Home Blog Page 60

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis ka-dhaafid fiiso ah, kaas oo quseeya dadka sita baasaboorrada diblomaasiyadeed, isla markaana meesha ka saaraya shuruudda fiisaha ee u kala safarka labada dal.

Heshiiskan muhiimka ah wuxuu astaan u yahay horumar la taaban karo oo lagu xoojinayo fududeynta socdaalka rasmiga ah, dardargelinta is-dhaafsiga diblomaasiyadeed, iyo kor u qaadista wada-shaqeynta laba-geesoodka ah ee u dhaxeysa labada dal ee walaalaha ah.

Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari, xilli uu kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf.

Heshiiska waxaa kala saxiixday Xoghayaha Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo La-Dagaallanka Maandooriyaha ee Pakistan, Mudane Dawood Muhammad Baraech, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Hamza Aadan Haadoow, kaas oo sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiintii ka qaybgalay munaasabadda.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Pakistan gaarsiiyay farriin rasmi ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo si cad loogu muujiyay go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba-geesoodka ah ee kala dhaxeeya Pakistan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa mahadnaq iyo qaddarin buuxda oo ay u hayso Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, soo dhoweynta diirran iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay had iyo jeer la garab taagnaayeen Soomaaliya, iyadoo rajaynaysa in iskaashiga labada dal uu sii ballaariyo kulammo heer sare ah, wada-tashi joogto ah, iyo mashaariic ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal.

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay Horjooge Khawaarij ah

0

Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka dib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Horjoogaha la khaarijiyay ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa Baadda Shacabka, wuxuuna muddo badan oo ay qaati ka taagnaayeen dadka shacabka ah ku baxay gacanta geesiyaasha Qaranka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa intii ay howlgalka wadeen waxay gacanta ku dhigeen mooto Feykon iyo qori AK47, oo dadka musaafurka ah kagu dhibaateyn jiray.

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

0

Bannaanbax looga soo horjeedo faragelinta Israa’iil ku sameysay dalkeena ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Bannaabaxan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka degmada oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyn aad u fara badan, kuwaas oo ku dhawaaqayay eray ka dhan ah maamulka dalkeenna ku soo gardarooday ee Israa’iil.

Shacabkii Bannaanbaxa ka soo qeyb galay ayaa dhammaan qiray in aysan marna ogolaaneyn in lagu soo xadgudbo taako ka mid ah dhulkeenna, islamarkaana geeri ka xigaan, waxayna digniin adag u direen maamilka Israa’iil ee aqoonsi beenaadka ku siray maamulka Somaliland.

Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho waxaa si isdaba joog ah uga dhacayay bannaanbaxyo looga soo horjeedo aqoonsi beenaadka Israa’iil ay siisay Soomaaliland, kaas oo dal iyo dibad kaga cambaareeyay.

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Taliyaha ayaa halkaas u tagay dhiirrigelinta geesiyaasha Ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka.

Intii uu ku sugnaa deegaannada la xoreeyay, Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulammo la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka, isagoo ka xog-waraystay xaaladaha guud ee amniga, sidoo kalena warbixino ka dhageystay.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa bogaadiyay geesinimada, adkaysiga iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada isgarabsanaya.

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Islamabad ayaa kulan heer sare ah oo miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan Mudane Asif Ali Zardari.

Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta taageerada siyaasaddeed iyo tan diblomaasiyadeed ee Dowladda Pakistan ay siiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale iskaashiga dhinacyada amniga, gaar ahaan ololaha joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallamayso kooxaha argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweynaha Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari, ayaa mar kale adkeeyay mowqifka mabda’a ah ee dalkiisu ka taagan yahay taageerada iyo ilaalinta madax-bannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay diyaargarowga Pakistan ee sii xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan horumarinta nabadda, xasilloonida iyo dadaallada dhismaha dowladnimada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Sabtida maanta ah hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey qalab caafimaad oo loogu talagalay 16 Xarumood oo ku yaalla degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa munaasabadda ka sheegay in qalabkan caafimaad uu yahay mid muhiim u ah horumarinta tayada adeegyada caafimaadka, gaar ahaan hooyooyinka, carruurta iyo guud ahaan bulshada nugul. Waxa uu xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayo caafimaadka dadweynaha, islamarkaana uu sii xoojin doono taageerada xarumaha caafimaadka ee degmooyinka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxa uu faray maamullada degmooyinka iyo madaxda xarumaha caafimaadka in si hufan oo mas’uuliyad leh loo isticmaalo qalabka la wareejiyey, si ay si toos ah uga faa’iideystaan shacabka ku nool 16-ka degmo ee looga qoondeeyay degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

