Sidoo kale waxaa goobtaas ku taalay Maxkamad macmala oo Argagixisada Al-Shabaab lahaayeen, taasi oo ay bur buriyeen ciidamada, waxaa hawlgalkaas lagu soo qabtay xubno ka tirsan Argagixisada oo dadka masaakiinta ku dhibaataynayey deegaanadaas.
Muunasabada soo xirtaanka Tababarka waxaa ka soo qeybgalay Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliye Xigeenka Labaad ee Ciidanka Daraawiishta, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidmadda,Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Senator Maxamed Cali Yusuf Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Kan Gobolka Mudug.
Sidoo kale Ciidamadan Tabarbarka loo soo xiray ayaa ah Dufcadii labaad ee ka baxada Dugsiga Gen. Carays ee Godod waxaana ay qaateen Tabarbaro,isugu jira, khibrada Goobaha dagaalka, habka laysu Difaaco, Akhaalqda Ciidanimo, Caawinta bulshad Iyo casharo kale oo dhanka Ciidamada ah.
Dhinaca kale Guutadan Tababarka loo soo xiray ayaa loo Bixiyey Guutada 13-aad ee Dhifsade, waxaana ay goobta ku soo bandhigeen Cashaaradii ay qaateen oo ahaa kuwo aad loogu riyaaqay Puntland,uu hoggaaminayo Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horumar ka samaysay dhismaha Ciidamada kala duwan ee Puntland.
Ugu Dambayntii Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa bogaadiyey Ciidanka Tabarka loo soo xiray waxaana uu sheegay in ay xuquuqdooda ay u helayaan si joogta ah Dowladdana ay ka Go’antahay Tayeynta iyo dib u habaynta Ciidanka.
Maanta waxa aan ka qeybgalay shir aad iyo aad muhiim u ah oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Afrika iyo Maamulaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF. Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay guddiga dhaqaalaha UN-ka ee Afrika.
Waxa aan ka doodnay sidii looga soo kaban lahaa saameynta dhaqaale ee xanuunka safmarka ee COVID-19, Qaarad ahaan iyo dal ahaan.
Hey’adda IMF waxa ay ka taageereysaa saameynta iyo dhibaatada dhaqaalaha dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto.
Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) iyo Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cismaan Baari oo ay wehliyaan Culimo ka socday Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa si wadajir ah xariga ugu jaray Dhismaha Cusub ee Maxkamada Degmada Xamarweyne.
Sidoo kale Mas’uuliyiintaan ayaa xariga ka jaray Dhismooyin kale oo lagu soo kordhiyay Xarunta Degmada Xamarweyne oo ay ka mid yihiin Masjid iyo Xafiisyo Bixinaya Adeeg Arrimo Bulsho, si Shacabka ku dhaqan Degmada Xamarweyne ay u helaan Adeegyada Aas-aasiga ah.
Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir ayaa sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii Bulshada ku dhaqan Caasimada ay xaafadahooda ugu heli lahaayeen Adeegyada Aas-aasiga ah oo ay u baahanyihiin, Adeega Garsoorkuna uu qeyb ka yahay waxyaabaha daruuriyaadka u ah Bulshada, si ay u helaan Cadaalad iyo Garsoor.
Daadejinta Adeegyada kala Gedisan ayaa waxa uu qeyb ka yahay Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u hambalyeey lixda Sanoter Aqalka Sare ee doorashadooda Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah;
Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Saalax Axmed Jaamac
Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar
Cismaan Abokor Dubbe
Layla Axmed Ismaaciil
Bilaal idiris Cabdullaahi
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay doorashada iyo ergada doorashada.
“Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen, Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan”.
Wasiirka wasaaradda cadaalada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ka qeyb-galay shirkii 24-aad ee Wasiirada Cadaaladda iyo Xeer Ilaaliyayaasha waddamada ku bahoobay Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) oo ay Soomaaliya xubin ka tahay, laguna qabtay aaladda fogaan aragga ee Zoomka.
