Home Blog Page 630

SAWIRRO:Maamulka Dhuusamareeb oo gurmad gaarsiyey Degmada Baxdo.

MUQDISHO-JUUN-2022:Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa caasimada Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed”Geedaqorow”oo ay wehliyaan gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo wasiiro kamida xukumada Galmudug ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud oo shalay uu kadhacay dagaal ay kooxda khawaarijta Alshabaab kusoo qaaday dadka deegaanka Baxdo.

Gudoomiye Geedaqorow iyo madaxda kale ee maanta gaaray Baxdo ayaa gaarsiiyay dadka baxdo iyo ciidanka qalabka ee Galmudug iyo kuwa xoogga deeq iskugu jirta nuucyada cuntada iyo Geel loogu talo galay in ciidanka qalabka sida loo qalo taa oo ay kuwareejiyeen maamulka Degmada Baxdo,saraakiisha ciidanka iyo culumada degaanka.

Maamulka Baxdo oo soo bandhigay meydadka xubnihii argagixisada looga dilay dagaalkii shalay, saanad ciidan iyo maxaabiis nool.

MUQDISHO-JUUN18-6-2022:Maamulka degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubnihii argagixisada looga dilay dagaalkii shalay, saanad ciidan oo laga furtay dagaalka iyo maxaabiis nool.

Magaalada Baxdo oo shalay lagu laayey Argagixisada Al-Shabaab oo maanta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare looga Fariistay..

Muqdisho-Juun-18-6-2022:Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa maanta loo fariistay imtixaanka kama dambeysta ah ee Dugsiyada Sare, waxana tirada ardeyda u fariisatay ay dhanyihiin 35,000 (Shan iyo Soddon Kun) oo Arday.

Kormeerihii imtixaanada Gobolka Shabeelaha Hoose uqaabilsanaa wasaaradda waxbarashada Koonfur-galbeed oo lagu dilay Afgooye.

0

MUQDISHO-JUUN18-6-2022-:Kormeerihii Waxbarashada Gobolka Sh/Hoose Cali shanloow ayaa lagu Dilay  Maanta degmada Afgooye ee gobolka  Shabeellaha Hoose Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

DHAGEYSO:16 arday oo kaliya oo maanta gobolka Bakool u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare.

MUQDISHO-JUUN-18-6-20022-:16 arday ayaa sanad dugsiyeedka 2021-2022 ee gobolka Bakool uga qeyb gashay imtixaanka shahaadiga Ah  ee fasalka 12-aad kumanaan kun oo  Arday  oo maanta u  fariisatay guud ahaan dalka soomaaliya .

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.

MUQDISHO-JUUN-18-6-2022-:Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.

DHAGEYSO:Maamulka Magaalada Buula-berde oo sheegay in ay isugu darsameen Abaaro daran iyo go’doominta ay galiyeen Magaaladaas Argagixisada Al-shabab.

MUQDISHO-JUUN18-6-2022-:Guddoomiyaha Magaalada Buulo Burte ee gobolka Hiraan mudana u go’doonsan halkaas Argagixisada Al-shabaab ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka Nolosha ah ay ka jirto Magaaladaas kaddib markii xoolaha intooda badan baabi’isay Abaarta, halka la waayay dallagii kasoo go’I jiray beeraha.

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo maanta guud ahaan dalka ka bilaabanaya.

SAWIR HORE.

MUQDISHO-18-6-2022-:Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee  ay qaadeyso  wasaaradda waxbarashada  XFS  ayaa lagu waddaa in uu maanta Guud ahaan  dalka ka bilowdo marka laga reebo deegaanada maamul goboledyda  Somaliland iyo Puntland.

Madaxtooyada Galmudug Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Maanta Lagu Jabiyay Argagixisada Alshabaab.

War Qoraal ah oo kasoo Baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu Bogaadiyay Shacabka Geesiyaasha ah ee Saaka Casharka U Dhigay Nabad diidkii soo Weeraray Baxda.
Qoraalka soo Baxay Madaxtooyada Galmudug Ayaa Lagu Yiri.
“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay saaka iskaga difaaceen weerarkii ay argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo.
Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo.
Dowladda Galmudug waxa ay xaqiijinaysaa in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga kooxdii argagaxisada ahaa ee weerarka soo qaaday, iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah.
Dowladda Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii saaka lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii saaka”…

Madaxweynaha Qaranka Oo Boggaadiyay Guushii Shacabka Baxdo Ka Gaareen Argagixisadii Soo Weerartay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen argagixisada Alshabaab oo saaka weerar bahalnimo ah ku soo qaaday deegaankaas.

.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee Bulshada Baxdo iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarsiiyeen argagixisada soo weerartay ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kalena waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu soo gaartay.