 

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Sabtida maanta ah dhagax-dhigay dhismaha Wadada Cabdiqaasim ee Degmada Hodan, taas oo ka mid ah mashaariicda mudnaanta u leh horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in caqabaddii ugu weynayd ee dib u dhigtay dhismaha waddada Cabdiqaasim ay ahayd guryo iyo dhismayaal waddada soo galay, kuwaas oo si sharci darro ah u xannibay hirgelinta mashruuca. Arrintaas darteed, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab ayaa amray in la burburiyo dhammaan guryaha iyo dhismayaasha waddada soo galay, isaga oo u qabtay muddo hal isbuuc, si loo banneeyo waddada.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Munaasabadda dhagax-dhigga ka diray farriin cad oo ku aaddan hagaajinta nadaafadda iyo nidaamka magaalada, iyadoo uu dhiirri-geliyay ololaha nadaafadda ee ka socda Muqdisho, kuna ammaanay ka-qeybgalka bulshada iyo wacyigelinta laga helayo baraha bulshada, gaar ahaan dhallinyarada hormuudka u ah barta TikTok.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku dhawaaqay samaynta kooxo kormeerayalaa nadaafadeed oo cusub, kuwaas oo si joogto ah u la socon doona xaaladda nadaafadda degmooyinka, isla markaana hubin doona fulinta habraacyada iyo isla xisaabtanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dib-u-eegis lagu sameyn doono kariteeriyada shirkadaha nadaafadda, si loo qiimeeyo tayada adeegga ay bixiyaan iyo u-hoggaansanaantooda waajibaadka shaqo, loona xaqiijiyo in adeegga nadaafaddu noqdo mid hufan oo joogto ah.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in xeer cusub oo nadaafadda magaalada la xiriira uu saxiixi doono dhawaan, kaas oo dejin doona habraac iyo waajibaad cad, islamarkaana adkeyn doona ilaalinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay in dhagax-dhigga Wadada Cabdiqaasim iyo tallaabooyinka nadaafadda ay yihiin qorshe mideysan oo lagu dhisayo Muqdisho nadiif ah, nidaamsan, lehna kaabayaal casri ah oo u qalma mustaqbalka magaalada.

 

 

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen dhammaan safiirrada waddamada Afrika ee fadhigoodu yahay dalka Koonfur Afrika.

Shirkan, intii uu socday, waxaa si rasmi ah looga wada hadlay arrimo muhiim ah oo khuseeya dowladaha caalamka iyo xiriirka dalalka.

Shirka waxaa si gaar ah looga hadlay arrinta la xiriirta Israa’iil, oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah u aqoonsatay qaybo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Waqooyi.

Dhanka kale, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa jeediyay qudbad muhiim ah, isagoo si cad u sheegay in tallaabo kasta oo lagu faragelinayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay mid aan la aqbali karin, kana hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Safiirku waxa uu xusay in Israa’1l ay isku dayayso inay u wareejiso dhibaatooyinka ka jira Bariga Dhexe dhul Soomaaliyeed, taas oo khatar ku ah amniga gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dhankooda, dhammaan safiirradii kulanka goob-joogga ahaa ayaa xusay inay ka soo horjeedaan tallaabada ay qaaday Israa’1L, ayna xasillooni-darro ku tahay xaaladda gobolka, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ay muqaddas tahay ilaalinta madax-bannaanida dhuleed iyo midda cir ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale adkaynaysaa mowqifkeeda cad ee ku aaddan ilaalinta midnimadeeda dhuleed, isla markaana waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay ixtiraamaan madax-bannaanida Soomaaliya iyo go’aamada sharci ee caalamiga ah.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

0

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected President of the Republic of Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, by telephone, wishing that during his term he leads his country with peace, stability, and lasting development.

2- President Hassan Sheikh Mohamud spoke by phone with the President of the Republic of South Africa, Cyril Ramaphosa. They discussed bilateral relations, regional issues, security strengthening, and development.

