Home Blog Page 630

Wasiiradda Haweenka Galmudug oo lagu qabtay kulan looga hadlay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% “SAWIRRO”

0

Waxaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay kulan ay soo Agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug kaas oo looga hadlay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%. Kulanka ayaa daah furtay Wasiiradda Haweenka Galmudug Marwo Ubax Xuseen Dhiblawe.

Kulanka waxaa kale oo ka qeybgalay qeybaha bulshada Magaalada Cadaado,iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta doorka daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ay ku leeyihiin ilaalinta qoonddada haweenka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

0

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey Magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqada leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay.

Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan Carruurta iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqada leh iyo hay’addaha kale ee Puntland in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gar-gaaro , ku gudbayana loo fududeeyo safarkooda.

Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Puntland, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaartay Doha

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar maanta ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani,

Ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Dowlad Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya oo geeriyootay

0

Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan bahda Waxbarashada ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare Khadra Bashiir Cali oo ku geeriyootay magaaladda Columbus, gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Waxay Alle uga baryeen  inuu naxariitiisa janno siiyo,iyagoo tacsida la wadaagay Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, qaraabadii Iyo bahda waxbarashada.

Alle ha u naxariistee, Wasiir Khadra bashiir Cali, waxay ahayd wasiirkii ugu horeeyay ee bilaabay imtixaanka Qaranka ee ay Qaado wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta sare ka dib burburkii ka dhacay dalka Soomaaliya.

Maamulka Degmada Hobyo oo faahfaahin ka bixiyay Horumarada hano qaaday ee ka jira Degmada Hobyo “SAWIRRO”

0

Guddoomiye ku xigeenka Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale ayaa maanta booqosho shaqo ku tagay Dekedda Kaluumaysiga Degmada Hobyo xilli ay ka socotay dejinta Badeecooyin kale duwan oo ay keensadeen Ganacsato kasoo jeeda deegaanada Galmudug

Maxamuud Cawaale ayaa Warbaahinta Qaranka kaga waramay booqashadiisa uu ku tagay Dekedda Kaluumaysiga ee dhawaan la daahfuray isagoona ku amaanay Ganacsatada Galmudug sida ay maalgashiga ugu samaynayaan Hobyo.

Dekedda Kaluumaysiga Hobyo ayaa ka qeyb ka ah Ilaha dhaqaale ee Galmudug, iyadoona dhismaha Dekedda uu geba gabo marayo.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO QAABILAY WAFDI KASOCDA BEESHA CAALAMKA “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocda beesha Caalamka.

Wafdiga waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, masuuliyiin kasocday Safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay dardar galinta howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga aqalka hoose iyo dhamaystirka howlha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay tahay in lagu garab istaago oo loo madaxbaneeyo shaqooyinka horyaala taas oo wax badan ka tari karta shaqooyinka socda.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro arimaha kasoo cusboonaday Dowlad Goboleedka Galmudug si ayna caqabad ugu noqon shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala Dowlad Goboleedkaas taas oo ay masuul ka yihiin sharciyadna u leeyahiin maamulka deegaanadaas masuuliyiinta Dowlada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Madaxweynaha Iyo maamulka Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayey Xaqiijinta Amniga Doorashooyinka waxay la qaateen Saraakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan iyo Taliska Ciidanka AMISOM Qeybta Degmada Baraawe.

Kulanka waxaa sido kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cali Saciid Fiqi Wasiirka Gaashandhiga Maamulka Gobolka, kan Degmada Baraawe.

Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo Muqdisho ka daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirro, khubaro, iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Istraatijiyaddan oo salka ku haysa aragtida ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaran ee NDP9 (2020-2024) ayaa ku salaysan yoolal ay ka mid yihiin; sare u qaadidda kaalinta ay biyuhu ku leeyihiin kobaca dhaqaale iyo badqabka bulshada Soomaliyeed, xoojinta hannaanka maaraynta isku dhafan ee khayraadka biyaha, sare u qaadidda u adkaysiga musiibooyinka, iyo xaqiijinta sinnaanta, kordhinta wax soo saarka, bixinta adeegyo wax ku ool ah.

Xafladda daahfurka ayaa waxaa lagu soo bandhigay guudmeerka Istraatiijiyadda Qaran iyo wadiiqooyinka ku xusan, iyadoo daaha laga rogay qaabka fulineed ee lagu taabba galinayo Istraatijiyaddan, oo ay qayb ka yihiin tiro mashaariic ah, oo mudnaan u leh horumarinta biya dalka.

Agaasimaha Waaxda cabirka iyo saadaasha biyaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS Mudane Axmed Maxamed Xasan ayaa faah faahiyay muhiimada ugu weyn ee loo dajiyay qorshaha istaraatiijada maamulka kheyraadka biyaha qaranka.

Wasiiradda wasaaraha tamarta iyo kheyradka biyaha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug Maxamed Axmed Kaarshe iyo Maxamed Xuseen oo ka hadlay xaflada ayaa ka sheekeyay Daruufaha biya la,aaneed ee ka jira deegaanada ay ka imaadeen.

