Home Blog Page 639

Wasaaradda qorsheynta oo dib u eegis ku sameeysay qorshe howleedka WFP-Somalia ee Jubbaland+(SAWIRRO).

0

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda qorsheynta Qaranka ayaa soo bandhigtay dib u eegsita qorshe howleedka 2021 ee hay’ada Cuntada Adduunka (WFP-Somalia) xafiiskeeda Dowladd gobaleedka  Jubaland.

Halkan ka aqriso:-

Diyaarad siday gargaar kala duwan oo Maanta la gaarsiiyey degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

0

Diyaarad siday gargaar kala duwan ayaa Maanta ka degtay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool , diyaaradan ayaa kasoo kacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Diyaarada gargaarka ah ayaa siday raashinka nuucayadiisa kala duwan waxaana lagu wareejiyey Maamulka Degmada Xudur si ay ugu qeybiyaan bulshada ku dhaqan  Magaalada Xudur.

Gargaarkan ayaa horudhac u ah dadaalo uu wado madaxweynaha Dowlad Goboleedka koofurgalbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen oo maalmahan ku sugnaa Degmada Xudur kuna howlanaa sidii wax loogu qaban lahaa shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool.

 

Galmudug oo ciidamo badan gaysay deegaano dhawaan ay yimaadeen nabad-diidka Al-shabaab.

0

Wasiirka Amniga Galmudug , guddoomiyaha gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanno hoos-taga degmada Hobyo ayaa gaaray maantay difaacyada hore ee ciidamada amniga Galmudug ay ku jiraan ee aagga Bacaadweyn iyo Cimaamad.

Ciidamada Qalabka-sida ee isugu jira mileteriga qeybta 21-aad, Nabadsugida iyo Daraawiishta Galmudug oo garabsanaya naftood hurayaal deegaanadaas ka soo jeeda ayaa heegan culus ugu jira difaaca dalka, dadka iyo diinta oo ay kooxaha argagixisada Alshabaab weerar ku yihiin.

Galmudug waxaa ay sheegtay inay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda Al shabaab oo dhuumaalaysi ku yimaada Koonfurta Gobolka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo saraakiisha amniga kala shiray xaalada gobolka Bakool+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulan diirada lagu saarayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay xireen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool waxa uu la qaatay Sarakiisha Laamaha Amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa laamaha amaanka kala hadlay sidii shacabka ku dhaqan degmooyinka Gobolka Bakool looga xureyn lahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku haayo culeyska faraha badan iyo kala go’doominta degmooyinka Gobolka Bakool.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in laamaha Amniga oo garabsanayo shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool  ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda aragagixasada ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa wado dadaalo uu ku doonayo in uu kooxda Al-shabaab kaga xureeyo deegaanada hoosyimaado Gobolka Bakool oo ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaas.

Wasiirdda wasaaradaha Caddaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo kormeeray dhismaha labada wasaaradood+(SAWIRRO).

0

Wasiiradda wasaaradaha caddaaladda iyo awqaaf iyo arrimaha diinta ayaa maanta kormeeray xaruumaha wasaaradahaan oo muddooyinkii danbo ka socday dib u dayac tir lagu sameynayay.

Wasaaradahaan oo ku bur-buray dagaaladii sokeeye ee dalka ayaa dowladda Soomaaliya wadday olole dib u dhis loogu sameynayay waxayna si wada jira ah ugu kuurgaleen halka ay marayaan dhismaha wasaaradaha.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo guddigii Arrimaha Sicirka Sarifka ku raacay go’aano ay soo saareen.

0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku raacay in uu dhaqan galo Talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii Arrimaha Sicirka Sarifka ee uu Guddoomiyaha u ahaa Madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole.

Qodobada Gudigu soo saareen waxaa ka mid ah

1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali.

2: In mushaarka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.

3:In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.

4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.

5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.

6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.

7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.

8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howl-galo ka dhan ah Al-shabaab kawada Jubbada Hoose.

0

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay degaanno dhawaan laga saaray Al-Shabaab oo kaabiga ku haya degmada Jamaame waxaana ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga degaanaadaas.

Taliyaha Ururka 56-aad Guutada 11-aad, qeybta 43-aad oo markii uu howlgalka soo gabagaboobay la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo dadka dhibaato ba’an ku hayay, wuxuuna hadalkiisa intaas raaciyay in howlgalka uu sii socon doono inta laga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay waxaa ka mid ah Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo argagixisada mararka qaar si dhuumaaleysi u yimaadaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la kulmay Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta gareen oo Wado Dhagaysiga Cabashooyinka ayaa la kulmay Maamulada degmooyinka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay inay Madaxweyne Laftagreen u gudbiyeen dhibaatooyinka kajira Gobolka Bakool gaar ahaan xaaladda adag oo ay ku sugan yihiin Shacabka degmada Xudur.

Madaxweyne Laftagreen ayaa balanqaaday in ay wax ka qaban doonaan xaaladaha adag ee ka jira guud ahaan Gobolka Bakool , asagoo xusay in ay xooga saari doonaan in ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka xureeyaan goobaha ay kaga suganyihiin Gobolka Bakool iyo guud ahaan goboladda Koofur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kulan dhiiro gelin ah la qaatay Madaxda Bangiyadda dalka+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Masuuliyiinta Bangiyda dalka, isagoo kormeer ku tegay Xarumaha Bangiyda dalka qaarkood.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda bangiyadda kala hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo ku dhiirrigaliyay kaalinta wanaagsan ee ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa balanqaad u sameeyey Madaxda Bangiyda dalka waxa uuna xusay in Xukuumaddu u fududeyn doonto howlahooda, si dhaqaalaha dalku u hormaro.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado dadaalo xoogan oo ay ku dooneyso in lagu hormariyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Xudur “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, isagoo socdaalkiisa uu yahay ka jawaabidda baahiyaha haysta bulshada ku nool Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Mudane C/casiis Maxamed Axmed iyo wafdiga la socday ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana inta uu joogo ay la kulmi doonaan Maamulka iyo qeybaha bulshada magaalada Xudur ku nool.