Home Blog Page 660

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

0
Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad oo Guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa, iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare iyo tii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.

SAWIRRO:Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Galgaduud oo maanta gaaray Dhuusamareeb.

0

Cilmi-Salaad Cali Cabdi Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud oo magacaabistiisii kadib maanta Dhuusamareeb soo gaaray ayay dadwayne farabadan iyo Mas’uuliyiin kusoo dhaweeyeen garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur.

SAWIRRO:Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow) oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Qeybta 60aad ayaa Maanta si rasmi ah Xilka Taliyaha ugula wareegey Taliyihii hore Qeybta 60aad.

0
Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow) oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Qeybta 60aad ayaa Maanta si rasmi ah Xilka Taliyaha ugula wareegey Taliyihii hore Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeyo guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo kamid noqday Xildhibaanada 11aad ee BJFS.

Dowladda federaalka itoobiya oo xabsiga dhigtay jeneraal caan ah oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Dowladda federalka  Ethiopia ayaa todobaadkii hore xabsiga dhigtay jeneraal caan ah oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Bosnia oo diiday in ay taageerto cunaqabateynta Midowga Yurub ay kusoo rogeen Ruushka

Hogaamiyaha Bosnia Milorad Dodik ayaa u sheegay madaxweynaha golaha Yurub Charles Michel in Bosnia ay u baahan tahay inay ilaaliso dhexdhexaadnimada oo aysan ku biirin cunaqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Ruushka .

SAWIRRO-Degmada Doollow ee gobolka Gedo waxaa ka qabsoomay kulan looga hadlayay amniga labada dhinac ee Deegaanka Soomaalida iyo gobolka Gedo ee Soomaaliya.

0

Magaalada  Doollow ee gobolka Gedo Soomaaliya waxaa ka qabsoomay kulan looga hadlayay amniga labada dhinac ee Deegaanka Soomaalida iyo gobolka Gedo ee Soomaaliya.

DAAWO:Ra’iisul Wasaare Rooble oo madaxweynaha Dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan, isagoo uga tacsiyeeyay geerida Allaha u maxariis madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa Bin Zayid.

DHAGEYSO:Madaxweynaha jubbland oo sheegay in la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka gedo ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland .

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo shalay dib ugu laabtay magalaada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay isbadalka Cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo wax ka qabashada dilal ka dhacay galkacyo oo xalay lagu qabtay Magalaada galkacyo..

0

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cali Muuse Maxamuud oo Ay wehliyeen Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Gaalkacyo oo xalay  Shir Jaraa’id ku Qabtay Saldhigga Degmada Gaalkacyo ayaa Faahfaahin ka bixiyay Fal Sababay Dhimashada Labo ruux oo shacab ah iyo Dhaawaca Hal kale oo ka dhacay Gaalkacyo.

Maamulka mudug ee galmudug iyo saraakisha amniga oo kulan deg deg ah ka yeeshay amniga galkacyo.

0

Gudoomiyaha Gobolka mudug Mudane Ahmed Shire Bukhari ayaa Kulan deg deg ah oo ku saabsan sugidda amniga Gobolka mudug waxaa uu la Qaatay Taliska qeybta Booliska Gobalka, kan Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada xasilinta Gobolka Mudug, kuwaas oo door muhiima ka qaata sugista amni Gobolka Mudug.