Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya
Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar

Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub ee Raisulwasare Hamse Abdi bare
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn oo shalay la iclamiyey, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.
Kooxda Islaamig Jihaad oo boqolaal gantaal ku garaacay magaalooyiinka Israa’iil
Duqaynta diyaaradaha dagaalka ee Israel ku hayaan Gaza ayaa lagu dilay xubin sare oo kale oo ka tirsan garabka milatari ee ururka Islamic Jihad.
Milatariga Israel ayaa sheegay in Khalid Mansuur ahaa ninkii ugu miisaanka cuslaa ururka waxaana lagu dilay xero qaxooti oo ku taal magaalada Rafah.
Ugu yaraan sideed iyo labaatan Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan lix caruur ahi ayaa ilaa haatan la soo wariyey in ay lagu dilay dagaalkan bilaabmay Salaasadii.
Israa’iil waxay sheegtay inay isku dayayso inay ka hortagto khatar toos ah oo kaga timaada kooxda Islaamiga jihaad.
Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in 15 Falastiiniyiin ah lagu dilay marinka Qaza, halkaas oo millatariga Israa’iil ay ku bartilmaameedsanayaan xubno ka tirsan kooxda
Ilaa 300 oo gantaalo iyo hoobiyeyaal isugu jira ayay falastiiniyiinta dhankooda ku garaaceen Israa’iil tan iyo Jimcihii, sida uu sheegay sarkaal Israa’iili ah.
Milatariga Israel ayaa ka digaya hawlgalkii ugu dambeeyay – ee loogu magac daray Breaking Dawn – uu socon karo muddo toddobaad ah.
Dhanka kale ilaa 19 xubnood oo ka tirsan kooxda islamig Jihaad ayaa lagu xiray hawlgallo laga fuliyay Daanta Galbeed , sida ay sheegtay Israel.
Wasiirka gaashaandhiga Israa’iil Benny Gantz ayaa sheegay in ciidamada difaaca Israa’iil ay howlgalada sii wadi doonaan.
wasiirka ayaa intaa ku daray in howlgalkan looga gol leeyahay in lagu soo afjaro halis ka imanaysa kooxha falastiiniyiinta islamarkana ay ku dadaalayaan sidii looga hortagi lahaa weerarada lagu soo qaado koonfurta Israa’iil.
Dhanka kale gambaleelada bixiya digniinada gantaalada ayaa ilaa shalay galankii dambe laga maqlayay magaalooyinka Israa’iil.
Balse ilaa hadda ururka Xamaas oo ah kooxda ugu weyn ee ka dagaalanta dhulkaas – oo leh fikrado la mid ah kuwa Islaamiga Jihaad ayaan u muuqan in ay qeyb ka yihiin madaafiicda lagu turayo israa’iil.
Arrintan waxay sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal kale oo ay Israel ku qaado Gaza, 15 bilood uun ka dib dagaal socday muddo bil ah oo ay ku dhinteen
DHAGEYSO+SAWIRO] DFS iyo Galmdug oo shir ka yeeshay xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaarta ka jirta Galmudug
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta bini’aadanimo ee ka dhalatay oo xalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed
Muqdisho, Ogoosto 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.
Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle oo xilalkii u kala warejiyey qaar kamid ah Wasiirada Cusub iyo kuwii hore ee maamulkas
Muqdisho: 06, Agoosto, 2022: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Cadaalada, Haweenka Qorsheynta, Gaadiidka, Gargaarka, Boostada iyo Dib u Heshiisiinta.
Golaha Shacabka BFS oo Berri codka kalsonida u qadayo Golaha Cusub ee Wasirada
Guddoonka Golaha Shacabka BFS ayaa shaaciyay In maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka ee ah cod u qaadista kalsooni siinta Golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo Bogaadiyey Doorashada golaha deegaanka ee Cadaado ka bilabatay
Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa bogaadiyay doorashada Golaha Deegaanka ee ka soconaysa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoona u rajeeyay in ay dhawaan si habsami leh kusoo dhamaato.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku dhiirogaliyay degmooyinka kale ee isku diyaarinaya doorashada Golaha Deegaanka in ay dar-dar galiyaan doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug.
Ugu danbayn madaxweynaha ayaa xusay in xukuumadda Galmudug ay ku howlan tahay sidii Galmudug ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah, iyadoona ay ka dhigantahay doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug in ay dhabbaha u xaarayso xaqiijinta doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Taliska Booliska Somaliyeed ku amray adkeynta Amniga Caasimada
Muqdisho, Ogoosto 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed.
