Maxkamadda Cadaado Oo Xukun ku Riday Dhalinyaro Lagu Qabtay Maandooriye.

Date:

Maxkamadda Degmada Cadaado ayaa xukun min hal sano oo xarig ah  ku ridday laba dhallinyaro ah ,kadib markii laba cisho ka hor lagu qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada boliiska  oo ka dhacay deegaanka Ballisonkor ee Galmudug.

Labadaan dhallinyaro oo lagu kala magacaabo Xuseen Axmed C/laahi iyo Xasan Xuseeen Cumar,ayaa la soo qabtay xilli ay wateen gaari ay ka buuxeen 17-kartoon oo khamri ah iyo laba qori oo AK ah.

Guddoomiyaha maxkamadda degmaga Cadaado C/casiis Ciise Cali iyo taliyaha saldhigga ciidanka boliiska ee Cadaado Maxamed Cadceed ayaa goobjoog ka ahaa xukunkaasi min halka sano ah ee lagu xukumay dhallinyaradaasi.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in dhallinyaradaasi ay bixiyaan ganaax dhan 5-boqol oo doolar,waxaana,sidoo kale,duleedka Cadaado lagu burburiyay 17-kii kartoon ee khamrada ahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...