Home Blog Page 622

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Dhanka Puntland oo maanta guddoomiyey shir looga hadlayey adkeynta Amniga

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug dhanka Puntland Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa shir-gudoomiyey shirka Amniga heer Degmo.

Waxaa qayb ka ahaa shirkan Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Saldhigyada iyo Laamaha Amniga iyo Gudoomiyayaasha Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Shirkan oo mudo socday ayaa Taliyayaasha saldhigyada Degmada Gaalkacyo lagu gudoonsiiyey Qalab isugu jira Jeebooyinka lagu xiro Eedaysanayaasha iyo Qalab lagu ogaado Qof markaa Cabsan ama isticmaalay Daroogada loo yaqaan Khamrida iyo heerka uu markaa joogo.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda oo kulan la qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda iyo Agaasime-waaxeedyada

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Daauud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo, wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta XFS , Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Al Cadaalla) ayaa kulan la qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda iyo Agaasime-waaxeedyada,

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo shir la qaadatay Maareeyaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah

0

Muqdisho, 16,Agoosto,2022:- Wasiirka Gaadiidka Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaa maanta la kulantay Hoggaanka Hay’adda Duulista Rayidka ah ,waxaa kulanka ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Sulub Axmed Firin iyo Wasiiru dawlaha Maxamed Cali Cumar iyo Cali Gacal Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawadda Xukuumadda.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee Dugsiga sare.

0

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

Xeer-ilaalinta Maraykanka oo diiday in la faafiyo qoraal ay maxkamadda la wadaageen si loo baadho gurigii Trump

0

Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa Isniintii ka hortimi dedaallada lagu doonayey in lagu shaaciyo qoraal ay u direen maxkamadda oo markhaati fur u ahaa, sababaha ay ku doonayeen in maxkamaddu ay ugu ogolaato in la baadho guriga madaxweynihii hore ee Donald Trump ee ku yaalla gobolka Florida.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo saaray liiska 14-ka Guddi ee Golaha iyo magacyadda Xildhibaanada ka mid noqanaya Guddiyaddaas kala duwan ee Golaha

0

Muqdisho-15-8-2022:Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14-ka Guddi ee Golaha iyo magacyadda Xildhibaanada ka mid noqanaya Guddiyadda kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS.,

Madaxweyne Hassan Sheikh oo caawa dib ugu celiyey Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho, Ogostoo 15, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweynaha Kenya oo loo doortay William Samoei Ruto

0

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Samoei Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxwenaha ee Kenya. Wuxuu helay boqolkiiba 50.4% codadkii la dhiibtay, Wuxuu ka adkaaday Raila odinga oo helay boqolkiiba 48.8%.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub ee lasoo doortay ee Kenya.

Ruto oo guushiisa ka hadlay ayaa sheegay in ‘dhammaan awoodda madaxbanaani waxay u sugnaatay shacabka Kenya’ isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii dalka horey loogu sii wadi lahaa.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo kulankii ugu horeeyey la qadatay agaasime waaxeedyada Wasaaraddas

0

Muqdisho-15-8-2022:Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta kullankii u horreeyay la qaadatay agaasime waaxeedyada – waaxyaha Gaadiidka , halkaa oo ay ku soo bandhigeen warbixinta Shaqada , caqabadaha jira iyo sidoo kale horumarka ay Wasaaraddu samaysay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraaakiil kale oo gaaray deegaanka Teedaan oo shalay laga xoreeyey Al-shabaab

0

Muqdisho-15-8-2022:Iyadoo Gobolka Hiraan uu ka soconayo  hawlgalo lagu baacsanayo Argagixisada Al-shabaab ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha Qaybta 27aad CXDS , iyo Saraakiil kale ayaa Booqday maanta Furimaha Hore dagaalka Gaar ahaan degaanka teedaan oo shalay afka ciida loogu daray Argagixisada iyagoo kulamo la qaatay Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidanka iyo masuuliyiinta kale Ee heer maamul goboleed iyo heer fadaraal ee Sugan Agaas.