Home Blog Page 629

Safiirka Soomaaliya ee Biljimka oo nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirennimo laga guddoomay

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Biljimka iyo Midowga Yurub, Mudane Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa shalay oo Khamiis ahayd Caasimadda Brussels nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Olivier Belle, iyadoo loo gogol-xaarayo inuu ku wareejiyo Boqorka Biljim, Boqor Philippe.

Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Biljimka ayaa u rajeeyay safiirka cusub ee Soomaaliya inuu si joogta ah ugu guuleysto gudashada waajibaadkiisa, isagoo u ballanqaaday inuu siinayo dhammaan taageerada si sare loogu qaado xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal si ay iskaashi dhow uga yeeshaan dhinacyo kala duwan.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa booqday xarunta safaaradda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, isagoo kormeeray qeybaha  kala duwan ee safaaradda.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa intii uu booqashada Safaarada ku jiray warbixinna ka dhageystay Safiirka iyo howl wadeennada kala duwan ee Safaaradda.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, oo sxiib dhaw la ah dalkeena Soomaaliya.

Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo maanta daahfurtay hirgalinta Siyaasadda arrimaha Bulshada

0

Waaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  ayaa maanta daahfurtay kulan weyne looga hadlayay hirgalinta siyaasadda Arrimaha Bulshada.

Kulanka oo ay ka qeeybgaleen Dawlad gobolleedyada Dalka, gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa socon doona  muddo labo maalmood ah waxaana diirada   lagu saari doono inta uu socdo  xoojinta ka shaqeynta Arimaha Bulshada ee Hay’adaha Dawladda iyi sidii  Dawladda Soomaaliya ku gaarisiin lahayd dadka  adeegyada Arrimaha Bulshada ee lagu  taageerayo muwaadiniinta nugul ee garab istaaga u baahan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Cabdullahi Maxamed Cali, ayaa ugu horreyn ka hadlay furitaanka kulanka isaga oo sheegay in shirkan uu yahay mid waxbadan laga faa’ideeysan doona.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen,  oo si rasmi ah kulanka u furay ayaa ka hadlay muuhiimada kulankaan uu u yahay Masuuliyiinta isaga kala yimid maamul Goboleedyada Dalka.

“ Kulankan wuxuu inoo yahay mid taariikhi ah waxaan ka hadleynaa Dawladda dhexe iyo Dawlad-gobolleedyada sidii aan awood ugu yeelan lahaayeen fulinta adeegyada iyo mashaariicda bulshadeenna ee ay Hay’adaha fulinayaan Si halkaas u gaarno waa inan annagu noqonaya kuwa leh dhammaan awoodda loo baahanyahay” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo ka hadlayay munaasabada.

kulankaan ayaa muhiimad weyn ugu fadhiya dadka Soomaaliyeed maaddama looga hadlayo sidii Dawladda Soomaaliya ay ula wareegi lahayd dhammaan fulinta adeegyada lagu taageerayo arrimaha bulshada.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo maanta magacaabay Wasiirro cusub

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa maanta magacaabay golohiisa cusub ee wasiirrada, iyada oo Baarlamaanka la horgeeyay ayna ansixiyeen.

Saddex xubnood oo ka tirsan hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa ku soo baxay liiska golaha wasiiradda cusub.

Abraham Belay, oo madax ka ahaa maamulka ku -meel -gaarka ah ee Tigray -ga oo ay dawladdu samaysay ka hor intii aanay xoogagga kacdoonku dib u qabsan gobolka ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Golaha wasiirada ayaa waxa ay u kala magaacaban yihiin sidani hoos ku xusan:

  1. Damaqe Mokonin-raysalwasare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada
  2. Malaku Alabal-wasiirka wasarada warshadaha
  3. wasaradda ganacsiga iyo isku xidhka gobolka
  4. Takala Uma -wasiirka wasarada macdanta
  5. Nasisi Milee-wasiirka wasarada dalxiiska
  6. Mufariyad Kaamil-wasiirka wasarada kobcinta shaqada
  7. Axmad Shide-wasiirka wasarada maliyada

8. Laqe Ayalaw-wasiirka wasarada dakhliga

  1. Fisum Asafa -wasiirka wasarada qorshaynta iyo horumarinta
  2. Balate Moola-wasiirka wasarada hal abuurka iyo tiknolojiyada
  3. Dagmawit Mogos-wasiirka gaadidka iyo lojistikada
  4. Jaaltu saani-wasiirka wasarada magaaloyinka iyo adeegyada asasiga
  5. Habtamu Hitafa-wasiirka wasarada tamarta iyo biyaha
  6. Caisha Maxamad-wasiirka wasarada waraabka

15.Dr Birhanu Naga-wasiirka waxbarashada

16.Dr Liya Tadase -wasiirka wasarada caafimaadka

  1. Qajeela Mardasa-wasiirka wasarada dhaqanka iyo isbortiga
  2. Dr Abraham balay-wasiirka gashandhiga
  3. Cumar xusen-wasiirka wasarada beeraha
  4. Dr gediyon timatiyos-wasiirka cadaalada
  5. Binalfi anduwalem-wasiirka wasarada nabada

Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Wasiirrada ee u soo magacaabay Abiy Axmed ayaa waxa ku hor dhaarisay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Itoobiya ma’aza ashanafi.

Abiy Axmed ayaa laba maalmood ka hor waxaa loo dhaariyay in shanta sanadood ee soo socota uu hogaamiyo dalkaasi kaddib markii uu xisbigiisa ku guulaystay doorashadii muranka badan uu ka dhashay ee dalkaasi ka dhacday bishii Juun ee sanadkan.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shir guddoomiyay kulanka amniga “SAWIRRO”

0

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga..

