Home Blog Page 631

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo kulan soodhaweyn ah la qaatay Golaha cusub ee wasiirada XFS

0

Muqdisho, Ogoosto 02, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Xamse, latashiyada ballaaran ee uu sameeyey iyo dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda iyo fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

 

Ra’iisulwasaare Hamse oo magacaabay Xukuumadiisa Cusub

0

DEG DEG:-Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa goordhaw shaaciyay liiska Golahiisa Wasiiradda oo ah 56 xubnood ka kooban 25 Wasiir iyo 26 Wasiir ku xigeen.

Xukuumadda Cusub ayaa waxaa ka mid noqday xubno muddo siyaasadda ku soo jiray, kuwo ku cusub iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradda ayaa waxaa kamid noqday Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo afar sano ah Xabsi guri ku ahaa magaalada Muqdisho, isaga oo 2018 laga soo xiray magaalada Baydhabo

Mukhtaar Roobow ayaa loo magacaabay wasiirka diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Liiska Wasiirada

Liiska Wasiirada

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda
22- Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta
23 – Biixi Iimaan Cige. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda

 

Sawir qaadaha: Xasan Kaafi

Ibraahim Macalin yuusuf oo katirsan Argagixisada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda

0

Ibraahim Macalin yuusuf oo Magaciisa Afgarashada Kooxda Nabadiidka Alshabab loo yaqaano (Suleymaan) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad.

Kulan looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa nabada galkacyo oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin katirsan galmudug iyo puntland oo ka dhacay Galkacyo

0

Masuuliyiinta maamulada Degmada Gaalkacyo ayaa maanta ka qeyb galay madasha wadahadalka Bulshada taas oo looga dooday sidii ay ku timid nabadda iyo xasiloonida ka jirta Gaalkacyo sanadihii u danbeeyay iyo sida loo sii xoojin karo Nabadda.

Madaxweyne Dani oo ka qeybgalay xuska munaasabadda 1-da August, sanad guuradii 24-aad ee Aasaaskii Puntland

0

Muqdisho-02 August 2022. Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay Xafladda xuska munaasabadda 1-da August, sanad guuradii 24-aad ee Aasaaskii Puntland, taasi oo caawa dhawaale loogu ururiyey dadka Abaartu saameysay.

Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa taariikhiga ah caawa, ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu Aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’ideen, Soomaaliya oo dhana wax tar u noqday.

“Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa 1-da August , oo sanad guuradii 24-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay, sidoo kale waxaan idinku hambalyeeynaya sanadka cusub ee Hijriyada ee Sabtidii dhashay.

Munaasabadda qaabka aan u xusnay wuu ka duwanyahay sidoo hore, oo waxaa aynu hambalyo kadib Lacag ugu ururineynaa gurmadka aynu u sameynayno dadkeenna Abaartu saameysay, waxaan ku baaqaya in la isu wada taago oo laga wada qeyb qaato gurmadka. ” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay in dadka reer Puntland illaashadaan midnimada iyo Dowladnimada, isagoo ku baaqay in loo wada istaago oo laga wada qeyb qaato gurmadka Abaaraha oo Dowladdu hore ugu bilowday $1 Million, waxaana intaasi kadib munaasabadda oo ka duweyneyd Kuwii hore laga sameeyay lacag ururin loogu gurmadayo dadka Abaartu saameysay, Iyadoo qof walbo ka qeyb qaatay.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Ku-xigeennada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga Abaaraha ee Puntland, Culimaa’udiinka, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Madaxweyne Dani oo maanta Xariga ka jaray 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin  Laamiyo ah

0

Muqdisho- 01 August 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo ah 1-da August, oo loo dabaaldegayo sanad guuradii 24-aad ee aasaaska Puntland, wuxuu Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin  Laamiyo ah iyo qorsheyaasha Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta magaalada.

Madaxweyne Qoor-qoor oo furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland oo guddoomiyey Shirka Amniga Maamulkaas oo Bishiiba Mar la qabto

0

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaas ku shir gudoomiyay Shirka Amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar la qabto,kaas oo ay goobjoog ka haayeen Laamaha Amniga.

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed oo howlgalo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ka sameeyey xafadaha Baydhabo

0

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed  ayaa howgal qorsheysan ka sameeyey qaar kamid Xafadaha Magaalada Baydhabo Gaaar ahaan Wadajir, Xanaana2,barwaaqo iyo kuwo kale.

[DAAWO] Nabadoon Cumar Axmed Cartan” Qof xanuunsan hadaan hal kaniini ugu baahano, waxaan u lugeyneynaa 45 km, si aan u helno”

Bulshada ku nool Deegaano u dhaxeeya Magaaloyinka Cadaado iyoDhusamareeb oo sheegay in ay wajahayaan Biyo la,aan daran,xarun cafimaadna ugu dhawdahay 45 km goob u jirta iyaga oo dalbaday in dowladda dhexe iyo Galmudugba gargaar  la soo gaarto.