Wasiirka wasaradda Beeraha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xasan Ciid ayaa ka sheegay xaflada daah-furka intaraajidaha maamulka kheyraadka biyaha sharcigaan in uu u adeegayo kor uqaadista wax soosaarka dalka.
Wasiirka wasaarada tamarta iyo kheyraadka biyaha XfS Mudane Xasan Cabdi Nuur oo daah furay xaflada ayaa sheegay shacabka soomaliyeed intabad in ay ku jiraan labo marxaladood masiiba ku ah shacabka sidda fatahaado iyo biyo la,aan.

Inta ay soctay xaflada waxaa lagu soo bandhigay Docment ka hadlayo masiibo bili,aadminimo ee ka dhalatay biyaha oo ku bata dhulka ay wabiyada maraan iyo biyo la,aan ka jirta dhul fog oo miyiga ah.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddoomiyaha Gobolka Nugaal

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 2da October 2021, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka

iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Garowe ka dhagax dhigtay xarunta Cusub oo Hooyada iyo dhalaanka “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Caafimaadka dawlad Gobaleedka Puntland ayaa galabta xaafada Halgan ee magaalada Garowe ka dhagax dhigtay xarun cusub oo hooyada iyo dhalaanka ah.

Xaruntaan ayaa waxaa dhaqaalaha lagu dhisayo bixinaysa hay’adda Qadar Charity iyo hay’adda Tadaamun oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Dr- Jamac Farax Xasan Agaasimaha guud iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda ayaa ka qeybgalay waxaa sidoo kale joogay saraakiil ka socday hay’addaha Qadar Charity iyo Tadaamun.

Dr – Cabdirisaaq Xirsi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadkaga oo ka hadlay dhagax dhiga ayaa yiri:

“ Waxaan soo dhawaynayaa galabta inaan ka dhagax dhigno xaafada Halgan ee magaalada Garowe xarun cusub oo hooyada iyo dhalaanka ah taasoo qeyb ka noqonaysa dadaalka Wasaaradda wado, waxaa sidoo kale xaruntani noqon doontaa mid u adeegta bulshada xaafadaan cusub oo hadda dhismaysa”

“ Xaruntaan ayaa ka koobnaan doonta 7qol oo ay u dhamaystiranyihiin dhammaan adeegyada  xarunta qaban laheyd, waxaa sidoo kale xaruntaan loo soo rari doonaa mid kale oo kiro ku jirtay kana furnayd isla xaafada balse xooggaa ka durugsanayd meeshaan laga dhisayo.”

Abdifataax Adam oo ka socday hay’adda Qadar Charity oo ka hadlay dhagax dhiga ayaa sheegay:-

“ Mudane Wasiir waxaan ku faraxsanahay maanta inaan halkaan ka dhagax dhigno xaruntaan hooyada iyo dhalaanka ah ee laga dhisayo xaafada Halgan oo ku taala magaalada Garowe, xaruntaan ayaa qeyb ka ah xarumo Caafimaad oo aan Wasaaradda ka wada shaqeyn doono dhismahooda, aniga oo uga mahadcelinaya Wasaaradda wada shaqaynta xooggan ee naga dhaxaysa si gaara fududaynta shaqada iyo helitaanka dhulka.”

“Xaruntaan oo ka koobnaan doontaa ilaa 7 qol  sida uu Agaasimuhu sheegay oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee looga baahanyahay xarumaha noocaan oo kale ah waxaan rajaynayaa waqti aan dheerayn inaan u dabaaldagi doono  furitaankeeda.”

Wasiirka wasaaradda Dr- Jamac Farax Xasan oo gabagabadii ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan dhagax dhigo xarun cusub oo loogu talagalay hooyada iyo dhalaanka laga hirgalinayo xaafada Halgan oo sida horay loo sheegay bulshada ku nool baahi uqabeen xaruntaan oo kale, waxaana tani qayb ka tahay Dadaalka wasaaraddu ugu jirto balaarinta adeega caafimaad ee la siinayo dadka jilicsan sida hooyooyinka iyo dhalaanka Puntland.”

“Waxaan uga mahadcelinayaa hay’addaha aan iska kaashanayno dhismaha xaruntaan ee Qadar Charity iyo Tadaamun sida wanaagsan ee aan uga wada shaqayno Caafimaadka xaruntaani maaha tii ugu horraysay ee ay dhisayaan waxaa jira kuwa kale oo ay dhiseen iyo kuwa soo socda insha allah.”

Waxaan rabaa inaan dawladaha Hoose ee Magaalooyinka Puntland inaan ku booriyo inay  dhul laga dhiso xarumaha Caafimaadka uga qoondeeyaan dhulka ay bixinayaan xaruntaan dhulka laga dhisayo dad shacab ah ayaa laga iibiyay,saxna maahan in meel laga dhisayo xarun caafimaad la iibiyo. Magaalooyinku waa korayaan dadkuna waa badanayaan waxaana lama huraan in dhul loo diyaariyo danta guud haddii kale waxay sababi doontaa in la waayo meelo laga dhiso xarumaha Caafimaadka.”