16-ka maalmood ee wacyigalinadani socdeen looga faa’iideystay in lala kulmo bulsho farabadan oo kala joogta degaano kala fog.

Heyada OXFAM oo ka digtay gaajo baahsan oo ay wajahayaan malaayiin qof oo ku nool bariga iyo bartamaha afrika

0

In ka badan 50  malyuun oo qof kuwaas oo ku nool bariga iyo bartamaha afrika ayaa u baahan gargaar deg deg ah oo  cunto ah sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay heyada Oxfam.

Warbixinta waxay tilmaantay in arintan ay sabab u tahay isbadalka cimilada gobalka ka jirta waxaana dhici karta in tirada dadka gargaarka u baahan ay intaa ka badnaan doonto.

Laga bilaabo bartamaha bishaan December ayaa waxaa la saadaalinayaa in heerka roobka uu hoos u dhaco sida warbixinta lagu sheegay wadamada South Sudan, Somalia, Ethiopia, Kenya, Tanzania, Rwanda iyo  Uganda.

Arintan ayaa keeni karta in malaayiin qof ay gaajo wajahaan sanadka na soo kulaalaya ee 2021 sida Oxfam ay tilmaantay.

Digniintan ayaa imaaneysa iyada oo maalinka sabtiga ee bari ah uu dhacayo kulan madaxda caalamku kaga arinsanayaan saameynta isbadalka cimilada iyo waxa laga yeelayo

Wasaaradda Beeraha Galmudug oo bilawday Dadaalo Xoogan oo lagu dagaalamayo Ayaxa Faraha Ba’an ku haayo Deegaanka+(SAWIRRO).

0

Wasaarada Beeraha, Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Dadaal xoogan ku bixinaysa La dagaalanka Ayaxa Fara badan ku haya Deegaanada Galmudug waxa uuna Saamayn ku yeesha Dhul-qaadsimeedka Ayaxa ayaana ku dagay Dhul aad u baaxad wayn.

Ladagaalanka Ayaxa ayaana hada si toosa u socda Axmednur Xaaji Cusmaan Wasiirka Wasaarada Beeraha, Dhirta iyo Galmudug ayaa ka waramaya Tilaaboyinka lagula Dagaalamayo Ayaxa Wasaaraduna Hormuud u tahay balse waxa uu xusay in Saamayntiisu ka badatay ku Talagalkii Wasaarada ayna u baahan yihiin in laga Gacan siiyo.

Mudo ku dhow Sadax Xili Roobaad ayaa Ayaxu dhibaato xoogan ku hayey Deegaanada Galmudug Dadka Beeralayda iyo Xoola-dhaqatada isugu jira ayaa Cabasho xoogan ka Muujiyey waxa ayna Wasaarada uga Mahad celiyeen Dadaalka lagula dagaalamayo.

Madaxweynaha Galmudug oo guddiga u saaray dilka saraakiishii katirsaneyd xoogga dalka

0

Madaxweynaha Galmudud Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa magacaabay guddiga ka kooban shan xubnood oo baaritaan ku sameyn doona dilkii duleedka degmada Balanbal loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Gudigan waxaa hoggaan u ah Wasiirka Amniga Gudaha Md Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose Md Cabd Maxamed Jaamac.

Waxaana xubno ka ah; Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabad sugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska GM, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa wareegta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha u akhriyay saxaafadda, isagoo xaqiijiyay in ciidanka amniga qabteen qaar kamid ah dadkii lagu tuhmay in dilka saraakiishaas.

Ciiidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa amniga ayaa tan iyo markii uu dhacay dilka saraakiishii ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka waxaa ay wadaan baadi goobta dadkii ka dambeeyay falkaas.

9 bishan ayaa maleeshiyaad hubeysan waxay lix sarkaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku laayeen duleedka degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud.

 

Morocco oo noqotay dalkii lixaaad oo Carab ah oo la heshiiya Israel.

0

Morocco ayaa noqotay  wadankii u dambeeyay oo ka tirsan jaamacadda Carabta oo Israel kula heshiiya soo celinta xiriirka diplomaasiyadda iyadoo Mareykanka ka shaqeeyay saxiixa heshiiskan.

Heshiiska waxaa qeyb ka ah in Mareykanku aqoonsado in gobolka Galbeedka Sahara oo ka tirsan yahay dalka Morocco.

Muran ayaa ka dhex taagnaa Morocco iyo jabhadda Algeria taageerto ee Polisario oo doonaya in ay gobolka Galbeedka Sahara ka dhigaan dowlad ka madaxa banaan Morocco.

Morocco ayaa noqtay wadankii affaraad oo Israel heshiis diplomaasiyadeed la galay tan iyo bishii August ee sanadkan.

Waxaa horey sidan oo kale, heshiis kula galay Israel dalalka; Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Suudaan.

Horey waxaa xiriir diplomaasiyadeed oo toos ah la lahaa Israel Masar iyo Jordan, Morocco waxay noqotay dalkii lixaad oo jaamacadda Carabta ka tirsan oo Israel la heshiiya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiskan ku shaaciyay khamiistii bartiisa Twitter, isagoo yiri. “Heshiis kale oo taariikhi ah maanta! Labada dal ee saaxiibka weyn ah Israel iyo Boqortooyada Morocco ayaa ku heshiiyay in ay yeeshaan xiriir diplomaasiyadeed- waa talaabo weyn oo loo qaaday nabadda Bariga Dhexe!”.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mr. Trump iyo Boqor Maxamed lixaad ee Morocco waxay ku heshiiyeen in la hirgeliyo xiriir diplomaasiyadeed oo dhex mara Morocco iyo Israel, sidoo kale kor loo qaado dhex galka dhaqaalaha, iskaashiga dhanka dhaqanka ah si loo horumariyo xasiloonida Bariga Dhexe.

Hesiiska waxaa ku jira in xafiisyo diplomaasiyadeed ka kala furtaan labada dal magaalooyinka Tel Aviv iyo Rabat, sidoo kalena Meesha laga saaro xiriir heerkiisa hooseeyay ee 2000 bilowday kaas oo ka dambeeyay cabashadii Falastiiniyiinta, saraakiil Morocco ah ayaa sheegay in heshiiska sidoo kale ku jirto in dhowaan la bilaabo duulimaadyo toos ah oo labada dhinac ah.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah, waxaana uu u mahad celiyay Boqorka Morocco.

Sidoo kale, qasriga Morocco bayaan ka soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay heshiika, ayagoo sheegay in Boqorka uu telefoon kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Trump isla markaana lagu heshiiyay in Morocco iyo Israel yeeshaan xiriir diplomaasi.

Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa soo dhoweeyay hesiiska Morocco iyo Israel.

Hase yeeshee, waxaa sidii caadada aheyd cambaareeyay heshiiskan madaxda Falastiin ayagoo sheegay in heshiiskan uu dhiirigelin u yahay Israel oo dafirsan xuquuqda Falastiiniyiinta.

Boqorka Morocco ayaa sheegay in talaabadan aysan wax u dhimi doonin dadaaladda boqortooyada ee ku aadan raadinta xuquuqda Falastiin.

Waxaa uu intaas ku daray in Boqorka uu la hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas isla markaan ay xaqiijiyay in aysan waligood ka tanaasuli doonin xuquuqda Falastiin ee ku maqan Israel.

“Waligiis kama tanaasuli doono difaacidda xuquuqda sharciyeed oo ay leeyihiin dadka Falastiin,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay qasriga Boqorka.