Home Blog Page 61

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, xaaladda gobolka iyo heshiisyada iskaashi ee ay horey uwada galeen Soomaaliya iyo Qatar, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiir Tamiim xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumrineed ee hirgalay ee dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah oo dalku u jihaystay.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Bin Xamad ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xun tahay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama.

Dowladdu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Ehelada Dadkii halkaas ku geeriyooday, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa muwaadiniinta ku dhaawacmay. Falkaasi wuxuu ahaa mid nasiib darro ah oo laga baaqsan karayay.

Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Somaliland in ay u turaan Shacabka deegaanka, in la dhageysto lana tixraamo dareenkooda, isla markaana si masuuliyad leh loo xaliyo tabashada Shacabka, lagana dheeraado ficil kasta oo xaaladda uga sii daraya.

Dowladdu sidoo kale waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culumada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka Gobolka Awdal in ay muujiyaan daganaan, lana joojiyo ficilada waxyeeleynaya badqabka iyo xasiloonida magaalooyinka iyo Bulshada ku nool intaba, isla markaana wadahadal loo maro xal u helista xiisadda taagan.

Dowladda Federaalka ah waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakuleynta Dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Buundada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabellaha Hoose.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil ka socotay howlgalka AUSSOM iyo dowladda Turkiga. Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhismaha iyo dayactirka lagu sameeyay buundadan muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in furitaanka buundada ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha, amniga, iyo isku socodka bulshada deegaanka, waxaana ay dhanka kale ballan qaadeen in mashaariic kale oo horumarineed laga fulin doono guud ahaan gobolka Shabellaha Hoose.

Buundadan oo ay horey u burburiyeen cadowga argagixisada ayaa dib-u-dhiskeedu waxa uu qeyb ka yahay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku xoojinayso soo celinta kaabayaasha dhaqaale iyo isku xirka degmooyinka iyo gobollada dalka.

 

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya, isagoo soo bandhigay qorsheyaasha ay dowladdu ku awood siineyso dhalliyarada Soomaaliyeed,

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee ka qayb-gashay Shirweynaha 3aad, isagoo ku amaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan arrimaha Diinta iyo wacyigelinta bulshada.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Safiiradda dalalka Masar,I ndonesia, Sweden, Cuba, Finland, Norway, Canada iyo Spain.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday dekadda Tanger Med, oo ah marsada ugu weyn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka ee ku taalla Morocco, kana mid ah dekedaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Danjiraha Boqortooyada Britain u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ahna Ku-Xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Marwo Eleanor Sanders.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyey xiritaanka Madasha Caalamiga ah ee MEDays ee Boqortooyada Marooko, isagoo sheegay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo iskaashiga dalalka dhaca Daanta Koonfureed ee Dunida (Global South).

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Muwalled.

9- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta, hindise-sharciyeedyo dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka iyo Sharciga Ciqaabta Soomaaliya iyo Axdiga Caalamiga ah ee Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda (SAR 1979) iyo kuwo kale.

10- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka qeybgaley kulanka sannadlaha ee Madasha Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika oo lagu qabtey magaalada Nairobi.

11- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed, sidoo kalena meel mariyay Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-Dagaalanka Burcad Badeedka iyo ka-hortagga Afduubka.

12- Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya,oo ansixiyay heshiiska aas aasiga ah Ciidamada Heeganka Bariga Afrika (East Africa Standby Force – EASF).

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Madasha Maalgashiga iyo Bandhigga Qurbe-joogta Soomaaliyeed.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil sare oo kale, ayaa ka qeyb galay daah-furka Bandhigga Afraad ee Difaaca Masar (EDEX 2025).

15- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Yemen, Jeneraal Mohsen Maxamed Axmed Al-Daacari, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar,

16- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dhagax-dhigay Dugsiga Mujamac Umul Quraa ee magaalada Muqdisho.

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali, ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir heer wasiir ah oo dalalka IGAD uga arrinsanayeen Hirgelinta Baaqa Nairobi ee Arrimaha Qaxootiga.

18- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadd, Mudane Maxamed Adam Macalin, ayaa qaabilay Guddiga Korjoogteynta Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Federaalka, kuwaas oo kormeer shaqo ku yimid si ay uga xog-ogaadaan howlaha ka kasocda Wasaaradda.

19- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi iiman Cige ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii ugu Horeeyey ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.Mudane Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) oo ku geeriyooday dalka Canada.

21- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro.

22- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Abdulqaadir, ayaa soo dhaweeyey arday u dhalatay dalka Suudaan, kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay Soomaaliya.

23- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada London uga qeyb galay xuska 15 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska hey’adda Yasmiin Foundation.

24- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Proff Salim Caliyow Ibrow ayaa qaabiley Daladda Ururrada Bulshada Rayidka ee SONSA.

25- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene).

ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha ka jira qeybo badan oo dalka ah.

26- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ahmed Hassan Aden, ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Xog-Uruurinta Kalluumeysiga iyo Fisheries Information Management System (FIMS).

27- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magacaabay xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si waafaqsan qodobbada dastuuriga ah iyo Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka.

28- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska oo ay hogaamineysay H.E Eleanor Sanders.

29- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka ee sanadkan, kaasi oo hal ku dhiggiisu ahaa “Ka hortagga luminta cuntada iyo biyaha iyo ilaalinta mustaqbalkeenna”.

30- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Muqdisho ka furay Wadatashi ku saabsan sidii loo maalgelin lahaa ganacsatada ka shaqeysa wax soo saarka Caanaha.

31- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Women Marwo Rukia Mohamed.

32- Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Aljeeriya, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

33- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Ahmed Dirie, ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Qatar, Mohammed bin Ali Al Mannai.

34- Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar ayaa kulan la qaatay arday deeq waxbarasho ka helay dalka Algeria.

35- Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa ka qeyb galey Shirweynaha Caalamiga ah ee Dambiyada Gumeystaha ee wadamada Afrika.

36- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Mudane Maxamed Cusmaan Naastaro ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Naafada.

37- Xubnaha Guddiga Warfaafinta, Wacyi-gellinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Kormeer ku tegay Wasaaradd Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

38- Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xarunta Daraawiishta Booliiska ku qaabilay Kestutis Lancinskas, Madaxa Xafiiska EUCAP Soomaaliya, oo u matala Midowga Yurub taageerada ay u fidiyaan Ciidamada Daraawiishta Booliiska.

39- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf Dhuxuloow ayaa si rasmi ah u furay tababar sare oo ku saabsan Baarista Dukumentiyada.

40- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa shir guddoomiyay kulanka Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, kaas oo looga hadley Isku xirka adeegyada dowladda, dib-u-habaynta shaqaalaha rayidka iyo ka hortagga abaaraha.

41- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta SoDMA ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hay’adda Plan International, kaas oo ay hoggaaminaysay Agaasimaha Gobolka Bariga Dhexe, Bariga Afrika iyo Koonfurta Afrika. Marwo Angela Muriithi.

==========DHAMMAAD============

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hay’adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hay’adaha gargaarka iyo ururrada samafalka ee ka hawlgala gudaha dalka (HCT). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta oo guud ahaan si ba’an u saameysay dhammaan gobollada Soomaaliya, iyo sida loogu baahan yahay bixinta jawaab mideysan oo deg deg ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Madaxweynaha dalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre muujiyeen walaac xooggan oo abaarta ku aaddan, islamarkaana ay fareen hay’adaha dowladda inay si buuxda ula shaqeeyaan SoDMA oo ah hay’adda rasmiga ah ee isku-dubbaridka arrimaha gargaarka iyo ka jawaabista musiibooyinka u qaabilsan dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyay dhammaan la-hawlgalayaasha inay la jaanqaadaan habraacyada iyo nidaamka cusub ee SoDMA hoggaaminayso, si loo helo hannaan mideysan oo wax ku ool ah. Sidoo kale wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca ku yimid maalgelinta deeq-bixiyeyaasha ay si weyn u curyaamisay dadaallada wax-ka-qabashada abaarta.

Ugu dambayn, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa sheegay in loo baahan yahay, qorsheyn degdeg ah oo loo dhan yahay, dhaqaale la saadaalin karo gudaha iyo dibadda iyo dib-u-habeynta barnaamijyada taageerada lagu gaarsiinayo degmooyinka ugu nugul dalka.

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda.

0

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka sare ayaa Magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyey guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Iscafiska Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka soo gaaray.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Iscafiska Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan oo maanta dalka soo gaaray ayaa inta uu ku sugan yahay Magaaladda Muqdisho waxa uu kulammo gaar ah la qaadan doonaa guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulamadaasi looga hadli doonaa xoojinta nabadda, is-cafinta iyo wada-shaqaynta baarlamaanada caalamiga ah.