“Waxaan uga warbixiyey horumarada ay Soomaaliya ku talaabsatay dhanka Cadaaladda iyo Garsoorka, sida dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka, Guddiga Qaran ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ku biirista Sharciyada Caalamiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa (UN, AU, Arab League) imw,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri wasiir Jaamac.
Qoraalka wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan sidoo kale la wadaagnay qorshaha istaraatiijiyadda shanta sano ee aan diyaarinay mudadii aan xafiiska joognay iyo caqabadaha heysta guud ahaan bahda Cadaaladda dalkeenna.”
Maanta waxaa Muqdisho ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo waxaa la dhageysanayaa hadal jeedinta musharaxiinta 11-ka kursi ee Somaliland ku meteli doonta golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, hadal-jeedinta kadib, waxaa bilaabaneysa doorashada 11-ka kursi oo horay loogu qorsheeyey inay socoto mudo seddax maalmood ah.
Furitaanka munaasabadda hadal-jedinta Musharaxiinta waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay, waxuu fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada, waxuu soo hadal qaaday khilaafaadka jira iyo sida looga gudbi karo, waxuuna mar kale ku celiyey in cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil Faarax aysan xukuumadiisu gorgortan ka geli doonin.
Ra’iisul wasaare Rooble waxuu umadda u sheegay in wax-weyn aan loo qaadan khilaafaadka jira ee dhegahooda ku soo dhacaya, waxuu ku celiyey inuu u taagan yahay cadaaladda, waxuuna soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil, isagoo sheegay in kuwii dhibka u geystay ay daba-gal ku heyso maxamadda militeriga Soomaaliya.
Sidoo kale dhinacyada isdooranaya iyo guud ahaa madaxda Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul wasaaruhu xasuusiyey inay shacabkooda u cadaalad falaan, maadaama qof kasta uusan ogeyn goorta iilka la dhigi doono.
Dhanka kale Madaxda dowlad goboleedyada inta ay ku hartay kuraasta aan la dooran ee Aqalka Sare, sida Jubbaland, Galmudug iyo HirShabeelle ayuu ka dalbaday in deg deg ay u soo gudbiyaan xubnaha ku dhiman, si markii la dhameystiro doorashada xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga durba loo doorto guddoonka Aqalka Sare dalka.
Hadii ay taasi hir-gasho Aqalka Sare waxa uu noqonayaa hey’ada ugu horeysa ee dastuuri ah oo dhismaheeda la dhameystiro, waxuuna golahaan kolkaas xukuumadda ka saacidi karaa dhismaha hey’adaha kale ee doorashada aadaya.
Ra’iisul wasaare Rooble waxuu dadka reer waqooyi ku amaanay is doorashada iyo cadaaladda, isagoo ergada, guddiga doorashada, musharaxiinta iyo odayaasha reer Somaliland ee Afisyooni isku doonaya ka dalbaday inay cadaalad iyo calool furnaan ay wax ku qeybsadaan, tusaale lagu daydana u noqdaan dadka kale ee Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaare Rooble waxuu rijeynayaa in todobaadkaan la soo gabangabey doono doorashada Aqalka Sare ee dalka, isla markana deg deg loo guda geli doono doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-da
Deegaanada doowlad goboleedyada dalka kol hore ayey ka bilaabatay doorashada senatorrada Aqalka Sare ee Soomaaliya, Puntland oo noqtay dowlad goboleedkii ugu horeeyey ee soo dhameytiray xubnaha Aqalka Sare ee laga sugayey, waxay soo doortay 11-Senator. Koonfur Galbeed oo ku xigtay ayaa Iyana soo dhameystirtay 8-da xubnood ee laga soo doorto deegaanadaas, Galmudug waxay soo gudbisay 6-Senator waxaana ku dhiman 2-xubnood, HirShabeelle ayaa soo dooratay 6-kale waxaana ku hartay 2-xubnood, halka Jubbaland ay soo dooratay 4-Senator, afar kalena ay weli ku dhimantay.
