Madaxweynaha Galmudug oo Tababar u Furay Ciidan ka Mid Noqonaaya Booliska Galmudug.

Date:

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa tababar u furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug.Tababarka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday Dugsiga tababarrada ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadan cusub ee uu tababarka u furmay, waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo, waxuuna ugu baaqay saraakiisha tababarka siinaysa in ay u dhameystiraan cutubyadan dhammaan adeegyada ay ubaahanyihiin si ay uga mid noqdaan ciidanka Booliska Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo ladardaarmayay Ciidanka Tababrka Loo Furay ayaa Yiri “Waxaa u Tababaranaysaan Dal aad ogtihiin inay ka Jirto Argagixiso, Waxaa ladoonayaa Inaa Barataan Sharuucda Ladagaalanka Argagixisada iyo Sida Loo qabto Iyadoo Shacabka la  dhibaatayn”.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...