Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraaakiil kale oo gaaray deegaanka Teedaan oo shalay laga xoreeyey Al-shabaab

Date:

Muqdisho-15-8-2022:Iyadoo Gobolka Hiraan uu ka soconayo  hawlgalo lagu baacsanayo Argagixisada Al-shabaab ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha Qaybta 27aad CXDS , iyo Saraakiil kale ayaa Booqday maanta Furimaha Hore dagaalka Gaar ahaan degaanka teedaan oo shalay afka ciida loogu daray Argagixisada iyagoo kulamo la qaatay Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidanka iyo masuuliyiinta kale Ee heer maamul goboleed iyo heer fadaraal ee Sugan Agaas.

 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jatye Cusmaan iyo xildhibaano ka tirsan gobolaha shacabka ee safka hore uga jiray dagaalka ayaa kusoo dhaweeyay taliyaha ayaga oo warbixin ka siiyay sida ay u socotay xaalada.

 

Taliyaha ayaan ku booriyey in sii wadaan baacsiga Argagixisada isla markaana waxa uu dhiirigalin u sameeyey Ciidanka naftood Hurayaasha ah isagoona Fariin u diray adag u duray maleeshiyada Alshabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...