Dhinacyadu sidoo kale waxay kala saxiixan doonaan heshiis is-afgarad ah oo kor loogu qaadi doono doorka Soomaaliya, taas oo wax weyn ka qaban doonta sidii dalkeena uu uga soo muuqan lahaa fagaarayaasha caalamiga ah ee nabadda iyo is-cafinta, isla markaana uu xubin firfircoon uga noqon lahaa Baarlamaanka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Is-cafiska.

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ay dowladdu ku awood siineyso dhalliyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay dib u habeynta waxbarashada, dhiirri gelinta barnaamijyada dhallinyarada iyo hirgelinta doorashada dadweynaha taas oo suurt gelinaysa in ay door firfircoon ku yeeshaan talada dalka.

Madaxweynaha oo dhagaystay talooyinka iyo aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee dowladnimada ayaa ku adkeeyey in ay mideeyaan maskaxdooda, hal abuurkooda, cududdooda iyo dadaalkooda, si dalkeenna uu ula tartamo dalalka horumary ee caalamka.

“Maanta waxaan u baahanahay in aan deg deg u dhaqaaqno oo aan horumarno. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan hal abuur ku saleysan abaabul, wadajir, wacyi sarreeya iyo hoggaan mideysan. Isbeddel kasta oo dhaca dhallinyarada ayaa keenta”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogadiyey dhabar adaygga iyo kartida dhllinyarada Soomaaliyeed oo dhiiggood u huray gobanimada iyo difaaca dalka, waxa uuna ku boorriyey barashada xirfadaha casriga ah, gaar ahaan tiknoolijiyadda oo qeyb weyn ka qaadan karta kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga, hal abuurka iyo isku filnaashaha dalka.

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka.

Shirka golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sharciyada lagu meelmariyay waxaa ka mid ah Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed kadib markii uu kasoo gudbay la tashiyo balaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay Diinta Islaamka, Dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Golaha ayaa si qotodheer uga dooday sharciga dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo, xilli doorsoonka cimiladda uu sii xoogeysanayo, dalkana uu ka jiro xaaluf ba’an.

Sharciyada iyo heshiisyada Golaha ansixiyay waxaa ka mid ah.

1.⁠ ⁠Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya , kaas oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta.

2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.

3.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliya.

4. Axdiga Caalamiga ah Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda.{Axdiga Sar 1979}

5. Axdiyada Geneva 12 August 1949 [Additional Protocols ]

Golaha ayaa dhagaystay warbixino la xiriira horumarada laga sameeyay amniga iyo arrimaha doorashooyinka, iyada oo ugu dambeyntii uu Ra’iisulwasaare Xamse golaha faray in kaalin laga geysto hawlaha dhexdhexaadinta iyo nabadeynta colaadaha beelaha ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka, iyada oo hawshan si gaar ah loogu xilsaaray wasaaradda Arrimaha Gudaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah dhanka aaladda Zoomka kula yeeshay deeq-bixiyayaal ka socday dalalka Midowga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta dalka oo haatan maraysa heer khatar ah, iyadoo saameyn ballaaran ku yeelatay gobollada kala duwan ee Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa deeq-bixiyayaasha si faahfaahsan ugu warbixiyay sida abaartu u kala culus tahay gobollada dalka, isagoo xusay in gobollo badan ay ku jiraan xaalad degdeg ah oo u baahan gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah.

Deeq-bixiyayaasha ayaa dhankooda muujiyay walaac iyo dareen ku aaddan halista abaarta, iyagoo ballan qaaday inay sii xoojin doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda adag ee ka taagan dalka.

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (East Africa Standby Force – EASF).

Kulanka maanta oo ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisii 17-aad, waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Heshiiska waxaa oggolaaday 144 xildhibaan, halka 1 xildhibaan uu diiday, 2 kalena ay ka aamuseen.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo khudbad ka jeediyay fadhiga, ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada ansixinta heshiiska, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa go’aanka iyo himilada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta amniga, nabadda, iyo iskaashiga gobolka.

Sidoo kale, Wasiiru Dowluhu wuxuu xusay in ansixinta heshiiska ay ku soo beegantay xilli Soomaaliya markii ugu horreysay martigelisay Shirka 34-aad ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka EASF, taas oo muujinaysa kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ku leedahay nabadda iyo amniga gobolka.