Home Blog Page 622

Arday deeq waxbarasho ka heshay Jaamacaddo ku yaala dalka Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Dalkaas

0

Ardadaan deeqda waxbarashada helay ayaa waxay ka kala socdaan deegaanada Jigjiga Diridhabe iyo Hargaysa, waxayna ka koobanyihiin 30 arday oo ka faa’idaysandoona Shahaadada Masterka oo ay Ku diyaarinayaan jaamacadda Jabuuti.

Deeqdaan oo ayna wax qarasha Ku bixin ayaa waxaa Ku deeqday Jaamacadda Jabuuti, iyadoo uu qorshuhu yahay isdhexgalka iyo hormarinta waxbarashada.
Ardayda deeqda heshay ayaa gaaray wadanka aan walaalaha nahay re Jabuuti iyadoo lagu soodhaweeyay garoonka diyaaradaha Dalkaas, waxayna uga mahad celeyeed Dowladda Jabuuti deeqda waxbarasho ee ay siiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee Turkiga.

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo maalmahii u dambeeyey hawlo shaqo u joogay dalka Turkey ga, ayaa  kulan is-xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka Istanbul & Ankara.

Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Safiirka Soomaaliya ee Turkey-ga Amb. Jaamac Caydiid, U-qaybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkey Mardiya Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale, ayaa wuxu ganacsatada ka dhagaystay xog-waran guud oo ay ka siiyeen xaaladda ganacsatada Soomaalida ee dalka Turkey, cabashooyinka jira iyo weli ba dood ay ka yeesheen sida ugu habboon ee wax loogga qaban karo dhacdadii dhawaan ku dhacday ganacsatada Soomaalida ee Ankara.

Wasiir Khaliif Abdi Cumar oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn boggaadiyey ganacsiyada waaweyn ee Soomaalidu ka samaysay dalka Turkey, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in ganacsatadu u midowdo danahooda si aanay mar kale ugu dhicin wax dhibbaato ah sidoo kale na ay ixtiraamaan sharciga u yaala dalkaasi.

Wasiirku, wuxu carabka ku dhuftay in ka Wasaarad ahaan ay si dhow u la socdaan xaaladda Ganacsatada Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan wixii dhibbaato ah ee soo waajaha Ganacsatada isaga oo xusay in dhibbaatadii dhacday ay si toos ah uga la hadleen Madaxda dalka isla-mar-ahaantaana ay ka codsadeen in culaysyada laga dulqaado ganacsatada Soomaalida sidoo kale na loo fududeeyo ganacsiyada dalka.

Wararkii u danbeeyey ee dagaalada ka socday magaalada Guriceel.

0

Dagaalka guriceel saakay ka qarxay ayaa hatan qaboobey waxaana saacadihii lasoo dhaafey socday duqeyn xooggan oo ku socotay Jaamacada oo ah halka ay ku hareen maleeshiyaadka taabacsan Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir.

Madaxda Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ugu dambeyn aqbaley in maleeshiyaadka Ahlusunna ee lagu go’doomiyay qaybo guriceel ka mid ah loo furo wado ay ku baxaan, isla markaa la siiyo fursad ay dhaawacyada ilaa shalay yaalay iyo Meydka ku qaataan.

Labo saacadood ayaa la siiyay Sheikh Shaakir in uu guriceel uga baxo kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda duhurnimo.

 

Maamulka Jubbaland oo daah-furay mashruuc lagu yareynayo isticmaalka Dhuxusha+Sawirro

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Dowlad Gobaleedka Jubbaland Saynab Rashiid Cige, ayaaa maanta furtay Mashruuca yareynta isticmaalka Dhuxusha iyo helidda Tamar kale.

Waxaana furitaanka mashruucaan ka soo qeyb galay Odayaasha Dhaqanka iyo Bulashada qeybaheeda kale ee Jubbaland.

Dadka aqoonta u leh cilmiga deegaanka ayaa qaba hadii ay sii socoto jaridda dhirta in ay keeni karto nabaad guur.

Ciidanka nabad sugida oo howlgalo lagu baacsanayo Al-Shabaab ka sameeyay gobolka Gedo

0

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgalo lagu sugayo amniga waxay ka sameeyeen deegaano hoos taga degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Howlgalada ayay ciidamada  si gaar ah kaga fuliyeen deegaanada Kamoroow Towsileey Qaniyaale iyo Deegaano Kale, halkaas oo ay maleeshiyada xoolo baad ah oo sakawaad ugu yeereen kaga uruursanayeen dadka deegaanadaas.

Maleeshiyadii Al-Shabaab ayaa goobta isaga cararay markii ay ka war heleen in ciidamada nabad sugida ku soo wajahan yihiin, kuwaas oo baxsadkood ciidamada ku daba jiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan baacsiga nabad-diidka soona qab qaban doonaan si cadaaladda loo marsiiyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ka qeyb galay munaasabad xariga looga jarayay xarun waxbarasho

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ka qeyb galay munaasabad xariga looga jarayay xarun waxbarasho oo laga hirgeliyay deegaanka Boonyeershe ee Shabeellaha dhexe.

