Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xabsiga dhaxe iyo xabsiga MBC ee Ex-koontarool Afgooye ka sii daayay maanta 179 maxbuus oo ku xukunaa danbiyo, kuwaasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u fidiyay cafis munaasabadda Ciidda Awgeed.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo uu ka yimid codsiga ah in maxabiista daruufaha fudud u xiran qiimeeyn gaar ah loo sameeyo, isla markaana munaasabadda ciidda awgeed laga cafiyo dambiyada yaryar oo ay ku jiraan xukunada.
Gaashaanle Sarre Cabdiqani Maxamed Qalaf Afhayeenka Ciidanka asluubta ayaa uga mahadaceliyay xafiiska xeer ilaalinta dadaalka ay ku bixiyeen siideynta maxaabiista daruufaha fudud u xiran.
Qaar ka mid ah maxaabiista cafiska Madaxweyne lagu siidaayay ayaa tilmaamay inay aad ugu farxeen inay dib u heleen xoriyaddooda ay la midoobayaan eheladooda.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maxabiista kula dar daarmay in ay bulshada kula laabtaan macaamil wanaagsan, cafiska la siiyayna kaga faa’iideystaan in aysan dib ugu laaban waxkasta oo keeni kara xabsi.
Albaabada xabsiyada MBC iyo Xabsiga dhaxe ayey ka baxeen iyaga oo wajiyadooda ay farxad ka muuqato, waxaana farxada ciidda ay la qaadanayaan eheladooda, ayada oo laga cafiyay dambiyadii fududaa oo ay xabsiga ugu jireen.



Maamulka Isbitaalka Martiini ayaa uga digay bulshada in aad looga taxadaro faafitaanka cudurka COVID-19 inta lagu jiro damaashaadka Ciidda.
Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.



Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in caawa ay Wasaaradda iyo culimada Soomaaliyeed sameeyeen xiriiro kala duwan oo ku aadan baadi goobka bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo shaaciyay in dalka Soomaaliya aysan barri ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha Barakeysan ee Ramadaan.

