Home Blog Page 62

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qayb galay shirka sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Qaaradda Afrika, kaas oo si rasmi ah uga furmay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Aljeeriya, Algiers.

Shirkan muhiimka ah ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare iyo madaxda hay’adaha garsoorka ee dalalka ku yaalla Qaaradda Afrika, iyagoo ka wada hadlaya arrimo la xiriira madax-bannaanida garsoorka, xoojinta nidaamka caddaaladda, is-dhaafsiga khibradaha garsoor, iyo la jaanqaadidda maxkamadaha casriga ah ee caalamiga ah.

Inta lagu guda jiro shirka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa la filayaa inuu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo waayo-aragnimada Soomaaliya ee dib-u-dhiska hay’adaha garsoorka, horumarinta sharciyeynta, iyo dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo caddaalad hufan oo ku dhisan isla-xisaabtan iyo madax-bannaani buuxda.

Sidoo kale, shirkan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga garsoor ee dalalka Afrika, wadaagista macluumaadka iyo khibradaha, iyo ka wada shaqeynta caqabadaha ka jira nidaamyada garsoor ee qaaradda, gaar ahaan la dagaallanka musuqmaasuqa, dambiyada xuduudaha ka gudba, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Ka qaybgalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya doorka firfircoon ee ay Soomaaliya ku leedahay madasha garsoorka Afrika, iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta cadaaladda iyo adkeynta sharciga dalka.

By:Fardowso Hassan Nor 

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

0

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, kana mid ah Madaxda Xiriirka Dowladaha ee Federaalka Booliiska Jarmalka, ayaa booqasho shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Mudane Colonel Niels Zimmermann, waxaana ay kulan miro-dhal ah la yeesheen Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), oo uu ugu horreeyo Agaasimaha Guud ee hay’adda, Mudane Mustafa Duhulow.

Booqashadan oo ka dhacday magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 21–22 Janaayo 2026, ayaa ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada maareynta socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, horumarinta baasaboorka Soomaaliga, iyo la dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah.

Intii lagu guda jiray booqashada shaqo, wafdiga Jarmalka ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow uga indha-indheeyeen hab-raacyada maareynta rakaabka imanaya iyo kuwa baxaya, khadadka koontaroolka 1aad iyo 2aad, hawlaha Qaybta Baarista Dukumentiyada (Document Examination) iyo Fraud Detection Unit, iyo guud ahaan nidaamka maareynta xuduudaha. Wafdigu waxa ay si gaar ah u qiimeeyeen doorka HSJ ee sugidda amniga qaranka.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafa Duhulow, ayaa wafdiga si rasmi ah u soo dhaweeyay, isaga oo uga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka aqoonsiga Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tallaabadaas oo muujinaysa kalsooni, is-ixtiraam, iyo xiriir diblumaasiyadeed oo sii xoogeysanaya. Waxa uu sidoo kale adkeeyay sida ay hay’addu uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta caalamiga ah iyo is-dhaafsiga khibradaha, si loo dhiso hay’ad casri ah oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah.

Kulamada labada dhinac ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay waajibaadka iyo qaab-dhismeedka HSJ, mudnaanta istiraatiijiyadeed ee hay’adda, iyo dadaallada lagula dagaallamayo tahriibka dadka, dambiyada abaabulan, iyo socdaalka sharci-darrada ah ee dhulka, cirka, iyo badda. Sidoo kale, waxaa la isla gartay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, taageerada farsamo, is-dhaafsiga macluumaadka, iyo xoojinta awoodda shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan mudane Mohsin Naqvi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Wasaaradood, iyadoo laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin; wada-shaqeynta dhanka amniga, dowlad-dhiska, dhismaha iyo tayeynta awoodaha hay’adaha iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira arrimaha gudaha iyo bedqabka shucuubta.

Labada dhinac ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashi laba geesood ah ee ku aaddan meelaha ay dan wadaagta ka yihiin.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

0

WAR-SAXAAFADEED:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa soo gabagabeeyay howlgal amni oo socday in ka badan 24 saacadood, kaas oo lagu fashiliyey laguna soo afjaray weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan wadajirka ah ayaa cadowga lagu gaarsiiyay jab culus iyo khasaare ballaaran, iyadoo la dilay in ka badan 130 dhagarqabe, laguna dhaawacay tiro kale oo intaas ka badan, kaddib dagaal toos ah oo ay ciidamadu si geesinimo leh uga hortageen weerarka.