Tirada guud ee golaha Aqalka Sare ee 54-Senator, 35 xubnood ayaa hadda dooran, waxaana dhiman 19-xubnood oo 11 ka mid ah haatan doorashdooda loo fadhiyo xarunta ciidamada cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa dhagax dhigay mashruuca wejiga Seddexaad ee dhisamaha xaruunta dhexe ee wasaaradda Beeraha ee degmada Hodan
Dhagax dhiga Mashruucan oo noqonaya wejiga Sedexaad waxaa dib loogu dhisi doonaa laguna dayactiri doonaa qeybihii ugu dambeeyay ee dhismaha Xaruunta dhaxe ee Wasaaradda Beeraha, iyadoo goobaha la dhagax dhigayna laga dhisi doono Maqaaxi lagu qaxweeyo, Baqaaro lagu xareeyo agabka Wasaaradda iyo goobo kale oo muhiim ah.
Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Beeraha Axmed Cilmi Waasuge ayaa sheegay In Barnaamijkan oo qeyb ka ah Mashruuca Taabagelinta dhaqaalaha waara iyo adkeysiga aafooyinka in uu maalgelinayo Bangiga horumarinta Africa oo soo marsiiyay Urur Goboleedka IGAD iyadoo ay fulineyso hey’adda Save the Cildren.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid Oo dhagax dhigay dhimaha mashruuca ayaa xusay In marka la dhameeyo in ay wasaarada kusoo kordhin doonaan horumar iyo hufnaan shaqo.
Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashanaya FAO ayaa horey ugu guuleystay dhismaha wejiga kowaad iyo kan Labaad ee xaruunta dhexe ee wasaaradda Beeraha oo ay hada ku shaqeeyaan madaxda iyo shaqaalaha , waxaana la filayaa in marka lasoo gabagabeeyo goobaha hada la dhagax dhigay in ay wasaarada kusoo kordhiyaan hufnaan shaqo iyo bilic. “In badan oo naga mid ah waxay doonayaan jawaabo ku saabsan waxa dhacay iyo sababta dhacdadan foosha xun,” ayuu yiri Damberg, sida ay kasoo xigatay TT.
Qarax xoog badan oo ka dhacay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Goteborg ee dalka Sweden, kaasi oo booliska ay rumeysan yihiin inuu ka dhashay walxaha qarxa, ayaa dhaawacay ugu yaraan 20 qof, ayada oo boqolaal kalena lasoo daad-gureeyey.
Afhayeen u hadashay isbitaalka Sahlgrenska University Hospital, Ingrid Frederiksson ayaa sheegtay in 16 qof la dhigay isbitaalka ugu weyn magaalada Goteborg.
Afar qof oo ka mid ah – oo saddex ay yihiin haween da’ ah, iyo nin da’diisu tahay kontameeyo – ayaa laga daweynayaa dhaawacyo halis ah, sida ay sheegtay Ingrid Frederiksson.
Afhayeen u hadlay booliska, Thomas Fuxborg ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dhalisay qaraxa, balse wuxuu taleefishinka TV4 u sheegay in dambi-baarayaasha ay rumeysan yihiin inuu ahaa ku talo-gal.
Fuxborg ayaa sheegay in dambi-baarayaasha ay eegayaan haddii qaar ka mid ah dadka deganaa dhismaha lagu beegsaday qaraxa.
“Waxaan tuhunsannahay in qof uu walxo qarxa uu dhigay dhismaha. Taas waa wixii aan maqalnay markii nalasoo wacay,” ayuu yiri Fuxborg.
Qaraxa ayaa abaare 5:00 am ka dhacay degmada Annedal ee bartamaha Goteborg, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Sweden. Dab ayaa ku faafay dhimsaha, waxaana weli socday damintiisa iyo gurmadka illaa 9:00 am.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Sweden Mikael Damberg ayaa wakaaladda wararka Sweden ee TT u sheegay ‘inay aad u xumeyd” inay arkaan burburka ka dhashay qaraxa.