Home Blog Page 623

Hirgalinta xarumo looga talagalay horumarinta waxbarashada culuumta diinta islaamka oo Gaalkacyo ka socanaya

Muqdisho-Juun-28-6-2022-:Xaruntaan oo qeyb ka Ah xarumaha loogu talagalay sare u qaadista Barashada culuumta diinta islaamka isla markaana dhismaheeda ay si isxilqaan ah uga qeyb qaadanayaan qaar ka mida culumada magaalada Gaalkacyo iyo ardayda dugsiyada qur’aanka oo iyagu baahi weyn u qaba helitaanka xarumo ay kaga faa’iideeysataan waxbarashadooda diiniga ah ayaa hataan dhismahooda ka socanayaa xaafada Howlwadaag ee Magaalada Gaalkacyo.

SAWIRRO:Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo maanta kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

MUQDISHO-JUUN-28-6-2022-:Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta  kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska maamulka Puntland .

0

Muqdisho-Juun-28-6-2022:Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  xalay  kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS oo u ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo ay ku martiqaaday Wasaaradda Bey’adda dalkaas

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Xildh. Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud & Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo ay ku martiqaaday Wasaaradda Bey’adda ee dalkaas.

Xildhibaanada Golaha shacabka BJFS oo ka doodaya Berri Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda dowladda 2022

0

Muqdisho-Juun-27-6-2022-:Xildhibaanada Golaha shacabka BFS ayaa maalinta Berri ah yeelanaya mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Madaxweynaha Hiirshabelle oo amray in dhawacyada wariyaasha qaraxii Hiiraan ka dhacay loo soo qaado Muqdisho.

Muqdisho-Juun-27-20222-:Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa qadka telefanka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saakay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada

MUQDISHO JUUN 27,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Hirshabelle Galmudug iyo Xildhibaan Cali siciid Fiqi oo wakiil ka ahaa Gudoonka Golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Kulanka oo looga hadlaayey dardar-gelinta howlaha sharci dejinta iyo sida ugu haboon ay u wada shaqeyn karaan baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka iyo kan Federaalka.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan golayaasha wakiiladda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu sheegay in wada shaqeyn buuxda dhexmarto si loo helo aqoon kororsi ku aaddan shuruucda golaha Sharci dejinta dalka iyadoo loo ballan sanyahay Kulan wadajir ah oo laqaban doono maalmaha soo aaddan.

Madaxweyne Ahmed madoobe oo la kulmay ururka haweenka ee Degmada Dhoobley

Muqdisho-Juun-27-6-2022-:Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta la kulmay ururka haweenka ee Degmada Dhoobley.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo dhaweeyay wafdi ka scoday xafsiika WHO ee Bariga iyo Bartamaha (EMRO)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasimayasha waaxaha Wasaaradda ayaa soo dhaweeyay wafdi ka scoday xafsiika WHO ee Bariga iyo Bartamaha (EMRO).

Wafdiga yaa u yimid Iskaashi labada dhinac ay ka yeelanayaan Arimaha Horumarinta hanaanka Isticmaalka Xogta Caafimaadka qaranka iyadoo lagu salaynayo u isticmaalka cilmi baarista iyo xoojinta dadaaladda lagu horumarinayo siyaasaddaha iyo Nidaamka Macluumaadka Caafimaadka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim ayaa warbixin kooban ka jeediyay kulanka taasoo la xariirta heerka Adeega Caafimaadka dalka ka jira iyo qorshayaasha Wasaaradda horyaala ee u baahan in la iska kaashado si loo hormariyo Nidaamka Xogta Caafimaadka Dalka, isagoo dhanka kalana ka warbixiyay dhibaatooyinka Caafimaad ee ka dhalan kara abaaraha ka jira dalka kuwaas oo saamayn xoogan ku yeeshay bulshada ku nool meelaha ay ka jiraan abaaraha xoogan kuwaas oo u nugul in ay loo soo daristo xaalado Caafimaad xumo.

Dhanka kale, Wafdiga ayaa kulamo wadatashi iyo xog-wadaag ah oo ku aadan heerka horumarineed ee siyaasadda iyo tayada Nidaamka Xogta Caafimaadka laqaatay qaar kamida farsamayaqaanada Xogta Caafimaadka, Sidoo kalana tala ka kabixindoona xoojinta nidaamka & maamulida xogta Caafimaadka guud ee Dalka.

Gudoomiyaha gobalka Mudug oo kulan la yeeshay saraakil ka socatay Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala gobalka Mudug

muqdisho-juun27-6-2022-:Kulankaan oo uu soo agaasimay maamulka gobalka mudug isla markaana uu shir gudoominayay gudoomiyaha gobalka mudug Axmed xuseen shire bukhaari ayaa maanta looga hadlay sidii xalwaara loogu heli xaalada ee adag ee abaaraha ka taagan gobalka mudug.