3- President Hassan Sheikh Mohamud delivered an important speech at the ceremony inaugurating the President of the North East Administration of Somalia in the city of Laas Caanood.

4- President Hassan Sheikh Mohamud met in Laas Caanood with some traditional leaders from Puntland State led by Boqor Burhaan Boqor Muuse.

5- President Hassan Sheikh Mohamud hosted ministers from the Government of Djibouti who were part of the delegation attending the inauguration of the leader of the North East State of Somalia.

6- Prime Minister Hamza Abdi Barre met with the Executive Director of the International Finance Corporation (IFC) for East Africa, part of the World Bank, Mrs. Mary Porter Peschka, and they discussed strengthening cooperation, especially the implementation of the National Transformation Plan (NTP 2025-2029).

7- Prime Minister Hamza Abdi Barre attended the Laas Caanood ceremony for the inauguration of Abdulqadir Ahmed Aw Ali, as President of the North East State of Somalia Administration, and his Deputy President, Abdirashid Yuusuf Jibril, held in Laas Caanood.

8- Prime Minister Hamza Abdi Barre met in Laas Caanood with traditional leaders of Jubaland, the Puntland State, and the North East administration, highlighting their role in strengthening coexistence, unity, and peace among the Somali people.

9- Prime Minister Hamza Abdi Barre praised the heroic Danab and Jubaland forces for selflessly killing treacherous Kharijites terrorists who attempted a surprise attack on Kudhaa coastal town in Lower Juba region.

10- The Cabinet of the Federal Republic of Somalia discussed security, ongoing military operations, and the government’s dialogue framework extended to political stakeholders.

11- The Government of Somalia issued a formal invitation to the Future Council for a consultative meeting on strategic matters, scheduled to take place in Mogadishu on February 1, 2026.

12- Internal Security Minister Abdullahi Sheikh Ismail met in Doha with the Deputy Minister of Interior of the State of Qatar, Sheikh Abdulaziz bin Faysal bin Mohamed Al-Thani.

13- Minister of Information, Culture and Tourism, H.E. Daud Aweis Jama, warmly congratulated the media on the Somali Media Day, marking the historic beginnings of journalism and the Somali language script.

14- Minister of Interior, Federal Affairs, and Reconciliation Ali Yusuf Ali is on a working trip to Pakistan, where he will meet with senior government officials.

15- Minister of Information, Culture and Tourism H.E. Daud Aweis Jama met with members of SOMTA, the Somali Tourism Association, focusing on strengthening tourism’s growth in Somalia, which can play a visible role in the country’s reputation, economy, job creation, and social integration.

16- Minister of Defense, Ahmed Moalim Fiqi, and the Deputy Prime Minister, who is also the Minister of Defense of Qatar, Sheikh Saud bin Abdullah bin Ahmed Al Thani, signed a defense cooperation agreement in Doha to strengthen military ties and security collaboration between the two countries.

17- Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Abdisalam Abdi Ali met with the Sudanese Ambassador to Somalia, Ambassador Abdirahman Khalil Ahmed Abubakar, to discuss strengthening the historical relationship between the two countries.

18- Minister of Labor and Social Affairs Salim Aliyow Ibrow had a bilateral meeting with Turkey’s Minister of Family and Social Services, Mahinur Özdemir Göktaş. The discussion focused on cooperation in social aid, family development, and social services.

19- Minister of Internal Security Abdullahi Sheikh Ismail opened an important meeting in Mogadishu of the Steering Committee for the second phase of the Joint Police Program.

20- The Mayor of Mogadishu and Governor of Banadir, Dr. Hassan Mohamed Hussein (Mungab), met with the Turkish Ambassador to the Federal Republic of Somalia, Mr. Alper Aktaş.

21- The National Identity and Registration Authority (NIRA) has established a new center at the Somalia Embassy in South Africa, where Somali citizens can obtain national identity cards.

22- The Embassy of the People’s Republic of China in Somalia sent warm congratulations to the Somali leadership and people after Laas Caanood hosted the inauguration of the President of the North East State of Somalia, Mr. Abdulqadir Ahmed Aw Ali.

23- The Government of the Republic of South Sudan officially expressed its support for the positions of the African Union (AU) and the IGAD regional bloc regarding independence, unity, and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia.

24- The Somali National Army thwarted an attack by the Kharijites Al-Shabab militant group on Jabad Godane in the Mudug region of central Somalia.

