Saddex dhalinyaro ayaa ku geeriyootay shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Degmada Dacar Budhuq ee gobolada waqooyi.
SAWIRRO:Madaxweynaha Jubbaland oo maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Maàmulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib Markii uu Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS.
Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo sheegey in uu xanuunka la qeybsanayo ganacsatadii dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xanuunka la qeybsaday dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay goobaha ganacsi ee isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yirri “Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in musiibada dabka tahay dhibaato u baahan in wadajir looga shaqeeyo maareynteeda, waxaana uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan sidii xal loogu heli lahaa.
SAWIRRO:Banaanbaxyo lagu soodhaweynaayo madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo ka dhacay Gobolka Gedo.
Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo we koonfurta Dalka ayaa waxa maanta ka dhacay bannaan-baxyo waaweyn oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo markale axadii tudabaadkaan dib loo doortay.
Degmooyinka Beledxaawo, Doolow iyo Luuq ayaa kamid ah meelaha ay ka dhaceen bannaanbaxyada kuwaas oo dad badan ay iskugu soo baxeen.
Guud ahaan degmooyinka Dalka waxaa ka socda Banaanbaxyo waa weyn oo lagu soodhaweynayey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Hassan sheikh Maxamuud.

Soomaliya Iyo Hey’adda IMF oo heshiis cusub kala saxiixday.
Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF Ayaa kala saxiixday heshiis muhiim u ah geeddi Socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad,Qoraal uu soo saaray wasiirka Wasaarada maaliyada Soomaaliya Abdirahman Ducaale Bayle ayuu sidaan ku sheegay.
DEG:DEG-Maleeshiyaad hubeysan oo saakay gaalkacyo ku dilay dad shacab ah.
Raisulwasaare Rooble oo ka hadlay dabkii baabi’iyey goobo ganacsi oo ku yaal iskoyska Banadir.
Raisulwasaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Rooble ayaa waxa uu ka hadlay dabkii xalay Ka Kacay Suuqa Banaadir kaas oo hanti badan ku Basbeeshay.
Gudoomiyaha Golaha shacabka oo shacabka soomaliyed ugu baaqay in la garab istaago walaalihii ku hanti beelay dabkii xalay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wuxuu xalay ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagayaa tiiraanyada iyo walaaciisa ku aaddan qasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir ee magaalada Muqdisho.
SAWIRRO:Khasaaro badan oo ka dhashay Dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir.
Waxaa xalay xilli danbe lagu guulaystay Daminta Dab xoogan oo xalay ka kacay Goobo ganacsi oo Ku yaal suuqa Banaadir ee degmada Hodon ee Gobolka Banadir .
Gudoomiyaha aqalka sare oo caawa la kulmay Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu caawa hambalyo iyo salaan ugu tagay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan sheekh Maxamuud.
Labada masuul waxayna isla qaateen in si wadajir ah loo dardargaliyo howlaha hortabinta leh ee hor yaalla Dowladda.
