Home Blog Page 623

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay dardargelinta howlaha horyaalla “SAWIRRO”

0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Cabdullaahi Calasow ayaa maanta warbixno ka dhagaystay La-Taliyaasha Wasaaradda.

La-Taliyayaasha ayaa waxaa ay soo bandhigeen Shaqooyinka horyaala, waxyaabihii u qabsoomay sanadkaan sii dhamaanaya, caqabadaha soo wajahay iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha jira.

Ugu dambeyntii Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa La-Taliyaasha kula Dardaarmay dardargelinta howlaha Wasaaradda horyaala iyo inay sii labo jibaaraan dadaalkooda.

Macalimiinta iyo Guddoomiyeyaasha Kooxaha Heerka 3aad oo tababar loogu soo gabo gabeeyay Garoowe “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Jaamac Xasan Cabdulle oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha iyo Guddoomiyaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Nugaal ayaa maanta tababar u soo xiray Macalimiinta iyo Guddoomiyeyaasha kooxaha Heerka saddexaad ee Caasimadda Garoowe.

Tababarka ayaa lagu baraayey xeerarka iyo shuruucda u yaala ciyaaraha Puntland si ay ugu dhaqmaan inta ay ciyaaraha socdaan oo maalinka Beri oo ku beegan 22.Oct.2021 ka furmi doona garoonka Kuubadda Cagta Mire Awaare.

Ciyaarahan ayaa ah is reeb reebka kooxaha heerka saddexaad ee Caasimadda Garoowe, waxaana uu Agaasimihu kul dardaarmay in la dardargeliyo cayaaraha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo gaaray Jabuuti

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray Dalka Jabuuti, halkaa oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti , Mudane  Ismaan Ibraahim Rooble.

Wasiirka oo socdaal saddex cisho ah ku joogaya Jabuuti, ayaa waxa uu ka qeybgalayaa shirka heer Wasiir ee waddamada urur-gobolleedka IGAD, kaa oo looga hadlayo Shaqada, Shaqo abuurka iyo sidii waddamada IGAD ay si xor ah uga shaqeyn karaan muwaadiniinta shaqo doonka, iyadoo la dhowrayo xaquuqaha aasaasiga ah.

Mudane Cabdiwahaab Ugaas, ayaa shirka ka jeedin doona khudbad , uu diiradda ku saarayo iskaashiga Shaqo iyo shaqo abuur ee waddamada IGAD.

Madaxweynaha Jubbaland oo soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumadda “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumadad oo socday muddo sadex maalmood ah.

Kulankan oo ahaa mid golaha Xukuumaddu ay ku qaadaa dhigayeen hiigsiga Xukuumadda iyo qorshayaasha Dowladda ayaa waxaa lagu jaangooyay in isbadal muuqda lagu sameeyo shaqooyinka iyo howlaha ay hormuudka ka yihiin Wasaaradaha kala duwan ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in loo baahan yahay dhamaan qorshayaasha halkan lagu gaaray in si dardar leh loogu badalo shaqooyin joogto ah oo lagu bari taaro shaqada ay hayaan Wasaaradaha kala duwan, isagoo intaas ku daray in muhiimada kulankan ay tahay in wax laga badalo hanaankii hore ee Wasaaradaha ay ku shaqayn jireen, isla markana isla xisaabtan joogto ah lagu sameeyo howlaha baxaada leh ee Wasaaradaha ay qabtaan.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in guddiga shaqada iyo shaqaalaha ay mas’uuliyad ka saarantahay la xisaabtanka shaqaalaha dowladda, iyadoo la hubinayo habsami u socodka shaqada iyo joogtaynta gudashada waajibaadka cid walba saaran.

Guddoomiyaha Gobolka Bari oo la kulmay Wafdi ka socday WFP “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa ugu sareeya Soomaaliya ee hay’adda WFP Mr Elkhadir Daloum iyo Madax kale oo ka tirsan hay’adda.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay is barasho iyo is xog-wareeysi Maamulka Gobolka iyo Madaxda hay’adda WFP, mashaariicda socda iyo kuwa ay soo waddo hay’addu, ka qeyb qaadashada arrimaha deg-degga ah, iyo arrimaha qaxootiga.

Guddoomiyaha ayaa Mr Elkhadir Daloum waxa uu guddoonsiiyey agabka hidaha iyo dhaqankeenka Soomaaliyeed, waxaanna ka qeyb galay kulanka Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Qeybo ka mid ah hay’adaha maxaliga ah ee Gobolka Bari ka howlgala yo Madax kale oo ka tirsan hay’adda WFP.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisaamd Abwaan, ayaa ugu horeeyn xafiiska ku soo dhoweeyey madaxa ugu sareeya WFP Soomaaliya iyo madaxda kale oo ka tirsan hay’adda, waxa uuna uga warbixiyey xaaladda guud ee Gobolka, ayna ka wada hadleen mashaariicda ay hay’addu ka waddo Gobolka iyo kuwa soo socda.

