[DHAGEYSO]Guddoomiyaha Deegaanka Yeed oo dhawaan Argagixisada Al-shabaab weerartay oo sheegay in qasaaro badan uu ka dhashay dagaalkii Halkaas ka dhacay

Date:

MUQDISHO-23-7-2022-:Guddoomiyaha Deegaanka Yeed  ee gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdisalaan Duwane Cumar ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dagaalo culus oo sadax maalin ka hor ka dhacay  deegaano dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaara ah gobolka bakool kuwaas oo kala ah Yeed,Aato,iyo washaaqo kuwaas oo  dullaan ku qadeen Argagixisada Al-shabaab.

 

 

Dulaankan oo Argagixisada soo abaabulen ayaa waxaa si weyn uga hortagay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee deganadaas ku sugan blse Argagixisada ayaa inta uu dagaalka socday shacabka degaanadaas ku nool oo la ildarnaa kolkii hore Abaaro halkaas ka jira ay madaafiic ku  garaaceen taas oo sababtay Qasaaro Badan.

 

Guddoomiayaha ayaa sheegay in inta dagaalka  socday  Argagixisadii soo weerartay ay qaar kale oo badan ay u gudbeen dhanka itoobiya taas soo sababtay dagaalo culus dhexmaraan ciidamada Liyuu Boolis iyo Argagixisadii halkaas gaartay.

 

Guddoomiye Abdisalaan duwane cumar ayaa waxa uu ka warbixiyey qasaaraha ilaa iyo haatan inta uu la egyahay dhankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...