Sidoo kale, waxaa gacanta looga dhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ka carareen maleeshiyaadkii argagixisada ee soo qaaday weerarka naf-la-caariga ahaa.

Haatan, amniga magaalada Kudhaa iyo dhammaan nawaaxigeeda waxa si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, kuwaas oo weli ku jira feejignaan buuxda iyo sugid amni si looga hortago khatar kasta.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada, wada-shaqeynta, iyo feejignaanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland, iyagoo mar kale adkaynaya in howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabad, xasillooni, iyo amni waara oo ka hirgala guud ahaan dalka.

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowladda Jubbaland ayaa si buuxda u soo afjaray maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo weerar ku soo qaaday deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydadka maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo ay ku jireen horjoogayaal, kuwaas oo lagu dilay dagaalka. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay Khawaarijtu isticmaalayeen, kuwaas oo laga furtay cadowga intii uu socday howlgalka.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalku billowday waaberigii shalay, isla markaana saakay si rasmi ah loo soo afjaray kaddib markii la hareereeyay maleeshiyaadka, lana gaarsiiyay jab culus.

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mahadcelin u jeediyey Golaha Wasiirrada oo maanta meel mariyey Is-afgaradka ka dhexeeya maamullada Dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya.

Is-afgaradkan ayaa xoojinaya iskaashiga iyo xog-wadaagga dalalka gobolka, waxaana uu gacan ka geysanayaa hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta shuruucda muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo bad ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

0

Muqdisho, Khamiis, 22 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay amniga dalka, howlgallada socda ee ay wadaan Ciidamada Qaranka, iyo gogosha wadahadal ee ay u fidisay Xukuumadda DanQaran dhinacyada siyaasadda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa lagu bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay khawaarijta ku jabiyey deegaanka Kudhaa, oo ay argagixisadu isku dayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka deegaannadaasi, balse Ciidamada Qaranka ay ka difaaceen weerarkii naf la caariga ahaa ee ay soo qaadeen.

Kulanka Golaha ayaa intii uu socday, waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Sidoo kale, Golaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan la yeeshay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay labada dhinac dan wadaag ka leeyihiin, gaar ahaan xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal, iyo horumarinta hababka wada-shaqeynta ee dhinacyada la xiriira amniga iyo arrimaha gudaha.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

0

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada hadal taleefan la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Yugaandha, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalka Yugaandha dib u doorashadiisa, kaddib guushii uu ka gaaray doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dalkaasi, isagoo u rajeeyay in muddada xil hayntiisa uu ku hoggaamiyo dalkiisa, nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Intii uu socday wada hadalka, labada Madaxweyne waxa ay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo iskaashiga danaha guud ee labada shacab, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dalalka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

0

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaybgalay Shir-weynaha 5-aad ee Xarunta Daraasaadka Al-Maqaasid, kaas oo diiradda lagu saaray falanqaynta nidaamka federaalka Soomaaliya.

Shir-weynaha, oo cinwaankiisu ahaa: “Federaaleynta Soomaaliya: Siyaasad Murugsan mise Tubta Wada-Lahaanshaha Buuxa?”, ayaa lagu soo bandhigay doodo cilmiyeed, warbixinno, aragti-wadaag aqooneed iyo khudbado falanqeynaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, xiriirka ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladnimo, iyo caqabadaha hortaagan hirgelinta federaal wax-ku-ool ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu wajaho cilmi, wadatashi iyo is-faham qaran, isagoo xusay in federaaleyntu ay tahay tiir muhiim u ah dhismaha dowladnimo oo waarta.

“Federaaleyntu waa tiir muhiim u ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya, balse si ay u noqoto mid miro-dhal ah waxay u baahan tahay in lagu saleeyo cilmi, wada-tashi iyo faham qaran oo mideysan. Shirarka noocan ah waa furaha lagu gaari karo aragti mideysan oo ku saleysan xaqiiqada dalka iyo danaha shacabka,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Shir-weynaha waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, culimo, aqoonyahanno, marti caalami ah iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, taas oo sare u qaadday miisaanka aqooneed iyo saameynta doodaha lagu gorfeeyay shirka.

Ugu dambayn, Shir-weynaha 5-aad ee Xarunta Daraasaadka Al-Maqaasid ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo warbixinno cilmiyeed oo wax ku biirin doona fahamka nidaamka federaalka iyo sidii loo waafajin lahaa duruufaha siyaasadeed, bulsho iyo amni ee ka jira Soomaaliya.