Muwaadiniin Mareykan ah oo lagu afduubtay Haiti

0

Koox burcad ah oo ka howlgasha dalka Haiti ayaa lacag Malaayiin dollar ah ka dalbaday dowlada Mareykanka si ay usii daayaan Wadaaddo masiixiyiin ah oo u dhashay dalkaasi oo ay afduub ahaan u heestaan.

Burcadan hubeesan ayaana dhawaan wadadaan masiixiyiinta ah ka afduubtay caasimada dalka Haiti ee Port-au-Prince , waxayna dalbadeen si ay usii daayaan lacag gaareysa 17 milyan oo dollar.

Wasiirka Caddaaladda Haiti, Liszt Quitel, ayaa sheegay, in ay socdaan wadahallo ay saraakiisha dowladda la leeyihiin kooxda burcadda ah ee  afduubatay muwaadiniintay Mareykanka u dhashay oo tiro ahaan gaaraya 17 ruux.

Waxa uu sheegay Wasiirka in kooxdan burcadda hubeesan oo isku magacawday 400 Mawozo ay dalbadeen lacag 17 milyan oo dollar ah, waxa uuna xusay in qofkiiba ay ka rabaan hal milyan oo dollar.

Dowlada Mareykanka ayaan wali ka hadlin dalabkan kasoo yeeray kooxda burcada hubeesan ee afduubka u heesta muwaadiniinta u dhashay Mareykanka.

AMISOM oo tababar u furtay Askar ka tirsan Boliiska Koofur Galbeed Soomaaliya

0

Taliska Booliska AMISOM ayaa magaalada Baydhabo ugu furtay 25 sarkaal oo ka tirsan Boliiska maamul goboleedka koofur Galbeed Soomaaliya.

Tababarkan oo socon doona muddo Todobaad ah ayaa wuxuu ku saabsan yahay ka hortagga falalka Argagixisada, is-dhaafsiga xogaha, baadi goobka iyo soo qabashada tuhmanayaasha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, Col, Amiin Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in koorsadan ay sare u qaadi doonto awoodda Boliiska Koofur galbeed, si ay ula dagaallamaan Argagixisada iyagoo kaashanaya bulshada.

Bisong Ejue, oo ka tirsan saraakiisha AMISOM ee tababarka bixineysa ayaa sheegay in la dagaallanka Argagixisada iyo ilaalinta bulshadu ay tahay mudnaanta koobaad ee uu siminaarkani u leeyahay Booliska.

Madaxweyne Erdogan oo gaaray Nigeria

0

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa  gaaray Magaalada Abuja ee Caasimadda Nigeria,socdaal kooban oo uu ku marayey saddexda dal eek ala ah Angola, Togo, iyo Nigeria.

Madaxweyne Erdogan, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nnamdi Azikiwe ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria Geoffery Onyeama, Wasiirka Caasimadda Federaalka Muhammad Musa Bello, Safiirka Nigeria u fadhiya Turkiga Ismaaciil Yuusuf Abba iyo Safiirka Turkiga ee Nigeria Hidayet Bayraktar.

Wafdiga la socda madaxweynaha waxaa ka mid ahaa marwada koowaad Emine Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Fatih Donmez, Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar, Wasiirka Ganacsiga Mehmet Mus, Omer Celik, Afhayeenka Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Turkiga (AK) Party, AK Party Guddoomiyaha Arrimaha Dibadda Efkan Ala, Agaasimaha isgaarsiinta Fahrettin Altun iyo afhayeenka madaxtooyada Ibrahim Kalin.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Woqooyi oo sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka

0

Guddoomiyaha Guddiga maamulka doorashooyinka Gobollada Woqooyi (Soomaaliland) Khadar Xariir Xuseen, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Soomaaliland, ka dib kulan uu maanta uu Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay guddiyada doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo SIET Soomaaliland.

“waxaa la isla qaatay in labada isbuuc ee soo socota doorashooyinka si fiican oo hufan ay u bilowdaan, waxaa la isla qaatay in goobtii doorashada la soo qiimeeyo Odayaashii iyo ergadii soo xuli laheedna la dadejiyo , iyo in kuraasta ugu horeesa ay qabsoomi doonaan labada isbuuc gudahood la islana gartay qorshe hoowleed dhamees tiran oo ku qotama shaqa walba iyo xiligalaqaban doono”

Guddoomiyaha Guddiga maamulka doorashooyinka Gobollada Woqooyi ayaa sheegay in ay balan qaadayaan in doorashada waqtigeeda ay san dhaafin si fiicana ay uqabandoonan.

 

Wasiirka gargaarka ee Soomaaliya oo magaalada Geneva kaga qebgashay shirka Arrimaha Bini’aadanimada

0

Wasiirka gargaarka iyo maareenta masiibooyinka Soomaaliya Marwa khadiija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hogaaminesay ayaa waxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, kaga qeebgashay shirka Arrimaha Bini’aadanimada oo ka dhacay magaaladaas.

Wasiirka ayaa shirka warbixin ay uga hadleesay xaalada Bini’aadanimo ee Dalka Ka jeedisay iyadoona sheegtay in ay wanaagsantahay xaalada bini’aadanmino ee dalka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u danbeeyay guulo ka gaartay xaaladaha bini’aadanimo ee dalka kajira.