Senetor Xuseen Maxamed Daahir oo deeq Dawo ah gaarsiyay Cisbitaalka Dhimirka Ee Magaalada Baydhabo

Date:

Senetor Xuseen Maxamed Daahir oo kamid ah senetorada aqalka sare ee dalka ayaa maanta gaarsiiyay deeq caafimad cisbitaalka dhimirka ee magaalada baydhabo.

Deeqdan caafimaad ee senetorka gaarsiyay cisbitaalka dhimirka ee baydhabo ayaa isugu jirtey daawo iyo sariirooyin loogu talagaley bukaanada Cibitaalka.

“Isbitaalkan oo ay ku jiraan 140 bukaan rag dumar isugu jira. Waxaa dhaqan celin iyo daaweyn loogu sameeyaa bil walba 100 illaa iyo 300 oo bukaan jiif ah ayuu yiri Senetor Xuseen oo la hadley warbaahinta Qaranka”.

Senetor huseen ayaa intaa ku darey in Isbitaalka uusan wax kaalmo ah haba yaratee , Hadday ahaan leheyd dhanka daawada iyo nolosha.

Senator Xuseen Maxamed Dahir oo katirsan guddiga horumarinta adeegga bulshada, arimaha bani aadamnimada, warfaafinta, iyo dhaqanka kana tirsan Madaxda Adduunka ee Caafimaadka Maskaxda ayaa sheegay intaa ku darey in uu u istaagayo siduu wax ula qaban bushadiisa gaar ahaan dhanka waxbarashada iyo caafimaadka

Ugu danbeyn senoter xuseen ayaa codsi u jeediyay dhammaan mutadawiciin ta jecel in ay wax caawiyaan in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan isbitaalka haday ahaan lahaayeen ganacsatada iyo jaaliyadaha jooga wadanka banaankiisa.isagoona intaa ku darey in Far keliya aysan fool dhaqin oo si wada jir ah shacab iyo dowladdba ugu istaagaan waxqabashada cisbitaalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...