25- The elite-trained forces of Somalia’s Danab and Jubbaland’s Darwish forces achieved success in an operation at Kudhaa, in Lower Juba, after repelling the Kharijites extremists of Al-Shabab.

26- The Banadir Regional Police Command prohibited armed personnel from riding motorcycles in the city using private means of transport. They were also warned not to be seen in Mogadishu while not on duty.

 

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka kula yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, isagoo u rajeeyay in muddada xil hayntiisa uu ku hoggaamiyo dalkiisa, nabad, xasillooni iyo horumar waara.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, iyagoo ka wadahadley xiriirka labada dal, xaaladda gobolka, adkaynta nabadgelyada iyo horumarka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Dowld Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo ka dhacdey magaalada Laas Caanood.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula yeeshay magaalada Laas Caanood, qaar ka mid ah odayaasha, isimmada iyo cuqaasha dhaqanka Dowlad-Goboleedka Puntland oo uu hoggaaminay Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, munaasabadda caleemo-saarka Madaxda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Laas Caanood ku qaabilay, Wasiiro ka socday Dowladda Djibouti oo qeyb ka ahaa wafdigii ka qeybgaley caleemo-saarka madaxda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika, oo qeyb ka ah Bangiga Adduunka, Marwo Mary Porter Peschka,iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029)

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laas Caanood kaga qeyb-galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ka qabsoomtay magaalada Laascanood Xarunta Gobolka Sool.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laas Caanood ee kula kulmey odayaasha dhaqanka ee maamulada Jubaland, Dowlad Deegaanka iyo Waqooyi Bari,isaga oo xusay doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin adkaynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadin u diray ciidamada geesiyaasha Danab iyo kuwa Jubaland ee sida naf-hurnimada ah u jabiyay naftood-haligayaasha Khawaarijta ee isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan magaalo xeebeedka Kudhaa ee Gobolka Jubbada hoose.

10- Golaha Wasiirada ayaa kulankooda uga hadlay amniga, hawgallada ay wadaan ciidamada qaranka iyo gogosha wadahadal ee xukuumadda u fidisay dhinacyada siyaasadda.

11- Xukuumadda Soomaaliya, ayaa casuumaad rasmi ah oo ku aaddan kulanka wadatashiga arrimaha masiiriga u fidisay Golaha Mustaqbalka, waxaana loo madlay magaalada Muqdishu 1-da Febraaya 2026-ka.

12- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Dowladda Qatar, Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani.

13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo hambalyo diirran u diray bahda warbaahinta munaasabadda Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ,oo ku asteysan xuska taariikhiga ah ee bilowga saxaafadda iyo qoraalka Af-Soomaaliga.

14- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa socdaal shaqo ku gaaray dalka Pakistan,isagoo kulama la qaadan doonaa sarakiil ka tirsan Dowladda.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la yeeshay xubnaha Ururka Dalxiiska Soomaaliya SOMTA, waxaana kulanka diirrada lagu saarey xoojinta kobaca dalxiiska Soomaaliya oo kaalin muuqda ka qaadan kara sumcadda dalka, dhaqaalaha, shaqo abuurka isdhexgalka bulshada.

16- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ,ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani, ayaa magaalada Doha ku kala saxiixday heshiis iskaashi difaac ,kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya,Danjire Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abubakar,iyagoo kawada hadlay xoojinta xirirka taariikhiga ee labada dal.

18- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalim Caliyow Ibrow ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş,kulanka ayaa diirrada lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada kaalmada bulshada, horumarinta qoyska, iyo adeegyada bulshada.

19- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo Guddiga Hagidda Barnaamijka , kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska.

20- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

21- Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka qaadan karaan kaarka aqoonsiga qaranka.

22- Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, ka dib markii magaalada Laas Caanood lagu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali.

23- Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageeradeeda mowqifyada Midowga Afrika (AU) iyo Urur-goboleedka IGAD ee la xiriira madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

25- Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee militariga Soomaaliya ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo guul ka gaaray hawlgal ka dhacay Kudhaa, Jubbada Hoose, laguna xaqiijiyay gacan-ku-haynta iyo amniga degaanka oo ay soo weerareen canaasiirta Khawaarijta ah ee Alshabaab.

26- Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale waxaa looga digay in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha Caasimadda Muqdisho.