[DHAGEYSO]Guddoomiyaha Deegaanka Yeed oo dhawaan Argagixisada Al-shabaab weerartay oo sheegay in qasaaro badan uu ka dhashay dagaalkii Halkaas ka dhacay

Date:

MUQDISHO-23-7-2022-:Guddoomiyaha Deegaanka Yeed  ee gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdisalaan Duwane Cumar ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dagaalo culus oo sadax maalin ka hor ka dhacay  deegaano dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaara ah gobolka bakool kuwaas oo kala ah Yeed,Aato,iyo washaaqo kuwaas oo  dullaan ku qadeen Argagixisada Al-shabaab.

 

 

Dulaankan oo Argagixisada soo abaabulen ayaa waxaa si weyn uga hortagay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee deganadaas ku sugan blse Argagixisada ayaa inta uu dagaalka socday shacabka degaanadaas ku nool oo la ildarnaa kolkii hore Abaaro halkaas ka jira ay madaafiic ku  garaaceen taas oo sababtay Qasaaro Badan.

 

Guddoomiayaha ayaa sheegay in inta dagaalka  socday  Argagixisadii soo weerartay ay qaar kale oo badan ay u gudbeen dhanka itoobiya taas soo sababtay dagaalo culus dhexmaraan ciidamada Liyuu Boolis iyo Argagixisadii halkaas gaartay.

 

Guddoomiye Abdisalaan duwane cumar ayaa waxa uu ka warbixiyey qasaaraha ilaa iyo haatan inta uu la egyahay dhankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...