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talobixinaya Amniga magaalooyinka Puntland, gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe.

Hay’adda Istaatiitilada Qaranka Soomaaliya oo maanta Daahfurtay Sahanka Qoyska Soomaaliya

0

Daahfurkaan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socotay qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda iyo Maamul Goboleedyada ayaa lagu soo bandhigay hanaanka la doonayo in loo sameeyo Sahanka Dhaqaalaha Qoyska Soomaaliyeed kaas oo socon doono Mudo Afar bilood ah.

Sahankaan oo laga fulinayo Maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu sameyn doonaa in ka badan 7 kun oo qoysas Soomaali ah ayada oo la doonayo in la ogaado qoyska inta uu ku noolyahay dhaqaalaha ahaan si hal beeg guud loogu helo  celeliska ay ku noolyihiin qoysaska Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Istaatiitilada Qaranka Soomaaliyeed Sharmaake Maxamed Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyay daahfurkaan Maanta la sameeyay ” sahanka aan maanta daahfurnay waxuu qaadan doonaa hir galintiisu ilaa mudo Afar Bilood ah ujeedkiisuna waa in la ogaado dhaqaalaha dalka, sicir bararka iyo heerka saboolnimada ay gaarsiisan tahay waxaana laga sameyn doonaa 18-da Gobol ee Soomaaliya in ka badan 7-ba kun oo qoys ayaa lagu sameynayaa sahminta.

Agaasimayaasha Wasaaradaha Qorsheynta ee qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada Dalka ayaa sheegay inay kala shaqeynayaan hay’adda Istaatiitikada Qaranka qaabka loo sameynayo sahankaan.

Bahada hay’adda Istaatiitikada ee baaristaan sameyneysa ayaa sheegay in waqti dheer laga soo shaqeynayay sidii loo bilaabi lahaa sahankaan maanta la daahfurayo.

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay caleemasaarka Xukuumadda Cusub ee Dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo uu ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa, sidoo kale, waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qayb gashay Caleemasaarka oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dhigiisa Qatar oo si wada jir ah u shir guddoomiyay shir muhiim ah “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Dhigiisa Qatar ayaa wada jir u guddoomiyay kulan xubnaha Wasiirrada ah ee qeybta ka ah wefdiga Ra’iisul Wasaaruhu la yeesheen dhiggooda dalka Qatar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga Wasaaradaha labada dal, si loo xoojiyo xiriirka labada dal iyo iskaashi dhexmara Wasaaradaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Qatar.

Munaasabad looga hadlayay Istiraatiijiyada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

0

Munaasabadaan ayaa waxaa soo agaasimay Guddiga dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayaa diirada lagu saarayay qorsheynta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 30-ka sano ee Soo aadan, waxaana ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Wasiir ku xigeenno, Agaasimayaal, hay’addo Cilmi baaris iyo qeybaha kaladuwan ee Bulshada.

Inta uu socday daah furkaan ayaa lagu gorfeeyay Muhiimada ay leedahay in la dajiyo qorshaha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 30-ka sano ee Soo aadan si dalku uu u yeesho hiigsi iyo hormar dhaqaale oo dagsan.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka  Ali Ciise Cabdi ayaa sheegay in kulankaa  looga doodayay sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona dajin lahaa qorshe weyn oo dhaqaale ” sidii loo sameyn lahaa ummaduna u gaari laheyd himolooyinkooda kobcinta dhaqaalaha loona heli lahaa fikar mideysan oo lagu howl gali karo munaasabadahaan oo kale, waxaa looga hadlaa dariiqii la mari lahaa 5-ta sano ama sadexda Sano ee soo socota laakiin tani waa ay ka duwan tahay waxaa laga hadlayaa wadadii hormarka dhaqaalaha loo mari lahaa 30-ka sano ee Soo socota”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in diirada la saarayo sidii ilaha wax soo saarka dalka loo howl gallin lahaa si loo helo koboc dhaqaale ” ahmiyada iyo natiijada uu leeyahay kulankaan waan in diirada la saaro dhinaca wax soo saarka cuntada hadii ay noqon laheyd beeraha, kaluumeysiga ka faa’ideysiga khayraadka Dalka iyo sidii loola fal gali lahaa isbadalka Cimilada waxaana rajeyneynaa in lagu soo daro dowladnimada iyo dib u heshiisiinta”.

Wasiir Wasaaradda  Isgaarsiinta iyo technologyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdi Shiikh Axmed ayaa isna  sharaxay waxyaabihii laga wada hadlay intii shirku socday waxa uuna yiri ” manuusabadaan waxa ay aheyd in la sameeyo istiraatiijiyad fog iyo sidii 30-ka sano ee Soo socota dhaqaalaha Soomaaliya dib loogu soo kicin lahaa wax yaabaha laga hadlayo waxaa ka mid ah sidee uga faa’ideysanaa badaan weyn ee aan leenahay, xoolaha iyo khayraadkeena kale iyo sidii wadanka loogu raadin lahaa dhaqaale iyo maal gallin si aan ula jaan qaadno hormarka Dunida ay sameeneyso”.

Wasiiradda Haweenka Galmudug oo lagu qabtay kulan looga hadlay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% “SAWIRRO”

0

Waxaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay kulan ay soo Agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug kaas oo looga hadlay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%. Kulanka ayaa daah furtay Wasiiradda Haweenka Galmudug Marwo Ubax Xuseen Dhiblawe.

Kulanka waxaa kale oo ka qeybgalay qeybaha bulshada Magaalada Cadaado,iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta doorka daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ay ku leeyihiin ilaalinta qoonddada haweenka.