Home Blog Page 60

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanada Murcudka, Wadaariq,Faarax Aadan,Bacadka iyo deegaano kale oo hoos taga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Deegaannadan ayaa Khawaarijtu u adeegsan jireen meel ay ku aasaan miinooyin, isla markaana shacabka ku khasbaan inay bixiyaan lacago baad ah.

Howlgalkan ayaa dhacay kadib markii ciidanku heleen xog sugan oo ku saabsan dhibaatooyinka khawaarijtu ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadan,Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in ay ku burburiyaan fariisimihii Khawaarijta, waxayna cadowga gaarsiiyeen jab culus.

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

0

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi ayaa maanta daahfurtay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo socon doona 15-ka ilaa 29-ka bishaan waxaa soo qaban-qaabiyay Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka Shiinaha (NDRC), iyadoo diiradda lagu saarayo maamulka, hoggaaminta iyo hannaanka dawladnimada casriga ah.

Aqoon-isweydaarsigaan waxa uu salka ku hayaa istaraatiijiyad lagu doonayo in laga faa’iideysto khibradda qoto-dheer ee uu Shiinuhu ku kasbaday dib-u-habaynta dowladnimada, furfurnaanta dhaqaale iyo istaraatiijiyadaha horumarineed ee guuleystay.

Ujeedka kulanka waa in mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku arkaan, ku falanqeeyaan, kuna qiimeeyaan hababka lagu gaaro horumar joogto ah oo ku dhisan qorshe qaran, hufnaan iyo adeeg dadweyne oo tayo leh, si ay fikradahaasi ugu tarjumi karaan duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Danjire Drs. Hodan Cusmaan Cabdi oo ka hadashay kulanka aqoon-isweydaarsiga ayaa xustay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay dadaallada socda ee Soomaaliya ku doonayso dib-u-habaynta hay’adaha, kobcinta dhaqaalaha iyo dhisidda dowlad hufan oo wax-ku-ool ah,iyadoo docda kale ku boorrisay kaqeybgalayaasha in ay si furan uga faa’iideystaan waayo-aragnimada Shiinaha.

Mas’uuliyiinta ka socday Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka Shiinaha (NDRC), ayaa dhinacooda muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maamulka, dib-u-dhiska hay’adaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhimac.

Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana lagaga hortagayo dhagarta Khawaarijta, ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Cumar Beere iyo deegaano kale, waxaana ciidanku ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen wadooyin ay isticmaalaan shacabka deegaanka, si ay ugu dhibaateeyaan.

Ciidanka geesiyaasha ah ayaa miinooyinkaas burburiyay, iyagoo mar kale xaqiijiyay badqabka iyo amniga dadka deegaanka.

 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise Sharciyeedka Macdanta.

Shuruucdan ay goluhu ansixiyeen, ayaa qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, iyada oo goluhu uu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaareen dagaalka Khawaarijta looga sifeynayo dalka.

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

0

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil ah oo toogasho ah tiirka cadaaladda ee magaalada Muqdisho, kadib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay horey ugu ridday xukun dil ah saddex eedeysane oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo lagu helay dambiyo culus.

Ragga la toogtay ayaa kala ah:

– Abuukar Axmed Maxamed (Anwar)

– Xamsa Jeylaani Cabdullaahi (Abtiga)

– Xassan Cali Xuseen (Garaad)

Maxkamadda ayaa horay ugu xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal qorsheysan, qaraxyo, iyo falal amni-darro oo ka dhacay Caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada amniga ayaa si adag u sugaayay goobta xukunka lagu fulinayay, waxaana falkani uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka kooxaha Khawaarijta iyo xaqiijinta cadaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah hoggaanka sare ee hay’adaha garsoorka dalka, ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika (EAMJA) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarka garsoorka, isdhaafsiga talooyin ku saabsan sida looga faa’iideysan karo xubinnimada ururka daboolidda baahida loo qabo wada-shaqeyn joogto ah .

Xubnaha ka socday Ururka EAMJA ayaa soo bandhigay taariikhda Ururka, mashaariicda ay ka hirgeliyeen dalalka xubnaha ka ah, iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada tababarka, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo mideynta heerarka shaqada garsoorka.

Ujeedka booqashada Wafdiga ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha garsoorka ee gobolka iyo sidii Soomaaliya ay xubin uga noqon laheyd ururkan.

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdi Rashid Xaaji Cabdi, oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uga qeybgalaya Shirka Horumarinta Biyaha Qaaradda Afrika.

Intii uu shirku socday, Mudane Jibriil Cabdi Rashid ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa. Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isaaq.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, iyadoo diiradda la saaray:

– Kor u qaadista iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada.

– Fududeynta socdaalka iyo fiiseyaasha muwaadiniinta labada dal.

– La-dagaallanka tacaddiyada lagula kaco ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

– Taageeridda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ramaphosa martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, xasillinta, wacyigelinta bulshada, la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga wararka been abuurka ah.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray guulaha laga gaaray hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo horseeday in cadowga lagu wiiqo goobaha dagaalka. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la dardargeliyo iskaashiga labada dhinac si loo sii xoojiyo dadaallada nabadeynta iyo xoreynta dalka.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa Midowga Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta dhinacyada warbaahinta, wacyigelinta iyo la dagaallanka argagixisada.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane El Hadji Ibrahima Diene, ayaa dhankiisa ballan qaaday in Midowga Afrika uu sii laba jibbaarayo kaalintiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka samaysay dhinacyo badan, taasoo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Ku-Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Mudane Mukhtar Osman Kariye, Taliyaha Guud ee Ciidamada AUSSOM, General Samuel Kavuma, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo u rajeyay dhaawacyada in Alle u boogo dhayo oo caafimaad degdeg ah siiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameeyeen xaaladda ka taagan gobolka.

Madaxweynaha ayaa faray ciidamada ka tallaabay xuduudda dalka aan darsika nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii, isagoo xaqiijiyay in aan cidna ciqaab la marin doonin, isla markaana loo ballan qaadayo badqabka iyo nabadgelyadooda.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadaha gobolka in ay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

 

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan. Howlgalkaasi oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in la beegsaday kooxo Khawaarij ah oo halkaas ku urursanaa, kuna diyaargaroobayay weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed iyo xarumaha dowladda. Sidoo kale, waxaa la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay horjoogeyaal muhiim ah oo muddo dheer dhibaato ku hayay bulshada deegaanka, kuwaas oo door weyn ku lahaa falalka amni darrada.

Howlgallada noocan ah ayaa qeyb ka ah dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, loogana xoreynayo guud ahaan dalka. Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in aysan jirin meel ay ku dhuuman karaan cadowga shacabka Soomaaliyeed.