Dhalinyarada Soomaali Asal ayaa markii Ugu horeeyay deegaanka Boonyeershe Ka hirgelisay Iskuul ay Ku dhiseen isxilqaan iyo iskutashi bulsho.

Deegaanka Boonyeershe oo hoostaga degmada Warshiig ee Gobalka Shabeellaha dhexe, ayaa waxaa Mas’uuliyiintaan oo iskugu jira Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle iyo maamulka degmada Warshiiq Ku soo dhaweeyay qeebaha kala duwan ee bulshada iyo arday loo diyaariyay Iskuulka ,isagoona si wadajir ah xariga uga jaray.

Dhalinyarada Soomaali Asal ayaa dedaal badan geliyay hirgelinta Iskuulka iyagoona tilmaamay in wax walba lagu qabankaro isxilqaan iyo istaageerid, inta dhimana ka codsaday in ay ka taageeraan ganacsatada Soomaaliyeed si hormar wax barasho loo gaaro.

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada oo sharaxaad bixiyey sababta loo diiwaangalinayo Macallimiinta G/ Banaadir

0

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Shiikh Nuur ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta loo diiwaangalinayo Macallimiinta Gobolka Banaadir.

“Waxaa in Macalimiinta in diiwaan geliyo loo sameenayaa, Macalimiinteena dhamaantood waxay ka koobanyihiin kuwa leh qibrad mudo dheerleh, qaar qibradooda cusubtahay intaba way iskugu jiraan sidaas daraadeed waxaan rabnaa in aan ogaano Macalimiinta Gobalka Banaadir joogta imisa ayaa ka baxday Kulliyada waxbarashada oo heesata shahaado jaamacadeed, iyo in aan ogaano kuwa aan ka soobixin Kulliyada waxbarashada hadana macalin ah Una baahan in aan tababarno gaarsiinana in uu macalin buuxa noqdo si ay u soo baxaan arday tayeesan” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Dadaalaakan cusub ayaa qeyb waxa ay ka noqonayaan qorshayaasha Duqa magaaladu ugu tala galay tayaynta Waxbarshada Gobolka Banaadir.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo lakulmay dhigiisa Turkiga

0

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cumar ayaa kulan la qaatay dhigiisa Turkiga Maxamed Mus labada mas,uul ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka Ganacsiga labada Dalka .

Dhibatadii ku dhacday Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalkan Turkiga ayay sidoo kale kawada hadleen waxana laysla gartay in Ganacsatada Soomaaliyeed culayska laga qaado loona fududeeyo sharciyada Ganacsiga .

Sidoo kale Ganacsatada ayaa loogu baaqay in ay Sharciga Ganacsiga ilaaliyaan, sidoo kale kulankan waxa qeeb ka ahaa Safiirka Safarada Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Caydiid iyo Madaxa Ganacsiga safarada Mardiya Maxamed Cabdi.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qalabka looga hortago COVID-19 kala wareegtay Hay’adda WHO

0

Wasaaradda caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta kala wareegtay hay’adda caafimaadka Aduunka WHO qalabka looga hortago COVID-19, kaasi oo loogu talagay in la isticmaalo waqtiga doorashooyinka horu dhaca ah ka dhacayaan degmooyinka Qardho, UFayn iyo Eyl.

Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi Agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ahna kusimaha agaasimaha guud ayaa qalbka kala wareegay madaxa WHO Puntland.

Agasimaha ayaa uga mahadceliyay WHO qalabkaan ay soo gaarsiiyeen wasaaradda waqtigan muhiimka ah, waxa uu xusay in wasaaradduna qalabkaan iyo mid kale oo ay ku kordhiso ku wareejin doonto guddiga KMG doorashooyinka Puntland TPEC.

Isla goobka qalabka lagu wareejiyay ayaa agaasimuhu waxa uu qalabkii ku wareejiyay xoghayaha guud ee guddiga KMG doorashooyinka Puntland Marwo Ubax Abshir ayaa kala wareegtay.

Qalabkaan ayaa la gayn doonaa degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka golayaasha degmyooyinka ee horu dhaca ah.

Wasaaradda ayaa guddiga kmg doorshooyinka kala shaqaynaysa dhanka caafimaadka gaar ahaan xaga doorashooyinka, horay ayay wasaaraddu degmooyinka ugaysay gaari Ambulus ah iyo kooxo caafimaad oo la soconayay isku soo baxyada ururada hadii khatar caafimaad timaado

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay xubnaha Aqalka Sare ee la doortay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka martida ku qaabilay xubnaha cusub ee loo doortay Aqalka Sare een Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  kuwaas oo ah xubnihii ugu dambeeyay ee laga sugayay Jubbaland.

  1. Xasan Daahir Yarow
  2. Ibraahim Aw-gaab
  3. Laylo Nuur Maax
  4. Maryan Faarax Kaahiye

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xubnahan ku booriyay inay si wanaagsan oo danta dalka iyo dadka ku jirto ay u gutaan waajibaadka maanta loo doortay, isla markana sida ugu wanaagsan ay u matalaan Jubbaland.