Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray xarumaha Ciidanka ka howlgala degaanka Bariirre.

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan degaanka Bariirre.

Ujeedka taliya uu halkaasi u tagay ayaa ahaa inuu u kuurgalo xaaladda guud ee bulshada iyo ciidanka ka howlgala tuulada Bariirre oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose iyo inuu ku dhiirri geliyo dagaalka ay kula jiraan Argagixisada Al-shabaab

Ciidanka ayuu ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga, wuxuuna ku boorriyay inay gacan adag kula dagaallamaan kooxda nabad-diidka ah, wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada.

Sidoo kale taliyaha ayaa kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degaanka Bariirre, isagoo ku boorriyay inay la shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka maaddaama ay Carruurtooda iyo guryahooda ugu soo tageen inay naftooda iyo hantidooda ka badbaadiyaan cadowga.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....